SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Wadamakii MMI taageerada u fidin jiray.?

   Q.6-aad 

    

Maamul walba oo soo if baxa siyaada maanta ka jirta aduunka marka loo fiiriyo wax jira loolan loo galo maamulkaas ama awoodaas cusub.

     UN-ka waxa ay arimaha soomalia ay ka fadhiistay in badan.  waxa uuna soo saaray arimo far badan, waxa kaloo ay cunaqabateentii hubka ka qaadeen Somalia taasi oo maanta arinta Somalia aad  usii hurisay, Ethiopia-na u fududeeysan in ay wadanka ku soo duusho. UN-ka waxa ay soo saareen qoraal dheer oo ay ooga hadlayaan MMI, iyo wadamada taageerada u fidin jiray   Waxa sidoo kale xusid mudan wadamdaa iyo ururada ay magacaawday UN-ka ay magacaabeen waxa ayna kala yihiin:-

Djibouti, Egypt, Eritrea, Hezbollah, Iran, Libya, Saudi Arabia, Syria. waa inta ay Qaramada midoobay ay magacaawday, inkastoo wadamada Qaar ay MMI ay u fidin jireen gar gaar aan aheen hubka lagu dagaalamo. dhanka kale wadamada qaarna waxa ay MMI ka caawin jireen dhanka difaaca.

Qaar ka mid ah shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa. iyo taariikhdooda oo kooban.?

Shiekh Fu'ad Mohamed Khalaf.

   Waxa uu dhashay March 28, sanadii 1965.waxa uuna u hayaamay xiliyadii dagaalada wadanka Sweden. waxa uuna ku noolaa mudo 10 sano ah.

   Waxa uu ahaa Imaamka masjid ku yaala caafimada Sweden ee Stockholm. waxa uu wadanka ku soo laabtay sanadii 2006. waxa uuna ka mid ahaa ragga maxaakimta ugu wanaagsana dhanka hogaanka. waxaana madax uu ka ahaa waaxda waxbarashada iyo dhalinyarada.

  Markii wadanka uu cadowga soo weeraray waxa uu ka mid ahaa xubno ku maqnaa soo gudashada xajka ee magaalada Makka ee wadanka Saudi Arabia.

    Professor Ibrahim Hassan Addou.

    Waxa uu madax ka ahaa waaxda arimmaha dibada ee MMI, unaga dhigmay Wasiirka Arimaha Dibada. bur-burkii kadib waxa uu ku noola wadanka Mareenka-ka. Waxa uuna ka soo shaqeeyay jaamacada Amarican Univarsaty in Washington DC. Waana Profosser heesta shahaadada PHD

    Markii uu wadanka ku laabtay. Waxa uu hormuud ka ahaa Jaamacada Banaadir ee Magaalada Mogdishu.waxa uuna ka qeeb galay dadaalo lagu doonaya in Dowlada iyo MMI, lagu doonayay in lagu heshiisiiyo ee ka kala dhacay Nairobi iyo Khartoum.

  Markii ay socotay duqeentii Raaskanbooni waxa uu saxaafada kula hadlay wadanka Yamen waxa uuna sheegay in MMI. Ay diyaar u yihiin in ay dowlada wada hadal la sameeyaan. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ergadii ka qeeb gashay shirkii lagu qabtay wadanka Enlgand.Waxaana la oran karaa waa nin dublaaasi ah.

Sheikh Mukhtar Robow.

    Waxa uu ahaa kuxigeen-ka difaaca ee MMI, waxaana lagu yeeraa jiray (Abuu-mansuur) sidoo kale waa nin aad ooga muuqday dhanka dagaalada maxaakimta.wuxuuna si fiican uu ka qeeb-qaatay dagaalkii lala galay dagaal-oogayaashii, balse markii wadanka cadow-ga uu ku soo duulay waxa uu ku mid ahaa xubno ka maqnaa wadanka Saudi Arabia. Sidoo kale waa mid ka mid ah ururka Al.shabaab.

Yusuf Mohammed Siad Inda'ade.

      Waxa uu kamid yahay hogaamiya kooxeedyadii somalia, waxa uu 2003-dii madax ka noqday Sh/hoose, sidoo kale markii MMI, ay dagaalka kula jireen waxa uu kala qeeb galay dagaalkii lala galay.

   Ninkan waxa uu ahaa madaxa waaxda difaaca, inkastoo dad badani ay u arkayeen in uu yahay nin aan daacad aheen, waa ninka yiri Ethiopia waa in ay wadanka ooga baxdaa 7 bari, kadibna isaga duulay wadanka isaga oo aaday gudashada xajda, wax badan in aan ka iraahdo ma doonayo, maxaa yeelay waxa aan kamid ahaa dadka MMI aan ku raacsaneen in uu ninkaasi madax ka ahaado maalmul magaciisu uu balaaran yahay, kuna dheehan islaam, balse qofka wuu ka toobad keeni kara wixii danbi ah oo uu galay.Dad badan ayaa u arka in bur-burkii MMI uu kamid yahay Indhacadde dadka eeda ku leh.







Hassan Abdullah Hersi (al-Turki).

     Waxa uu ku dhashay 1944-kii gobalka Ogadeniya (ama Soomaali-Galbeed) ee gacanta gumeesiga Ethiopia ku jira, Waxa uuna xubin ka ahaa ururkii Al.itaxaad ee meelo badan oo wadana ah ku lahaa awood aad u balaaran. American-ka waxa ay ku eedeenayan in uu ka mid yahay "argagixisada". isaga oo lagu daray liiska ragga uu Amarican-ka donayaan. dhanka kale waxa uu kamid ahaa hogaamiyaashii ugu magaca dheeraa ee MMI.

   Markii ay maxaakimta ay qabsadeen magaalada Kismaay iyo guud ahaan Jubooyin-ka waxa uu ka mid ahaa raggi horkacayay ciidanka MMI.ugu danbeentiina waxa uu ku jiray dadkii lagu duqeeynayay Raaskanbooni, ilaa hada lama yaqaan meesha uu ku sugan yahay. waana mid ka mid ah hogaanka Ururuka Al-shabaab  

Shiekh Shariif Sheikh Axmed.

    Waxa uu ku dhashay Gobalka Sh/dhexe. 25, July ee sanadii 1964. waxa uu wax ku soo bartay D/hoose dhexe ee ku yaal Magaalada Jowhar ee 90Km u jirta Magaalada Mogdishu.kadib waxa uu ku biiray Dugsiga sare ee Suufi.

    Markii uu dhameeyay Dugsiga Sare waxa uu wax barasho Jaacamadeed u aaday wadanka Sudan. balse 2 sano kadib waxa uu aaday wadanka Liibiya waxa uuna ku dhameestay Daraasadiisa Jaamacadeed.isagaoo bartay Shareecada iyo Qaanuun-ka.

  Sanadii 2002-dii ayuu wadanka dib ugu soo laabtay, waxa uuna la shaqeeynayay xiligaas Mohamed Dheere oo kamid ahaa Dagaal-oogayaasha Mogdishu. balse wax badan ayuu ku mucaaraday taasi oo keentay in uu u soo wareego magaalada Mogdishu. xiligaas waxa ay aheed markii ay jirtay dowladii Carta ee uu madaxka ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Isbadalkiii nolashiisa:.

  Markii afduub loo geestay mid ka mid ah ardaydii uu macalin-ka u ahaa, kadib waxa uu bilabay in uu dadka deeganka u sheego in ay iyaga amniga ka shaqeeyaan. Waxa suura gashay in ay sameestaan Maamul iyo Maxkamad ka shaqeeysa Amniga, isaga ayaana loo doortay in uu madax ka noqdo, sidoo kale waxa suura gashay in ay soo furtaan ardaygii afduubka ay u heesteen koox burcad ah

  Dadka deegeenka oo u doortay in uu Madax ka noqdo Maxkamad dhanka amaanka ah, ayaa sabab u noqotay in loo doorto in uu noqdo gudoomiyaha MMI, waxa dad badan ay ka xasuustaan sida uu dadka u qanciyo marka uu kala hadlayo warbaahinta, waa shaqsi aad u hadal wanaagsan.maantana waxa uu kamid yahay Ragga xoriyad doonka ah.

 Sheikh Hassan Dahir Aweys.

    Waxa uu ku dhashay Baadiyaha Dhuusa-Mareeb ee Golabada Dhexe, sanadii 1945. Markii uu dhameeyay Dugsiga Quraanka ah kadib ayuu waxa uu soo aaday Mogishu, halkaas ayuuna ka sii watay barashada diinta islaamka.dhanka masaajida ayuuna xooga saaray.kadibna waxa uu ku biiray Machad diini ah oo raacsan Jaamacada Azhar sanadii 1965.

   Waxa uu Dugsiga Sare dhameeyay sanadii 1971, ciidanka somalia waxa uu ku biiray 1973,waxa uuna ka mid ahaa raggi hogaaminiyay ciidanka somalia ee dagaalkii 1977. Madaxwayne Mohamed Siyaad Bare wax uu gudoonsiiyay Bilad Sharaf dhanka geesinimada ah.

   1978, waxa lagu eedeeyay in uu kamid ah raggi ku fashilmay afganbi dhicisoobay, 1986 ayaa la xiray isaga oo lagu eedeeyay in uu qal-qal ku yahay dowlada somalia, waxaana ku weheliyay xarigaas rag badan oo ku jiray ururkii Al.itaxaad ee 1983 la unkay.

   1987, waxa lagu xukumay dil toogasho ah, balse waa laga khafiifiyay kadib markii arintisa ay soo galeen Allaha u naxariistee Boqorkii xiligaas ee C/laahi Bin C/aziiz, iyo Shiekh C/aziz bin Baaz (Xafidahulaah).waxaana kuxiinkiisa laga dhigay xabsi daa'in

   1988,ayaa la soo sii daayay kadib cadaadis dowli ah ee lagu saaray in Mohamed Siyaad uu sii daayo siyaasiyiinta ku jirta Xabsiyada dowlada.

  Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye, waxa uu bilaabay in uu sii wato dhaq-dhaqaaqiisii dhanka islaamka, waxa uu dagaalo la galay Ethiopia, iyo Jabhad uu horgacaya C/laahi Yusuf isaga oo hogaaminiya ururka Al.itaxaad.

  Balse sanadii 2006 waxa uu noqday gudoomiya golaha Shuurada ee MMI, sidoo kale waxa uu kamid yahay siyaasiyiinyta somaliada, waana nin aad u hadal adag, inkastoo uu yahay Korneel dhanka ciidanka ah.sida u sheekayne waxa uu hada ku sugan yahay meel katirsan wadanka.

Aden Hashi Farah "Eyrow"

     Waxa la sheegaa in uu yahay hogaamiyaha ururka Al-shabaab oo MMI, dagaaladii ay galeen  ka qaatay kaalin aad u wanaagsan, dhanka kale waxa dowlada Ameeri-ka ay  ku eedeeysan in uu wadanka Afganistaan, isagoo lagu eedeeynayo in makid yahay ururka Al.Qa'ida.

  17 Janayo ee sanadan 2007, shir jaraa'id oo uu qabtay kuxigeen-ka xoghayaha guud ee wasaarada difaaca waaxda qaabilsan africa, waxa uu sheegay in uu Aadan Xaashi Ceeroow, balse bishii March 7 isla sanadan waxa uu soo duubay cajalad oo ugu baaqayo kooxaha dagaalka ka wada magaalada mogdishu in ay sii wadan dagaalka, sidoo kale umda somaliyeedna waxa uu ugu baaqay in ay ugu diyaar garoobaan dagaal wadanka lagu xoreeynayo.

 Gabagabo

  Tageerada MMI ay ka hili jireen wadamo badan oo caalamka ah waa mid ku kooban warbaahinta balse waxyaabo cadeeynaya ma jiraan, hadii ay jiraan waa arimo u bahaan in la hubiyo, sidoo kale MMI waxa ay ku jiray dad badan oo magac leh sida Sheikh Abuukar Cumar Cadaan oo aanan helin wax ku saabsan nolashiisa inkastuu yahay nin ganacsade magacna ku lahaa somaliada dhaxdeeda.waxa kaloo xusid mudan Seikh C/qaadir oo ahaa ninka ku xigay Sheikh Shariif ee golaha Fulinta, dhanka kale Sheikh Iimaan Abuubakar oo isna ahaa kuxigeenka Xasan Dahir aweys ee golaha Shuurada, Sheikh Janaqoow, Eng.Aftooje. Shiekh Fanax oo xiriirka bulashada ahaa iyo dad kaloo xusid mudnaa ayaa ku jiray MMI.

 Akhri: Qaybta ugu danbeeysay iyo Maxaa dhacay MMI kadib.?!!!

Salaamat min kuli aafaat.

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad

Salaamat minkuli aafaat.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH