10 SANO KADIN IYO HONG
KONG IYO 17 SANO KADIB IYO SOMALIA.?!!
Qore:Ibraahim
daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-kenya
+254721130470
HORDHAC.
17 sano oo dagaalo iyo dhib ah haddii aysan jiri laheyn in
aan horumar fiican tiigsan laheen soo wac dhici kara
maahan.? Runtii wax badan ayaan maanta aduunka oo dhan ka
danbeeynaa.Tusaale Malaysi waa wadan
xoriyadiisa ay naga danbeeysa maantana waxa ku yaal
Dhismahaasha dunida ugu dheer .Iratariya
waa wadankii Africa oo dhan ugu danbeeyay ee xoriyadiisa
hela.Maantase waxa ay inoo raadinayaan in aan mar labaad aan
helno horiyad oo waxaa maanta jooga siyaasiyiin badan oo
Somalia ah.Iniga ayaa meeshaas is dhignay.Haddii aan
meeshaas ooga gudbo arinta ku saabsan wadankeena waxa aan
jeclaan lahaa waxyar in aan ha iraado Hong Kong
oo 10 sano ka hor un heshay xoriyad buuxda.
Hong Kong WAA MEEL SIDEE AH.?
Hong Kong
waxa ay ku taalaa Juqraafi ahaan Koonfurta wadanka Shiinaha,
waana ku dhawaad 262
Jaziiradood. Hong Kong
macnaheedu waa "Dekadii Fragrant
". Caasimadeeda waa Central
. Magaalada ugu weyn waa Sha Tin District
. Dadkeeda waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 7 Milyan.
90% dadka dagan waa dad
asal ahaan ka soo jeeda waddanka chine " Chinese
assets ". Waxanaa looga
hadlaa 2 luuqadood Shiinaha iyo English-ka oo ah luuqada
2-aad.
Waxa kaloo dagan dad badan
oo ka soo jeeda Waqooyiga Qaarada Asia sida wadamada
Pakistan , India
iyo Nepalese
ama " Neebaal".
Sidoo kale waxa ku nool dad badan oo kala yimid
wadamadda America , Canada , Australia, Japan,
Koreans iyo wadamadda
Europe dad ka
yimid. Arintan waxa ay keentay in sanad walba wadanka ay
soo galaan Muhaajiriin gaaraya ku dhawaad 45
kun oo qofood oo ka kala yimaada wadamo badan haba u
badnaadaan dadka dagan Qaarada Asia.
Waa bilida Guud ee
Hong Kong. xilli ay habeen tahay
Hong Kong waxa gumeeysan
jiray wadanka Britain
muddo 156 sano
ah. Laga soo bilaabo 1842
ilaa 30 May 1997
. Britain-na waxa ay ku wareejisay wadanka Shiinaha.
Wadanka waxa lagu naaneesaa. Hal Waddan iyo 2 maamul "
One country and systems".
Siyaasad ahaan Hong Kong waxa laga xukumaa wadanka
Shiinaha,balse Ganacsiga, Warbaahinta iyo Ciidankaba wax ay
hoos tagaan wali wadanka Britain
oo gumeeysin jiray. Inkasta oo wadanka uu leeyahaay ismaamul
Gobaleeed hoostaga dowlada shiinaha.
SIYAASADA:-
Sida ku xusan Dastuurka ismaamul Gobaleed ee Hong Kong ,
maamulka waxa uu ka kooban yahay Madaxa maamul Gobaleed,
Madaxwayne guud, iyo Gudoomiyaha golaha fulinta. Dhanka kale
marka laga eego waxaad moodaa in ay Hong Kong
tahay wadana madaxbanaan..
Gudoomiyaha Golaha fulinta ayaa iskaleh awooda ugu sareeysa
ee maamulka Hong Kong . Waxaana soo dooranaya 800
oo qofood oo ah xubnood oo
loo yaqaab Gudiga doorashada kadibna waxa uu so magacaabayaa
dhamaan maamulka wadanka oo dhan waa Gudoomiyaha Golaha
fulintee..waana in uu hela ku dhawaad 600 oo cod. Si uu
Gudoomiyaha Golaha fulinta uu u noqdo.
Shacabka waxa ay xoriyad u leeyihiin in ay sameestaan Axzaab
siyaasadeed iyo in ay sameeyn karaan banaanbaxyo ay ku
muujinayaan dareenkooda nooc walba oo ay tahay. Inkastoo
wali aysan ka jirin full Democracy. Maxaa yeelay shacabka
inta ku mashquulsan siyaasada iyo inta ku mashquulsan
horumarka waxa badan inta ku mashquulsan horumarka wadanka.
Wadankeena Somalia 17 ayaan la'nahay cid hogaanka inoo
heeysa. Siyaasi kasta ha ahaato cilmaani ama caalim waxa uu
doonayaa in maalin un la yiraahdo mudane Madaxwayne. Taasi
ma tahay mid suura gal ah "Haddii aan la kala roonaan roob
ma da'o"..
Waxa uuna wadanka leeyahay 18 Dekmo. Waan sida hoos ku
xusan. Dekmo walbana waxa ay leedahay maamul u gaar ah.
·
Central and Western
·
Eastern
·
Islands
·
Kowloon City
·
Kwai Tsing
·
Kwun Tong
·
North
·
Sai Kung
·
Sha Tin |
·
Sham Shui Po
·
Southern
·
Tai Po
·
Tsuen Wan
·
Tuen Mun
·
Wan Chai
·
Wong Tai Sin
·
Yau Tsim Mong
·
Yuen |
Dhaqaalaha iyo Ganacsiga:-
Hong Kong waxa ay aad u horumarisay dhanka
Gacansiga xorta ah. Xukuumada sooma fara gashato gacansiga
waxa ayna sameeysay canshuur dhimid keentay iyo wadanka ay
ka hool galaan shirkado fara badan oo ajaanib ah.
Suuqa Sarifka ee Hong Kong waa 5-ta
xarun ee sarif lacageed ee dunida ugu caansan mid ka mid
ah. Mudo 10 sano kudahood waxa Hong Kong laga dhisay 70
warshadood oo soo saara waxyaabo kala duwan. Ganacsiga
dhexmaray wadanka Chine iyo Hong Kong waxa uu gaarayaa
sanadii la soo dhaafay aduun gaarya 300 oo milyan oo
doolar. Qofka shaqaala ah waxa uu bishii ku shaqeeynaya
lacag u dhaxeeysa 1200$-5000 canshuurta dowlada ay ku
leedahay waa 16%..
waa daarta ugu dheer Hong Kong ee
ganacsiga
Waxaa Gobalka uu ku yaal wabiga Delta oo
kaliya ka shaqeeya dad gaaraya in ka badan 9 million oo
qofood waa gobalka ay ku yaalan inta badan warshadaha
wax soo saarka ee wadanka. Dhanka kale 25 kun oo qofood
ayaa wadanka shiinaha ka yimaada maalin walba kana
shaqeeya Hong Kong. Iyadoo safarada dadka kudaha
shiinaha ku nool ee Hong Kong yimaadana ay gaarayaan 90
million oo qofood.
Dhismaha ugu dheer eek u yaal Hong Kong waxa
lagu magacaabaa 2 international finance centre. Waxa uuna ka
kooban yahay ku dhawaad 90 dabaq.
Hong Kong waxa ay leedahay bad aduunka
intiisa kale oo dhan ay fududahay in ay kala xariirto, waana
mida keentay in wadamo badan oo aduunka ah ay siyaan xiiso
gaar ah ayna maalgashi ku sameeystaan.
Haddi aan u soo laabto wadankeena Somalia ee
dhibaatada ay ku habsatay. Alla waxa uu nagu maneestay xeeb
aad u dheer balse mudo ka badan 16 sano waynu fahmi la'nahay
muhiimada ay nolasha iyo horumarka wadanka u leedahay xeebta
aan heesano. Waana mid ka mid ah waxa Ethiopia ku dhaliyay
in ay Somalia ay gacanta maanta u gashao markii aan inagii
noqonay dad wax matarayaal ah ayay ku fakartay in ay
sameeysato dabada dhilifyo ay danta ay leedahay ku gaarto.
Ugu danbeen somaliyeey hadii aan runta la
isku sheegin been ayaa inoo qarxan ee goorma ayaan si saami
ah ooga faa'iideeysan doonaa fursada baaxada leh ee aan
heesano. Ma fiirin waxa ka soo deka xeebaha Puntland iyo
Somaliland. Balse waxa aanu u baahanahay waxaa maamul
mideeysan ee si wadajir ah wadanka u
maamula.si wax badan oo faa'iido ah loo helo. Waa hubaal
wali inta caqliga ah ay ku fakarayaan sidii looga wadda
faa'iideeysan lahaa. Miyaysan
aheen.?
Waxbarashada, Dhaqanka iyo
Diinta…
Haddii aan ku horumaro dhanka waxbarashada guud ahaan
hanaanka wax barasho ee Hong Kong waxa uu raacsan yahay
nidaamka waxbarasho ee wadanka
England
oo ahaa gumeestihii
Hong Kong. Waxa kale
oo ay leedahay 9 jaamacadood (Universities)
iyo dhoor macaahid (collages). Balse sanadahan danbe
waxa saameen u keeyashay wadanka Mareekanka iyada oo aad
arkeeyso in jaamacada wadanka in badan oo ka mid yahay ay
xiriir fican la leeyihiin wadanka mareekanka aad ayayna ugu
dhowyihiin.
Dhaqanka:-
Hong Kong waaa meel ay ku kulmaan dhaqanla reer Galbeedka
iyo kan Bari, waxaad ka heli kartaa wax walba oo aad u
baahayo sida:- Daawada laga sameeyo dhirta ee reer dad
wadanka Chine ay isticmaalaan, kaniisado kala duwan,
filimaanta American-ka iyo cunada sharikada Mc Donald
uu soo saaro aadna looga isticmaalo wadamo badan sida
America iyo England.
Inta badan dhaqanka reer Galbeedka ayaa ku danbeeya waxaana
u sabab ahaa Gumeeysigii Britain
. Dowlada waddankana aad ayay
ahmiyad balaaran u siisaa dhaqanka iyada oo furtay meelo
lagu keediyo dhaqanka.
Diinta:-
Shacabka ku nool
Hong Kong
waxa heestaan xoriyad buuxda oo dhanka Diinta ah, sida
badan dadka ku nool wadanka Chine iyo wadamadda
ku dhowba ay heestan Buudis ama " Buddhism".
Waana ku dhawaad 90%. Aduunka oo dhan dadka
heesta Buddism waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad
1,481,553,660 oo qofood..
waa dad reer Hong
Kong ah
Waxa kaloo jira dad tira yar
oo heesta diimo kala duwan ee ku nool Hong Kong sida:-
500,000 oo qofood oo heesta diinta Christian-ka
oo 7% ka ah shacabka wadanka ayaa ku nool
Hong Kong.
Sidoo kale 3,000 oo yahuud ah ayaa dagan. Waxa
kaloo jira tira yar oo Muslimiin iyo dadka diimo kale
heestaan intaba..
Gabagabo:-
Waxa aan qoraal ugu tala galay in aan wax badan kala socono
sida fudud ee wax loo qaban karo haddii ay jirto daacad iyo
kalsooni dowlad iyo shacabkeeda intaba. Horumarka waa mid
yareen kara dhibaata, dilalka iyo jahwareerka siyaada ee
maanta dadkeena Somaliyeed heesta. Side horumar ku gaari
karnaa.? Maxaane la gudboon dhalinteena maanta ah ubaxa
wadanka.? Yaanse ka sugeeynaa in ay horumar inoo keento.?
Su'aalahaan dhamaantood waa kuwo dad badan oo Somali ah
maskadooda ay ku wareegeeyso balse jawaabta sidii lagu heli
lahaa waxa ay u baahan tahay dadaal iyo isku xinaasho waa
sida ay ila tahay ibraahim ahaan.
Intaas ayaan ku soo gabagabeeynayaa qoraalkan oo ugu tala
galay in aan Hong Kongo ku barano sidoo kale Somali haddii
aanu nahay aan horumar buuxda ku gaari laheen.
Walaahu Aclam
Salaamat minkuli aafaat.
Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Maxay
yihiin Kooxda G8(Goup 8).. Waase maxay Ujeedada
loo sameeyay Ururukan G8... Akhri
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
xigassho google, alsharqul awsat.....
Faafin: SomaliTalk.com | June
21, 2007


|