SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka DFKMG oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyey Musuqmaasuq iyo in uu dad u dhoofiyey Yurub gaar ahaan Dalka Switzerland oo uu ka dhacayey Shirka Baarlamaanada Aduunka...

War Saxafadeed: Dhurwaa hadii uu Garsoore noqdo Cadaaladu dhimatay... Qormadii Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S)

GaaniBismilaahi Raxmani Rahaxiim

Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu Walaalayaal meel kasta oo aad kala joogtaan aduunka daafahiisa. Salaanta ka dib, mahad ALLAA leh, Rabigii uunka, waxaana qirayaa inuusan ILAAH jirin xaq lagu caabudo ALLE ma ahee keligii, ma laha shariik iyo cid wax la wadaagta. Waxaan misna qirayaa in Muxammad uu yahay adoonkiisii uu soo dirsaday,naxariistii iyo nabadgalyadii ALLE ha ahaadeen korkiisa,ehelkiisii,asxaabtiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa Qiyaamaha..

Ka dib: Xisbiga Shacabka Soomaliyeed waxaan horey oga dignay dibindaabyada laga soo maleegay gobolka jabuuti iyo waliba in aan heyno mirahay dhashay maanta,isla markaasna aynu ka wada dharagsanahay waxa uu maanta dalkii hooyo ku sugan yahay.

Hadaba waxaa sharaf u ah Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) in uu idiin soo gudbiyo nuqul waraaqo ah oo aad ka arki doontaan sida Guddomiyaha Baarlamaanka ee Dowlada la yiri waa midnimo qaran uu markasta ugu takarifalo hogaanka Baarlamaanka.

Shanta Xildhibaan waa:
1.Hon: Mustafa Sheikh Ali  (Dhuxulow)
2.Hon. Mohamud Barre Hussien
3.Hon.Sharma'arke Mohamed Hashi
4.Hon.Fatuma Sheik Nurow
5.Hon.Nasra Alin Abdisalan

Walaalayaal waxaa tusaale u ah markii aan ka midka ahaa Baarlamaanka KMG waxaan aniga iyo afar qof oo xildhibaano ah aan ka qeybgalnay Shirka Baarlamaanada Aduunka kaas oo ka dhacayey Dalka Switzerland gaar ahaan magaalada Geneva bishii October bilowgeedii 2007, hadaba waxaa dhacday in markaan ka soo baxayney Magaalada Baydhabo dayaaradii aan soo raacnay shantanada Xildhibaan ay nala wehliyeen sadex iyo toban qof oo kale taas oo ay ka qaateen lacag dhan $1,200 calaa qof si ay Nayroobi,Kenya u tagaan. waxaa arintaas marag madoonto u ah liiska aad aragtaan ee qoraalkan ku lifaaqan walaalayaal (eeg hoos).

Waxaa taas ka daran in markii aan u dhoofayney Geneva ay naga hormareen dad lagu sheegay waa shaqaale ina caawinaya iyo kuwo amnigayaga sugaya taas oo been ah waxaana dadkaas loo xambaaray Geneva laga qaatay calaa qof lacag dhan $12,000 oo dollarka Mareykanka ah.

Habada waxaan cadeynayaa in Markaan tagnay Dalka Switzerlan Magaalada Geneva ay nala soo xiriireen howlwadeenada Baarlamanka aduunka sida aad ka aragtaan qoraalka ay nala haayeen noo soo cadeeya ergadiina sidoo kale waxaa noo dheeraa in Police-ka Geneva nala xiriiray arimaha dadka isdhiibay iyo in ay nala socdeen taas oo amkaag nagu wada noqotay dhamaan Xildhibaanadii aan wada soconay.

Hadaba markaan soo noqonay waxaan ka keenay Motion si arintaas wax looga qabto lakiin nasiib daro arimo siyaasadeed ayaa gudoonka baarlamaanku hoosta u galiyey walow xildhibaano badan aan ka biyo diidnay hadana waxaa naga badatay kuwa damiir laawayaal ah oo ku soo galay dhiig dadkoodii, diintoodii, Dalkoodii iyo Duunyadoodii.

Bal nala arka qoraaladaan attachmen-tiga ah aan idiin soo gudbiney walaalayaal hadaan nahay Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S)

Qoraalka hoose oo farwaaweyn halkan ka eeg



Qoraalka sare oo farwaaweyn halkan ka eeg

Mahadsanidiin
Shama'arke Maxamed Xaashi Gaani
Ku-Simaha Gudomiyaha Xisbga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S)
Email: sgaani@gmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | June 22, 2009

shariifCodsigii DFKMG ee Ciidamada Shisheeye iyo Jawaabihii Ethiopia, Xisbul Islaam & Al-Shabaab
. Hadal Taariikhi ah ee Sheikh Shariif ee May 2008
. Hadalkii Madaxweynahii hore ee Kenya Moi ee 2003
. Wareegtadii Kibaki ee 2005 iyo Heshiiskii Is-Afgaradka
. Dalabka Sheikh Aadan Madoobe ee ciidamada Itoobiya
Dhammaan ka akhri Halkan.... June 22

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version