SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

Qeebtii 4-aad

Wax qabadkii maxaakimta….!!

In ka badan 16-sano oo foowddo iyo dhibaatooyin ah, ay koonfurta Somalia ka socdeen ayay Midowga Maxaaakimta oo horkacaya kafdoonka shacabka waxa u suura gashay in ay gacanta u gasho magaalada Mogadishu. iyo inta badan koonfurta Somalia,Midowga Maxaakimta waxa gacanta u gashay dhul aad u balaaran.mana muuqan diyaar garoow in dhul intaa ah ay Maxaakimta gacanta ku dhigi doonaan.hadana cid walba oo caqli lah waxa u muuqanayso Maxaakimta waxa ay qabteen,balse way adagtahay si horumar badan loo gaaro, maxaa yeelay maxaakimta waxa gacanta u galay magaaloyiinka inta badan dadka ku nool aysan dolwadnimo iyo maamul aqoon.balse Alle hadii uu idmo waxa aan tilmaami doonaa Maxaakimta waxyaabaha lagu xasuusan doono.

1- Nabada.

Nabad,Nabad,Nabad, waa waxa maanta Somalia meelkasta oo ay joogta ay raadiyaan,Nabadu waa nolal,hadii aysan jirin nabad nolal ma jireen,Midowga Maxaakimta waxa ay wax ka qabteen waxa ugu muhiimsaa waxa ay aheed in ay meelaha ay ka talin jireen ay ku soo celiyeen kala danbeenta iyo xasiloonida,magaaladii Mogadishu ayaa isku furantay, waxa isu soo baxay dad aad u fara badan, mashaxarad iyo farxad ayaa dadka ka muuqday, sidoo kale jidadkii mudada 16-ka sano xirnaa waa la wada furay, xaafadihii aan isku gudbi jirin waxa ay noqdeen kuwo isku furan, isbaarooyinka jidadka iyo xuduudaha magaaloyin badan oo koonfurta ah waa la qaaday, waxa fududaaday iso socodkii dadwaynaha.

Socdaal bishii July ee sanadii 2006-kii uu ku yimid magaalada mogdishu Joe Gordon oo qaramada midoowbay u qaalbisan amaanka, waxa uu magaalada Mogadishu ku so maray socdal gaaban, waxa uuna ninkaasi qiray in magaalada mogdishsu ay aheed meel nabad ah, sidoo kale soo dhaweenta wafdiyada ka iman jiray aduunka laguma soo dhaween jirin wax gawaarida dagaalka ah, taasi waxa ay cadeeynaysaa Midowga Maxaakimta waxa ay ka qabteen dhanka amaanka.balse maanta xitaa madaxwaynaha magaalada si xoriyad ah maku marikaraane.?

2- Furida goobaha danta guud.

Markii maxaakimta ay gacanta ku dhigeen caasimada Mogadishu, waxa si fudud u suura gashay in ay furaan garoonka caalamiga ah iyo degada magaalada Mogadishu,bilihii July and august ee sanadii 2006-kii,oo xirnaa ku dhawaad 10 sano waxa ayna u xirnayeen shaqsiyaad gaar ah, waxaana furustaankaasi fududeeyay in hal awood ay magaalada gacanta u gashay, lagana gudbay xiligii qabiilka iyo kala xir-xirnaanta,sidoo kale maxaakimta waxa ay si caalami ah u fureen masjidka Isbaheesige Islaamka oo ah masjid aad u balaaran,balse hadii maxaakimta waqti badan ay sii jiri lahaayeen waxa furmi lahaa gobo kale oo muhiim ah.

3- Hanti isu celin.

Magaalada Mogadishu, oo ah meesha ugu dhibka badneed wadanka guud ahaan shalay iyo maantaba. marka laga reebo 6 bilood oo maxaakimta ay ka talinayeen, markii wadanka laga qaxay si sharci daro ah ayay shaqsiyaas magaalada yimid ama horay u sii joogay ay xoog ku qabsadeen hanti aysan laheen, waxa ayna sheegan jireen in ay xoog ku heestaan ama ay Taabsadeen(waa eray afsomaliga ku soo biiray xiligii foodada).

Balse maxaakimta markii ay awooda gacanta ku dhigtay waxa suura gashay in guryo iyo hanti kalaba la’isku celiyo, waxa ay neefka ka fuqday dadka qaar oo magaaalada ku joogay cabsi xoriyadna aan u heesan ay sida ay rabaan ay u noolaadaan,arintaasna waxa ay aheed mid dad badan oo hantidooda xooga looga heestay ku soo celisay rajo fiican, balse iyadoo dadaalo badan ay socdan ayaa maxaakimtii meesha laga saaray.waxa ay aheed fursad aah u mihiim hadii maxaakimta ay sii jiri lahaayeen.

4- Ladagaalanka burcada.

Xiligii ay maxaakimta soo shaac baxeen, iyagoo oo aan awood sidaa u sii buuran aan heesan ayay hadana ladagaalami jireen burcada iyo xumaanta intaba, balse markii ay meesha ka saareen hogaamiyaashii dagaalka gacanta ay u gashay inta badan koonfurta Somalia, waxa suura gashay in ay burcada ugu daran ee jidadka dadka ku baarata ay la dagaalamaan, sidoo kale waxa ay dagaal ba’an la galeeen burcada nooc walba oo ay yihiin, sidoo kale waxa ay la dagaalmeen burcada afduuubata maraakiibta.

Sida uu ii sheegay min kamid ah ragii Midowga Maxakimta taliyaashooda ka tirsananaan jiraya xiligii dagaalki isbaheesiga ay maxaakimta kula jireena aan dhoor mar la kulay hadana ku sugan magaalada Nairobi, waxa uuna yiri “in burcada laga adkado waxa fududeeyay shacabka oo maxaakimta la soo xariira melkasta oo ay ku arkaan.sidoo kale waxa Mogadishu ka dhacay Khisaaq lagu fuliyay rag dilal geestay, arintaasna waxa ay sii yareesay burcadii”.

Sidoo kale waxa aniga ahan layaab ila noqoray in aan magaalada Nairobi ki arkay rag badan oo jidadka ay isbaaro u taalay xiligii Maxaakimta ay talada hayeen kara soo cararay qaarkoodna hada dib u laabtay, sidoo kale burcada oo yaraatay aya suura galisay in goobaha maxaakimta ay ka talin jireen in ay noqdaan meelo aad u nabdoon..

Gabagabo.

Waxa aan qormadan u soo gaabiyay in wax qabadnkii maxaakimta marka loo bar-bardhigo waxa hada soda ay noqonayso wax qabad aad loogu diirsaday,maxaakimta cid walba oo dhaliil u heeysay maanta marka ay aragto wadankii qaabo ka tirsan oo u muuqda meel rajo la’aan ah, maxaa maskaxdiisa ku soo dhici lahaa.?aniga ahaan runtii maxaakimta waxa ay bulshada u qabteen wax badan ayaan kala socda inkstoo xiligii ay talada la wareegeen aan u soo wareegtay magaalada Nairobi hadana waan la socday.

Sida muuqata maxaakimta waqa badkooda gaalo iyo islaamba way u riyaasheen. Balse cdia ay dhibeeyso waa la garan garaa, waa intii wanaaga umada hortaagneed oo ilaa maantana daba joogta sidoo umada loo sii halaagi ahaa.

Ugu danbeeyntii alle ayaan u baryayaa dadka ku dhibaateeysan meelo badan oo koonfurta Somalia ah, maanta waxa ceeb ah in magaalada Mogadishu. Ay jidadka bucadii soo fadhiisteen, sidoo kale dilalka macna darada ahna ay sidiii hore ku soo laabteen

Aqriste qeebta soo socota ee shanaad waxa aan ku soo qaadan doonaa jabkii maxaakimta gudaha iyo dibada. AKHRI HALKAN q.5aad

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

Salaamat minkuli aafaat.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 1, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH