SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

June 26, 2009: DFKMG oo Hub Loo soo Mariyay dalka Uganda oo Ciidamadu ka joogaan Muqdishu - Daily Nation

Dawladda Maraykanka oo Hub u dirtay DFKMG: Sida ay qortay jariidaadda WashingtonPost caddadkeedii June 25, 2009, dawladda Maraykanku waxay sheegtay  in ay hub u dirtay Dawladda (FKMG) Soomaaliya si ay isaga dhiciso muqaawamada islaamiyiinta. Ian Kelly oo ah Afhayeenka waaxda Arrimaha dibadda u qaabilsan Maraykaanka (State Department) ayaa sheegay in Washington ay hub siisay kaddib weydiisasho ka timid dawladda (FKMG) si ay isaga caabiyaan weerarka xooggaga xag jirayaasha oo carqaladaynaya nabadgalyada Soomaaliya, waa sida warku dhigay'e.. Warkaas oo dhan Akhri (English).

Hub la sii mariyay Uganda: Dhanka kale qoraal dheer oo qortay jariidadda Daily Nation maanta (Jimce June 26, 2009) oo ay kaga hadlaysay sida ay ciidamada Kenya ugu diyaar garoobeen haddii weerar kaga yimaado Soomaaliya, ayaa markii uu ka faalooday hubka uu Maraykanku siiyay DFKMG waxa ay jaridadda oo soo xiganaysay ilo xagga ammaanka oo shisheeye waxay sheegtay: Hubka la gaarsiiyay DFKMG ee Soomaaliya waxa uu sii mariyay dalka Uganda oo ah ay ciidamadoodu ka mid yihiin ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Muqdisho. Waxayna jariidadu intaas raacisay in kasta oo Qarammada Midoonay ay cunaqabatayn xagga hubka saartay Soomaaliya, haddana Golaha Ammaanku waxay cunaqabataynta ka dhaafeen hubka iyo saanadda/rasaasta cusub ee la gaarsiiyay DFKMG. Tixraac Daily Nation, June 26, 2009.

June 24, 2009: Kenya oo Meesha Ka Saartay Fara-galin Millatari oo ay ku samayso Gudaha Soomaaliya

"Dalka Kenya ayaa sheegay in siyaasaddooda xilligan ayan qorshaha ugu jirin in ay marnaba ciidankoodu u gudbaan gudaha Soomaaliya, haseyeeshee waxa ay sheegtay in ay iska difaacayso haddii la soo faragaliyo. Wasiirka Difaaca Kenya Maxamed Yusuf Xaaji ayaa waraysi uu siiyay VOA-da waraysi uu siiyay si cad ugu sheegay in ayan Kenya marna gali doonin dhulka Soomaaliya." Sidaas waxaa ku bilowday war ay June 24, 2009 faafisay Idaacadda Codka Maraykanka.

Warku waxa uu intaas ku daray "Mar la waydiiyay sida ay Kenya uga jawaabi karto baaqii ka yimid dawladda Soomaaliya ayuu wasiirku sheegay in Kenya ay ku shaqaynayso siyaasadda IGAD iyo urarada kale ee caalamiga ah, balse waxa uu fogeeyay in siyaasadda Kenya ee ku aadan Soomaaliya ayan u muuqan in ay is badali doonto." Waraysiga Wasiirka Halkan ka Dhegayso ama soo rogo (mp3) - VOA

June 24, 2009: Madaxweynaha Kenya oo la shiray Saraakiisha Ammaanka Kenya

Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya, Kibaki, ayaa la kulman laamaha difaaca u qaabilsan Kenya, si ay uga wada hadlaan qiimayn lagu sameeyo xaaladda Soomaaliya, sida ay June 25, 2009 faafisay jariidadda East African Standard. Waxayna jariidaddu sheegtay in (kulankaas kaddib) wasiirka Kenya u qaabilsan ammaanka arrimaha gudaha, George Saitoti, waxa uu ku celiyay mowqifka rasmiga ah Kenya ee ku aadan Soomaaliya uu yahay "in aanaan weerarayn, una diray ciidamo militari wixii ka gudubsan xadka" Waxana uu si qayaxan u sheegay in Kenya aysan faragalinayn gudaha Soomaaliya. Warkaas ka akhri Halkan (English).

Xildhibaan Cabdullaahi Xaaji Cali oo Is Casilay: Sida ay faafisay BBC qaybta Afka Ingriisiga waxaa Arbaca June 24, 2009, in xildhibaanimadii DFKMG uu iska casilay C/laahi Xaaji Cali, waxana uu sheegay in baarlamaanka DFKMG uu qarka u saaran yahay burbur. Sidoo kale Standard waxay sheegtay in baarlamaanka DFKMG ee Muqdisho ay u suurto gali wayday in uu buuxsamo Kooramka (Quorum) uu ku qabsoomi karo shirka baarlamaanka, taasna waxaa ugu wacan,ayey tiri jariidadu, in xildhibaanada baarlamaanku ay ka carareen dagaaladda Muqdisho ayagoo kala aaday dalalka kale Afrika, Yurub iyo Ameerika. (Hoos ka akhri 15 Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG oo Lagu Xanibay Garoonka Nairobi).

June 24, 2009: Sh. Aweys: Waa soo dhawaynaynaa Kenya Faragalin la'aanteeda Soomaaliya...

Sh. Xasan Daahir Aweys oo Arbaca June 24, 2009 warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu maqlay Kenya oo tiri waa faragalinaynaa Soomaaliya, haddana sheegtay war ka bedelay. Waxana uu intaas ku daray in uu Kenya "kusoo dhawaynayo fara galin la'aanta," laakiin waxaan rabnaa, ayuu yiri "in ay arrintaas dhamaystiraan, oo ay si wanaagsan dadka Muslimiinta ah oo Soomaalida ah ula dhaqmaan, oo ay aad u tixgaliyaan ummadda doorashadeeda, ayna iska ilaaliyaan xad gudubka, sababtoo ah waxa harayaa waa taariikhda."

Sh. Aweys waxa uu intaas ku daray in Kenya markii hore ku khaldantay oo dagaalka ka qayb gashay, "waa in hadda ay mucaamilo wanaagsan nagula macaamiloodaan waa kula talinaynaa, waana jecel nahay, waayo deris wanaag ayay keenaysaa, hadhowna taariikhda waa lagu dhisaayaa, laakiin haddii ay colaad nagu sajilaan oo maalin kasta dagaal noola soo galaan qoladii nagu soo duusha, waxay noqonaysaa taariikh dhismaysa oo colaadeed oo ay ayaga sameeyaan," ayuu yiri..." Dhegeyso ama soo rogo... (Hoos ka akhri hadalladii hore ee Kenya ka tiri dalabkii DFKMG ku dalbatay ciidamada deriska ah).

Hogaamiyaha ururka Xisbul-Islaam Seekh Xasan Daahir Aweys waxa uu shir jiraa’id ee uu ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in ay la dagaalamyaan ciidan kasta ee la keeno dalka Somalia gaar haan kuwa ay dalbatay dowlada FKMG isagoona ka jawaabay hadaladii ka soo baxayay DFKMG ee ahaa in dalka la galiyay xaalad deg-deg ah. Warkaas iyo Qoraal ka soo baxay Xisbul Islam oo ku bilowday "Waxaan cadaynaaynaa in aysan waddanka ka jirin wax xukuumad sharci ah taasoo ay shacabku sameysteen ama wax u qabatay ama u qaban karta" (Ka Akhri Halkan).

June 23, 2009: Cumar C/rashiid: Ilaa hadda ma jiraan cid ciidamo ugu yaboohday DFKMG

Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo ka ambabaxayey garoonka diyaaradaha ee Nairobi isagoo ku sii jeeday Muqdisho, June 23, 2009, ayaa waxaa su'aalo kooban oo la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in ay jiraan cid ilaa hadda ay heleen ciidamo ama dalal u sheegay in ay ka qayb galayaan, waxa uu ku jawaabay "Maya, ilaa hadda waxba ma jiraan, ciidanka inta aan la soo bandhigin waxaa ka horeeya haddii ciidanka laga keenaya Afrika meel ka baxsan sida Aasiya iyo wadamada Islaamka iyo Carabaha waa in UN-ka inta uu fariisto uu ansixiyaa." Mar la waydiiyay in ciidamada la keenayo ay ku jiraan kuwa Itoobiya oo dadku qaarkood xasaasiyad ka qabaan, waxa uu ku jawaabay "Runtii anagu hadda ma kala saarayno waddamada IGAD, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub intuba ha yimaadaan." Halkan ka dhegeyso ama soo rogo- Univetsal.

  • June 14, 2006: Taariikh xusid mudan: Sharif Hassan Sheikh Aden oo xilligaas ahaa guddoomiyaha baarlamaankii lagu soo dhisay Nairobi ee DFKMG, waxa uu maalintaas baarlamaanka ka akhrinaya in ay u codeeyeen in ciidamo shisheeye lakeeno Soomaaliya 14/6/06. Dhegeyso Shariif Xasan.
  • Maalintaas 14/6/2006 Guddoomiyahii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga, waa Sheekh Shariif Sh. Axmed, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jawhar maadaama uu ka soo hor jeedey qabqablayaashii dagaalka iyo Itoobiya, waxana uu halkaas ka jeediyay khudbad  Dhegeyso Hadalkii Shariif Axmed ee maalintaas.
  • Xilligaas 2006 waxaa qorshaha Itoobiya ahaa in baarlamaankii uu guddoomiyaha ka ahaa Shariif Xasan ay u codeeyaan in la keeno ciidamada shisheeye, sidaasna ay Soomaaliya ku soo gasho si ay u burburiso maxkamadihii islaamiga ahaa ee uu hoggaaminayey Sh. Shariif. Hadda Shariif Xasan waa ra'iisul wasaare ku xigeen, ahna wasiirka maaliyadda DFKMG ee lagu soo dhisay Jabuuti ee uu madaxweynaha ka yahay Sh. Shariif oo ah xukuumadda hadda markale dalbanaysa ciidamada Itoobiya ku soo laabtaan Soomaaliya. (Genocide Video).

15 Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG oo Lagu Xanibay Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi, Waxaana looga Shakiyay in ay ka soo Carareen Dagaalka Muqdisho...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | June 24, 2009
Tirada looga baahan yahay kooramka si baarlamaanku u shiro waa 367 xildhibaan
  • 550 x 2/3 = 367

Tirada Hadda Muqdisho lagu malaynayo waa 262 xildhibaan

  • 550 - 288 = 262

Sidaa daraadeed kooramkii waxaa ka dhiman 105 xildhibaan

  •  367 - 262 = 105

Akhri: Madaxda Soomaalida oo Ka Baxsanaya Wadankooda, Dagaalka Awgiis...

Toban iyo shan xildhibaan oo ka yimid dalka uu dagaalku halakeeyay ayaa lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi ayagoo looga shakiyay in ay ka soo carareen dagaalka, waxaa sidaas qortay jariidada East African Standard ee ka soo baxda Nairobi caddadkeedii Arbaca June 24, 2009. Jariidaddu waxay sheegtay in xidlhibaanada oo ka yimid Soomaaliya in habeenadamii Isniinta ay boolisku muddo kooban ku xanibeen garoonka. Waxaana boolisku ay su'aalo weydiinayeen xildhibaanadda muddo saacad ah ka hor intii aysan u kaxayn hoteelo ku yaal magaalada.

Jariidadu waxay sheegtay in xildhibaanadu ay garoonka ku yimaadeen diyaarad khaas ugu kiraysnayd, waxaana saraakiisha Kenya ay ku macneeyeen in ay ka soo carareen dagaalada. Afhayeen u hadlay xildhibaanada ayaa hay'adaha ammaanka waxa u sheegay in ay ku socdaan Suudaan, ayna ugu socdaan arrin degdeg ah.

Saraakiisa garoonka diyaaradahu waxay ka mamnuuceen in ay dalka galaan sababtoo ah ma aysan haysan wax caddayn oo muujinaya in ay sii marayaan oo keliya (ama Transit ku yihiin). "Waxaa la sii daayey kaddib markii ay noo sheegeen in ay safaaradda Suudaan ee Nairobi ka qaadanayaan dal-ku-galka (visa) ka hor inta aysan aadin Khartuum." sidaas waxaa jariidada Standard u sheegay sarkaal weydiistay in aan magaciisa la sheegin.

Jariidaddu waxay sheegtay in ay weli Nairobi ku sugan yihiin. Sarkaal boolis ah oo ka mid saraakiisa korka kala socda ayaa sheegay in ay xildhibaanadu shalay tageen Safaarada Suudaan markay saacaddu ahayd 2pm, laakiin ay safaaradu markaas xirnayd. Boolisku waxay sheegeen in ay xaqiijinayaan in ay dalka Kenya ka baxaan maanta June 24. Haddii ay ka soo carareen dagaal, sharcigu waxa uu dhigayaa in ay si rasmi ah u dalbadaan qaxootinimo taas oo markaas ay tahay in loo diro xeryaha qaxootiga. (Tixraac: East African Standard , Nairobi, June 24, 2009).

Waxaa xusid mudan in xilligii ay Itoobiyaanku xasuuqa ka wadeen Soomaaliya, isla markaasna ay dagaalka kula jireen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee uu madaxdeedii ka mid ahaa Sh. Shariif oo xilligaas ka soo horjeedey xukuumadii keensatay Itoobiyaanka, ayaa waxaa ra'iisul wasaarahii DFKMG ee xilligaas (2007) Cali Geeddi oo booqday New York ay InnerCityPress wax ka weydiisay xildhibaano aadi lahaa Nairobi oo loo diiday inay ka baxaan Muqdisho. Geeddi waxa uu sheegay in xildhibaanadu aysan habeen diyaarad iska qaadan karin, "waa in ay ogolaansho ka helaan baarlamaanka.". TV Daawo Video... (Sidoo kale halkaas ka daawo Video muujinaya xasuuqii - Genocide - ay Itoobiyaanku ka geysteen Soomaaliya).

Kenya oo Diiday in ay Caawinaad Milatari siiso Soomaaliya - CNN

Afhayeenka dawladda Kenya Alfred Mutua ayaa telfishanka CNN waxa uu u sheegay in "Kenya aysan ka qayb qaadanayn gacan ka geysiga Militari ee dalalka deriska ah." waxana uu sheegay in gacan ka geysiga noocaas ay tahay in fuliyo dalladda Midowga Afrika. Afhayeenka Kenya waxa uu sheegay "in gacan siin nooc kale ah la siin karo, oo aan keliya ahan militari."

Dhanka kale, Jean Ping oo ah madaxa guddiga AU ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya "ay xaq u leedahay in kaalmo ka dalbato dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika (AU) iyo guud ahaan beesha Caalamka." (Tixraac: Qoraalka CNN ee cinwaankiisu ahaa Kenya rejects call for military help in Somalia. - June 22, 2009)

Jabuuti ayaa ka digtay Ciidamo Itoobiya oo Gala Soomaaliya - VOA

"Wasiirka Aw-Qaafta iyo Arrimaha Diinta Djibouti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa ka digay ciidamo Ethiopian ah inay dib-u-galaan Soomaaliya, wuxuuna dowlada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka baaqsadaan go’aan kasta oo horseedi kara in Soomaaliya faragalin lagu sameeyo." Sidaas waxaa werisay idaacadda Codka Maraykanka oo waraysi la yeelatay wasiirka... Dhegayso  ama Soo rogo  (MP3) - VOA, June 23, 2009

Sheikh Shariif oo Xukun Degdeg ah (Martial Law) ku dhawaaqay, islamarkaana Aqbalay in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno Soomaaliya...

Madaxweynaha DFKMG ayaa maanta (Isniin June 22, 2009) waxa uu ku dhawaaqay in dalka lagu soo rogay xukun degdeg ah (Martial_Law). Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ayuu Sh. Shariif ka sheegay "Laga bilaabo maanta "June 22, 2009" waxaa dalku galay xaalad degdeg ah, waxaana ka codsanayaa baarlamaanka in uu ansixiyo go'aankan." Islamarkaas Sh. Shariif waxa uu aqbalay dalabkii guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG uu ku dalbaday in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan ciidamada Itoobiya, isagoo arrintaas  ka hadlayayna waxa uu yiri "Ciidamada la dalbanayo ma ah kuwo ujeedadooda ay tahay inay dhibaato gaarsiiyaan shacabka, ujeedadooda waa in ay badbaadiyaan shacabka." Dhegeyso hadalkii Shariifka ama soo rogo.


Shir jaraa'id: Cumar Cabdirashiid oo dalbanaya ciidamo Shisheeye, Nairobi June 22, 2009
Prof. Ibbi November 2007:  " qofka aad taqaanaan in uu u hiilinayo XABASHI ama QABIIL, guur ma galo oo GABADHIISA lama geyo, lama guursan karo, gabadha ka soo baxdana waa kuwa xuural-caynta la dhahayay'e taasna gacan ku siiya,... tusbax go'ay Allah haka dhigo wax Alla iyo wixii taageera."  Akhri/Daawo.
"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka...."

Go'aanka "Martial Law" ayaa Sh. Shariif ku dhawaaqay ka hor ayada oo aan baarlamaanku ansixin, taas oo garyaqaanadda ka tirsan DFKMG ay sheegeen in sharci ahaan ay tahay in marka hore uu baarlamaanku uu muddo xaddidan soo rogo amar degdeg ah, maadaama awoodda oo dhan gacanta loo gelinayo madaxweynaha ama hal qof.

Idaacadda wararka u faafisa dalka Ingriiska ee British Broadcasting Corporation waxay sheegtay "Go'aankani wuxuu ku soo beegmay iyada oo in ka badan 200 oo mudane oo baarlamaanka ka tirsan iyo dhowr iyo toban Wasiir ay dalka dibadda uga maqan yihiin." Waxayna idaacaddu waraysatay Garyaqaan Caydiid Ilkaxanaf oo ka mid ah xildhibaanadda DFKMG oo ku sugan London.. Waxana uu sheegay in ay ahayd in baarlamaanku ansixiyo in la soo rogo xaalad degdeg ah- Dhegeyso Ceydiid Ilko-Xanaf - BBC.

Janaayo 13, 2007 ayay ahayd markii Baarlamaanka DFKMG ay kulan  ku yeesheen Baydhabo oo ay dalka kusoo rogeen xaalad degdeg ah, waxayna markaas xukunka dalka oo dhan gacanta u geliyeen Madaxweynahii DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana baarlamaanku ansixiyeen in muddo 3-bilood ah uu dalka ku hoggaamiyo xukun deg-deg ah ama "Martial Law". Xilligaas waxaa ku beegnaa markii ciidamada Itoobiya ay baadi goobayeen maxkamadihii Islaamiga oo uu hoggaamiyaasheeda ka mid ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed.

Sh. Shariif oo taageeray in Ciidamada Itoobiya la keeno dalka...

Dhanka kale, madaxweynaha DFKMG ayaa (June 22, 2009) waxa uu ayiday in ciidamo shisheeye la keeno dalka oo ay ku jiraan Itoobiyaan, waxana sheegay: ciidamada la dalbanayo waa ciidamo aan dhibaato gaarsiinayn shacabka Soomaaliyeed, balse badbaadinaya shacabka. Waa hadal aad uga fog erayadii Sh. Shariif ka hor intii uusan noqon madaxweynaha DFKMG.

Kenya: Waa in dib loo eego qaraarka IGAD iyo OAU ee mamnuucayay in ciidamada derisku ay galaan Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga, oo ka hadlay shir jaraa'id June 22, 2009 ayaa sheegay in ay hore u jireen sharciyo ama qaraarro dalalka deriska ah ka hor istaagaya in ay ciidamo u diraan Soomaaliya, taas asagoo ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxaa jira qaraan hore uga soo baxay IGAD, waxa kale oo jira qaraan OAU kuwaas oo xakamaynaya in dalalka xadka la leh aysan ciidamo u diri karin Soomaaliya, waa in aan dib u eegno oo dib ugu noqono." Waxa kale oo shirkaas jaraa'id ka hadlay ra'iisul wasaaraha DFKMG oo isaguna dalbaday in Soomaaliya la geeyo ciidamo shisheeye. Halkan ka daawo Video.

Shir ay February 19, 2009 magaalada Muqdisho ku qabteen culimada Musaalaxada ayey DFKMG kada dalbadeed dhawr qodob in ay fuliso oo ay ka mid ahaayeen: inta ka horaysa May 29, 2009 in ay dhaqan galiso Shareecada Islaamka, taas oo baarlamaanku ansixisay April 18, 2009, Sh. Shariifna saxiixay. Qodobka labaad ee culimada musaalaxada ayaa ahaa inta ka horaysa June 28, 2009 in dalka laga saaro ciidamada shisheeye ee hadda ku sugan.

Sheikh Shariif Mowqifkii uu 2008 ka taagnaa Ciidamadii Ethiopia iyo DFKMG ee keensatay ciidankaas...

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo May 9, 2008 waraysi siiyay Yuusuf Garaad Cumar oo ka tirsan BBC, waa ka hor intii uusan noqon madaxweynaha DFKMG, ayaa si kulul u eeday Itoobiya iyo xasuuqii ay ka gayteen Soomaaliya iyo Dawladii Federaalka ahayd ee ciidamadaas keensatay. Sheikh Shariif waxa uu si cad u sheegay xilligaas in Soomaaliya ay dad daba dhilif ah keensadeen Itoobiya. Waxana uu sheegay in arrimaha Soomaaliya laga wada hadli karo markii Itoobiya baxaan. Waxana uu markaas diiday in lala hadlo DFKMG inta Itoobiya joogto dalka. Dhegeyso Wareysiga Shariifka ama Halkan ama soo rogo - BBC.

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo ay SomaliTalk.com waraysi la yeelatay April 2005 ayaa hadalkiisii waxaa ka mid ahaa "Kuwa xabashida u tegey waxaysan garanayn xabashi, waxaysan garanay sidii xabashidu u gashay kuwii ayaga ka horeeyey...".. Waxa kale oo uu yiri "Ninkii Ilaahiis yaqaanna ee Soomaali ah ma aqbali karo in ciidamo xabashi ah meesha la keeno..., Soomaali haddii ay doonayso in ay noolaato waa in aanay talada u hayn dawlad iyo dad ay Amxaaro ka dambeeyaan". Waraysigaas halkan ka dhegeyso..

Hadda, June 2009, DFKMG ee uu hoggaamiyo Sheikh Shariif waxay dalbatay in dalka ay soo galaan ciidamo ay ku jiraan Itoobiyaan. Warkaas iyo jawaabihii laga bixiyey iyo hadalloo hore oo taariikhi ah hoos ka akhri...


Ethiopia oo Shuruud ku xirtay Codsigii DFKMG ku Dalbatay in Ciidamada Itoobiya soo Galaan Soomaaliya...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | June 21, 2009

Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal

Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

Akhri Halkan.... 2006

::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen?
Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri

HALKAN KA DHEGEYSO

Jawaabihii dadweynaha 2005



Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
- SomaliTalk.com 2005

Axad, June 21, 2009: Wakaaladda wararka u faafisa dalka Britain ee BBC qaybteeda Ingiriisa ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay diiday dalabkii DFKMG ee ahaa in ciidamada Itoobiya soo galaan Soomaaliya si ay gacan uga siiyaan la dagaalanka muqaawamada, waxaana Itoobiya arrintaas shardi uga dhigtay in dalabku ka yimaado beesha caalamka. Qoraalka BBC oo cinwaankiisu ahaa "Ethiopia rejects Somali request" (Itoobiya waa diiday dalabkii Soomaaliya) waxa kale oo uu xusay in afhayeenka xukuumadda Itoobiya Bereket Simon uu sheegay in soo gelitaan noocaas ah looga baahan yahay in uu ka yimaado beesha caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka saxaafadda Itoobiya Bereket Simon oo waraysi siiyay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa yiri "ficil dheeraad ah oo ka yimaada Itoobiya oo ku saabsan Soomaaliya waxa uu ahaan doonaa mid lagu sameeyo go'aanka beesha caalamka." Waxaana uu intaas ku daray "isha ayaan ku haynaa xaalada Soomaaliya, waxaana jawaab ka sugaynaa beesha caalamka."

Taas oo jirta ayaa waxaa jira warar tibaaxaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen degaanno ka tirsan Beledweyne.

Itoobiya sannadkii 2006 waxay magaalada Muqdisho ka cayrisay maxkamadihii islaamiga ahaa oo uu hoggaamiyaasheeda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Waxana Sh. Shariif uu marar badan intii uusan noqon madaxweynaha DFKMG uu sheegay in Itoobiya ay xasuuq arxan darro ah ka geysatey Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya waxay Muqdisho ka baxeen Jan 15, 2009, waa  (749) maalmood kaddib markii ay halkaas galeen.

Kenya oo difaacaysa Heshiiskii Is-faham ilaa Agoosto 2009

Jimcadii June 19, 2009 ayay ahayd markii wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Wetangula uu sheegay in Kenya aysan faraha ka laaban doonin xaaladda Soomaaliya oo sii xumaanaysa. Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yiri "Iskama fadhiyayno xaaladda Soomaaliya oo ka sii xumaanaysa sida ay tahay. Waxaa na saaran waajib... ka dawlad ahaan waa in aan difaacanno danahayaga istaraatiijiyadeed oo ay ku jiraan ammaan kayaga."

Kenya waxa ay bishii April 2009 heshiis Is-faham oo ku saabsan xuduudda badda la gashay DFKMG, islamarkaasna waxay bishii May 2009 Qarammada Midoobay (QM) u gudbisatay cabbir ay ku sheeganayso baaxad aad u ballaaran oo ah dhul-badeedka Soomaaliya. Taas oo la qorshaynayo QM go'aan ka gaari doonto bisha Agoosto ee sannadkan 2009.

Moses Wetangula oo ahaa wasiirkii Kenya u saxiixay Is-fahamka waxaa hadalkiisa ahaa "waa in aan difaacanno danahayaga istaraatiijiyadeed " laga dheehan karaa in ay difaacayaan heshiiska is-fahamka, heshiiskaas oo sidoo kale ay madaxda sare ee DFKMG difaaceen ayadoo aysan haba yaraatee aysan jirin dan ugu jirta mujtamaca Soomaaliyeed, maadaama ay Kenya cabiratay qaar kamid ah badda Soomaaliyeed.

Moi: Soomaaliya oo Midaysan waxay soo noolayn doontaa Sheegashadoodii Dhulka - September 2003

September 19, 2003 ayay ahayd markii Madaxweynahii hore ee Kenya Daniel Toroitich arap Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University ee Washington DC ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in "dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya in ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi doonto 'riyada is-ballaarinta.'"

Moi waxa uu intaas ku daray in qaar "dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka."

Waxana uu xusay in markii ay xornimada heshay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay sheegatay qayb ka mid ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, ayn aku xejisay dagaal hubaysan si ay u xaqiijiso fikirkan.

Faarax Macallin Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya oo waraysi dheer June 20, 2009 ay la yeelatay idaacadda Codka Maraykanka ayaa su'aalahii la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in: madaxweynahii hore ee Kenya, Moi, uu yiri Kenya iyo Ethiopia dani uguma jirto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta oo dawladi ka dhalato, cidiidama Itoobiyana markii ay soo galeen Soomaaliyana ay dadkii xasuuqeen, Haddaba haddii hadda Kenya iyo Itoobiya ciidan laga keeno miyaysan ahayn dabkii baxayay oo bansiin lagu shubay?. Faarax macallin oo tan ku saabsan Kenya ka jawaabayay waxa uu ku tilmaamay fikarado hore u jirey haddase ay Kenya ka gudubtay. Arrinta Itoobiya, nabadda Soomaaliya iyo su'aalahii iyo waraysiga oo dhan Dhegayso ama soo rogo (mp3) - VOA.

Wareegtada oo uu madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki saxiixay  9kii June 2005, isla markaana 22kii July 2005 laguna baahiyey faafinta rasmiga ah ee dawladda (Kenya Gazette, No. 55), kaddib ay Kenya u dirtay Qarammada Midoobay 25kii April 2006 ayaa waxaa ku cad cabbir iyo khariidad si qeexan u muujinaysa in Kenya ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed. Taas oo jirtay ayaa xukuumadda DFKMG waxay Kenya la saxiixatay is-afgarad cusub April 7, 2009, kaas oo Kenya u sahlay in ay May 6, 2009 u gudbiso qoraal kale iyo khariidad cusub oo muujinaysa cabbir aad u badan oo ah dhul-badeedka Soomaaliya.


Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya March 17, 2005

Baarlamaanka Cusub oo aan isku raacin ayaa DFKMG dalbatay Ciidamo Shisheeye

aadanAfhayeenka baarlamaanka DFKMG ayaa sabtidii (Jun 20) dalbaday in Soomaaliya ay soo galaan ciidamada ka socda dalalka  deriska oo ay ku jireen Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Yemen muddo 24 saacadood ah (warkaas hoos ka akhri)... Laakiin in badan oo shacabka Soomaaliyeed ayaa is weydiiyey sababta keentay in go'aankaas uu u qaato gudoomiyaha baarlamaanka ayadoo uu dalka ku sugan yahay madaxweynaha DFKMG oo arrimaha militariga marka laga hadlayo ay tahay in uu iclaamiyo go'aan sidaas u baaxad weyn.

GaaniShama'arke Maxamed Xaashi Gaani oo ah Xildhibaan hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka DFKMG ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyey Musuqmaasuq iyo in uu dad u dhoofiyey Yurub gaar ahaan Dalka Switzerland oo uu ka dhacayey Shirka Baarlamaanada Aduunka. Shama'arke waxa uu soo bandhigay liiska dadka la dhoofiyay, asagoo sheegay in Baydhabo dad lagaqaaday oo la geeyey Nairobi in qofkiiba laga qaatay $1,200, halka dadkii loo xambaaray Geneva laga qaatay calaa qof lacag dhan $12,000 oo dollarka Mareykanka ah... (Halkan ka eeg liiska)..

Dhanka kale waxaa soo baxaya dhaliilo xoog weyn oo ku aadan qaabka gudoomiyiha baarlamaanku u dalbaday ciidamo shisheeye ayadoo baarlamaanka cusub ee 550 ka kooban aysan arrintaas si wadajir ah go'aan uga gaarin. Waxaa la xasuustaa, sida uu Prof. Ibbi oo xilligaas ka tirsana dadkii ka soo horjeeday Itoobiyaanka uu u sharaxay in qaabkii markii baarlamaankii hore (ee 275) ay u ansixiyeen ciidamada deriska in muran xoogweyn uu dhexmaray xildhibaanadii oo xitaa ay kuraas isla dhaceen markii u horaysay ee fikirkaas la soo jeediyay.

Xilligii Itoobiya ku jirtey gudaha dhulka Soomaaliya, hadalkii Prof. Ibbi waxaa ka mid ahaa "Maanta ayaa loo baahan yahay in aan samayno takoorkii runta ahaa, waa la kala baxayaa maanta, qofka aad taqaanaan in uu u hiilinayo XABASHI ama QABIIL, guur ma galo oo GABADHIISA lama geyo, lama guursan karo, gabadha ka soo baxdana waa kuwa xuural-caynta la dhahayay'e taasna gacan ku siiya, gabdhahaa ka fiican wiilsha xunxunka ah'e, guur ma galaan oo wiilku guur ma galo, oo waa la takoorayaa Insha Allahu tacaalaa, tusbax go'ay Allah haka dhigo wax Alla iyo wixii taageera." Sidaas waxa uu yiri Nov 2007 mar uu la hadlayay Soomaalida Minneapolis. Akhri/Daawo.

Afhayeenka Xarakatul-Mujaahidiin Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo (Axad June 21, 2009) saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan ciidan waliba oo ay keensato dowlada FKMG ee Somalia waxana uu intaasi ku daray in askari ka tirsan Xarakatul Mujaahidiin inta uu ku suganyahay dalka Somalia uu dagaalku sii socondoono tan iyo inta laga xoreynayo ayuu yiri cadowga magaca dowlada wata, sii Akhri ama Dhegeyso ama soo rogo

DFKMG oo Dalalka Deriska oo ay ku jirto Ethiopia ka Codsatay in ay 24 saac Gudahood Ciidamo ugu soo diraan Soomaaliya...

"24-saac gudohood waa in nala soo gaaraa maxa yeelay Mucaaradka ayaa naqabsan rabo sidaas waxa ku qayliyay Sheekh Aadan Madoobe.

Dowladda fadaralka Somalia oo sheegtay in ay dhamaan xuduuda dalka u furanyihiin dowladaha caalamka oo idil ayna ku jiraan dowladda Ethiopia, Kenya, Yemen, iyo kuwa kale si wax looga qabto marxalada qatarta ee haatan lagu jira.

Shir jaraa’id uu maanta (June 20, 2009) ku soo gabagabeeyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sh.Aadan Madoobe ayuu kaga hadlay arimaha dalka Somalia ayuu wuxuu kaga codsaday beesha caalamka in Somalia xaaladeed ay aad uga qatarsantahay wuxuuna farta ku fiiqay in urur Alqaacida ay haatan faragalin ka wado.

Sidoo kale Sh.Aadan Madoobe ayaa si gooni ah uga dalbaday mas’uuliyiinta sar sare ee ciidamadda nabad ilaalinta u jooga dalka ee ku soo galay magaca Amisom in guud ahaan dalka amaankiisa ay sugaan maadaama haatan ayuu yiri ay xoogaga kacdoonka balaaran kula jira ay gobo hor leh ay gacanta ku dhigeen wuxuuna dhanka kale beesha caalamka ka codsaday in xaalada dalka Somalia ay il gooni ay ku fiiriyaan.

24-saac gudohood waa in nala soo gaaraa maxa yeelay Mucaaradka ayaa naqabsan rabo sidaas waxa ku qayliyay gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe, oo intaasi ku daray waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lala soo gaaro dowlada Somalia ciidan aduun weynaha ah maxaa yeelay nimanka aan shacabka Soomaaliyeed u naxriisaneynin ee wadamo kale ka yimid ayaa ka mas’uul ah wixi yimaado ayuu ugu dambeyntii yirir Sh.Aadan Madoobe.

Si kastaba, hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli dhawan dalka lagu dilay in ka badan 6-sarkaal oo uu ka mid yahay wasiirka Amniga dowladda qaranka Somalia marxuum Cumar Xaashi taa oo guud ahaan qalqal galisao xaalada amaan ee Somalia, iyo weliba sidoo kale dagaalada caasimada Muqdisho ka socdo oo iyana sii kordheyso marba marka ka sii dambeysa ee u dhexeeya xoogaga kacdoonka hubeysan ee Xarakatul-Mujaahidiin Alshabaab iyo Xisbul-Islaam oo dhinac ah iyo ciidamada militariga dowlada KMG Somalia.

Muuse Maxamuud Jiisow | musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia | 00252-1-5576666/ 00252-50-907666

June 20, 2009: Golaha Wasiirada DFKMG oo Dalbaday Ciidamo Shisheeye, dalkuna galo xaalad degdeg ah iyo Sheikh Aways oo ka jawaabay

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Farxaan Cali Maxamuud oo waraysi siiyay Idaacadda Codka Maraykanka iyo Sheikh Aaden Madoobe oo sidoo kale waraysi siiyay iyo Sheikh Xasan Daahir Aways oo ka jawaabay dalabka ay DFKMG ku codsatay in Soomaaliya loo soo diro ciidamamo shisheeye, sheegayna in ay si adag ug asoo horjeedaan arrintaas. Waxaa kale oo go'aanka xukuumadda FKMG ka soo horjeestey Xildhibaan Maxamed Amiin Cusmaan oo ka tirsan Baarlamaanka FKMG kana mid ah siyaasiyiinta  gobolka Jubbada Hoose ayaa ka soo hor jeestay Go'aanka DFKMG ay ku dalbatay ciidamada shisheeye.

June 20, 2009: Waraysi Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Idaacada British Broadcasting Corporation  ....

Shir jaraa'id uu uu magaalada Muqdisho ku qabtay Maanta (Sabti June 20, 2009) guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Sheikh Aadan Maxamed Nuur "Aaden Madoobe" kaddib Idaacada British Broadcasting Corporation laanteeda Afka Soomaaliga oo waraysi la yeelatay Sh. Aden Madoobe ay wax ka weydiisay dalbashada ciidamada dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Dhanka kale, waraysi dheer oo dadwaynahu ay su'aalo ku waydiinayeen ayaa June 19, 2009 idaacadda Horn Afrik la yeelatay Sheikh Xasan Daahir Aways, guddoomiyaha xizbul Islaam. Waxana uu kaga hadlay fikirkiisa ku aadan dagaalada ka socda Muqdisho.


"Kooxda wadaadada ee Shariif hoggaaminayey:
Waa Iney si deg dega Saacadaha Soo socda ugu dhawaaqaan: Iney Ka bexeen Siyaasadda oo dhan" sidaas waxaa yiri Sheikh Maxamed Idris..
Akhri ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

shireXildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo eedayn Kulul dusha uga tuuray Axmed Walad Cabdalla..:
Xildhibaan Saciid Cali Shire ayaa sidoo kale eedayn iyo cambaarayn usoo jeediyey
Akhri...


Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Qaahira isagoo xilligaas sheegay in Itoobiya ay xasuuq ka gaysatay Muqdisho, Hadalkaas oo jaamacadda Qaahira ay ku siisay billad... waa xilligii uu ahaa guddoomiyaha isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya...

Prof. Ibbi wixii uu ka aaminsanaa Itoobiya ka hor intii uusan wasiirka/Ra'iisul wasaare xigeen ka noqon DFKMG


Taariikh Xusid mudan: Prof. Ibbi (2007) vs xukuumadda uu ra'iisul wasaare xigeenka ka yahay Prof. Ibbi (2009)  Akhri...

Hadalkii C/risaaq Xaaji Xuseen ka yiri duulaankii Itoobiya

Sheikh Shariif Fikirkiisii ku aadana Itoobiya iyo Qabqablayaashii dagaalka ka hor intii uusan Noqon Madaxweynaha DFKMG.


Faafin : SomaliTalk.com | June 20, 2009


Dagaal Ka Dhacay Kaaraan oo Lagu Dilay Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka DFKMG - Jun 20

Taariikh Nololeedkii Marxuum Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ahaa Wasiirkii Amniga Qaranka - Jun 20

americoMaxamed Cali Nuur “Americo”. “Dalka Kenya waxa ku sugan Dowladaha iyo Safaaradaha daneeya arrimaha Somalia, midda kalle Kenya waxaa soo mara siina mara Madaxda dowladda marka arrimahaas oo dhan ayay safaaradda muhiim u tahay”.
Akhri/dhegeysi Jun 19

xashilaqanyoBaladweyne: Wasiirkii Amniga DFKMG Cumar Xaashi iyo Danjire Cabdikariim Faarax "Laqanyo"oo Qarax Lagu Dilay...
Iyo Taliyihii Ciidanka Birmadka Boosaaso iyo Askari Kale oo lagu Diley Boosaaso... Akhri...

 

BAARID | SEARCH


Burcad badeed la waraystay June 23, 2009: voa Soo rogo  (MP3)


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version