KULANKA SAXAFIGA & SOMALITALK:
Wariye C/xakiim:- Qofkii Naf badbaadiya waxa uu la midyahay Hooyo…
Hordhac..
Wali waxaan aan ku jirtaa Barnaamijkeenii Kullanka saxafiga iyo
Somalitalk, Hadduu Alla idmana dad badan ayaanu ku wareeysan doonaa,
sidoo kale waxaanu ku soo qaadan doonaa Qormooyin aan ku soo qaadan
doonaa wariyaasha caalamka kuwa ugu magaca dheer.
Wariyaha Xaq dhawr..
C/xakiim Cumar Jimacaale iyo Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentelman"
Wariye C/xakiim Cumar Jimacaale waxa uu ku dhashay magaalada
Mogadishu gaar ahaan Hospital Martiini sanadka marka uu ahaa 1965,
wariyahan 42 jirka ah ee haatan lagu daweeynayo Hospital ku yaala
magalaada aan kulla kulmay ee Nairobi ee dalka Kenya , waxaa dhibaataado
u geestay 8 nin oo hubeeysan oo aan la garaneen xilli habeen sakhdii
dhaxe ah isaga oo kusan gurigiisa taarikhdu marka ay aheed 11-
August-2007 ka hortii intii aan dil arxandaro ah aan loo geeysan
saaxiibadeena kalle ee bahda saxaafada sida weyn looga yaqaanay ee kala
ah Ali Iimaan Sharmaake, iyo Mahad Axmed Cilmi Allaha u naxariistee.
Dilkan loo geeysayo ama dhibaatada aqoonyahanka Somali-ga ah lagu hayo
waa mid mudo soo socotay, sida cadna waa qorsho lagu doonayo in
aqoonyahanka ummada meesha laga saaro si gumeeysiga iyo xasuuqa dadka
rayidka ah loo sii xalaaleeysto.
Warbarashadiisii:-
- Waxa uu Dugisaga/Malcamada barashada
Qur'aan-ka kariimka ah ku dhameeyay magaalada Mogadishu.
- Sanadkii 1978-dii Dugsiga H/Dhaxe
waxa uu kaga baxay iskuulkii la oranjiray Saqaawadiin ee Gobalka
Banaadir ku yiilay. markii uu ahaa fasalka 8-aad waxaa loo doortay
Wariye C/xakiim macalinka ubaxa iyo wariyaha dagmada Yaqshiid ee
magaalada Mogadishu.waana xilligii Bari samaadkii.
- 1982 ayuu dugsiga sarre ka dhameeyay
iskuulkii la oran jiray Janaraal Daa'uud, ardayda ay wax isla soo
barteen waxa ka mid ahaa Yusuf Garaad Cumar iyo Aamina Muuse Wahliye
oo ka mid ah shaqaalaha idaacada British Broadcasting
Corporation.darajada fiican ayuuna ka gaaray iskuul-ka gaar ahaan
waxaa loo doortay Gudoomiyaha Fanka iyo isbooriga ee dhalinyada
iskuulka ka dhisneed, waxaana intaas u dheereed in uu ahaa
Teebistaha iskuulka oo dhan, waxaana xilligaas maamule u ahaa
Mohamed Mohamud Saban sidoo kalana ahaa abwaan, waxa uuna ii sheegay
wariye C/xakiim in uusan aqoon meel uu jiro maamulihiisii hore,
taasina waxa ay marqaati ka tahay guurdarada dowladnimada aan ka
dhaxalnay.
- 1982 waxa uu waxbarasho u raadsaday
waddan-ka Romania ee caasimadiisa Bucharest balse maxaa dhacay.?
Sida uu ii sheegay Wariye C/xakiim isaga oo jooga waddan-ka Romania
waxa waddanka Romania booqasho ku yimid wariiskii hidaha iyo
tacliinta ee xukuumadii military-ga Allaha u naxariistee Axmed
Ashkir Bootaan, waxa uuna dowlada dalka Romania u sheegay in aysan
waxbarasho u ogalaanin ardayda Somalida ah ee aanan ogalaansho ka
haysan ama aan ka diiwaan gashaneen wasaarada waxbarashada, sidoo
kalle arrintaas waxa ku raacay Allaha u naxariistee Mohamed Siyaasad
Barre. Taasina waxa ay marqaati ka tahay dhibka lagu hayay ardayda
somalida ah ee waxbarashada ka raadsan jiray dadal kale si
aqoontooda ay u sii wataan. Sidoo kale isla sanadan 1982 marki
dowlada Romania uu ka heli waayay waxbarasho ayuu u kicitimay dalka
Talyaaniga "Italy". Balse caqabad kale ayaa soo waajahay kadib
markii safiirkii Somalia u fadhiyay Somalia magaalada Roma uu u
diiday in dalka Talyaaniga ka helo fursad waxbarasho, arrintan oo
cadeen u ah musuqmaasuqa inta badan safiirada Somalia ee dalalka
shisheeya u fadhiya ay kula kacaan dadka Somali-da ah isla maantana
arrintaas waa mid taagan.
- Bilihii ugu danbeeyay ee sanadii
1983 ayuu waxbarasho u raadsaday dalka India gaar ahaan Gobalka
Rajistan, isaga oo ku biiray Jaamacada [Vidia Bahpan Rural
Universaty]. Waxa uuna ka helay shahaadada BA. Kaddibna dhulkiisa
hooyo ayuu ku soo laabtay sanadkii 1987.maantana yaa inta wax bara
dalkii dib ugu laaban kara haddii ar jirtana waa qof ay cabsi
dilootay.
- Intuu u dhaxeeysay 1987-1990, waxa
uu shaqo ka helay shirkadii Somalia Airline ee dhanka duulimaadka
qaabilsaneed gaar ahaan waxa uu ka mid ahaa waxaada
shabeele/Mogadishu qeebteeda Iibka iyo dhaq-dhaqaaqa.
- 1991-2007, Wariye C/xakiim waxa uu
ka soo shaqeeyay warbaahinta xorta ah ee la saan qaaday dowlad
la'aanta sida:- Radio Mogadishu gaar ahaan isaga oo caan ku ahaa
Barnamijkii "Saadaasha Hawadda", Radio STN & STN TV ee isla
magaalada Mogadishu ku yiilay, Raido TNG ee dowladii Carta ee uu
C/qaasim Madaxwaynaha ka ahaa, Raido Banaadir, Radio Bariga Africa
oo uu lahaa Hogaaiye kooxeedka Bashiir Raage Shiiraar iyo Raido VOD
dhamanadoota ku wada yaalay magaalada Mogadishu, waxa uuna ka
gaaray darajada ah soo saare Barnaamid, War aqiye iyo Lataliye
dhanka shuruucda saxaafada. Ninkii wax barta meel buu ka soo baxaa.
- Warbaahinta dibada waxa uu ka soo
shaqeeyay sanadihii u dhaxeeysay idaacad lagu magacaabo Radio voice
of peace "Idaacada codka nabada", xaruntiina ku taal magaalada Adis
Ababa.waxa uuna u ahaa Wakiil wareed "Correspondent", meelaha kala
ah Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, Bombasa iyo Nairobi oo dhamaantood
ku wada yaal dalka Kenya, sidoo kalana wargeeska ayaamaha ayuu
warbixino u tabin jiray isla xiliyadaas.
Wariye C/xakiim waa nin ceenkee ah.?

C/xakiim Cumar Jimacaale oo jooga Kenya
Wariye C/xakiim oo aan si gaara aan saaxiibo u nahay, cidee taqaana
ayaa garan karta waa nin aad u kaftan badan, isaga ay u dheertahay
ixtiraamka dadka da' walba oo ay yihiin. Wariye C/xakiim waxa uu
socdaalo kala duwan ku soo maray wadamo kala duwan sida:- Romaia,
Taltaaniga, Sa'udi Arabia, Ethiopia, Kenya, Masar, United Arab Emirates
iyo dalka India oo uu wax ku soo bartay, nin aan dhul marin dhaayaha
malaha waad dareemi kartaa qof sidan u socdaan badan marka aad
horfadhiisato waxaayabaha aan caqliga gali Karin ee uu kaaga
sheekeeynayo

C/xakiim Cumar Jimacaale oo u waramaya Ibraahim "Gentelman"
Wariye C/xakiim waxa uu nasiib u yeeshay in uu noqdo wariyihii ugu
horeeyay ee cod ka soo duuba ama wareesta madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yusuf
Axmed markii uu magaalada Mogadishu tagay gaar ahaan Villa Somalia.
Runtii waxa ay u tahay sharaf in uu la kulmo madaxwaynihii ugu horeeyay
ee Villa Somalia fadhiista kadib Allaha u naxariistee Mohamed Siyaas
Barre markii meesha laga saaray.sababtoo ah C/qaasim ayaa ugu dhaawaa in
booskaas fadhiisto isagana waxa la kor istaagay Hogaamiye Koxeedka
Xuseen Caydiid. Iskaba dhaaf kuwii ka hooray ii waqtigooda ku dhameestay
reer hebal iyo cid hebal nama maamuleeyso. Somaliyey haddii aynu tashay
wayno waa la inoo talinayaa.
Qof waxa uu bulshadiisa u soo kordhiyo waa lagu xasuusan doonaa,
dowlad la'aanta jirta owgeed qofkii wax qabsan lahaa ee Somalia ku
sugnaa suura gal uma aheen cilmiga aad soo baratayna in uusan waxta
tarin ayay u badantahay maxaa yeelay mid beeshada ka dhashay oo isbaaro
taagan marka oo danbi galo adiga ayaa lagaaga jarayaa oo lagu
dhibateeynayaa. Allow tan naga saar..Aamiin.

C/xakiim Cumar Jimacaale markii uu yimid Nairobi Kenya,
Waxa uu l ataagan yahay Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentelman"
Wariye C/xakiim waxa uu mahad gaara u celinayaa Dhaqaatiirta iyo
Maamulka Hospital Keedsaneey ee magaalada Mogadishu iyo wariyaasha ku
sugan dalka Somalia. Sidoo kale waxa uu mahad gaara u celinaya
wariyaasha ku sugan dalka Kenya gaar ahaan heyada u dooda Xaquuqda
wariyaha Somalia ee magaceeda marka la soo gaabiyo loo yaqaano "SOJRA".
Oo runtii gacan weyn ka geesatay keenitaankiisa dalka Kenya ilaa haddana
arrimihiisa daba socota.
Intaas ayaan ku soo gabagabeeynayaa barnaamijkeenii kullanka saxafiga
iyo somalitalk oo inoo ah raxano isbuuc la' ah.

F.G
Qormadan kullanka saxafiga iyo somalitalk cid walba oo daneeyneysa
warbaahinta Caalamka iyo gaar ahaan tan Somalia in ay kaga hadasho waan
soo dhaweeynayaa. Cidna gaar umma ah qof walba oo jecel in uu wanaag
ummada u sheego way u furantahay. Waxaadna naga soo xariiri kartaan
E-meal-lada hoos ku xusan.
Mahadsanidiin..
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentelman"
Kullankasomalitalk@gmail.com ama
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya.