Hordhac.
Maanta dunidda horumarka ay gaartay waxa uu marayaa meeshii
ugu sareeysay, waxaana la gaaray xilli aduunka uu isu soo
dhawaanayo, wax walba oo loo baahdana la heli karo, taasi
waxa ay keentay in aduunka uu noqdo «small village» tuulo
yar.
Hormarkan waxa u sabab ah baaxada iyo korarka Tiknoolajiyada
sida: Internet-ka,Isgaarsiinta, Diyaaraha Qaaradaha isaga
goosha.I.W.M. iyadoo taasi ay jirto haddana aduunka wuu sii
kala dheeraanayaa..? balse waa side.?
Inkastuu jiro horumarkan haddana makuu muuqankartaa in
aduunka uu sii kala dheeraanayo, haa ama maya waad oran
kartaa balse arimahan soo socda ila fiiri maxay caalamka ku
keeni kartaa hadii ay sii socdaan Gidaarada wadamo badan oo
caalamka ah ay sheegayan in ay shacabkooda ku difaacayaan.
Gidaaradan waxa inta badan laga dhisaa meelo dad badan oo
masaakiin ah ay dagan yihiin sida
Iraq
iyo Falastiin. Akhristoow bal arimahan soo socda
makuu baraaruksan tahay mise maya.??
Gidaarada duniga ugu caansan:-
1-Great wall of
chin.(Gidaarka ween ee wadanka shiinaha)
.
Sida la sheego Gidaarkan ama darbigan waxa la
dhisan 3 Qarni kahor dhalashadii Nabi Ciise (CSW).waana
mid ka mid ah mucjisooyinka aduunka.Gidaarkan waxa loo
dhisay in lagu waardiyeeyo weerada lagu soo qaadi jiray
Imbaraaroodiyadii ama Boqortooyadii shiinaha.Gidaarkan
dhiririkiisu waa 7000 Km (Todobo kun oo kilo
mitir).
Waxa lagu tilaami karaa Gidaarkan,waa mashruucii ugu badnaa
ee shiinaha iyo guud ahaan aduunka oo dhan ee difaaceed ee
la dhiso
.Heyada dhanka wax barashada ee UNESCO, ee
UN-ka waxa ay gidaarkan shiinaha u aqoonsatay in uu kamid
yahay dhaxalka taariikhda aduunka.xaflad xarunta
UNESCO lagu qabtay sanadii 1987.
Waxa uu Gidaarkan dhimahiisa ka biloowdaa wadada Jia
Yu Kwan ee gobalka Concurrently Su ee
Galbeedka wadanka shiinaha, waxa uuna ku dhamaadaa wadada
Hi Kwan ee gobalka Kha Bi ee
dhanka Bari.waxa uuna inta badna sii maraa buuraha
dhaa-dheer ee dhulweenaha shiinaha.
Sidoo kale Gidaarkan dad badan oo dalxiisayaal ah ayaa sanad
badan booqda, iyagoo sawira isaga soo qaada, wadanka
shiinaha kasoo gala lacag fara badan.oo dhanka dalxiiska ah.
2- Wall of Berlin.(
Gidaarkii Berli).
Bishii August ee sanadii 1961-dii
ayuu biloowday dhismaha Gidaarka Berlin ee
wadanka Germany.waxa uuna ahaa Gidaarkan mid
aad u yaab badan, waxa uu kala qeeybiyay wadanka Germany,
waxa uuna u kala qeeybiyay 2 wadan magaalada Berlin-na
uu kala qeeybiyay 2 qeeboow.aduunka waxa uu u qeebiyay 2
aduun, aduunka Beri ee raacsanaa Wadamadii la isku
oran jiray Midowga soviet iyo aduunka Galbeed
ee raacsana siyaada uu hormuudka u ahaa wadanka Mareekanka
iyadoo xiligaasii uu socday dagaalkii qaboobaa ee u
dhaxeeyay midowgii soviet iyo wadanka
Mareekanka.ugu danbeeyntiina uu ku guuleestay wadanka
mareekanka oo siyaasada caalamka ka ah hormuud.
28 sano oo kala qeebsanaan iyo jahwareer uu ku
jiray aduunka gaar ahaan wadanka
Germany,
waxa wadanka
Germany
ka dhacay mid kamid ah waxyaabaha caalamka ugu yaabka badan.
9
bishii November ee sanadii 1989-kii,ayaa
dad badan oo u dhashay wadanka Germany waxa ay ku soo
yaaceen darbigii markii ilaaladii Gidaarka Berlin aysan
jecleeysan in ay hooshan sii wadaan taas oo fududeeysay in
Gidaarka gabi ahaanba uu baaba' ku yimaado.
Bur-burla ku yimid Gidaarka
Berlin
, waxa uu ahaa mid ka mid ah asbaabihii bur-buriyay midowgii
soviet, sidoo kalne caalamka ka dhigtay mid
kaliya.xiliga uu dhisnaa Gidaarkan si dadban ayuu caalamka
ugu kala qeebsanaa 2 nidaam oo kala ahaa nidaamka
hanti-wadaaga ee Galbeedka
Berlin
. Iyo nidaamka
hanti-goosiga
ee
bariga magaalada
Berlin
iyo guud ahaan waxa maanta loogu yeero reer galbeedka.
Waxa
bur-burka Gidaarkan lagu tilmaami karaa in uu ahaa mid
mareekanka u sahlay in uu noqdo wadanka aduunka ugu awooda
badan, xiligii uu dhisnaa Gidaarkan Berlin
wadanka Mareekanka waxa uu waqti badan ku bixiyay sidii
Gidaarkan gabi ahaanba meesha looga saari lahaa, bur-burkii
kadib waxa fududaaday in midowg soviet uu gabi
ahaanba bur-buriyay.maantana xukuumada Washington
waxa ay xarunta ugu ween ee Military meel ka baxsan
America ay ku leedahay wadanka Germany,
inta badana dhaawaca ciidanka American-ka ah
ee ku soo dhaawacma Iraq iyo Afghanistan lagu daweeyaa
wadanka Germany.
3-Gidaarda
cusub ee xukuumada Washington ay ka dhisayso..
Dowladda Mareekanka oo ah maanta hogaanka siyaada caalamka,
sheegatana waxa ay ugu yeertay Dimoqraadiyad
balse sanadahan danbe noqotay caddow guud ahaan caalamka ku
wajan gaar ahaan caalamka Islaamka. wixii ka
danbeeyay weeradii mareekanka loo geestay 11/9 ee
sanadii 2001.
Maamulka uu hormuudka ka yahay madaxwayne G.W.Bush
iyo kooxdiisa ku bahoowday la dagaalanka Islaamka,
ee dhaqankoodu uu yahay " Ninkii aan nagu siyaasad
aheen waxa uu nagu yahay caddow" , waxa ay caalamka
u horseedeen dhibaato dhan walba.
Booqashadii ugu danbeeysay ee uu Madaxwayne Bush ku
soo maray wadamada Latin America waxa uu kala kulmay
waji kabax, kasokoow arintaas, waxa uu horay u sheegay Bush
in uu sameen deeno Gidaar weeyn oo kala teeda America iyo
wadanka Mexico.
Waayadan danbe waxa wadanka mareekanka ku soo badanayay
dadka ka soo gala xuduudka wadanka Mexico.iyaga
oo dadkaasi ku soo galaya sharci daro, Sidoo kale waxa
mareekanka uu ku eedeeyaa dowlada Mexico xuduudkeeda ay ka
soo galaan Muqaadaraad baaxadiisu uu badan yahay. Dhanka
kale Bush waxa uu cadeeyay in uu ciidamo dheeraad ah u diri
doono xuduudka uu la yeeyahay wadanka Mexico. si loo yareeyo
dadka soo galootiga ah.
Duulaankii mareekanka iyo xulafadiisa ay ku qaadeen wadanka
Iraq ee sababay dhib kale oo dunida soo waajahay, cabsida
laga qabo dagaal dhanka madaahibta ah ayaa waayadan danbe
aad u sii kordhaya, taasi oo uu mareekanka ka faa'iideeysano
waxa uu bilaabay in uu dhiso Gideero uu ku sheegayo in uu ku
kala waardiyeeynayo cabsida dagaalkaas laga qabo lana
aaminsan yahay isla mareekanka ay dagaalkan abuurayaan..
Xukuumada
Iraq
ee ay u badan yihiin shiicada, waxa ay kamid tahay arinta
ugu badan ee mareekanka u fududeen karta in uu dhiso Gidaaro
badan oo mustaqbalka sababi kara in Iraq ay noqoto wadan sii
kala qeebsama.dhibka iyo dagaaladana ay ku bataan.
Gidaarkan waxa uu mareekanka ka dhisay xaafada Acdamiya
ee ka tirsan magaalada
Bagdad
ee caasimada
Iraq,
xaafada waa xaafad oo ay dagan yihiin dadka Suniyiinta ah,
Gidaarkan waxa uu dhirirkiisa gaarayaa 5km. sida oo
codsaday Ra'isul waraaraha wadanka Iraq Nuur
Al-maaliki. Waxaana wali socda Gidaaro badan oo ay
dhismahooda socdaan, arintan hadii ay sii socoto waxa ay
dhib fara badan ku keeni kartaa mustaqbalka wadanka Iraq, oo
ay wali ka taagan yihiin cabsi aad u baaxad leh oo dhan
walba ah.
4-Gidaarka dowlada
Israel
ay ka dhistay dhulka Falastiin.
Dowlada
Israel waxa ay sanadii 2002 ay biloowday dhimasa
darbi aan laga tilaabi Karin oo ay ka dhistay dhulka ay sida
xooga ah kudantahay ee wadanka Falastiin, Gidaarkan waxa uu
ka dhisan yahay Daanta galbeed "West Benk",
waxa uuna dhirirkiisa gaarayaa 650km, ujeedka
ay Israel ay u dhistay waxa ay ku sheegtaa in
weerarada ka imaanaya dhanki kooxada xoriyad u dirirka ah ee
kusagan dhulka Falastiin.ay kaga hortagto.
Gidaarkan waa mid aad casri u ah waxa uu ka dhisan sameeysan
yahay: silig iyo fiilooyin aad u adag, waxa kale oo ku jira
darbi ka sameeysan Macdan oo dhirirkiisa meelaha Qaar uu
gaarayo 7km. waxa iyadana xusid mudan in Israel ay dhistay
Gidaaro aad u waa weeyn oo ay ka sameeysan xuduudaha ay la
leedahay wadamada Jordan, Syria,
iyo Lebanon.
Arrinta layaabka leh waxa ay tahay in 1km(One km). ay ku
baxeeyso lacag gaaraysa (1$ million ) oo lacagta
doolarka ah, mararka qaarna waxa ku baxda (2$ million)
sida uu daabacay wargeeska Al-sharqul awsat ka
soo baxa magaalada London.inta badan ciidanka
Israel waxa ku sameeyaan kormeer mar walba ah oo
agagaarada Gidaarkan. si looga ilaaliyo in ay soo gudbaan
dad naftood hurayaal ah.
Sida
ay sheegayaan kooxo baarayaal oo falastiiniyin ah, dhisida
darbigan waxa uu salka ku haya qorshe uu dajiyay ra'iisul
wasaarihii hore ee Israel Ariol Sharon, sanadii 1983
markii uu ahaa Wasiirka difaaca. Sidoo kale sanadii 1993
isna Ra'isul wasaarihii hore ee falastiin Yitzhak
Rabin ama Isxaaq Rabin.ayaa sheegay in loo baahan
yahay in la dhiso Gidaarkan balse maysan suura galin ilaa ay
uu dhaco gacdoonkii ka dhashay booqosho uu Sharon ku
tagay masjidka barakeeysan ee Al-Aqsa sanadii 2000.
Madaxwaynihii hore ee geeriyooday ee Falastiin marxuum
Yasir Carafaat waxa uu sheegay in Gidaarkan uu la mid
yahay kii ka dhisnaa magaalada Berlin, isagoo
cadeeyay in dhib fara badna uu u geeysan karo wadahadalada
nabada ee Falastiin iyo
Israel. ee
aan dhamaan.
Kadib bur-burkii ku yimid Gidaarkii Berlin, Gidaarkan ka
dhisan Falastiin waa midka kamid ah Gidaarada ugu caasan ee
la dhisay bur-burki Gidaarka Berlin kadib.wali waxa caalamka
tagaan dhib fara badan oo dhanka siyaada ah, tuusaala ahaan
wali waxa kala qeebsan wadanka
Cyprus
ama Qubrus ilaa sanadii 1973. waxa uuna u kala qeebsan yahay
wadamada Giriiga iyo
Turkiya
Balse bishii march ee aan soo dhaafnay waxa
dowlada Giriika ay gabi ahaanka bur-buriyeen Gidaarkii ku
yaalay dhankeeda.
Dhanka kale wadanka Morocco waxa ay dhiseen
sanadihii sideetameeyadii 1980s.Gidaar ay kaga hortagayaan
weerarada ooga iman jiray dhanka Jabhada polasairo.sidoo
kale wadanka Ireland ee ka tirsan boqortooyada
wadanka England waxa 1990s ka dhisnaa Gidaar
lagu kala teeday kooxaha kala aaminsan diimaha Catholic
iyo protestant . Ee caasimada
Belfast.
Wadamada Korea waxa iyagana laga dhisay 1950s Gidaar
sababay in 2 wadan ay noqdan kuwa ilaa manta kala qeebsan,
balse 2 wadan dhanka siyaasada way ku kala duwan
yihiin.waana South Korea iyo North Korea
Manta waxa kale oo jira cabsi badan oo laga qabo wadamo
badan oo caalamka ah, waxa wadamadaas ka mid ah dagaalada
laga cabsi qabo in ay daqiiqad walba ay dhaxmaraan wadamada
Ethiopia iyo Eratariya inkastoo ay
UN-ka ku dhaxjiraan heshiisna uu dhaxmaray.dhanka wadana
sida wadamada chat iyo sudan oo
iyaguna ay u dhaxeeyaan cadoowtayo ba'an inkastoo ay
heshiisyo kala saxiixdeen
Hadii aan u soo laabano wadankeena waxa jira dhib manta laga
cabsi qabo in uu dhaco taasi oo ah Somaliland iyo putland oo
ah laba maamul oo uu ka jiro nabad marka loo bar-bardhigo
wadanka intiisa kale
Tusaalooyinkan oo dhan waxa aan u soo qaatay in hadii ay
suura gal tahay ay dhici laheed si colaadal looyareeyo ay
dhisi lahaayeen Gidaaro. Yareen kara dhibka markaas muuqda
sidii ka dhacday wadanka Korea.
Akhristoow makuu muuqata in caalamka uu sii kala dheeraanayo
mise marka aad eegto horumarka jira wax aad oran laheed
caalamka oo dhan waa tuulo yar mise is waydiisay Gidaaradan
dhibka ay mustaqbalka keeni karaan.?
Salaamat minku aafaat
Xigasho:- alsharqul awsat,Google and wekipedia
ibraahim da'ud Abdala
(Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
sayfudiin@gmail.com
Nairobi-kenya
Maxaad ka taqaan
maxkamadihii: 1aad |
2aad | 3aad |
4aad |
5aad | 6aad |
7aad
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007