Anniga iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.!!

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.
http://www.somalitalk.com/gentleman/
Asalaamu Calaykum.
Alle ayay mahadii oo dhan u sugnaatay.
Sheikh Shariif Sh. Axmed markii iigu horeeysay waxaan magaciisa ka maqlay
Warbaahinta Magaaladda Mogadishu oo aan ku noolaa, balse waxa uu magaciisa iyo
kartidiisa dad badan oo aniga illa mid ah ay barteen dagaalkii ay wada galeen
Midowaga Maxaakimta ee uu ka ahaa Gudoomiyaha iyo Hogaamiye Kooxeedyadii
Magaaladda Mogadishu xoogga ku lahaa ugu danbeyntiina ay guusha haleen Midowgii
Maxaakimta ee Somalia.
Sanadkii 2006, Markii iigu Horeeysay ee aan Sheikh Shariif lakulmo.
Kaddib markii ay Midowgii Maxaakimta ay dagaal ku qabsadeen Gurigii uu ka
daganaa Xaafadda Buula Xubeey ee Degmadda Wadir Abdi Waal oo ka tirsanaa
Isbaheeysigii Argagixiso la dirirka ayay Maalmo kadib waxa ay Midowgii
Maxaakimta isugu yeereen dadka deegaanka Buula Xubeey si xaafadda loogu sameeto
Maxkamad u gaar ah. Xilligaasi aniga waxaan ka mid ahaa dadkii ka qeebgalayay
Furitaankii Maxkamadaasi balse nasiib wanaag waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo
qeebgalay Furitaanka

Seikh Shariif iyo saaxiibadii Midowgii Maxaakimta
Janaqoow, Abuu Qutayba, Dr. Iiman ayaa sawirka
ka muuqdo. masjidka Isbaheeysiga Mogadishu.
Maxkamadaasi Sheikh Shariif oo ahaa ninka ugu magaca dheeraa xilligaasi
Magaaladda Mogadishu. Balse xilligaasi Sheikh Shariif waxa uu iila muuqday qof
uu daal ka muuqday waxa uu ku labisnaa Shaati, Macawiis iyo Cumaamad. Dadkii
kalle meesha joogay waxaa ka mid ahaa, C/raxmaan Janaqoow, Abuu Khutayba Allaha
u naxariistee iyo ninka lagu magacaabo Yusuf Indhacadde oo Hogaamiye kooxeed
ahaa asalkiisa. Xilli walba iyo xaalkiisa. Inkastoo aanan nasiib u yeelan in
magaaladda Mogadishu joogo Xilligii ay Midowgii Maxaakimta inta badan Koonfurta
Somalia ay gacanta ku hayeen.
2008, Sheikh Shariif Nairobi ayaan ku Arkay.!!
Nasiib kalle ayaan u yeeshay labo sanadoo kadib in aan ka mid ahaa Boqaalkii
Somalidda ahaa ee isugu yimid Hotel Hilton ee Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,
markana dadka intooda badan waxa ay ahaayeen dad ka soo cararay dagaalka dalka
socda. Balse arrinta la yaabka leh waxa ay tahay in galintaankii Hotel Hilton ay
noqotay mid saf loo galo Boqolaal dad ah ayaa isug yimid Hotelka Hortiisa.

Waa anniga oo dhaxtaagan Hoolkii Kullanka uu ka dhacay ee
Hotel Hilton, 22/June.
Arrinta kalle ee xasuusiinta u baahan waxa ay tahay in ilaalo aad u adag in ay
meesha ka jirtay marka ugu horeeysa galintaanka Irrida Hore ee Hotelka waxa uu
ahaa mid waardiye adag la dhigay, waxaa xigtay in aadan gaarin Hoolkii uu
kullanka ka dhici lahaa in jaranradda ay taagnaayeen sadax nin uu laba ka mid ah
ay ahaayeen Kenyan. Ugu danbeentiina albaabka Hoolka Kullanka ka dhici lahaa
waxa taagnaa nin Somali ah iyo nin kalle oo Kenyan ah. Taasi waxa ay aniga I soo
xasuusisay in Sheikh Shariif uu yahay nin miisan culus leh xilligan. Waxaana
muuqda isbadal badan.
2006 iyo 2008 Shiekh shariif saaxiibo kalla duwan ayaa la socotay.!!
Sanadkii 2006 Sheikh Shariif oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Fulinta ee Midowgii
Maxaakimta Somalia waxaa la socday markii iigu horeeysay ee aan arkay, C/rahman
Janaqoow oo ah nin dhalinyar, Abuu Khutayba oo ahaa nin Geesi ah iyo Yusuf
Siyaad Indhacadee oo Gobalka Shabeeladda Hoose awood ku heestay balse shaati
Maxaakim watay dhamaantooda a ugu danbeentiina hadalkii uu yiri ee ahaa todobo
bari ayaan ku tagi doonaa magaaladda Adis Ababa kadib u duulay dalka Saudiga
sheekadaas yaan ku dheeraan saaxiibo badan oo maanta meelo kalla duwan jooga
ayuu Sheikh Shariif wax la qeebsan jiray xilligaasi. Aduunka maalinta waa ceen.

Sheikh Shaarif iyo Saaxiibadiis Hotel Hiltom sawirka/Ibraahim Da'ud
Sanadkan 2008, balse markan waxa uu Guddomiyaha Isbaheeysiga Dib u Xoreeynta
dalka Somalia waa xaalad ka duwan markii dalka Somalia la joogay shacabkana lagu
dhaxjiray wax walbana way si badaleen balse markan saaxiibadii hore way is
badaleen Hilton markii uu Hoolkii Kullanka uu ka dhici lahaa dhinacyo socday
Shariif Hassan oo ahaa Gudoomiyihii Baarlamaanka DFG haatana ah Gudoomiyaha
Golaha Dhaxe ee Isbaheeysiga Dib u Xoreeynta, Suleeymaan Colaad Rooble,
C/rahmaan Abdishakuur Warsame, Mohamed Abdi Yusuf, Ugaas Axmed Bille iyo Pro
Mohamed Abdi "Ibbi". Dhaandootna ay ka wada tirsanyihiin Isbaheeysiga Dib u
Xoreynta Somalia.

Jaaliyadda somaliyeed ee dalka Kenya oo saf ugu jira Galitaanka Hotel Hilton
ee magaaladda Naiorbi xilli uu Sheikh Shariif la balansanaa.
Kalla duwanaasho ayaa ii muuqanaya, Sheikh Shariif 2006 markii aan arkayay waxa
uu ahaa nin dagaal ku jiray, balse 2008 waxa uu aha nin xitaa labiskiisa uu is
badal waxa ka muuqatay in uu yahay nin wax badan ka bartay intii uu ku jiray
siyaasadda dibad jooga ah iyo saaxiibadda kala fikirka ah ee ay Isbaheesiga ku
soo dhisteen Magaaladda Asmra walina qeeb ka mid ah ay ku suganyihiin magaaladda
Asmara..
Sheikh Shariif iyo Nabad Jaceelka.!!
Nabad ayaad naas la nuugo leh, nabad haddii ay jirtana waxa dadkeena ku dhacaya
iyo dayacnaanta naga muuqata ma jiri laheyn. Shiekh Shariif ayaa Boqolaal Somali
ah oo uu kulla hadlayay Hotel Hilton waydiiyayay Maanta meesha ay Diinta
Islaam-ka ku fiicantahay Somalia iyo Kenya.? Dabcan jawaabta way iska cadahay in
dalka Somalia maanta waxa ka socda xitaa aysan saamixi Karin wax badan oo dadka
loo qaban lahaa sida Muxaadaroorinka I.W.M.

Jaaliyadda Somalida ah ee isugu yimid Hotel Hilton. June/22/2008
Sheikh Shariif waxay dad badan ku jeclaadeen Halgankii uu Magaaladda Mogadishu
kaga saaray Hogaamiye kooxeeyadii, sidoo kalle magaca uu maanta leeyahay waa
magac uu ku helay sidii dadkiisa somaliyeed ay u heli lahaayeen nabad isla
markaana nolasha dadka Somalida ay noqoto mid la tartanta tan aduunka.
Heshiiskii Geesimadda ahaa ee uu Shiekh Shariif iyo saaxiibadiis ay la gaareen
DFKG ee Somalia waxa uu ahaa mid taariikhi ah, maxaa yeelay haddii aan la wada
hadlin dagaalka hadda ku kooban Koonfurta Somalia waxa uu gaari doonaa dhulka
somalida oo dhan sida hadaba ka muuqata wajiyadda cusub ee dagaalka ee ah in uu
dagaalko culus ay maalmihii danbe ay ka dhacayeen Goballada Hiraan iyo
Galgaduud, dabcan shaki kuma jiro haddii uu dagaalka sidan ku soo socda in aysan
Ethiopian bixi doonin isla markaana uu dagaalka gaari doono Gobalo badan oo
dalka ah oo haatan dagan. Dhibaato intan ayaa noogu filan.

Shariif Hassan iyo Shiekh Shariif oo dadkii isugu yimid Hotel Hiton Hadal
ujeedinaya. June/22/2008.
Sheikh Shariif ma nihin isku Qabiil aanu nahay balse aniga iyo kumanaan Somali
ah waxa aan ku taageernay Sheikh Shariif in uu yahay nin Geesi ah isla markaana
aan wax aflagaado ah aan lagu aqoon iyo intaas iyo in ka badanba, waana taas in
Dowladaha Danaha kaleh Somalia ay Sheikh Shariif u arkaan in uu yahay ninka
kaliya ee xilligan Hormuud ka noqon kara dalka Somalia. Waaba haddii ay dhacdo
in uu aqlabo in uu Hogaanka dalka isu soo taago.
Ugu danbeytii marka sadaxaad ee aan Shiekh Shariif aan la kulmo doono waxa aan
rajeeynayaa in ay noqoto isaga oo Madaxwaynaha Somalia ah, Hadduu Alle idmo.
Wax walba way dhacaan, siyaasadda Somalia way is badal badantahay balse Sheikh
Shariif waxaa wanaagsan in uusan dabeesha raacin balse uu u fiirsado waxa dalka
ka socda, dalka maanta waxaa ka jira Colaado, Fikir kala duwan iyo kooxo
siyaasadeed oo kalla ujeedo ah. Sidii uu dhamaantood u qancin lahaa waa mid u
baahan cilmi in caqli dheeraad ah balse waan rajaynaya in uu Sheikh Shariif
yahay nin hoolahaas dhabarka u dhigan kara.
Sheikh Shariifow Alle ka kulla garabgalo hoosha adag ee ku hortaal, sidii aad
Hotel Hilton ka sheegtayba maanka waan ku hayaa markii aad laheed qof walba waxa
uu hayo ha keediyo, Lacag, Cilmi iyo Caqli intaba marka loo baahdana waxaan
filaya in aan soo bandhigi doono.. Sheikh Shariif kaligaa ha is moodin dad badan
oo aadan wali arag ayaa Halganka kugula jiro. Somali maanta waxa ay taagantahay
Allow dalka may nabad ka dhalato.
Wabilaahi Towfiiq.
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya