Wararkii:
Oct 27, 2007
-
Baarlamaanka
oo u
muuqda
in uu
noqdo
mar kale
labo
garab
-
Cali
Max’ed
Geedi oo
beeniyey
in qalab
dekedda
ay
leedahay
uu u
saxiixay
ganacsade
Soomaaliyeed
-
Ciidamo
Itoobiyaan
ah oo
fara
badan oo
soo
gaaray
Muqdisho
-
Qarax
lala
beegsaday
ciidamada
Itoobiya
-
Geedi oo
loo
ballanqaaday
in la
siinayo..
-
Askari
Itoobiyaan
ah oo
dilay
gabar
Soomaaliyeed
oo isna
la dilay
Baarlamaanka
oo u muuqda
in uu noqdo
mar kale
labo garab
Xubnaha
taageersan
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Cali
Max’ed Geedi
ayaa
maalintii
khamiista
ahayd waxay
Magaalada
Baydhabo
kaga
dhawaaqeyeen
dallad oo ay
qaarkood
sheegeen in
ay u
xuubsiiban
doonaan
xisbi
siyaasadeed
mustaqbalka
dhow.
Isbahaysigaan
ay abuurteen
taageerayaasha
Cali Max’ed
Geedi ayaa
loogu
talagalay in
looga hor
tago haddii
baarlamaanka
la hor keeno
mooshin ka
dhan Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Cali
Max’ed
Geedi,
waxayna
Xildhibaanadaasi
qaarkood
sheegeen in
isbahaysigaani
uu yahay mid
kor loogu
qaado
taageerada
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Cali
Max’ed
Geedi.
Xildhibaanada
ka soo
horjeeda
isbahaysigaan
ayaa waxay
ku
tilmaameen
mid keeni
karo burbur
ku yimaada
baarlamaanka
soomaaliya,
iyagoo
sheegay in
laga yaabo
in
baarlamaanku
u kala jabo
xiligii ay
ku kala
sugnaayeen
Muqdisho iyo
Jowhar.
Mid ka mid
ah
xildhibaanada
sida aadka
ah ugu dhow
Cali Max’ed
Geedi ayaa
waxa uu
sheegay in
haddii Cali
laga qaado
xilka ay
dhamaantood
tagi doonaan
Magaalada
Muqdisho
ayna noqon
doonaan
garab ka soo
horjeeda
xubnaha kale
ee
Baarlamaanka
ee
taageersan
Madaxweyne
C/llaahi
Yuusuf
Axmed.
Xildhibaanada
sameeyey
isbahaysigaani
ayaa waxaa
ka mid ah
Max’ed
Qanyare
Afrax, Muuse
Suudi
Yalaxow,
Salaad Cali
Jeele iyo
xubno kale,
iyadoo
maanta lagu
wado in
Baarlamaanka
Soomaaliya
uu isugu
yimaado kal
fadhi, waa
haddii uu
Geedi maanta
soo gaaro
Baydhabo,
isku soo
wada duuboo
khilaafka u
dhexeeya
Madaxweynaha
DFKMG
C/llaahi
Yuusuf Axmed
iyo Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Cali
Max’ed Geedi
ayaa waxa uu
gaaray
heerkii ugu
sareeyey,
iyadoo mar
la wareystay
Geedi uu
sheegay in
uusan
marnaba iska
casili
doonin
xilkasi uuna
diyaar u
yahay in
lagu kala
baxo
dastuurka
iyo
Baarlamaanka.
Cali
Max’ed Geedi
oo beeniyey
in qalab
dekedda ay
leedahay uu
u saxiixay
ganacsade
Soomaaliyeed
Maalintii
khamiista
ahayd ayaa
ganacsade u
dhashay
maamul
gobaleedka
Puntland
waxa uu
maamulka
dekedda u
keenay
warqad uu
sheegay in
ay u soo
saxiixeen
mas’uuliyiinta
ugu sareysa
Dowladda FD
oo loogu
amrayo in la
siiyo biro
yaala gudaha
dekedda,
hase yeeshee
waxaa
arrintaani
caro weyn ka
muujiyey
dadweynaha
ku nool
Gobalka
Banaadir oo
sheegay in
aysan
suurtogal
aheyn in
gobol gobol
waxa looga
qaado,
maadaama
dowladdu ku
dhisan tahay
Federaalka.
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Cali
Max’ed Geedi
oo horey loo
sheegay
isaga iyo
madaxweynuhu
saxiixeen
warqadda uu
ganacsaduhu
watay ayaa
yiri
“shirkaddu
waan
heshiinay,
waxaana u
saxiixnay in
ay qaadato
biraha
duugoobay ee
yaala
dekedda,
balse uma
saxiixin in
ay qaadato
biro
anfacaha
dekedda” ,
waxa uuna
Cali Max’ed
Geedi soo
dhaweeyey
dareenka ay
dadweynaha
Muqdisho ku
muujiyeen
arrintaasi.
Ururada
haweenka
ayaa iyagu
sameeyey
banaanbax ay
kaga soo
horjeedaan
in birahaasi
la raro,
waxayna ku
dhawaaqayeen
“Waan ka
xunnahay in
biraha
dekedda la
qaado, dooni
meyno in
gobal gobal
kale loo
xaalufiyo”.
Gebi ahaana
waxay
arrintu
haatan ku
soo
gebagaboowday
in la
joojiyo
qaadista
biraha dhex
yaala
dekedda,
isla
markaana dib
loo dhigo
qaadistooda.
Ciidamo
Itoobiyaan
ah oo fara
badan oo soo
gaaray
Muqdisho
Ciidamo
Itoobiyaan
ah o wata
gawaarida
dagaalka
ayaa shalay
soo gaaray
Magaalada
Muqdisho.
Ciidamadaan
oo mudo ku
soo jiray
jidka ayaa
waxaa
Gawaaridooda
ka muuqatay
dhiiqo,
kadib markii
uu jidka ku
helay roob
mahiigaan
ah.
Ciidamada
Itoobiya
ayaa waxaa
la sheegay
in ay
Magaalada
Muqdisho u
yimaadeen
sidii ay uga
qayb-qaadan
lahaayeen
hawlgalo
dhawaan ay
ciidamada
Itoobiya ka
sameynayaan
Magaalada
Muqdisho.
Ciidamadaan
ayaa
keenistooda
waxay ku soo
began tahay
xili
maalinba
maalinta ka
dambeysa ay
sii
xoogeysanayaan
weerarada
lagu hayo
saldhigyada
ciidamada
Itoobiya iyo
kuwa
Dowladda
Federaalka
ku leeyihiin
Magaalada
Muqdisho.
Warar ayaa
waxay
sheegayaan
in ciidamada
Itoobiya
tagi doonaan
isgoysyo ku
yaala qaar
ka mid ah
wadooyinka
Muqdisho iyo
goobo kale
oo ku yaala
Magaalada,
sidoo kale
warar ayaa
waxay
sheegyaan in
ciidamadaan
loo keenay
inay
xoojiyaan
ciidamada
kale ee ku
sugan
Magaalada
Muqdisho
Qarax
lala
beegsaday
ciidamada
Itoobiya
Wararka ka
imaanaya
Magaalada
Afgooye
waxay
sheegayaan
in maalintii
shalay ahayd
qarax lala
beegsaday
kolonyo
ciidamo
Itoobiyaan
ah oo ku soo
jeeday
magaalada
Muqdisho.
Qaraxaan oo
ka dhacay
inta u
dhexeysa
Muqdisho iyo
Afgooye ayaa
waxaa la
sheegay in
ay waxyeelo
ka soo
gaartay
ciidamada
Itoobiya,
sidoo kale
waxaa la
sheegay in
dab uu
qabsaday
gaari nooca
uuralka ah
oo ay
leeyihiin
ciidamada
Itoobiya.
Ciidamada
Itoobiya
ayaa markii
uu qabsaday
qaraxaasi
ayaa la
sheegay in
ay rasaas
fureen, taas
oo ay
waxyeelo ka
soo gaartay
dad rayid ah
oo ka ag
dhawaan
halka uu
qaruxu ka
dhacay, mana
ahan markii
ugu horeysay
oo qarax
lala
beegsado
ciidamada
Itoobiya oo
maraya
wadada u
dhexeysa
Afgooye iyo
Muqdisho.
Geedi oo
loo
ballanqaaday
in la
siinayo..
Iyadoo uu
sii
xoogeysanayo
khilaafka u
dhexeeya
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Cali
Max’ed Geedi
iyo
Madaxweyne
C/llaahi
Yuusuf Axmed
ayaa waxaa
arrintaani
isku howlay
sidii ay u
qaboojin
lahaayeen
dowlado fara
badan oo ay
ka mid
yihiin
Itoobiya,
Mareykanka
iyo Midowga.
Kulamo ka
dhacay
magaalada
Adisba-Ababa
ayuu Ra’isul
Wasaaraha
DFKMG Geedi
diiday in uu
iska casilo
xilka
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMGnimada
waxa uuna
sheegay in
isaga iyo
Madaxweynaha
ay ku kala
bixi karaan
oo keliy
dastuurka
iyo
Baarlamaanka.
Dowlado fara
badan oo uu
ugu horeeyo
Mareykanka
ayaa Cali
Max’ed Geedi
u
ballanqaaday
lacag si uu
isaga casilo
xilka
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMGnimo.
Wararka ka
imaanaya
Magaalada
Adis-Ababa
waxay
sheegayaan
in Geedi uu
isaga diiday
arrimahaasi,
waxa uuna
sheegay in
dowladdii
lagu dhisay
dalka Kenya
ay ahayd mid
lagu
qaybsaday
4.5, xilka
uuna u hayo
beel ka mid
ah beelaha
waaweyn ee
Soomaaliyeed.
Ra’isul
Wasaaraha oo
la filayey
in uu u
duulo dalka
Sucuudi
Carabiya
ayaa ka
baaqsaday
kadib markii
ay dhamaan
waayeen
kulamadii uu
la
yeelanayey
diblamaasiyiin
ka socotay
Beesha
Caalamka.
Ra’isul
Wasaaraha
ayaa waxaa
la sheegay
in uu
Magaalada
Adis-Ababa
kulan kula
yeeshay
jaaliyadda
Beesha
Hawiye, waxa
uuna ku
wargeliyey
in uusan
marnaba
xilka
Ra’isul
Wasaaraha
DFKMGnimo ka
deg doonin
oo usan iska
casili
doonin.
Askari
Itoobiyaan
ah oo dilay
gabar
Soomaaliyeed
oo isna la
dilay
Habeenimadii
khamiista
soo galeysay
ayaa
deegaanka
Dikfeer oo
ay degan
yihiin
ciidamo
Itoobiyaan
ah ayaa
waxaa ka
dhacday qiso
la yaabe
leh, kadib
markii
Askari
Itoobiyaan
ah oo damcay
in uu
kufsado
gabar
Soomaaliyeed,
balse markii
ay iska
diiday ayuu
halkii ku
dilay oo uu
toogtay,
waxaana
rasaastii ku
soo baxay
ciidamada
Itoobiya,
waxayna
dadka
deegaana noo
sheegeen in
askarigii
ay qabteen
ciidamada
Itoobiyana
kana qaadeen
qorigii uu
watay,
waxaana la
weydiiyey
sababtii uu
u dilay
gabadha,
waxa uuna u
sheegay in
uu damcay in
uu kufsado,
hase yeeshee
arrintii
waxaa la
wargeliyey
sarkaalkii
haystay
ciidamada
Itoobiyaanka
ah ee ku
jira
Isbitaalka
Dikfeer,
waxa uuna
amray in
isna la
dilo,
meeshii
ayaana lagu
toogtay
isna.
Dadweynaha
deegaanka
ayaa sheegay
in
askarigaasi
loo toogtay
kadib markii
dambiyo fara
badan uu ka
galay dadka
deegaanka
iyoi waliba
ciidamada uu
ka tirsanaa,
taasina ay
keentay in
isna la
dilo.
Gabadhaan oo
habeenkii la
dilayey
maalinteedii
ka timid
Magaalada
Baydhabo
ayaa waxaa
dilkeeda si
weyn uga
xumaaday
dadweynaha
deegaanka
iyo waliba
dadkii ay kd
dhalatay
gabadhaasi,
mana ahan
markii ugu
horeysay oo
ciidamada
Itoobiya dil
noocaan oo
kale ah
gaystaan,
iyadoo horey
dillal ugu
gaystay dad
rayid ah .
Shirkadda
Nationlik oo
deeq
lacageed
siisay
Xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta
Shirkadda
Nationlink
oo inta
badan looga
bartay in ay
gacan siiso
bulshada
Soomaaliyeed
ayaa
maalintii
shalay ahayd
xaflad si
heer sare ah
loo soo
agaasimay oo
ku saabsan
dhiiragelinta
xulka
qaranka
Soomaaliya
waxaa lagu
qabtay hotel
Muqdisho Ex.
Daamey.
Xafladdaan
ayaa waxaa
ka qaybgalay
guddoomiyaha
xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta
Siciid
Max’ed Nuur
Siciid
(Mugaanbe),
guddoomiye
ku xigeenka
Xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta
Cali Siciid
Guuleed,
xoghayaha
xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta
C/qani
Siciid
Carab, iyo
guddiga
fulinta ee
Xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta
iyo
Mas’uuliyiinta
shirkadda
Isgaarsiinta
ee
Nationlink.
Xafladdaan
oo isugu
jiray labo
qaybood ayaa
qayb waxa ay
ahayd in
abaalmarin
la siiyo
saddexda
cayaartooy
ee ugu
wanaagsaneed
xulka
qaranka
27-jirka ee
ka qaybgalay
tartankii ka
dhacay dalka
Burundi iyo
waliba
taaguleynta
xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta
oo isku
diyaarinaya
is-reebreebka
koobka
Adduunka oo
16-ka
Novermber
Magaalada
Jabuuti ku
wada yeelan
doonaan
xulka
qaranka
Soomaaliya
iyo xulka
wadanka
Jabuuti.
Ugu
horeyntii
waxaa
halkaasi ka
hadlay
xoghayaha
xiriirka
C/qani
Siciid Carab
oo ka
warbixiyey
heerka
diyaargoowga
xulka
Qaranka
Soomaaliya,
waxa uuna
sheegay in
mudo uu
xulku
xareysnaa uu
haatanna
diyaar u
yahay in uu
cayaaar adag
la yeesho
xulka
wadanka
Jabuuti,
waxaa kale
oo ka hadlay
mas’uuliyiin
ka tirsan
shirkadda
Nationlink
oo iyana
halkaais ka
sheegay
aysan aheyn
markii ugu
horeysay oo
ay taakuleyn
siiyaan
Isboortiga
Soomaaliyeed,
waxa ayna
sheegeen in
dhiiragelinta
manta ay
tahay sidii
xulka
qaranka uu
guul wax ku
ool ah uga
keeni lahaa
cayaartaasi,
waxayna
shirkadda
Nationlink
ballanqaaday
in haddii
xulka
qaranka uu
guul ka soo
hooyo
cayaartaasi
uu heli
doono
abaalmarin
aad u weyn,
waxaa kale
oo uu
halkaasi ka
hadlay
Siciid
Max’ed Nuur
(Mugaanbe)
oo ah
guddoomiyaha
xiriirka
Soomaaliyeed
ee K/cagta,
waxa uuna u
mahadceliyey
shirkadda
Nationlink
oo uu
sheegay in
ay noqotay
shirkaddii
ugu horeysay
oo gacan
siisay xulka
qaranka iyo
waliba
xiriirka
Soomaaliyeed
K/cagta.
Saddexda
cayaartooy
ee ugu
wanaagsanaa
tartankii
Burundi ayaa
waxaa la
siiyey min
hal Moobeel,
sidoo kale
waxaa
cayaartooyda
laga wada
simay
funaanad ay
ku xardhan
tahay magaca
Natiolink.
W/D: Amiin
Yuusuf
Khasaaro