Banaanbaxyo
Rabshado
Wata Oo
Ka
Dhacay
Magaalada
Muqdisho.
Dibad
baxyo
rabshado
wata
ayaa
hareeyey
guud
ahaan
magaalada
caasimada
muqdisho
kuwaasoo
ay
dhigayeen
dad aad
u
caraysan
islamrkaana
diidan
joogitaanka
ciidamada
ethiopia
iyo
weliba
siyaasada
dowlada
KMG ah .
Dibad
baxayaasha
ayaa ku
gubay
wadooyinka
waaweyn
ee
magaalada
muqdisho
taayiro
,baco
iyo
waxyaale
kale
iyadoo
ay ku
dhawaaqayeen
allaahu
akbar
,doonimayno
doolar
qaate
,doonimayno
gumaysi
axmaaro
,iyo
weliba
erayo ka
dhan ah
joogitaanka
ciidamada
ethiopia
ee ku
sugan
soomaaliya
.
Sidoo
kale
dadka
banaan
baxayey
oo
gaarayey
kumanaan
dad ah
oo isigu
jiray
shacabka
qaybihiisa
kala
duwan
ayaa
wadooyinka
sodonka
,wadada
wadnaha
,wadada
maka
almukarama
,wadada
umada
,wadada
wershedaha
iyo
weliba
badanaaba
wadooyinka
caasimada
muqdisho
socod
dheer
iyagoo
watey
astaanta
calanka
umada
soomaaliyeed
oo lagu
yaqaanay
calan
buluug
ah oo
astaanta
xidigta
dhexda
ku leh .
Banaan
baxyadan
oo ay ka
dhasheen
rabshado
gaystay
dhaawacyo
ayaa
dibax
baxayaashu
waxay
galeen
saldhiga
ciidanka
booliska
dowlada
KMG ah
ee
degmada
hodan
halkaasoo
ay dab
qabadsiiyeen
islamrkaana
cagta
mariyeen
,wax
alle
waxii
yaalay
ee
gabaka
ciidamada
dowlada
KMG ah
ee
deganaa
halkaasi
.
Dhinaca
kale
ciidamada
ethiopia
ee ku
sugan
xaafada
xamar
jadiid
ayaa
dadkii
banaan
baxayey
ku furay
rasaas
halkaasoo
ay ku
dhaawaceen
ilaa
3-qof
iyadoo
sidoo
kale ay
ku
toogteen
wiill
dhalinyaro
ah oo
xiligaa
iskujeeni
qaarey
calanka
soomaaliya
kadibna
ay
toogteen
ciidamada
ethiopia
.
Iskusoo
wada
duuboo
xaalada
magaalada
muqdisho
oo aad u
kacsan
iyadoo
marba
marka
kasii
dambaysan
kasii
daraysa
islamrkaana
ay
maalintii
shalay
ahaydna
ay ka
dheceen
dagaalo
ka fool
kafool
ah oo
faraha
laysula
tegey
taasoo
lagaga
diley
ciidamada
ethiopia
sida ay
goob
joogayaal
saxaafada
u
sheegeen
ilaa
7-askari
halka ay
ay
ciidamada
ethiopiana
ku
xasuuqeen
dad ka
badan
8-qof oo
rayid ah
.
yaasiin
maxamed
cali
(faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com