Maxaad ka taqaan
Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?
Qore:Ibraahim
daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Qaybta
1aad |
2aad | 3aad
Aqristayaal wali waxaan ku
guda jirnaa qormadeeynii maxaakimta aan ooga hadlanay maanta
waxa aysan qormadayna noqon doontaa sidan soo socota.
Qaybtii 2-aad.
Maxaa keenay in ay
maxaakimta sameestaan.?
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato
asalaamu calaykum.
1991-kii ayay
aheed markii ay si rasmi ah u bur-burtay dowladdii Somalia
ka arimin jirtay ku dhawaad 21 sano.markii caasimada
Mogadishu ay dowlada iyo madaxdii dalka isaga baxeen waxa ku
soo yaacay maaleeshiyadii jabhadaha.hubkii waxa uu gacanta u
galay shacabkii,wax walbana way is bedeleen.boob,barakac iyo
dilal araxandaro ah ayaa dhacay..
Mogadishu waxa ay soo
martay marxalado kala duwan,waxa ugu darnaa dagaalkii
sokeeye,sidoo kale magaalada wax ay soo martay maamulo kala
duwan sida maamuladii ay isku heysteen Cali Mahdi Mohamed (maanta
dowlada iyo tigreega taageera) iyo Janaraal Mohamed Faha
Caydiid marna ahaa dowladii isku magacooowday Sal
balaar,waxa uu
ahaa caydiid nin neceb shisheeye Allaha u
naxariistee.sidoo kale dowladii Carta ee Djibouti lagu soo
dhisay madaxwaynana uu ka ahaa C/qaasim Salad Xasan balse
waxa ay dowadiisa ka socon wayday dagaal-ogayashii reer
tolkiiis.
Mogadishu waxa ay
gacanta u gashay dagaal-oogayaal (Hogaamiye-kooxeedyo) aan
danta ummada ka shaqeyn ,caasimada waxa ay u bedeleen meelo
bahalo galeen ah,xaafad waliba waxa ka talin jiray
hogaamiye-kooxeed calan gaara surtay isaga oo sheeganaya in
uu matalo beesha uu ka soo jeedo.yaa u doortay.? (Qabiilkiisa).had
iyo jeer waxa ay maamulka goobaha ay ka taliyaan ku saleyn
jireen danahooda gaarka ah(Shaqsiyadeed).waxa ay iska
fogeeyeen danta qaranimo iyo damiirka
wadanimo(Somalinimo).qaar badan oo shacabka ahana waxa ay ka
heli jireen hiilo.(Inta wax ma garatada ah)
Waxa ay meel uga
dhaceen xuquuqda asaasiga ah(Human right),waxa ay shacabka
ku hayeen dhib joogto ah.wax yaabaha qaar oo ay ku kici
jireen maleeshiyada dagaal-oogayaasha waa wax uusan qaadan
Karin damiirka aadmiga ah,falalkaas oo isugu jiray:cadibaad
dhaqaale iyo mid amni sida:dilal iyo dagaalo joogto
ah,isbaarooyin sharci daro ah, dhaca iyo boobka hantida
shacab-ka, waxa kaloo ay is hortaageen shaqeynta ilaha
dhaqaale sida:gegida duyuuradaha iyo dekada caalamiga ee ku
wada yaal caafimada Mogadishu.hogaamiyaasha qaarbaa laha
dagado iyo garoomo duyuuradeed.
Hogaamiye-kooxeedyadii
waa kuwii jabiyay cunaqabateyntii hubka ee qaramada midoobay
(United nation) ay Somalia ku soo rogtay waxa ay hub ka soo
qaadan jireen wadanka Ethiopia, nooc walba oo hub ahna way
la soo dagi
jireen.xiriirka ugu waynaa waxa ay la wadaageen dowlada
cadawtinimada ay naga dhaxeyso ee Ethiopia.maanta ayay soo
baxeen rag sheeganaya madax balse kaba daran
hogamiye-kooxeedyadii.ethiopia-na wadanka gacanta u
galiyay.
Isu geynta umuurahan
iyo dhibka dagaal-oogayaasha oo aan marnaba xil iska saarin
xakameynta burcadda ay madaxda u yihiin iyo sugida amaanka,
ayaa abuurtay in inta caqliga wanaagsan leh ay ka fakaraan
sidii loo heli lahaa hanaan kale oo badala xaalka markaas ay
umadda ku jirtay,waxaana markaas si hoose u unkamay maxaakim
islaami ah.
Maxkamahan markii hore si
gooni-gooni ah ayay uga bilawdeen degmooyinka magaalada
Mogadishu, oo ay markaas ka talinayeen
hogaamiye-kooxeedyadii mogdishu.maxkamadahan waxa ay ku koob
naayeen fulinta arimo kooban oo dhanka axkaamta islaam-ka ah
sida:kala saarida shaqsiyaad-ka is heysta,xiritaanka
burcadda ,fullinta arimaha qoyska (nikaaxa),iyo
dhaqan-celinta dhalinyarada isticmaasha maandoriyaha ama
waalidkood ku caasiya.howlahaas oo dhana waxa ay ku kooban
tahay maxkamad walba beesha dhisatay dadkeeda,waxa iyada
xusid mudan in aysan awood buuxda heysan maleeshiyada
maxaakimta oo wax ay ka cabsan jireen kuwa dagaal-oogayashaa
oo degmo walba kuleh taageero ama burcad u shaqeysa.
Maxaakimta si toos ah
uguma luglaheen siyaasada,waxa jiray qilaafyo u dhaxeeyay
iyaga iyo hogaamiye-kooxeedyada,haba u badnaato is
eedeyn.dagaal-oogayasha waxa ay walaac weeyn ka qabeen, waxa
ay u arkayeen dhaqdhaqaaq diimeed oo soo ifaya taas oo ugu
danbeyn halis ku noqon kara danahooda siyaasadeed sida
dhacday.
Waxa si muuqda u shaac
baxay ismaandhaaf u dhaxeeyay dagaal-oogayashi iyo
maxaakimta beelaha,waxa xiligaasi dhacay dilal shaqsiyaad
muhiim ah,fakir ahaana kala taabacsanaa labada dhinac ee
hubeysnaa.xiligaas waxa jiray dadaal maxaakimta ah iyaga oo
bilaabay in ay si tartiib tartiib ah u midoobaan ilaa ugu
danbeeyntii ay sameystaan 2004 midow maxakimta.
Sameysanka maxaakimta waxa
saldhig u ahaa kooxhan soo socda:-
1-Nin naftiisa
difaacanaya.(terrorist)
Markii uu dhamaaday
dagaalkii qaboobaa ee dunidana,una dhaxeeyay mareekanka iyo
Russia, awooda milatari iyo dhaqaalana ay hal awood gacanta
u gashay (Mareykanka),markii 1998-ki uu dhacay weerarkii
safaaradaha mareykanka ee Nairobi-kenya iyo
Daaru-salaam-Tanzania.markii uu dhacay weerarkii 9/11,2001 ee
daaaraha ganacsiga ee mataanaaha ee ku yaalaay magaalada
NewYork ee wadanka mareekanka,waxa caalamka islaamiga soo
waajahay cadaadis kaga imaanaya dhanka mareykanka waxa
dhulka lala simay wadamo islaam sida Afghanistan oo Dalibaan
ay ka talin jirtay Usama iyo ururkiisa Al-qa'idana u ahaa
xarun, Iraq
sidoo kale waxa lagu daray dhulka iyadoo lagu eedeynayo in
ay heeysato hubka wax gumaada ee (nuclear-ka) waxa intaas
dheereed mareekanka oo mar un ku taamayay in uu xukunkii
Allaha u naxariistee (Shahiid) Sadam Hussein, dhanka
Somalia waxa xiligii dhulka lala simay daaraha mareykanka
saxaafada caalamka ay indhaha ku heysay arimaha
somalia,somalia waxa ay gabaad u tahay kooxo argagixiso iyo
hadalo ay la mid yihiin aya soo if baxay, arintaasna inta
badan waxa u olala leen jiray Madaxwaynaha taagta daran ee
tigreega talada ka qaata ee C/laahi Yusuf Axmed,iyadoo
meelihii uu sheegay sida shimbiraale laga soo waayay wax
argagixiso ah iyo xeryo tababaro intaba,xiligaas waxa ay
saaxafada iyo sirdoonka mareykanka ay booqasho ku yimaadeen
Mogadishu,iyagoo meelo badan soo booqday sida iskuulada wax
lagu barto.
Iyadoo ay arintaasi
jirto ayaa hadana eedda ugu badan wax dusha laga saarayay
ururkii Al-itixaad, ee siyasada looga adkaaday balse
xubnihii ugu caansanaa iyo afkaartiisa ay nooleed.Xasan
daahir awes ayaa ka mid ahaa dadka naftooda
difaacanayay.waxa kalo jiray rag badan oo mareykanka uu u
arkayay in ay danbiileyaal yihin kana soo dhinac dagaalameen
ururka Al-qa'ida.ragaas dhamaantodna waxa ay joogeen
magaalada Mogadishu,sidoo kale mareekanka wax uu xiyiray
dhamaan hantidii shirkadii Barakaat,sidoo kale rag far
badan ayuu mareekanka ku daray liiska waxa uu ugu yeeray
danbii layaal dagaal,(Argagixiso),dhanka kale hogaamiye
kooxeedyadii waxa ay wadeen ka gacansiga wadaado ay u
dhooofin jireen xarunta milatari ee wadanka mareykanka uu ku
leeyahay wadanka Djibouti.
Intaas waxa sii dheer in
mareekanka uu had iyo jeerba uu sheegi jiray in somalia ay
gabaad u tahay rag argagixiso ah,markii ay maxaakimta awooda
qabsadeen xaalku waxa uu noqday mid cakiran,ragaas intooda
badan waxa lagu eedeynayay in ay kamid ahaayeen raggii
weeradada u geestay safaaradaha mareykanka ee Tanzania,
Kenya iyo waliba weerarka gantaalkii lala beegsaday duyuurad
yuhuuda ay laheyd ee wadanka Kenya.lagu weeraray inkastoo
aysan wax sidaas ah gaarin.
2-Ganacsato nabad raadis
ah.
Markii wadanka dowlad
la'aan uu noqday waxa is badalay nolashii oo dhan,bari
samaad raggii ganacsatada magaca lahaa waxa badalay
ganacsato cusub, waxa abuurmay shirkado cusub,shirkaha ugu
muhiimsan ee soo if baxay waxa kamid
ah:isgaarsiinta,xawaaladaha iyo shirkada keene wax yaabaha
darruugiga sida:cuntada,shidaalka,daawada,qalabka
dhismaha.I.W.M
Dhamaan hoolahaan waxa
ay u baahan yihiin amaan,magaalada waxa ay tahay mid kala
xir-xiran,sidoo kale kooxaha burcada ah cidna kama
cabsadaan,harka cad ayay sameenayan waxa ay rabaan,waxaa
intaas dheeraa qafaalka oo qofka madax furuasho lacageed
laga doonayo.arimahan iyo arimo kale badan ayaa keeenay in
maxaakimta ay helaan gaareerada ugu bada,waxa la oran karaa
ganacsatada waxa ay ahayeen awooda ugu badan ee taageerta
midowga maxaakimta islaamiga.waana arin lagama maarmaan
aheed.maxaa yeelay suuqa ugu weeyn ee Bakaarha hantida
teelay iyo amaan darada magalada ka jirtay waxa ay ahaayeen
kaaf iyo kala dheeri.
3-Koox jecleed in wadanka
lagu xukumo sharci islaam.!
1975-tii markii xukunkii
milatari ee Allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre,uu
aflagaado u geestay diinta islaamga,isla markaana la toogtay
10 ka mid aheed culumadii ka hortimig.(Shuhadaa),intii
kalane xabsi loo taxaabay,waxa soo baxay dhalinyaro (Al-shabaab),
ka xumaatay wixii dhacay xiligaasi,sidoo kale dhalinyaro
badan ayaa wadamada carabta ku soo bartay shareecada
islaamka, waxa ayna wadankooda u arkayeen in ay ka fulin
karaan waxa ay soo barteen,ileen wadanka dowlad la'aan ayaa
jirtay.
Dhalinyaradaas baaraaruga
diimeed uu hayay waxa ay ahaayeen intooda badan
maleeshiyadii maxaakimta,inkastoo qaarkood ay madax sare ka
aheyeen midowga maxaakimta,waxa la oran karaa waa dhalin
yaro intooda badan u badnaa kuwo hiyi kac uu hayay(caadifad
diimeed). Inta badan reer galbeedka waxa ay
isticmaalaan,kooxaha xagjirka ah,islaamiyiin,argagixiso iyo
erayo islaamka looga dhigayo mid liita.
4-Shacab ka daalay dhib iyo
dagaalo.
Umad meel ku wada nool
haddii uusan jirin maamul kala xakameeye,waxa ay nolashooda
isu badashaa sida nolasha duurka ee xayawaanada,mar walbana
waxa awooda iska lah ninkii xoog
bata.maamul la'aanta waxa yaqaan ninkii taga wadan qurbo ah
oo hormar wanaagsan ka gaaray dhanka maamulka,balse aduunka
waxa uu la yaabay umad in ka badna 16 sano nool maamul
la'aan,ummadu waxa ay ka daashay dagaalo,qax,dhac,kufsi iyo
wax walba oo ina gaarsiiyay meesha aan maanta joogno oo aan
aduunkii oo dhan oo ka dhib dhacnay sanado fara
badan.dadkeenana ay ku dhibaateeysan yihiin dalacalada
dunida.inta gudaha wadanak joogtana intooda badan ay ku nooo,
yiihin cabsi.
Midowgii maxakiimta
kadib 2004, waxa soo if baxay maxkamado fara badan sido
kale,beel walba oo dagan degaanada maxaakimta ay dagaan waxa
ay dhisatay maxkamad ay iyadu shareecada ku xukunta.
Maxaakima ugu muhiisanaa
iyo Gobalada ay ka talin jireen waa sidan:-
:: Gobalka Banaadir.
(Mogadishu)
- � Maxkamada Ifka
Halane,waxa ay hoos tali jirtay beesha Ceer
Ayaanle,Harbar-gidir,Hawiye,waxaana madax ka ahaa
Sheekh Xasan daahir Awees,ahana gudoomiyaha Golaha Shuurada
ee midowga maxaakimta islaamiga.sidoo kale maxkamada Huruwaa
iyo Suuqa xoolaha oo ka wada tirsan dagmada Yaqshiid waxa
iska lahaa beesha Ceer
- � Maxkamada Al.Furqaan,
waxa ay hoostagi jirtay beesha
Sacad,Habarg-idir,Hawiye.waxaana madax ka ahaa, Mohamud
Mohamed Jimcaale(Cagawayne).
- � Maxkamada
Shirkole,waxa ay hoos tagi jirtay beesha reer Xaaji
Saleebaan,Habar-gidir,Hawiye.waxana madax ka ahaa Sheekh C/qaadir
Cali Cumar,ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee
maxaakimta islaamka
- � Maxkamada
Dabaqeeyn,waxa ay hoostagi jirtay beesha
Dudublle,Habar-gidir,Hawiye,sidoo kale maxkamada
Warshada caanaha waxa ay hoos tagaysay isla beeshan Duduble.
- � Maxkamada Degmada Kaaran
ee isla magaalada Mogadishu,waxa ay hoos tagi jirtay
beesha, Wacbuudan, Daa'uud,Abgaal, Hawiye, sidoo kale
beeshan Wacbuudhan waxa hoostagi jirtay,Maxkamada Degamada
Madiina(Wadajir).
- �
Maxkamda Toowfiiq,waxa ay hoostagi jirtay beesha
Waceesle,Abgaal,Hawiye.
- � Maxkamada Siisii,waxa
ay hoostagi jirtay beesha Mataan Cumar,Agoon yare,waxaana
madax ka ahaa Sheekh Shariif Sheek Axmed,ahna Gudooniyaha
Golaha Fulinta ee maxakimta islaamiga.
- � Maxkamadaha
Hararyaale,Dayniile iyo Gubta waxa ay hoostagi jireen
beesha,Murursadde,Hawiye.Maxkamda Gubtana waxana madax ka
ahaa Abdalle Ali.
- � Maxkamda Degmada
Yaqshiid, waxa ay hoos tagi jirtay beesha Harti
Abgaal,Hawiye.
- � Maxkamada
Al.Hudda,waxa ayna hoostagi jirtay beesha Shiikhaal,Hawiye.
- � Maxkamada Tabuuk,
waxa ay hoostagi jirtay beesha Baadi-cadde,Hawiye
-
� Maxkamada Iskuulka Farasamda Gacanta ee Boolo
tigninko,waxa ay hoos tagi jirtay reer shabelle(Somali
Bantu)
- � Maxkamada
Al.bayaan,waxa ay hoostagi jirtay beelaha Digil iyo
mirifle,Raxanweeyn.
:: Gobalka shabeelada
Dhaxe.
- � Maxkamada xarunteedu
ay aheed magaalada Marka waxa ay hoostagi jirtay beesha
Ceer,habar-gidir,Hawiye waxaana madax u ahaa Yusuf Mohamed
Siyaas Indhacade.
- � Maxkamada Walanweeyn
ee gobalka shabeelada dhaxe,waxaana madax u ahaa Mahad
Mohamed,balse beesha sida tooska ah ay u hoostagayso lama
shaacin.sidoo kale maxkamada dagmada Baraawe iyadana lama
sheegin cida madaxda ka ah iyo beesha ay hoos tagto balse
waxa Baraawe ay hoostagi jirtay beesha Ceer
:: Gobalka Shabeelada
hoose.
- � Maxkamada degmada
Balcad, waxa ay hoostagi jirtay beesha
Wacbuudhan,Abgaal,Hawiye.
::
Gobalka Hiiraan.
- � Maxkamadaha Magaalada
Baladwayne, waxa ay hoos tagi jirtay Beelaha Gaaljacel iyo
Xawaadle,Hawiye.
- � Madaxkamada
Al.Faaruuq, ee dagmada Jalalaqsi waxaana madax u ahaa
Mohamed Rashiiq Ibraahim,balse beesha ay sida tooska u
heestagto lama shaacin.
- �
Maxkamda ka dhisneed Jawil, waxa ay hoos tagi jirtay beesha
Ujeedeen,Hawiye.
- � Maxkamada ka dhisneed
Buula-burde, waxa madax ka ahaa Hussen Barre Raage, si toos
ahan looma shaacin beesha ay hoos tagayso.
:: Gobalda
Dhaxe.(Galgaduud).
- � Maxkamada Imaamu
Shaafici, ee ku taalay Cabudwaaq,waxa ay hoostagi jirtay
beesha Mareexaan,Darood, waxaana madax ka ahaa Cali Bashiir.
- � Maxkamada Magaalada
Cadaado, waxa ay hoostagi jirtay beesha reer Xaaji
Saleebaan,Habar-gidir,Hawiye.
- � Maxkamada magaalada
Guriceel waxa ay hoostagi jiray beesha
Ceer,Habar-gidir,Hawiye.
:: Gobalka Mudug.(Magaaloyin ka tirsan maamulka Putland).
- � Maxkamada koonfuurta
Gaalgacyo, waxa ay hoostagi jirtay beesha
Sacad,Habar-gidir,Hawiye.inkastoo awood balaaran aysan
laheen.
- � Maxkamada isla
magaalada Gaalgacyo looga dhawaaqay, waxa ay hoostagi jirtay
Majeerteen,Darood,waxaana gudoomiye ahaa Axmed Yusuf.
- � Maxkamada Al.cadaala
ee looga dhawaaqay magaalada laascaano,waxa ay hoostagi
jirtay beesha Dhulahante,Daarood.waxana gudoomiye ka ahaa
Sheekh Axmed C/laahi Shanle.
:: Gobaladda Jubooyinka
Hoose iyo Dhaxe.
- �
Maxkamada magaalada Kismaayo(Jubada hoose), waxa ay hoostagi
jirtya beesha Ogaadeen,waxaana Madax ka ahaa Xasan Turki.
- � Maxkamada ka dhisneed
Jilib(Jubada dhaxe),waxaa gudoomiye ka ahaa Mohamed Cumar
Mursal,balse lama shaagin beesha sida tooska ah ay u
hoostagayso.
- � Maxkamada degmada
Afmadoow,waxa ay hoostagi jirtay beesha Sadde.
:: Gobalada Baay iyo
Bakool.
- � Maxkamada
Buur-hakaba,waxa ay hosstagi jirtay beelaha Digil iyo
Mirifle.waxaana gudoomiye u ahaa Musatafa Cali Mohamed.
::
Gobalka Gedo.
- � Maxkamadii ka
dhisneed Baaar-dheere, waxa ay hoostagi jirtay beesha Sade.
Inta badan maxaakimta
eedeeynta loo soo jeedin jiray waxa ka mid aha in ay
ahaayeen hal qabiil,sida ka muuqata beelaha ay hoostagaan
maxaakimta waxa u badan beesha Hawiye,balse deegaanada ay
midowga maxaakimta u badnaayeen ayaa ahaa dhul ay hawiye u
badan yihiin,hadii maxaakimta ay ka abuurmi laheeyn Putland
qabiilka u badan waxa uu noqon lahaa qabiilada deegaanadaas
dagan.balse koonfurta oo maamul hesha waxa ay ay noqon
laheed bilowga nabada somalia,balse masuura galin si walba
oo ay ahaatabo.
Isku soo wada duub
dhamaan.ninka somalia ah ee ka cabsanaya in uu gacan gaalo
galo,ganacsatada maalkooda la cabsanya,inta wanaagsa iyo
maamulka jecel,shacabka ka daalay dhibka,waxa ay wada
raadinayan waxa ay tahay maamul wanaagsan sidii loo helo
lahaa,maxaakimta islaamiga ee intaas oo waybood iyo ka
badanba ay taageri jireen waxa ay aheed in loo
gaadidiyo,balse siyaasad xumo dhanka hogaanka ah,iyo fidna
wadayaal ayaa fursadii dahabiga aheed lumiyay,haba ugu
daarnaaded kuwa manta sheegta in ay yihiim madax bale aan ka
hadli Karin dhibaatada shacabka ay Ethiopia ku heeyso.balse
wax walba waxa ay leeyihiin waqti xadidan,maalin un damiirka
somalinimo wuu soo nolaan doonaa haduu Alla idmo.wali
somalida waxa ay la'dahay maamul wanaagsan,balse waxa la
oran karaa kii maxaakimta waxa uu ahaa midkii ugu rajada
fiicnaa kadid burburkii dowladii somalia,inkastoo ay jiraan
hadana qaladaad maxaakimta loo soo jeedinayay nooc walba uu
ahaado.balse ma filayo maanta shaqsi Somali ah in uu
maxaakimta ka dooran lahaa gumesiga Ethiopia meelkasta oo ay
Somali joogtaba maanta waxa caasimada ka socda way
saameenaya,somaliadu waa dad walaalo ah waa dad is
dhalay.dhiig iyo dhaqana wadaaga.
Akhri Qeybta 3-aad iyo
dagaaladii maxaakimta isbahaysigii iyo dowlada+Ethiopia?
Qaybta
1aad |
2aad | 3aad
Salaamat minkuli aafaat.
Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 1, 2007
|