SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

Dagaaladii maxaakimta iyo isbaheesigii dagaal-oogayaasha Mogdishu.?

 

Bishii July ee sanadii 2005,somalida waxa ay u aheed bil murrago iyo walaahoow ah, gaar ahaan inta ku  nool magaalada Mogadishu.goor subax ah oo aan u soo baxay hoosheeyda caadiga ah, ayaan waxan soo hor maray guri uu ka daganaa xaafada aan wada daganeen ee Buula Xuubeey ee ka tirsan degmada Wadajir, Allaha u naxariistee Marxuum  C/qaadir Yahye Sheikh Cali.balse warka ugu horeeyay ee maqlo waxa uu ahaa, war si gaara aniga iiga yaabiyay(Nixiyay).qof meesha ka dhawaa oo aan waji aqaanay ayan waydiiyay waxa meesha ka dhacay,waxa uunna ii sheegay, in marxuum C/qaadir Yahye si arxan daro ah koox aan la aqoon ay gurigiisa xalay ku dileen.dareenka dadka meesha jooogayna waxa uu aha mid murugo leh,.marxuumka waxa uu ahaa shaqsi jecel nabadda, sidoo kale waxa uu ahaa chairman-ka heyada CRD.ee xarunteeda ay aheed magaalada Mogadishu.

 

   Duhuradii ayaa lagu duugay(Aasay) isla magaalada Mogadishu,aaskana waxa  joogay dhamaan qeebaha bulshada sida:gudoomiyihii Baarlamaan Shariif Xasan iyo Cali mahdsi Mohamed. sidoo kale dagaal-oogayaashii,Dagaal-oogayaasha  joogay waxa laga xusi karaa, Mohamed Qanyare iyo Muuse Suudi Yalaxoow,Mohamed Qanyare oo ay isku beel ahaayeen Marxuum C/qaadir Yaxye ayaa waxa uu meesha ka sheegay in ay ogyihiin cida ka danbeeyso dilka loo geestay marxuumka sidoo kalana ay daba joogan kuwii geestay falkaas foosha xun(argagixiso).kadib maxaa dhacay.?

  Isla galabnimadii waxa dil kaloo fool xun loo geestay Allaha u naxariistee Marxuum Xirsi lugeey oo maxkamada Ifka Xalane u qaabilsan dhanka amaanka(taliyaha ciidamada),waxaana dilkas geestay nin ay isku heebyihiin oo lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad (Cabdu waal), waxaa uuna Cabdi waal ka mid ahaa isbaheesiga soo celinta nabada iyo ladagaalanka argagixisada.Cabdi waalna waxa magan galyo siyasadeed uu ka heestay Mohamed Qanyare. waxa uu ka dhashay beesha Ceer ee habar gidir,kadib maxaa dhacay hadana.?.

 

   29 bishii July 2005, ee isla sanadan goor habeen ah ayaa goox kale oo dabley ah waxa ay dil araxandaro ah u  geestay imaamkii iyo khadiibkii masjidka Abuu hureeyra allaha u xariistee sheikh Mohamed Muumin Haruun.,arinta layaabka leh waxa ay tahay labada marxuumba waxa ay ka wada dhasheen beesha Murursade.waxaana marba marka ka sii danbeyay sii badanayay dilalk dadka bulshada u ah wax galka, sidoo kale waxa soo if baxayay dagaalka xaga afka ah oo u dhaxeeyay maxaakimta iyo dagaal-oogayaasha.

   Xaalka sida uu sidaa u ahaa,18-kii February ee sanadii 2006.ayaa degmada Dayniile oo xarun u aheed dagal-ooge Mohamed Qanyare, waxa looga dhawaaqay isbaheesiga soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada. Alliance of  the Restoration of  peace and court-terrorism.(ARPCT),waxa isbaheesigan dhisay hogaamiye kooxeedyada Mogadishu iyo koox yar oo ganacsato ah.magacyadoodana waxa ay kala yihiin.Mohamed Qanyare Afrax,Muuse Suudi Yalaxoow,Botan Ciise Caalin,Nuur Dhiqle,Cumar mohamud(Cumar Finish),Bashiir Raage Shiiraar,Cabdi Nuure Siyaad(Cabdi waal),Cabd Shuri Cali Hirsi, Cabdi Rashiid Shire Ilkheete,kadibna waxa ku soo biiray Mohamed Dheera oo aha gudoomiyahii gobalka Sh/Dhaxe iyo Abdi Xasan Awaale qeebdiin oo uu taliyaha booliska u magacaabay Mohamed Qanyare oo xiligaas ahaa Wasiirka amniga Qaranka 19 march 2006,kulan ka dhacay xarunta Qanyare ee Dayniile, waxa afhayeen loo magacaay Huseen Gutaale Raage oo madax ka ahaa garoonka duyuurahada ee Dayniile oo uu gacanta ku hayay a Qanyre.isbaheegana waxa taagero buuxda siin jiray heyada sirdoonka Mareekanka ee CIA.bishiina ku dhawaad waxa ay qaadan jireen $150,000-$100,000 kun.waxa ayna ka amar qaadan jireen Safaarada Mareeekanka ee Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. May 2006, dowlada ayaa xilkii ka xayuubisay dagaal-oogayashi xilalka dowlada ka hayay dhiiga shacabkana ku gaaray.

   Isla maalinta lagu dhawaqay waxa biloowday dagaal culus oo dhax maray maleeshiyada isbaheesiga oo uu hormuud u yahay Cabdi Nuure Siyad(Cabdi waal),oo ay maxaakimta raadinyeen.isagoo oo dil u geestay Taliyihii ciimada ee Maxkamada Ifka Xalane Marxuum Xirsi Lugeey, dagalkana waxa uu ka biloowday kuliyadii hore ee Jaale Siyaad.dagaalka waxa uu aha mid ka duwan dagaaladi hore kooxaha is heesta waxa ay isku eedenyan arimo diimeed.midowga maxakimta waxa ay ragan ku sheegeen in ay yiihin rag diinta ka baxay, oo in ay toobad keenaan loo baahan yahay.dhanka isbaheeysigana waxa ay lacag ku soo qaateen in ay soo qab-qabtaan rag ay reer galbeedka doonayaan.intooda badan ah Culumo somaliyed balse Dagaal-oogayaasha waxa ay ku andacoonayeen in ay raadiyaan Argagixiso ajaanib ah iyo ragga gabaadka siiya intaba.qaar kamid ah dagal-ogaasha waxa ay si bareer ah u dhoofin jiren culamo somaliyeed waxana laga dhoofin jiray garoomada Dayniile,Cilsaleey,Jaziira oo demada Wadajir ku yaal iyo garoonka magaalada Jowhar. arinta oo meeshas maraysa ayaa masjidka Shiek Cali Suufi ee dagmada Hodan looga dhawaaqay in Jihad lala gali doono kooxahan isu baheestay la dagaalanka diinta iyo ehelkeeda.dhalinyarada jihaadka isku qortay dad badan ayaa la yaabanaa oo ay maxkasdooda ku soo maaxaneeysay ma gaalo baa lala jihaadayaa.?!waxa intaas xigay 28-march.2006 waxa sidoo kale magaalada Mogadishu looga dhawaaqay.urur la magac baxay diifaca diinta iyo dalka, waxana gudoomiye ka ahaa Shiek Axmed Khare.waxa uuna kamid ahaa ergadii midowga maxaakimta u mataleeysay shirkii magaalada Khartoum ee wadanka Sudan.ugu danbeeytiina 10 march shir ka dhacay Hotel-ka nabada ee Mogadishu oo ay ka soo qeeb galeen bulsha rayidka ah iyo

ganacsatada Mogadishu, ay soo saaaren qodobo dhoor ah, inta badana waxa shirka waxa looga hadlayay sidii shacabka mogdishu ay isaga gaashan lahaayeen in magaalada uusan ka dhicin dhib danbe aduungana loogu jeediyay in faraha ay kala baxan arimaha Somalia-da.waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa godoomiyaha ganacsatada ee ee Gobalka Banaadir Mohamud C/kariim Cali Gabeere.ganacsatada taageerada ugu badan waxa ay siin jireen midowga maxaakimta oo ay u arkayeen in ay yihiin kuwo magaalada ku soo dabaali kara xasilooni. Sidoo kale kalsoonida ay ku qabeen dagaal-oogayashana ay meesha ka baxday. 

Khilaafkii isbaheeysiga.?

      13 march 2006, waxa so if baxay khilaaf dhanka isbaheesiga ah kadib markii uu Bashiir Raage sheegay in hoosha argagixiso ladagaalanka ah ay u xilsaarteen biiliska aduunka (Inter-poll).mar uu ka qeeb galay dood BBC-du ay u qabatay isaga iyo Shiekh Xasan Dahir Awees.balse hadalgaas waxa ku beeniyay ragii ku jiray isbaheesiga.sidoo kale isbaheesiga waxa uu isku khilaafay cidii maxad ka noqon laheed isabaheesiga 19 march 2006, shir ka dhacay xarun Qanyare ee degmada Dayliine. oo ay kasoo qeeb galeen xubnihii isbaheesiga oo lagu dhisi lahaa gudoomiye ma aysan suura galin, Mohamed Dheere iyo Qanyare ayay kala taageeran.ugu danbeeyntiina shirkii ayaa ku dhamaaday guuldaro.balse qodabada shirka laga soo saaaray ayaa waxa kamid ahaa in ay shacabka taagero u fidin doonan maxakimtana waxa ay u soo waxa ay ku eedeeyeen in ay gabaad u yihiin argagixisada.

Taageeradii shacabka Mogadishu ee isbaheesiga iyo maxaakimta.?

   Cabdi Nuure Siyad (Cabdi Waal) markii uu soo dagay xaafada B/Xuubeey ee degamad Wadajir, gaar ahaan agagaarka international airport ee Mogadishu, waxa uu sheegay in ay shacbiga caawin doonan sidoo kalene ay dhisi doonan jidad,maxaajido iyo dugsiyo,dhanka kale waxa uu deeqo raashin iyo lacag isuga jiro gaarsiiyay xerooyin dadka soo barakacay ay daganaayeen oo ku dhawaa dhismaha uu ka daganaa xaafada B/xuubeey.sidoo kale Cabdi Shurki oo isbaheesiga ka mid ahaa oo isaga soo dagaya agagaarka hospital Madiina ee isla xaafada B/xuubeey ee degmada Wadajir ka ritsan.waxa uu dayac tir ku sameeyay masjid ku yaaala xaafada iyo wadada laamiga ah.sidoo kale Qanyare oo booqosho ku tagay xaafada Gubta waxa uu shegay in uu dayactir ku sameen doono meelihi ay burburka u geesteen dagaalkii maxaakimta ay la galeen maleeshiyadiisa sida guryaha iyo masaajida.balse 20 march maxaakimta shir jaraa'id oo ay qabteen waxa ay ku sheegeen in shacabka ay u sheegayan in isbaheesiga uu yahay mid loogu tala galay baabi'inta diinta, shirkaan waxa uu daba joogay shirkii ka dhacay Dayniile ee xubnaha isbaheesiga.sidoo kale.Shiekh Sharrif Sh Axmed oo shacabka la hadlaya shirka jaraa'id kadib waa uu yiri sidan. "Waad ogeedeen waxa ku hadleen markii hore maantana waxa ay yiraahdeen dugsiyo,jidad I.W.M., waxa ay doonayan in ay baabi'yaan Dugsiyada magacyadoona:Mascuud,Bilaal,Abuubakar iyo Shaafici, waxayna doonayaan in ay ku badalaan magacyo gaalo sida Johan iyo David" Sheikh-u waxa uu intaas ku daray in ay nin Yahuud(Israel) uu magaalada mogdishu iman dono isaga oo ka soo dagi doona garoonka Cisaleey oo uu madax ka yahay ganacsade/dagaal-ooge Bashiir Raage, ninkana waxa lagu sheegay in uu mar Yahuuda safiir ooga ahaa wadanka Ethiopia.sidoo kale dhanka maxaakimta waxa ay bilaaben in ay shacabka gargaar gaarsiiyaan, waxayna gargaar gaarsiiyeen Xero ku taalay Ex-Warshadi hore ee Kabka ee magaalada Mogadishu, gargaargaas oo ahaa waxyaabaha daruuriga ah sida bur,bariis iyo sokor. ugu yaarana waxa ay la gaarsiyay 180 qoos oo daganaa xeradaasi.markaad is barbardhigto waxa kuu muuqanana loolan laagu jiray sidii shacabka loo kasban laha balse guusha waxa ay u soo yohatay maxaakimta islaamiga.balse 22 march 2006, Mogadishu waxa ay ku waabarisatay madaafiic aad u xoogan, kadib markii dagaal uu ka biloowday deegaanka Gal-galato ee duleedka Bari ee Mogadishu, dagaalkan oo u dhaxeeyay labo ganacsane oo kale taageeri jiray isbaheesiga iyo maxaakimta waxa ayna kala yihiin Bashiir Raage iyo Shiekh Abuukar Cumar Cadaan labadooduna ku wada tirsan beesha Abgaal, balse dagaalka wajigiisa dhabta ah waxa uu noqday in ay maxaakimta galaan inkastoo qaar maxaaakimta mogdishu ah ay dagalkan ku tilmaameen in uu yahay dagaal dad walaalo ah u dhaxeeya, balse guusha waxa ay raacday midowga maxaakimta..inta badan dagaalka inta uu socday waxa magaalada Mogadishu hawadeeda dulheehaabayay diyaarada AC-130 ee dowlada mareekanka.

Cabsida laga qabay khilaaf dhanka diinta(firqootinka) iyo Qabiilka ah.?

   Markii lagu dhawaaqay isbaheesiga magaalada Mogadishu, waxa soo baxay khilaafyo dhanka beelaha ah, beesha Ceer oo lagu xaman jiray in ay taagerto maakimta ayaa ergo ka socota waxa ay shir kula qaateen safaarada mareekanka ee magalaada Nairobi.7 April 2006, waxaana egradaasi horgacayay ugaas Cadbi Daahir Ugaas Nuuur.dhanka safaaradana waxaa goob joog ka ahaa safiirka mareekanka ee Kenya William Blemy.dhanka kale beelaha Murursade iyo Habr-gidir waxa uu shirar ooga socday isla magaalada Mogadishu.dhanka kale maxaakimta inta badan ragga hormuuudka u ah isbaheesiga waxa ay ku eedeen jireen in ay rag aaminsan madaahib kale sida Wahaabiya isla markaana ay yihiin Argagixiso xagjir ah gabaadna siiya shiyeeshe.maxaakimtana ay saldhig u yihiin ururka Al.itixaad.iyadoo ay arintaasi jirto ayaa Maskijka Shiekh Cali suufi waxa lagu qabtay 9 April 2006, xaflad lagu maamuusayo munaasabada maalinta dhalashada nabiga.taasi waxa ay dhalisay in ay isu soo dhawaadan culumada, si hadalada ay sheegayan xubnaha isbaheesiga meesha looga saaro.Alle mahadiine waa lagu guuleestay.labadan arimood waa arimo muhiim ay aheed in loo waajaho qaab cilmiyeeysan wayna dhacday maanta Iraq dhibka ugu badan ee ka jira qaabiil iyo qilaaf dhanka madhabka ah.sidoo kale inta badna dagaalada waxa ay socdeen dhulalalka ay Mogadishu ka dagan yihiin beelaha Murusade iyo Abgaal inkastoo magaalada la wada dagan yahay hadana meelaha qaar waa loo kala badan yahay, waana lagu kala awood badan yahay.deeganada ay dagan uu badan yiihin beelaha Habar-gidirna inta badan dagaal kama socon.waxayna keeni kartay qilaaf dhanka shacabka ah.waxa meel isku deegan daganaa,Cabdu Nure Siyaad(Cabdi Waal), C/shukri Cali Xirsi, C/rashiid Shire Ilkheete, Cabdi Xasan Awaale Qeebdiid 4 Cabdi oo dhamaantood ahaa beesha Habar gidir.

Dagaaladii ugu yaabka badnaa ee maxaakimta ay galaan.?!

  8 April 2006, goor subax ah shacabka reer Mogadishu waxa ay ku wabariisteen dagaal aad u culus una dhaxeeyay maxaakimta iyo isbahaasiga.dagaalka waxa uu ahaa mid markii hore maxaakimta lagu soo qaaday,deegaanada uu ka dhacayne waxa uu ahaa:xaafadaha Taleex, Km4, B/xubeey iyo agagaarka tiribuunka,dagaalka oo biloowday goor aroortii ah waxa uu geestay qasaaro,ugu danbeeytiina waxa suura gashay in ay maxaakimta la wareegaan Hotel Sahafi iyo gurigii Cabdi Waal,maxaakimta waxa ay mar labaad gacantooda ku soo laabatay isgooska Km4 oo ah meel istaratiiji ah. (xitaa maanta isgooska KM4 waa meel muhiim ah dhib badan ayaanu loogu geestaa Tigreege,Uganda iyo taageradooda. wax yaaraday gurmadkii ay isku fidin lahaayeen dagaal-oogayaasha, sidoo kale waxa soo waajahay isbaheesiga kala dhantaal.

   Walaacoowga shacabka reer Mogadishu-na waxa uu gaaray meesha ugu sareeysay. balse midowga maxaakimta waxa u soo hoyataya furiihii guusha magaalada Mogadishu. Si fududna maxaakimta dagaalada ayay uugu guulesan jireen.dagaalka deegaanadan ka dhacayne waxa uu ahaa,  kadib shir ka dhacay Hotel Sahafi oo xubnaha isbahesiga ay ka soo qeeb galeen, war sir ah oo aan ka helay waxa uu ahaa in degaanada ay dagan yihiin beelaha Habar-gidir dagaal laga bilaabo balse waxa wacad ku maray dagaalka uu bilaabi doono Cabdi Waal.maxaa yeelay dagaalka inta badan waxa ka socday deegaanada ay dagan yihiin Abgaal iyo Murursade.

  7 may 2006, dagaal qaraar aya ka biloowday deegaanka CC ee magaalada Mogadishu,waxa uuna u dhaxeeyay maxaakimta iyo nin lagu magacaabi jiray Nuur Dhiqle,isbaheesiga iyo midowga maxaakimta ayaa kala taageri jiray dagaalkuna waxa uu aha mid aad u culus xaafada oo aheeed xaafad aad u luuqyo badan ayaa soo dadajin weeysay guul dag-dag ah oo ay gaaran maxaakimta.waan waan iyo wada hadal ayaana lagu soo gaba-gabeeyay isagoo dagaalkaas uu aha mid aad u qasaaro badan.ugu danbeeytiina dagaalki.Mohamed Qanyare markii uu isaga tagay magaalada Mogadishu, isbaheesiga waxa ay ku noqotay guul dare kale oo soo waajahday.dhanka kale waxa magaalada isaga cararay Mohamed Qanyare kadibna waxa fudaadau in isaga cararaan Muuse Suudi iyo Bashir Raage.intaas markii ay meesha magaalada isaga baxeen iyo kuwa kale waa soo haray C/qeebdiid

    28 may 2006, kulan ayaa dhaxmaray Cusmaan Caato iyo maxaakimta islaamiga si C/qeebdiid looga dhaadhicin lahaa in uusan isku dayin in uu qaado dagaal,balse C/qeebdiid oo kaligii ku ahaa magaalada saaxiidisna ay magaalada ka caraareen wax baadiyaha aaday iyo wax bada galay ay noqdeen arintaasi wuu ka soo hojeestay.ugu danbeentina dagaalkii lagu qaaday si fududu ayaa looga guuleestay oo waxa lagala wareekay dhamaan hubkii uu heestay 43 gawaarida dagaalkana ay ku jiraan.jaan iyo cirib meel uu dhigayna waa la waayay.ugu danbeentiina Gaalgacyo ayuu ka dhigtay xarun.wixii ka danbeyay dagalkiisa maxakimta aya la wareegay magaalada Mogadishu iyo hubkii hogaamise kooxeedayda.nabad iyo xasilooni ayana magaalada ku soo laabatay.kadibna maxaakimt waxa ay u qabsaneed magaaloyin kale sida Jowhar,B/weene iyo kismaayo oo dhamaanood ay joogeen dagaal-oogayaal, kismaayo iyo gobalka shabeelada hoose qormooyinka soo socda ayaan ooga hadlo doona haduu Alle idmo, dagaal-oogayashiina mid meel mid kale kula sheega ayaa la waayay.guushii maxaakimta ee dagaalkas ay ka gaareen waxa ay sababtay in ay shacabka reer mogdishu ay 6 bilood oo farxad ah.

Akhri Qaybta 4aad...

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

Salaamat minkuli aafaat.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

F.G.waxan aqritayaasha ka raali galinyaa qormada oo aan soo bixin usbuucii hore,sidoo kale balanqaadkii ahaa dagaalada maxaakimta oo dhan waxa aan dib ooga hadli doona dowlada+tigreega iyo midowga maxaakimta wixii dhaxmaray.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 15, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH