SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

Wali waxa aan bartamaha kaga jirnaa qomadeenii aan ooga hadleeynay MMI, maantana waxa aan ku soo qaadan doonaa jabkii maxaakimta.

Qeebtii 5-aad. 

Jabkii MMI guddaha iyo dibada-ba.

Markii MMI ay soo if baxeen, waxa soo baxay dhalliilo loo jeedinayay oo dhan walba ah, qof  kasta oo taageersan, iskaba dhaaf inta ka soo horjeeday wanaagaas soo if baxay, balse waxa wanaagsan in la xasuusto in Alle un uu yahay  Kaamil

MMI islaamka waxa ay maamulka la wareegeen xili inta badan K/soomalia ay maamul uunan ka jirin in ka badan 16 sano. sidoo kalana.meelaha qaar oo maamul uu ka jirayne ay ka talin jireen maamulo hogaamiye kooxeedyo ah.balse wax yaabaha qaar ee keenay jabkii maxaakimta ayaan qormadan ku soo qaadan doonaa.waxa ayna kala yihiin sidan:-

Sabahabii keenay in ay ka jabaan guddaha:-

Mamnuucidii oo badatay sida:-

1-Qaadka..

Markii dowlada Somalia ay bur-burtya maamulkiina ay gacanta ku dhigeen dad is mooda in ay madax yihiin balse aan u qalmin, waxa ay faraska ku gansan jireen kooxo maleshiyo ah oo hogaamiye kasta ay isku heeb yihiin, maleeshiyadaas shidaalka ay ku shaqeeyaan waxa uu ahaa maandooriyaha Qaadka oo bulsha weenta somalida ku ah mid ka mid ah dhibka wadanka uu la dagi la’yahay.

Bal fiiri markii maxaakimta ay mamnuuceen qaadka waxa yaraaday dhibkii sidoo kale dhalintii cuni jirtay waxa ay ku mashquuleen meelo kale, waxa sidoo kale la sheegay in masaajida ay jameecooyinka buux dhaafeen, wax yaraaday maalaayacniga  laamiyada  si macno daro ah loo fadhiisto.

Qaadka oo sidaa ah markii maxaakimta ay maamulka K/Somalia la wareegeen waxa ay si dag-dag ah oo seef la boodnimo ah u mamnuuceen Qaadkii.taasi waxa ay abuurtay in dad badan oo u badan haween meesha kaliya ee ay ka helaan biilkana uu aha qaadka ay ku noqotay lama filaan.

MMI islaamka xiligii ay Qaadka mamnuucida wax kale oo dadkii ku tiirsana Qaadka wax  badalaad ah looma sameen, ugu danbeentiina markii MMI meesha laga saaray kooxda ka ganacsata Qaadka iyo kuwa ay ka iibin jireen ayaa jidadja isugu soo baxay iyaga oo sameenaya mashxarad.banaanbax ay u taagersan yihiin in maxaakimta meesha laga saaro.

Inkastoo Qaadku yahay dhib bulshada ka hortaagan nadaba, haddana waxa ay aheed in barnaamij  kale oo shaqeed la abuuro ama si siyaasadeesan loo wajaho, ugu horeentii waxa ay sameeyeen in lagu canshuuro lacag badan taasi oo yareen kartay xadiga Qaadka soo gala meelaha ay maxaakimta joogeen, balse siyaasad xumo ka dib MMI si toos ah ayay ugu soo roggeen mamnuucid toos ah.

 2-Fiirsiga iyo ciyaarida Sport-ga.

Qof walba oo aduunka ku nool waxa uu leeyahay, wax uu isku madadaaliyo, sidaa oo ay tahay xitaa diinta qofka uma diideyso in xiliga firaaqada ah uu sameeyo waxyaabo jimicsi ah, isaga oo ku saleeynaya waxa ay diinta ina amrayso, manta aduunka wuu horumaray, sidoo kale waxa ay dhalinyarada ku taxan yihiin horyaalo wadamo badan oo Europe ah,  waxa jira ciyaaro caalami ah sida world cup.sidoo kale xitaa fiirsiga ciyaraha ee koobaha lagu fiirsado.

Dhanka kale isla goobaha MMI ay joogeen waxa ka jiray ciyaaro caalami ah sida kooxka ramadaanka la ciyaaro iyo ciyaaro kale.

Waxa iyada xusid mudan in ay wanaag saneed in ciyaaraha laga kala dhigo kuwo bulshada ay banaantahay in ay ciyaaraan, basle marnaba cid taageeryso ma jirto gabadh Somali ah oo ciyaaraya kubad iyaga oo rag ay macalimiin u yihiin sidoo kalane ay rag la ciyaarayaan, waxa meesha ka maqnaa siyaasad iyo xikmad waxaan uu dhib ah looga hrtagi lahaa.mana lagu xisaabtamin in dadka loo talino ay maamulka intooda badan la tahay wax aad u cusub. Sida dhalintii ku la koowsatay dagaaladii sokeeya 16 sano aan arag wax maamul ah.sidoo dadkaas oo kale aad u maamuli laheed waxa  ay rabtaa daganaan iyo xikmad

3-Fiirsiga shineemooyinka:-

.     Magaalada Mogdishu markii ay dolada ka jirtay waxa jiri jiray shineemooyin caan ah, oo ay dadka u tagaan in ay ku daawadaan filimaanta, riwaaydaha, iyo bandhigyada. Sidoo kale waxa jir-jiray tiyaatar ween.oo lagu soo bandhigi jiray Fanka.

   Balse markii dowladii ay bur-burtay maxaa dhacay.? Dad wax magarato ah ayaa waxa ay fureen meelo caruurta wax barata ay kaga dhuubtaan wax barashada (Shineemooyin), waxa layaab kugu noqonaysa marka aad sida magaalada Mogdishu oo kale aad dhax mushaaxeeyso inta badan in aad aragto meelo badan oo shineemooyin ah.oo xitaa arday iyo haween badan ay u tagaan fiirsiga filimaan Hindi afsomali lagu turjumay.xitaa qaar ka tirsan shineemoyinka qaar ay soo bandhigi jireen filimaan aan dhaqanka ku wanaagsaneen.

Way fiicneed in shineemooyinka dhibkas bulshada ku hayay la xiro, balse waxa ay aheed in shineemooyinka qaar si ku meel gaar ah loo sii furo, markii fursad loo helana meesha laga saaro. Dhanka kale waxa la wada xiray dhamaan wixii shineemo ah. Sidoo kale goob shinemo ah oo ay ciidanka maxaakimta galeen buuqii ka dhacay waxa uu sababay dhimasho ilaa 3 qofood ah.qaladkas iyo kuwo lamid ah ayaa sababay jabkii maxaakimta.

4-Xanibaada Heesaha Iyo Fanaaniinta..

Fanka waa mid ka mid ah dhaqanka ay somalida , in kastoo fanka ku saleeysan dhaqanka somalida uu raacay bur-burkii dowladuu somalia.waayadan danbe waxa soo if baxay heeso iyo riwaayado ka turjumaya dhaqamo kale sida  kan reer galbeed-ka.

Soo if bixii MMI, waxa ay dhibaato u geesteen xafiiska turjumaada filimada Hindi-ka ee Al-Fakhi. Ee magaalada Mogdishu. Hoolgalkaas waxa ay MMI ku bur-buriyeen qalab badan oo yaalay xafiiskaas.dhanka kale markii awooda MMI, ay si siifacn u soo baxaday ayay dhaamaan ciribtireen wixii fan ahaa ee ka jiray magaalada.

Intii uu jiray Maamulkii MMI, ma aysan muuqan dhaq-dhaqaaq dhanka fanka iyo fanaaniinta ah,  inkastoo MMI, ay sameeyeen mas’uul arimaha bulshada ah, mas’aaulkas oo aha Shiekh Fanax, kulan dhaxmaraya mas’uulkan iyo koox fanaaniin ah ay MMI, waxa ay ugu ogalaadeen in fanaaninta ay soo ban dhigi karaan heesaha ka tujumaya dhanka xoriyada, xiliga uu dhacayay kulankan MMI, waxa ay u diyaar garoobayeen dagaalkii dowlada+tigree.inkastoo sidaa MMI, ay sameeyeen hadana marnaba ma jirin koox ku dhiiran karta in ay sameeyaan bandhig faneed.iska dhaafee waxa ay ciidanka maxaakimta ay dhibaatoyin u geesteen gobo badan oo lagu dhigayay aroos.arintana waxa ay aheed in si fiican loo waajaho.

Inkastoo ay jiraan sababado badan oo keenay in ay maxakimta ka jabaan kudaha hadana jabkii ugu waynaa waxa uu ahaa kan dibada.sidoo kale jabka gudaha waxa uu la mid yahay qaladaad.

Sababihii keenay in ay ka jabaan dibadda:-

1-Iyagoo "qirtay" in ay "argagixiso" yihiin:-

MMI, in badan oo ka tirsan raggi hogaanka u hayay waxa ay saxaafada ka sheeki jireen hadalno aan loo meel dayin, sida waxa aanu weerar ku nahay dowlada fadhisa Baydhabo, Ethiopia, iyo hadalo kale oo abuuri karay in loo arko in ay dan gaara leeyihiin.

Markii hoogaamiyaha ururka Al.Qa’ida Sheikh Usama bin Laden uu saxaafada ka sheegay in uu ay MMI, islaamka ay dagaal la dagaan madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed, sidoo kale ragga ay ka midka yihiin, Xasan Dahir, Ceerooh, Xasan Turki, waxa ay kamid ahaayeen rag mareekanka uu ku tuhmayo in ay yihiin argagixiso.

Waxa iyadana xusid mudan hadaladii ay saxaafada ka sheeki jireen Yusuf indhacadde, Xasan Turki iyo Abuu-massuur in ay sidoo kale sabab u ahaayeen burburkii ku yimid MMI, dhanka dibada.intaas iyo in ka badan ooo kale ayan jiray, balse inta ugu muhiimsan ayan ka soo qaatay.

2-Faragalinta dowlada Washington:-

11/9 ee sanadii 2001 markii weerarka loo geestay daaraha mataaha ee magaalada New York, dowlada uu hogaamiyo madaxwayne G.W.Bush, waxa ay soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo dowladu somaliana waxa ay aheed xubin.

Somalia dad ka tirsan oo mareekanka uu ku tuhmayay in ay yihiin argagisxo, ayaa ku jiray MMI, sidoo kale xiligi maxaakimta ay joogeen cajalad uu soo diray Usama Bin laden, waxa uu eedeen u soo jeediyay madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed, sidoo kale waxa uu ku dhiiriyay MMI, in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan gaalada iyo gaalo racyada, inkastoo gudoomiyaha gudiga fulinta Sheikh Shariif Sh. Axmed uu sheegay in Usama wax xiriir ah uusan kala dhaxeen MMI

Ilaa sanadii 1992-kii markii hoolgalgii UN-ka ee la baxay “Rajo soo celinta” . wadanaka Mareekankana uu xubin ka ahaa dowladaha ka socday 38-da oo caalamka ah, xiligaasi waxa dhacay dagaalo ba’an oo dhaxmaraya ciidamadii UN-ka iyo maleeshiyadii J.Mohamed Farah Caydiid.(Allaha u naxariistee), waxa laga soo diray dowlada USA, helicopter kuwa qumaatiga u kaca nooceeduna uu ahaa “black hock down”. Sidoo kale waxa uu looga dilal ciidamo gaaraya ku dhawaad 17 askari, waa sida ay sheegteen, balse intasi way ka badan yihiin.qaar ka tirsana lagu jiiday meedkooda wadooyinka caasimada Mogadishu.

1994-tii bishii march madaxwaynihii hore ee USA bill cilinton waxa uu ciidamada wadankiisa ka soo saaray somalia, balse sanadii 1998-dii ayuu mareekanka soo laba gacleeyay markii safaaradaha uu ku leeyahay Nairobi-Kenya iyo darusalam-Tanzania. Lala beesaday qaracyo ay ku dhinteen dad fara badan.

11/9 ee sanadii 2001-kii, markii magaalada New York daarihii ganacsiga dhulka la dhigay, dowlada uu hogaamiye G.W.Bush, waxa ay saldhig ka sameeysatay dowlada Djibouti ee aanu dariska nahay, sidoo kale waxa uu taageeso siin jiray jaajuusayaal Somali ah, isaga oo xitay xawaaladii Barakaat oo dad Somali ah ay hanti fara badan ku waayeen.

 Ugu danbeeyntiina haraagidi MMI ee xuduudka wadanka Kenya ka dhigtay gabaadka ayuu la beegsaday weeraro dhanka dhulka ah, sidoo kale waxa uu taageo dhan walba ah uu siiyaa dowlada Ethiopia sidoo kalana waxa uu USA xubin ka yahay dhibaatada wadanka ka taagan.

 3-Ethiopia:-

Ku dhawaad lix qarni oo loolan dhanka siyaasada iyo diinta ah aya inaga dhaxaysay dowlada Ethiopia, inskastoo dagaalo badan ay na dhaxmareen haddana waxa manta dhacayaa waa mid layaab leh, haddii aysan dad Somalia ah horjoogi laheen wadankeene kuma soo dheiiran laheen.

 Madoonayo in aan ka hadlo tariikhdaas dheer, balse awooda ugu balaarneed ee MMI bur-burisay ayaa ah maamulka Zanawi iyo dabadhilifyo dhoor ah. Manta waxa wadanka ka socda meesan dhici laheen ayan filaya hadii cadaawada Ethiopia iyo danaha ay ka leedahay Somalia aysan jiri laheen, waxaana intaas inoo sii dheer dowlada ku sheega u baneeysan in ay wadanka ku marti qaaday, balse waxaa hubaal ah in ay meel xun ku danbeento doonto arinta dhamaan inta manta hoolwadeenada ka ah waxa wadanka guud ahan ka socda gaar ahaan Caasida Mogadishu.

4-Laba wajiilanimada Kenya.

Dowlada aanu dariska nahay ee Kenya, waxa ay kamid tahay dowladaha sida wacan u soo dhaweeyay dad badan oo ka soo qaxay dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay sanadihii 1990-kii, sidoo kale markii MMI ay soo shaac baxeen waxa ay u fidiyeen taageero fiican, dhanka kale xubno ka tirsan dowlada Kenya ayaa Mogadishu ku tagay booqoshooyin.

Balse waxa wax laga xumaado noqotay in Kenya ay noqotay wadan labo wajiila ah, sababtoo ah waxa ay taageero siisay dowlada Ethiopia, sidoo kale waxa ay xarig u geesatay dad aan waxba galasan, dhanka kale waxa ay xiratay xuduudkeeda iyadoo Qaxootigiina ay ku dhimaateeysan yihiin xuduudka Kenya iyo Somalia sidoo kale dhaqaalo fara badan ayaa dowlada Kenya ka soo gali jiray qaadka.mamnuucida qaadka ee maxaakimta waxa ay ku abuurtay Kenya dhib ween oo dhanka dhaqaalaha ah, waa mid ka mid ah cadowtinimda abuurtay in ay MMI, ay ku noqdaan lafdhuun gashay.

Ka Ibraahim ahaan waxa aan qaba in Kenya ay awood ahaan ka awood yartahay wadanka Ethiopia, sidoo kale Kenya waxa ay si sharci daro ah u isticmaasho Ceel shidaal oo ku yaala xuduudka ay la leedahay Somalia gaar ahaan dhanka Raas-kanbooni.  

Gabagabo:-

Intan iyo inkalo oo badan oo aqriste ku jirta maskaxdada ayaa sabab u aheed in ay MMI ay ka jabaan guddaha iyo dibada, waxa iyadana xusid mudan in cid walba oo ka soo horjeeday maamulkii maxaakimta aysan marnaba ku qanacsaneen xasuuqa manta wadanka dhacaya.

cid walba oo wax dhaliilaysa waxa aad u fiican in ay ka fiirsato waxa ay mucaaradeeyso, Alla waxa aan ka baryayaya in wixii wanaag ah oo ay MMI ay qabteen uu Alla ka abaarmariyo wixii ay qaldeene waxa ka qalad badan waxa manta ka socda goobihii ay k talin jireen.

Qormada xigta waxa aan ku soo bandhigi doonaa, hogaamiyashi ugu caansanaa iyo dowladihii MMI taageerada u fidin jiray.

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

Salaamat minkuli aafaat.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 12, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH