Qaabkii ay u dhacdey istiqlaaladii Geeddi iyo Madaxweynaha DFKMG oo
ka hadley...
Prof. Cali Maxamed Geedi “ogaada anigoo xildhibaan ah ayaan idiin
la joogidoonaa”
Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa Xilkii Ra’iisul Wasaarenimo iska
casilay kadib is jiid jiid iyo qalaanqul dheer oo dhexmaray isaga
Madaxweynaha DFKM Col. C/llaahi Yuusuf, taasoo ay ku sheegeen labada
mas’uul khilaaf dastuuri ah, is casilaada Geedi oo timid kadib markii uu
laba safar isxiga uu ku tagey dalka Ethobia , ayaa iscasilaadiisa
Ra’iisul wasaarenimo Geedi waxaa kasoo qayb galey Madaxweynaha,
Gudoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa iyo Xildhibaano gaaraya 200.
Prof. Geedi oo wajigiisa laga dheehan karay daal iyo mashquul
siyaasadeed oo uu mudooyinkaan dhex maquuranaayey ayaa khudbad dhinacyo
kala duwan taabanaysa ka jeediyey, hadii aan soo koobno khudbadiisa ayaa
waxaa uu yiri:
“waxaa farxad iyo sharaf ii ah inaan hortiina soo istaago, iyadoo
kalsooni iyo niyadsami ay ku dheehan tahay, waxaana jeclahay inaan
hortiina ka cadeeyo in Baarlamaanka aan u hayo kalsooni weyn, waxaan ka
cudur daaranayaa inaynaan deg deg go’aan uga gaarin doodihii iyo
khilaafaadkii mudooyinkan jirey, inkastoo ay saldhig u tahay nidaamka
kala dambeynta iyo dowlad wanaaga , inkastoo ay dowladu la kulan tay
caqabado joogto ah oo aad u badan, waxaana aaminsanahay inaan ka
guulaysanay dhamaanteen wixii la soo marey, in fasiraadaha Axdiga lagu
doodaa ma ahan qalad iyo aaraa’a kala duwaanshuhuba”
Ayuu ku yiri khudbadiisa isagoo sii wata ayaa intaa ku darey
Soomaalidu iyo Afrikaanka kale hadii ay kala aragtiduwanaasho
siyaasadeed ay soo kala dhex gasho oo ay isku dagaalaan uma badna, inay
xalka raadiyaan, hase ahaatee waxaa haboon in Ummada Soomaaliyeed
lootanaasulo, waxay Soomaalidu ay mudooyinkan la xasiliwaayeen waxaa ka
mid ah in qalbiyadooda aysan ku jirin wax tanaasulaad la yiraahdo, manta
waxaan rabaa dhaqan cusub inaan u bilaabo Baarlamaanka, inaan u
tanaasulo danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, tilaabtani waxay ka mid
tahay dibu-heshiisiinta geedi socdka nabada, inkastoo dadka qaar aysan
garaneynin, DFKMG waxaa u yaala waajibaad aad u adag iyo dadaal dheeri
ah, mudada dowlada u hartey waxaa horyaala in dowlad goboleedyadii la
hirgeliyo iyo dastuurkii dalka, in la tirakoobo dadka Soomaaliyeed, in
la fuliyo Aftida shacabka Soomaaliyeed iyo in la gaarsiiyo dalka
Soomaaliyeed doorashooyin xor ah, hawshaasi waa hawl aad u culus oo la
doonayo in laga wada shaqeeyo, hawshaasina waxay daliil u tahay in
Soomaalida oo dhan aysan guulaysan Karin, hadii aan beesha caalamka
gacan laga helin, waxaadna la socotaan in dalka Soomaaliya uusan wali
degenayn amnigiisu uusan wali qurxooneyn”.
Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo xusan qaabkii uu u soo maray
inuu xilka iska wareejiyo, isagoo arimahaasi xusaya waxaa uu yiri
“Xaalada Soomaaliya markaan arkey waxaan tagey meelo kala duwan , anigoo
la tashanaaya dadka saaxiibadeyda ah, waxaana igu kalifay markaan arkey
in caalamku uu naga jeesan rabo, mudane gudoomiye iyo madanayaal waxaad
ogtihiin inaan mas’uuliyada qaadney,u dhaaranay waajibaadna uu na saran
yahay, DFKMG dowladihii ka horeeyey marka loo fiiriyo dowladihii ka
horeeyey waa mida kasbtey kalsoonida caalamka, waxaana loo hurey naf iyo
maal hadafkaas isag ah, waxaan doonayaa inaan gacan ka geysto dalka
horumarkiisa, waxaana u soo shaqeeyey dalka iyo dadka anagoo geed dheer
iyo geed gaaban u korne ka miro dhalinta hadafka aanu leenahay, saacado
ka hor ayuu iga aqbaley madaxweynaha istiqlaalada waa uuna iga aqbalay
aad ayuu u mahadsan yahay, waxaan rajeynayaa in madaxweynaha iyo
Baarlamaankuba ay u hawlgalaan Ra’iisul Wasaarihii igu xigi lahaa oo aan
xilka ku wareejin lahaa, mana ahan hawl fudud, laakiin hadii gacmaha
lays qabsado waxaan qabaa anigu in deg deg loo helikaro, waxaana
codsanayaa in lay cafiyo dhamaantiin wada shaqeyntii na dhexmartey
awgeed, waxaan balan qaadayaa inaan nafteyda u horo dalka iyo dadka
Soomaaliyeed anigoo muwaadin Soomaali ah, waxaan gebogebadii idiin
sheegayaa inaan idiinla joogo, idiinla shaqeynaayo anigoo Xildhibaan ah
dowrna ka ciyaaraya meel kasta dalka iyo dadka ay iiga baahdaan si aan
ugu hawlgalo halgankeyga siyaasadeed.

Geeddi oo is casilaya: Oct 29, 2007
Prof. Cali Maxamed Geedi Gunaanadkii khadbadiisa ugu mahadceliyey,
Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhamaan mudanayaasha
Baarlamaanka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee taageerey mudadii uu xilka
hayey, wuxuu keloo cafis ka dalbaday Wasiiradiisii la shaqeynayey,
isagoo hadalo kaftan siyaasadeed ku tuuraayey, islamarkaana dhaliyey
sacab iyo qosol mudo daqiiqado ah, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu
baaqey inay u hagar baxaan dowlada, muujiyaana midnimada iyo
walaaltinimada, sidoo kale waxaa uu u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya
saaxiibka la ah, waxaa uuna ugu baaqay inay dadaalkooda sii wadaan,
waxaan keloo marna aan iloobi Karin shacabka Baay iyo Bakool sida hagar
la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen dowlada ee taageero hiil iyo hooba la
garabtaagnaa, wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagebeeyey mudanayaal ogaada
hada kadib Xildhibaan ayaan ahay, waxaana lagu sagootiyey sacab xamaasad
leh.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Madoobe oo madaxweynaha C/llaahi
Yuusuf ku aamrey inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Madoobe oo isna khudbad gaaban ka
jeediyey ayaa wuxuu yiri “waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul wasaare cali
Max’ed Geedi, sababtoo ah Ummada Soomaaliyeed waxay is-weydiinayeen
dhibaatada ka imaankarta waxa socdey maalmahaan, waana mid taariikhi ah
oo Ummada Soomaaliyeed ay xusidoonto, waana tanaasulaad qiimo badan leh
waa nin dadkiisa iyo dalkiisa u naxaayo waana u mahadcelinayaa, waxaa
kaloo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu madaxweynaha u soo jeediyey inuu soo
magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub”.

Waa sawir hore: Yuusuf iyo Geeddi oo gacmaha is haysta
MADAXWEYNAHA DFKMG C/LLAAHI YUUSUF OO KA HADLEY HOOLKA
BAARLAMAANKA FKMG “qanyaremee, muuse suudi, jees, c/llaahi sh.
ismaaciilki, , cismaan caato mee”
Madaxweyne Col/C/llaahi Yuusuf oo isagana markiisa ka Hadley ayaa
wuxuu yiri “waxaa halkaan iigu dambeysay maalin aad wada garaneysaan,
intii aan imid wali ma imaan halkaan islamarkaana wax aan loo baahneyn
halkaan kama dhihin, waxaan go’aansadey inaan dhexgelin dooda iyo
is-garab yaaca socdey waxaa dhex joogey Madaxtooyada, maanta waxaan
isugu nimid waa cadahay, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ii keenay Istiqlaalo
waa ka aqbaley, waxaan jeclahay inaan halkaan ka iraahdo hadal kooban,
saacadahaan dadka qaarbaa hadalada si kale wax ugu sheega, hadalkeyga
wuxuu yahay:

C/laahi Yuusuf oo ka aqbalaya is casilaadi geedi
“anigoo ah Madaxweynaha DFKM ee JAMHUURIYADA SOOMAALIYA markaan helay
ee aan arkey warqadii Istiqlaalada ee uu iisoo gudbiyey Ra’iisul
wasaaraha, markii aan tixgeliyeykhilaafaadka siyaasadeed ee dalkeena
haysta, markaan qiimeeyey dhibaatada amni e dalkeena, markaan aad ugu
fiirsadey murankii badnaa kaasoo ahaa muran dastuuri ah, isagoo Jaatarka
laga warwareegayey dowladu waqtigeeda waa dhamaadey, koleey aniga niyad
ahaan colaad ma qabin ee waxaan qabay intaas in dowladu waqtigeedii
dhamaadey, waxaan soo dhaweeyey Istiqlaaladii uu ii soo qadimey Ra’iisul
wasaare Cali Maxamed Geedi, isagoo ugu daneynaya dadka iyo dalka, waxaan
maqlaayey in Ra’iisul wasaaruhu uu keenay Istiqlaalo oo aad adinkuna
aqbasheen,waxaan jeclahay inaan u midowno mid kasta oo dhinac jireyba
dalkeena iyo dadkeena, koleey anigu dhinac baan ahaa meeyey Ragii
dhinaca kale ahaa Maxamed Qanyare Afrax meeyey, Muuse Suudi Yalaxoow,
Axmed Cumar Jees, C/llaahi Sh. Ismaaciilkii Timaha cadaa mee, Cismaan
Caato mee, manta waxaan idiin wadaa cafis iyo saamax, waxaan intaas ku
darayaa ragii la shaqeyn jirey Ra’iisul wasaaraha ama ciidan ha ahaado
ama shaqaale kaleba in manta wixii ka dambeeyaa ay dowlada ka tirsan
yihiin, wixii ciidan ahaana ciidanmada ayey ka mid yihiin wixii shaqaale
ahaana shaqaalaha ayey ka
mid yihiin, meel kasta aan ka soo jeednee waa xalay dhalay, xalay
xagee looga yaqaanaa, waa Mudug, Mudug Bartamaha Soomaaliya ayey ku
taalaa, waxay aruurisaa dhaqanka Soomaalida, sow ma ogidiin ruux kasta
oo jago sare soo qabta inuu leeyahay sharaftiisa markuu xilka ka dego,
hadaba Cali Maxamed Geedi Sharaftiisa ayuu huwan yahay waana Xildhibaan
Baarlamaanka ka tirsan, waana inaan ku darsanaa.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007
(Oct
28) waxay ku beegnayd markii baarlamaankii KMG uu kalsoonidii kala
laabtay Cali Khaliif Galayr, kaddibna uu aqbalay go'aankaas, xilkana si
nabad ah ku wareejiyey... Akhri qormadii–Oct
28, 2001
Oct
29, 2007: Geeddi
oo is casilay
Cali Maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa shaaca ka
qaaday in uu is casiley
Akhri...
Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay
Muqdisho
iyo magaalada Muqdisho oo xaaladeedu cakiran
tahay
Aqoon
isweydaarsigii u socdey Xoghayeyaasha joogtada 31-ka wasaaradood ee FKMG oo
go’aano isla gaarey
iyo hadalkii Taliye ku xigeenka Ciidamada
Booliiska DFKMG
Qaybtii
2aad: Waraysigii Wasiirka Batroolka
C/llaahi Y. Xaraare: "Baloogyada Soomaaliya loo qaybiyey inta
diyaarsan waa 46-Baloog oo dhulka ah, iyo xeebaha oo ah 13 Baloog"
Akhri waraysiga oo dhan...
Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Ururuka
DDP
ku saabsan xaaladda Laascaanood...
Waraaq
Cadeeneysa in Raysulwasaaraha DFKMG uu Biraha Yaala Dekeda Muqdisho Siiyey Shirkada Al Shuweib...
(Oct
28) waxay ku beegnayd markii baarlamaankii KMG uu kalsoonidii kala
laabtay Cali Khaliif Galayr, kaddibna uu aqbalay go'aankaas, xilkana si
nabad ah ku wareejiyey... Akhri qormadii–Oct
28, 2001
Dahabshiil oo
lacag gudoonsiisay dugsiga Sheekh Cali Jowhar ee Borama. - Warbixin...
Oct 28
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay
iyo Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Magaalada Qardho oo lagu qabtay kulan looga hadlayo difaaca DGPL..
Magaalada laascaanood ayaa degganad Sabtidii...
Marka: Sarkaal sare ku geeriyooday iska horimaadkii..
Baaqnabadeed: Isimada &Waxgaradka Beesha Harti Waamo
Halkan ka akhri....
Xarunta Baarlamaanka FKMG oo laga cabsi qabo inuu
ka Dhaco iska Hor imaad dhiig ku daato
wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya
Baydhabo....
Baarlamaanka DFKMG oo u muuqda in uu noqdo mar kale labo garab
.Cali Max’ed Geedi oo beeniyey in qalab dekedda leedahay..
.Ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan oo soo gaaray Xamar
.Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya...
.Geedi oo loo ballanqaaday in la siinayo..
.Askari Itoobiyaan ah oo dilay gabar Soomaaliyeed oo isna..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 27
Shir Jara'id:
Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed
Qoraal ka kooban sagaal qodob.....
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha
wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay
Akhri
Baarlamaanka
Baydhabo ma is casili Doonaan haddii Amar Toos ah kaga yimaado Zenawi..
Faallo Kooban: Khamiis: Oct 25, 2007:
Wasiirka
Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo la weydiiyey
Waraysi uu la yeeshay Radio Australia
Dhegeyso
Magaalada
Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus
Qormadii Maxamed "Allman"...
Akhri..
MUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)
300 oo habeen kaddib markii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga soo
galeen Muqdisho... Gabay: Maqal & Qoraal
Minnesota
oo Looga Dhawaaqay Urur Cusub
Kulanka Sabtidii lagu qabtay Minnesota ayaa lagu magacaabay ururka....
Akhri
Professor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma
laha, waa shay la abuuri karo,
baabi’ina
kara: Kulan Sabtidii lagu qabtay
Switzerland ayaa... Akhri...
Madaxweynaha
DFKMG oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare
iyo
Baarlamaanka Federaalka KMG oo cod u qaaday ajandaha in...
Akhri...
Kacdoonka
Laascaanood: Wasiir SL oo ka hadlaya