SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hogaanka baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay "calaamadeynta xuduuda badda ee Somalia iyo Kenya"

Posted on: Sabti, 11 April 2009 - Simba, Muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ee dowladda KMG, Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo u waramayey idaacadda Simba, ayaa ka hadlay arrintan muranka uu ka taagan yahay ee xuduuda dhanka badda ee Soomaalida la wadaagto dalka Kenya.

Prof. Dalxa ayaa ku tilmaamay qododbkaasi inuu yahay mid qabyo ah maadaama aan la marsiinin baarlamaanka si u ansixiyo, isagoona carabka ku dhuftay madaxda dowladda KMG in aysan xaq u laheyn heshiiskaasi oo kale inay kaligooda saxiixaan.

Heshiiskan ayaa waxaa uu abuuray xiisad iyo shaki badan, iyadoo madaxda ugu sareysa dowladda KMG ay ku doodayaan in uusan jirin heshiis rasmi ah oo dhankooda la saxiixdeen dowladda Kenya, balse ay arrintu ay tahay ka hadal oo kaliya.

Prof. Dalxa ayaa sharci darro ku sheegay talaabadan ay qaadeen madaxda sare ee dowladda KMG ka dib markii ay ka talaabsadeen oo ay hareer mareen dastuurka iyo jartarka u degsan dowladda.

"Ma dhici karto wax qabyo ah in laga aqoonsado caalamka, mana loo soo marin qodobkaasi sharciga" ayuu yiri isagoo ku sugan magaalada Nairobi, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Isha: http://www.simbanews.com/

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri