KULANKA SAXAFIGA & SOMALITALK:
Wariye C/naasir Zero: Majirto dhabo aannu ku baxsano inaanu
cararno mooyaane…
Hordhac.
Kaddib bur-burkii Qaranimada Somalia, Somalia waxa soo waajahay
dhibaato aad u fara badan gaar ahaan bahda saxaafada Somalia, basle
sidaa oo ay tahay dadaalka Horumarinta saxaafada Somalia ma uusan noqon
mid meesha looga tago. Ninba taagtiisuu tilaabsadaa ayay sheekadu ku soo
aruurtay.
Waxaana warbahinta Somalia hormuud ka ah shaqsiyaad ama heyado gaar
ah oo u istaagay sidii warbahinta Somalia aysan u raaci laheen
Qaranimada dalka ee lagu ciyaaray. Hoosha ugu badana cida iska leh waa
wariyaasha naftooda iyo waqtigooda huray.
"Waarimeeysidee war ha kaa haro", maanta bahda saxaafada somaliyeed
waxaa soo waajahay dhibaato fara badan, dalka Kenya-na waxaa maanta ku
sugan warfidiyeeno tiro badan oo dhamaantood Qax ku ah dalkan Kenya,
waxayna la soo baxdaseen naftooda markii la dilay saaxiibadood iyadoo
isla markaana cabsi galinta qofkii wax sheega ay iska noqotay mid
sahran.
Akhristayaasha sharafta leh qormadan magaceeda aannu ugu magacdarnay
kullanka safaxiga iyo somalitalk waxaan uga hadli doonaa ama aan ku
wareeysan doonaa wariyaasha somaliyeed meelkasta oo ay joogaan intii
inoo suura gasha, qormadan oo ahaan doono mid joogta ah waxaan
rajeeynayaa in bulsha weynta somaliyeed meel kasta oo ay joogaan aannu
ugu soo gudbiyo xaalada iyo arrimaha ku saabsan warfidiyeenada
somaliyeed.
Qormadan maanta waxaanu daah fur uga dhigi doonaa waraysiga wariye
C/naasir Mohamud Cumar "Zero" oo nasiib u yeeshay in uu noqdo shaqsiga
ugu horeeya ee qormadan looga hadlo sheekada ku saabsan C/naasirna waxa
ay ku bilaabaneeysa sidan soo socota:-
Waa nin sidee ah C/naasir "Zero".?

C/naasir Mohamud Cumar "Zero"
C/naasir Mohamud Cumar kuna magac dheer "Zero" waxa uu dhashay 1-
January-1972, waxa uuna ka soo joodaa qoys military ah dhanka danbcan
aqoontuma kama marna hooyadiis waa Engineer.
C/naasir "Zero" Shaqsi ahaan waa nin aad u sheeko badan, runtii marka
uu kuu sheekeeynayo waxaad moodaa sida web-ka Google oo waxa uu
xasuusanyahay dhacdooyin fara badan isaga oo dhacda walba ama sheeka
kasta oo uu ku sheegaya raacinaya taarikhda ay dhacday, C/naasir "Zero"
mala sheekeysatay mise kuu sheegeeyay.? Waa nin aad u dabeecad wanaagsan
inta badana waxa uu jecelyahay in uu dhalinyada uga sheekeeyo
dowladnimada iyo wanaaga ay leedahay waxbarashada, waana nin uu Alle ugu
deeqay heebad iyo Hadal wanaag gaar ahaan aftahanimada oo aan lagu
gaarin marka uu hadlayo iyo sida uu wax u cabirayo waxa uuna ku fiicnaa
in uu noqdo nin "Falanqeeya ah"
Waxbarashadiisa:-
Waxa uu ka mid ahaa dhalinyadii fursada u heshay in ay wax bartaan
xilligii bari samaadka, runtii dadaal fara badan ayuu sameeyay
waxbarashdiisa waa sidan soo socota:-
- 1976-1984 Dugsiga hoose dhaxe iyo Axmed Gureey.
- 1982-1984 Dugsi sare Beeraha Afgooye.
- 1984-1986 National service "Shaqada Qaranka"
- 1989-1990 Bachelor arts 'BA" gaar ahaan Kuliyada Saxaafada ee
jaamacadii Umadda.
- 2005-2008 marka la gaaro sanada 2008 hadduu Alle idmo waxa uu
diyaarin doonaa shahaadada Arrimaha Bulshada ee jaamacada Education
watch university ee magaalada Mogadishu kutaal.
Khibradiisa dhanka warbaahinta ama Guud ahaan saxaafada.?
- 28-April-1991-2000 waxa uu ka shaqeeynayay "state Raido" ama
Raido Mogadishu, isagaa ka gaaray ku xigeen Qoraa sare ee wakaalad
wararka somaliyeed ee "SONNA". Gudoomiye ku xigeen, shqaale,
agaasime waaxda maamulka iyo shaqaallaha.
- Sannadihii 2000-2003, waxa uu ka soo shaqeeyay Raido Fm & Tv
Hornafrik, waxa uuna ka gaaray soo saare Barnaamij iyo war aqriye.
- 2003-2005, waxa uu ka soo shaqeeyay local raido & TV stn, waxa
uuna ka gaaray War aqriye, Tifaftire iyo agaasimaha guud
- 2005-2006, waxa uu ka soo shaqeeyay Radio Xamar loona yaqaan
VOD, waxa uuna ka gaaray soo saare Barnaamij, War aqriye, iyo
lataliyaha sharciga saxaafadda.
- 2006-2007, waxa uu ka soo shaqeeyay raadiyaasha kala ah Radio
GBC (Codka nabadda), kunna yaal magaalada Gaalgacyo, waxa uuna ka
gaaray darajada ah agaasimaha waaxda tabarada, sidoo waxa uu ku ka
mid ahaa wariyaashii idaacada Radio Baay ( Codka Jamhuuriyada
somaliyeed).
Siminaarada uu fursada u helay..

Ibraahim "Gentleman" oo waraysanaya C/naasir "Zero"
· 18-octobar---30-octobar-1994, siminaar saxaafadeed oo ay qabtay
Wasaarada Warfaafinta, balse waa markii ay meesha ka baxday dowladii
Somalia.
· 1-April----6-April-2000, Sinimaar ku saabsan Anshaxa saxaafada oo
ay Qabatay BBC-da.
· April-May-2000, siminaar ku saabsan Anshaxa Wariyaha iyo Xirfada
Raadiyaha
· 8-February----31-March-2003, siminaar ku saabsan Khibrada
saxaafada oo uu lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isla
markaana waxaa bixiyay wakaalada Qaramada Midoobay ee " IRIN".
· 30-March---4-April-2004, siminaar ku saabsan sare u qaadida
aqoonta Tababarayaasha saxaafada Somalia.
· 26-septemper-2004, siminaar ku saabsan sare u qaadida xirfada
agaasimayaasha.
Sidoo kale waxa uu macalin dhanka saxaafada ah ka soo noqday maglaada
Mogadishu, waxa uuna saxaafada wax ka baray wariyaal fara badan oo
qaarkoodna ay maanta ka midyihin bahda saxaafada Somalia.
Shaqooyinka ka baxsan saxaafada ee uu qabtay.!
1. 1991-1993, xiriiriyaha bisha cas ee somaliyeed ee Hospital
Digfeer.
2. 1992-1997, afhayeenka ururkii dhalinyarada ee USSY ee uu
madaxda ka ahaa Allaha u naxariistee Mohamed Ali Axmed oo ku
magacdheeraa " Elman".
Intii uu warbaahinta ku jiray wariye "Zero", maxaa ugu yaabka
badnaa, cashar sideE ah ayuuna ka bartayna.?

C/naasir "Zero" oo u waramaya Ibraahim "Gentleman"
Khibraddu wax sahran maahan, si sahlana kuma timaado, wariye "Zero"
dad badan waxa ay ku xasuustaan guur-guurida FM-yada magaalada Mogadishu
oo uu marba idaacad cusub ka hadli jiray. Arrintaas mar aan wax ka
waydiiyay waxa uu igu yiri "Maamulada idaacadaha gaarka loo leeyahay
(bareefadka ah) iyo qofka shaqaalaha ah ma jiro sharci u dhaxeeya, maxaa
yeelay sida caalamiga ah aduunka waqti ayaa lagu shaqeeyaa waxayna
madaxda idaacadaha doonayaan in ay maskaxdaada ka faa'iideestaan in ka
badan 12 saacadood iyada oo lacagta ay ku siinayaan ay tahay mid aan
sidaa u sii badneen taasina waa mid adag". Waana arrin runtii ah mid
iska cad, haddii runta laga hadlayo shaqaalaha idaacadaha ka jira
magaalada Mogadishu into badan ma helaan xuquuqda qofka shaqaalaha uu
leeyahay si hoose haddii aad ula sheekeeysatana runta waad heli kartaa,
intaas waxaa dheer in wariyaasha barkood ay ku shaqeeen jireen lacag
la'aan ama magac shaqo ku badalasho.
Wariye "Zero" wax badan oo uu la yaabay wuu ii sheegay balse aniga
ahaan waxaa iila yaab badnaa markii uu igu yiri "Maalin baa la noo soo
sheegay in gabar lagu dilay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Mogadishu,
gabadha waxa madaxa oo dhan ku yaalay dhaawac ah masaamiir, markii aan
is niri bal arrinteeda wax ka ogaada meesha meedkeeda uu yaalay Dagaal
oogihii ka talinayay ayaa diiday In aan xitaa u dhawaano, iyadoo
meedkeeda uu ahaa mid aad u xanuun badan maalintaas". Magaalada
Mogadishu waxa ay markaasi u kala qeebsaneed Hogaamiye Kooxeedyadii
Mogadishu, maantana Mogadishu waxa ay u qeebsantahay ciidanka Gumeeysiga
Ethiopia iyo shacabka xaqooda lagu tuntay xasuuqana loogu daray.
Guushase inta sabarka badan ayay u sugnaatay, Gaal iyo Gaalo raacna bay
halaagu ku danbeen doontaa.
Dhamaad.
Intaas ayaan ku egyahay qoraalkan, waxay ku fiicneed in aad su'aal
iyo jawaab ka dhigo balse "Ood Qaadis iyo Jiidis waa isla Guri geen".
Ujeedka aan qoraalkan ka leenahayna waa sidii bulshada iyo warbaahinta
uu iska warqab uga dhaxeen lahaa.
Anigana waxaa sharaf ii ah in aan la kulno dad badan oo warbaahinta
Somalia ku jira, ama iiga horeeyay ama iiga danbeeyay.
Wixii talo iyo tusaalo ah waxaad ku soo hagaajin kartaan cinwaanada
hoos ku xusan.
F.G
Qormadan kullanka saxafiga iyo somalitalk cid walba oo daneeyneysa
warbaahinta Caalamka iyo gaar ahaan tan Somalia in ay kaga hadasho waan
soo dhaweeynayaa. Cidna gaar umma ah qof walba oo jecel in uu wanaag
ummada u sheego way u furantahay. Waxaadna naga soo xariiri kartaan
E-meal-lada hoos ku xusan.
Mahadsanidiin.
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentelman"
Kullankasomalitalk@gmail.com ama
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya.