SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad

Maxaakiimta kadib maxaa dhacay.?

Q.7-aad.

Markii maamul dhisan meesha laga saaro, waxa cad in umada maamulkaas hoos tagi jiray ay soo waajahaan dhibaatooyin aad u fara badan oo dhan walba ah.MMI marka loo bar-bardhigo maamulka cusub waxa aan filaya in ay aad u kala duwan yihiin dhan walba inkastoo maamul isbaheeysi iyo mid dowladnimo ay kala duwan yihiin waa hadii dowladu ay tahay mid horiyad buuxda heeysata daacadna ah.

MMI waxa ay ahaayeen fursad muhiim ah, guud ahan Somalia gaar ahaan dadka ku nool gobalada Koonfureed.balse sida dhabta ah fursadaan waxa ay u baahneed hogaan ku dhisan daacad iyo aqoon.inkastoo la nabad meel walba ay ku soo dabaaleen aniga ahaan waxa aan is leeyahay waxbaa dhimanaa.oo iyada oo maamul aan loo sameen Mogadishu ayay u tilaabeen magaalada kismaayo iskastoo ay hadana jireen taatiko milatari.

Inkastoo aanan fursad u helin In aan xaadir ka ahaado wixii ay MMI ay qabteen, hadana waan la socday wax qabadkooda, waxaan is leeyahay waxa ugu wanaagsana ee loo baahna ayna qaban kareen in ay aheed in ay nabada soo celiyaan maxaa yeelay dadku waxa ay dhib badan ku qabeen in ay si xoriyad ah u noolaadaan nabaduna waa sheeyga wax walba ay ka dhalan karaan oo nolalasha u ah lagama maarmaan.

Maxaakimta kadib wixii dhacay way dhaceeen inta caqiliga u saaxiibka ah way fahmi karaa wixii dhacay wanaag iyo xumaanba, balse way iska fiican tahay in dadka la xasuusiyaa wixii dhacay taariikhda wax walba iyada ayaa qori doonta. Wax badan oo aan la soo koobi Karin ayaa dhacay oo dhici lahaa maamul jiray oo dhamaantiin jiridada loo siibay. Waxaan xusi doona khaar ka mid ah wixii dhacay sida:-

1-Dil & Barakac.

Dhamaadkii sanadii hore ee 2006, iyo bilowgii sanadan 2007, markii ciidamo Ethiopian ah oo ay hor kacaan kuwa dowlada ay ka adkaadeen MMI, waxa ka dhacay koofurta Somalia waxyaabo badan oo layaab leh, inkastoo somaliada aysan u aheen biloow oo ay dilalka iyo barakaca ay la qabsadeen inta wadanka joogta.

Waxa xusid mudan dowlad sheeganeeysa dowladnimo haddana ciidan dowlad ay Somalia ka dhaxeeyso cadowtinimo soo jireen ah ay ku casunta wadan xoriyadiisa ay u soo dhinteen geesiyaal hadeey manta noolaan lahaayeen ay qaracan u ahaan laheed.

Mudo ku dhawad 6 biloow oo ay guud ahaan koofurta Somalia gaar ahaan caasimada ay ku jireen nabad joogto ah, ayaa waxa ay wax walba is badeen markii MMI ay sheekeen dagaal lala galo dowlada. Balse go'aangaas uu ahaa mid aan la wada falanqeen sida muuqatana ay koox gaara wadatay.

Waxa dhacay dagaalo ba'an sidoo kale qax la mid ah kii dhacay 1991 ayaa shacabnka qaarkood haleelay, waa wax iskacad markii meel uu maalmul ka jiray ay maamul la'aan noqoto in wax walba ay is badali karaan, shacabka intiisa badan waxa dhacaya meesha ay u socda iyo meesha ay ka socdaan way fah la'yihiin, waxa guul daro ah in marba ay koox wadanka ay xukunkeeda qabsato gaar ahaan caasimada.mudo ku dhawaad 2 week oo Mogadishu uu dagaal ka socda dhaxmarayay kooxaha iska caabinta iyo dowlada+ ciidanka Ethiopia ay dhinteen ku dhawaad 1000 qof oo intooda badna ah dad rayid ah.

2-Tacadi & dhac.

Mudo 6 biloow oo nabad iyo farxad ah kadib goobihii ay MMI ka ay ka talin jireen waxa ay dib ugu laabteen sidoodii hore kooxihii burcada ahaa waxa ay dib u bilaabeen hoolgaladoodii ahaa dhicida iyo boobka hantida dadka rayidka ah. Waxa a shacabka ku nool yihiin cabsi har iyo habeen ah, qof walba waxa uu la cabsanaya hantidiisa iyo naftiisa.waxa sidoo kale la soo sheegaya in ciidan wata dareeska dowlada ay dadka u geeysanaya dhac bareer ah.

Dowlada taagta daran markii ay talada ay xoog kula wareegtay iyada oo kaashaneeysa ciidanka Ethiopia, waxa ay sameeyeen hoolgalo ay ku sheegeen in amaanka lagu soo celinayo, sidoo kale ciidanka Ethiopia waxa ay geesteen gaboodfalo aan waligeed la hilmaami doonin waxa ay si arxandaro ah u fara xumeeyeen hooyo somalideed, sidoo kale waxa ay si fool xun oo kale u kufsadeen gabdho da' ahaan aad u yar.

MMI islaamka nadaba ay ku soo dabaalen goobaha ay ka taliyaan ma aheen mid dadka lagu qaxbayay balse waxa la shaqeeynayay dadka, maanta madaxda dowlad marba mid ayaa ka badbaada dil, taasi waxa ay cadeeyneeysaa fashilka dowlada laga xukumo magaalada Adis Ababa.

3-Tacadiga Saxaafada:-

Bur-burkii dowladii Somalia kadib waxa wadanka ka biloowday saxaafad ah xor ah, inkastoo aysan jirin maamul toos ah oo mideeya saxaafada guud ahaan hadana waxa jiray kooxo sheegta in ay matalaan guud ahaan saxaafada somaliyeed, balse waxa wax walba ay is badaleen markii wadanka uu dib ugu laabta gumeesi gacanteena aan ku keensanay, dhanka kale waxa tacadi loo geestay wariyaal, walina waxa xabsiyada dowlada taagta daran ku jira wariyaal loo xiray maxaad runta u sheegeeysaan.waana arin ku cusub saxaafada maanta, iyadoo awalba ay dhib tahay in meel dowlad aysan ka jirin in laga hool galo.

Gabagabo..

Qormadan waxa aan ugu tala galay in aan u iftiimiyo dadka aan aqoonta fiican u laheen Maxaakimta islaamka, waan xasuusanahay in ay iga maqan yihiin macluumaad aad u fara badan balse wali waxa aan ku guda jiraa in aan wax badan ka ogaado midowga maxaakimta islaamka, inta aan hada qoray waxa ay ii tahay bilowga qoraalo badan oo aan ka qori doono.

Mahadcelin:-

Waxa aan mahad oo dhan iska leh Allaha ii suura galiyay in aan dhameeyo qoraalkan, sidoo kale waxa aan mahad gaara u celinaya 100% Moxamed Deeq Abdi Madar "Haldhaa" oo jooga wadanka Sweden, oo runtii in badan iga caawiyay qoraalka, Haldhaa sidoo kale waa qoraa, SomaliTalk-na waxa uu ku soo qoraa qoraalo cajiib ah, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa bahda SomaliTalk.com oo wax badan oo talooyin iyo dhiiri galin ah i siiyay, sidoo kale waxa aan mahad u calinaya dhamaan akhristayasha iyo dadkii qoraalada ii soo diray hadeey ahaan laheed talooyin iyo dhaliilo intaba.

Akhri: Baaritaan: Gidaarkii Berlin kadib maxaad kala socotaa Gidaarada wadamo badan laga dhisay.?.. AKhri...

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad

Salaamat minkuli aafaat.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH