KULANKA SAXAFIGA & SOMALITALK:
Wariye Da'uud Cabdi Da'uud: Waxaan mutaqbalka jeclahay in aan
noqdo nin u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bini'aadanimo ee dadka somaliyed....
Hordhac..
Asalaamu Calaykum.
Alle ayaa mahad oo dhan ay u sugnaatay Nabad galo iyo naxarisna
Nabigeeena Mohamed ah korgiisa ha ahaato.
Usbuucana waxaan qormadan ku marti nooogu ah, wariye Da'ud. Bal aan
sheekadiisana waxa ay ku bilaabaneeysaa sidan:-
Wariye Da'ud: Nin Hool kar ah
Wariye Da'ud Abdi Da'ud waxa uu ku dhashay magaalada Mogadishu
sanadka marka uu ahaa 1981, nasiib daro waxa uu inta badan ku
Caqliyeestay dagaalada sokeeya iyo dowlad la'aan dalka ka jirta.
Inkastoo ay sidaasi tahay haddana ma uusan ka mid noqon kuwa dabka lagu
huriyo ee dagaalada u ah xaabada lagu shido ee loo yaqaan Mooryaanta ama
Jiriga. " Ninba taagtiisa ayuu tilaabsadaa". Wariye Da'ud waxa uu
sameeyay dadaal inta uu sameen lahaa qof guusha iyo guuldarada ay isugu
mid tahay, taasi oo aan oogala jeedo dowlad la'aanta jirtay iyo dhibka
aan dhamaan ee dalkeena Somalia ku habsaday.
Waxbarashadiisii..
Kaddib bur-burkii dowladeenii sharafta mudneed 1990-kii, wixii ka
danbeeyay waddanka waxa ka biloowday isxilkhaamid dhan walba ah, waxaana
ka mid ah waxrashada Gaarka ah waxa ay Somalia ka noqotay mid ay ka
faa'iideesteen dad badan oo Somalia ah. Wariya Da'ud dadkaas ayuu ka mid
yahay.
Warbarshadiisa Dugisaga H/Dhaxe iyo saraba waxa uu ku dhameestay
dugsiga lagu magacaabo Mogadishu Boarding School ee ku yaal magaalada
Mogadishu. Waxa uuna dhameeyay sanad dugsiyeedkii 2003-2004. waxaa jira
kala duwanaansho dhanka Manaahijta ah iskuulkan uu ka baxaday wariye
Da'du waxa uu ka midyahay iskuulada ku baxa luuqada English-ka ah.
Dadaalaa wuu gaaraa, dhalinyada heshay fursadahan oo kale ee waqtigooda
ka faa'iideestay waxa ay ka badbaadeen in ay Gidaar u noqdaan
daneestayasha iyo Dagaal oogayaasha dalka ka jira.
Shaqadiisa dhanka Warbaahinta..
- 2004, waxa uu ka shaqo bilaabay idaacad lagu magacaabo VOD ee
xarunteedu ay tahay magaalda Mogadishu. Waa waqti dhow marka uu
bilaabay ka hadlida saxaafada Xorta ah ee dalka ka jirtay balse
dadaal badan oo uu sameeyay maanta meel heer sare ah ayuu ka
joogaa..
- Idaacada Shabelle Radio ayuu mar wakiil wareed "Correspondent"
ooga ahaa Gobaladda dhaxe meelo ka mid ah, sida magaalooyinka
Cadaado iyo Guriceel.
- Cabudwaq Radio, ayuu ka soo noqday Agaasime ku xigeen.
- Cadaado Radio, waxa uu ka gaaray Darajada ah Agaasime inkastoo
hadda aysan furneen. Sida uu ii sheegay Wariye Da'ud.
- Waxa uu Tifaftire ka soo noqday wargees la oran jiray Daryeel oo
Mogadishu xarun u aheed.
Waxqabadkiisii…
Sida uu ii sheegay Wariye Da'ud intuu uu ahaa ardayga waxa uu noqday
afhayeenka Ardaya iskuulada hoostaga dalada FPENS. Ee xarun u ah
magaalada Mogadishu. Sidoo kale intii uu warbaahinta ku jiray waxa uu ka
qeebgalay olalihii nabadeenta dadaalo xilligaasi ka olaalsanaa dalka
gudihiisa gaar ahaan Gobalada dhaxe oo ay isku dagaalayeen labo
maleeshiyo oo laba Qabiil ah.
Markii ay wariyaasha ka soo qaxeen intooda badana ay waddanka Kenya
joogan waxa uu ka mid ahaa dadkii unkay Heyada u dooda xaquuqda dadka
suxufiyiinta ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano " SOJRA"
[Somali journalist Rights Association]. Waxa uuna hadda ka yahay
Xoghayaha guud ee heyadaasi, waana mid ka mid ah xubnaha iyo madaxda ugu
dhaq-dhaqaaqa badan.
Mustaqbalka iyo waxa uu rajeeynayo Hadduu Alle idmo..
Mar aan wax ka waydiiyay waxa uu u jecelyahay in uu noqdo mustaqbalka
ayuu waxa uu Wariye Da'ud yiri "Waxaan mutaqbalka jeclahay in aan noqdo
nin u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bini'aadanimo ee dadka somaliyed, sababtoo
ah dalka Somalia iyo dadka somaliyeedba waa dad dulman". Arrimo kale oo
ku saabsan hiwaayadiisa mar waan ka waydiiyay waxa uu igu yiri waxaanba
jeclahay in aan mar walba hool ka dhigo arrimaha Somalia gaar ahaan
arrimaha bini'aadanimo. Dadaala wuu gaara waxaan u rajeeynayaa Wariye
Da'ud in uu hooshiisa ku guuleesto.
Gabagayo.
Akhritayaal todobaadkana intan ayaan ku soo afjarayaa qormadeena
kullanka suxufiga iyo somalitalk, haddu Alle idmo usbuucyada soo socda
waraysiyo xiiso badan ayaan idiin soo gudbin doonaa, mahadsanidiin..
KULANKA
SAXAFIGA & SOMALITALK: Wariye C/xakiim Cumar Jimacaale: Qofkii Naf badbaadiya waxa uu la midyahay Hooyo… Akhri

TODDOBAADKII HORE: Wariye C/naasir Zero:
Majirto dhabo aannu ku baxsano inaanu cararno mooyaane. Akhri
___
F.G
Qormadan kullanka saxafiga iyo somalitalk cid walba oo daneeyneysa
warbaahinta Caalamka iyo gaar ahaan tan Somalia in ay kaga hadasho waan
soo dhaweeynayaa. Cidna gaar umma ah qof walba oo jecel in uu wanaag
ummada u sheego way u furantahay. Waxaadna naga soo xariiri kartaan
E-meal-lada hoos ku xusan.
Mahadsanidiin..
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentelman"
Kullankasomalitalk@gmail.com ama
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya.