MUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com
Hordhac
Caawa oo ay taariikhda miilaaddigu tahay 23kii oktoobar 2007, tan
hijriyaduna tahay 12kii shawaal 1428, Waa habeen xusuus gaar ah oo
xanuun badan u leh umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meel ay
joogaanba. Waa habeen ay 300 oo habeen ka soo wareegtay habeenkii ay
ciidamada gaashaanbuurta dulmiga oo ay hoggaaminayaan maamuladda
Itoobiya iyo Mareykanku ay gudaha u galeen caasimadda Soomaali weyn ee
Muqdisho, ayagoo u dabbaaldegaya qorshe dhagareed waqti dheer laga soo
shaqeynayay oo howl iyo hanti fara badanba lagu bixiyay.
Sidaan la wada soconno cadowyadaas isi soo bahaystay oo adeegsanaya
mujrimiin mannaxeyaal ah oo magac nala sheegtaa, waxay xasuuq baahsan,
burburin iyo barakacin ka geysteen caasimadda, ayagoo ay ujeeddadoodu
tahay ; Mas madaxaa laga dilaa, rajeynayana haddii ay gacanta ku dhigaan
Muqdisho in dalka intiisa kalena ay toos ula wareegi doonaan oo
Soomaalidu si sahlan oo dhibyar ay isku wada dhiibi doonto.

Cadowga gumaadka u soo bareeray waxay ku talogaleen in ay tirtiraan
shacbiga caasimadda ku nool, talo waa tii Allee. Waxaa la adeegsaday hub
adduunyada ka mamnuuc ah oo ay fosfarka cadi ka mid tahay. Waxaa baadkii
iyo biyihii loo diiday maatidii degaannadoodii laga qixiyay. Waxaa si
ula kac ah loo gubay suuqyadii, masaajidyadii, dugsiyadii, isbitaalladii
iyo meel kasta oo loogu adeegayay bulshada. Laakiin nasiibdarro
dhacdooyinkaas aan qarsoomeynin oo muuqda, adduunyadu waxay uga
jawaabtay aamus iyo in la abaalmariyo kuwii tacaddiyada dhacay ka
mas’uulka ahaa oo deeq iyo darajaba lagu taageero.

Waxaa nasiibwanaag iyo wax Alle weyne lagu mahadiyo ah - walow aan la
dhaliilo yareyn - in guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwa
Muqdisho ay beeneeyeen riyadii cadowga, ayna u diideen in uu dalkooda si
raaxo leh ugu dakeeyo. Waxaa amaan, duco iyo dhiirrigeliba mudan
halyeeyada harsiga iyo hoyaadka u diiday cadowga damaca waalan, kuna
khasbay in ay habeen iyo maalin ay waqtigooda gabaabsiga sii ah gabasho
ku dhameystaan, gabbalkoodu ha dumee!!.
Anigoo haddaba umadda Soomaaliyeed u rajeyna guul degdeg ah, kulana
dardaarmaya midnimo, dadaal iyo dulqaad, ayaan jeclahay inaan soo
gudbiyo gabay cusub oo aan ku magacaabay Muqdisho. Gabaygu wuxuu ka
hadlayaa marxaladihii ay soo martay magaaladu, maanta halka ay ku
sugantahay iyo mustaqbalka loo rajeynayo hadduu Rabbi idmo.
Gabayga Muqdisho, wuxuu ku bilaabmayaa:
MUQDISHO: Gabay Cusub
- Mudaney magaaladaan jeclee maanku uu tabayo
- Ilaa miyi misbaax ifinayoo mugdi ka dhowraaya
- Muraayadda nalaga daawadiyo masraxii Soomaali
- Mahuraankii geyigeenna iyo maskaxdii baad tahaye
- Miliilicaada xiisaha leh iyo bilicda muuqaalka
- Munaasabadihii ciidihiyo ku dhex-mushaaxaada
- Markaan soo xusuustaan saqdhexe soo mirkacayaaye
- Maqsuud taan ku noqon laa inaan mar uun ku noolaado
- Muxibbadana igu reebtayeen muhanayey hee dheh.
- Anigoo aan marinkii san iyo garan midkii leexsan
- Malcaamadda haddii aanan tagin alifna ley meerin
- Oon murabbi kaaga ah i barin miinka iyo wowga
- Dugsi maamul wacan iyo haddaan Maajo la i geynin
- Mas’alooyin haddaan ley furfurin maangal iyo maangad
- Muftaaxii aqooneed haddaan la i mihiibsiinnin
- Cilmigana aan ley miisi layn mala-awaalkeyga
- Martabadda aan joogaa malaha maba niyaysteene
- Maax aan gureyn abidkeed iyo miid ayaad tahaye
- Madrasadii i soo ababisiyo macalliney hee dheh.
- Inkastoon masaafaan dhoweyn meel fog kaa joogo
- Inkastoo maqaarkiyo lafuhu Yurub ku meereysan
- Miyirkeygu aduu kula jiraa maalin iyo layle
- Mixnad baas intaad ku sugantoy mashaqo kuu taallo
- Intey marrasta taada ah jiqaha meehannaabeyso
- Muluq hooyo laga dilay intey marwo ilmeyneyso.
- Maxajabad daboolneyd intuu maraxu haabhaaban
- Mooryaan habaarani intey kugu marqaameyso
- Madiidinkuna kaa talinayiyo doqonka maangaab ah
- Maxbuusiin intey kugu yihiin tiro malaayiin ah
- Inaan ducada kuu mariyo iyo mintidid mooyaane
- Anigana macaan iima laha manfac la quutaaye
- Makaankii aan u hiloobay iyo minankayey hee dheh.
- Hawadaada meeldhaxaadkaa iyo cimilo miisaaman
- Mowjadaha badweyntii Hindiya maanyo ku dalxiiska
- Mirihiyo khudaar noocba nooc mooska iyo liinta
- Mafafaayga beertiisa iyo wabiga kuu muuqda
- Xoolaha la soo maalayee manno laguu siiyay
- Macaamilada ganacsiga batiyo moodka la isdhaafsho
- Meheradaha kala jaad ahee laga mushaar qaato
- Oy waliba mug shidaal leh iyo macdani kuu dheertay
- Waa wax aanan maab laga heleyn sidan maleeyaaye
- Macduunkaan nasiibka u hellneen mahadinney hee dheh.
- Minnaaradaha kuu astaana iyo mowlacyada diinta
- Maqaamkaaga hodankiyo Ilaah magacu kuu yeelay
- Mannaxaanka ka masuugayee dabinka kuu miiqi
- Oo uu muraadkoodu yahay macsi tallaalkeeda
- Masjidkoo musqulo laga dhigtiyo majliska xaaraanta
- Kuwii kacbada ka maseyrayee maagay duminteeda
- Qoomkii maroodiga wataa lagu misaalaaye
- Ismaqiiqa ismiidaaminta ah iyo majnuunnimada
- Mayacadoodse wey eedayaan malaxdey dhuuqaane
- Meydadkooda iyagoo ka baqan iyo maxaabiista
- Oo sii mirqaayaadna arag muddo aan dheereyne
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Marxaladba wixii kuu qaddaran waa maktuub qorane
- Maalmahan dhibka ku gaaray iyo mahadhadaan taagan
- Mashriq iyo maqribba xulufadaa miig ka soo kicisay
- Moortarka shacabka dabarjariyo madfac daryaamaaya
- Madaariista ololeysa iyo musxafka deeboobay
- Mooraduugga muslinkaa la dhacay een mid lagu reebin
- Agoomaha milicdu shiilatee marin cidlaa daadsan.
- Mashaa’iikhda Macbadyada dhexdood dhiiggu mulucleeyay
- Maqaawiirta la ugaarsadiyo Mu’addimiin dooxa
- Magantaada la xasuuqayee layska marinaayo
- Haddaad saaka u madluunsantood la musaraareyso
- Maka iyo hortaa waxa la gubay Muxamed (scw) hoygiise
- Baqdaad wuxuu Mangoolkii ku dhigay maqashay waagiiye
- Maantana saqiirrada Maqdis maafiyaa dubannoo
- Miijinta cunaha leys hayaa maaha kaligaaye
- Macbuud meeshii lagu caabudaba waa la mirayaaye
- Miinshaar afbadan iyo haddey maqas ku googoyso
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Markuu qooqo aadmigu durbuu marinhabaabaaye
- Mad-habtiisa intii diidda oo maya tiraa beenta
- Macaash wuxuu ka raadraadiyaa maxasta laynteede
- Mu’minnimadan leysku diiddanyee laba mamnuucaayo
- Mareykanku xadgudubkuu wadiyo macangaggaa Bush ah
- Mashaariicda Abasiinya iyo mucatab sheegsheegga
- Munaafaqyada la adeegsadee malafsan laaluushka
- Oo murux iney kaa dhigaan lagu masruufaayo
- Mu’aamaradda lama mooga iyo waxay maleegaane
- Malaa’iga diyaaraa jiroon minit wax seegeyne
- Marar badan Quraankiyo siduu Sunnuhu noo muujin
- Ama ay maahmaahdeennu tiri murtida suugaantu
- Ma guuleysto mujrimkii gardaran moolna wuu liqiye
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Waa meerto waayaha adduun midiba ceyn tahaye
- Muslinnimo waxaad daafacdood madal ka taageertay
- Wixii carabtan iska maahsan aad maslaxaddeed doontay
- Afrikada midee waxaad is tiri kalama maarmaane
- Waxaad dulmiga maareystay iyo midabtakoor diidday
- Mucaawino waxaad diri jirtiyo meseggo kuu keydsan.
- Masaafurka ku soo magansadiyo waxaad miskiin kaashay
- Martisoorka sharafta leh waxaad ku marxabbeyneysay
- Mashaakilku maruu kugu dhaceed yara madoobaatay
- Muran iyo hadduu maloba galay mansabka aad joogto
- Meelkadhac haddaad la kulantood maacaleesh noqotay
- Iney kuu miciinaan kuwaad midig ka dhowreysay
- Dummintaada haddey kaba mushtari maalna lagu siiyo
- Munaaqishada socotaana tahay masixiddaadiiba
- Taariikhda waxaad muujisaa kuu marqaati ahe
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Mag qof aad ka filaneysay iyo mahad uu soo celiyo
- Manjaxaabo inuu kula damcaa waa mushkilad weyne
- Muufadaada kuwii lagu korshiyo maraqa kuu gaar ah
- Sidaad maamadood tahay kuwaad moxogga soo saartay
- Kuwii dhiiggey kaa muudsadeen macashu xeyrowday
- Mijihii yaraa iyo markuu muruqu kuuskuusmay
- Adna muunaddaad beri laheyd cadowgu kaa meyray
- Muuqdisha haddey kugu dheheen maanla’aantooda
- Maqalkaagu hadduu cudur ku yahay oy mantagayaanba
- Oo inba lagugu maadsadiyo masabbid xaal joogo
- Maamuus anaa kuu hayood ii muhiim tahaye
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Maaligga Raxmaankeenna ahi waxa uu maareeyo
- Sida kownkan loo maamuliyo malagyadow heellan
- Oo makhluuqa loo kala dabaro mucsjiso weeyaane
- Jiilaal musiibo ah abaar duunyadii maratay
- Macaluulna loo la’anayoo maafish yahay baadku
- Mahiigaan haddii uu curtoo carriga maansheeyo
- Geedihii mudhta ahaa durbey wada magoolaane
- Nafleydana waxaan mawdku helin malabsadaan quude
- Adna marti-u-rooneey haddaad ciil la murugootay
- Maalin baa insha-Allaahu iman aad mashxaraddaaye
- Mustacmarku suntuu kugu mudiyo miinaduu dhigayo
- Mariidkaa laguu qooshayee makastu fuuqeyso
- Musuqmaasuqiyo maalin buu maradku kaa tagiye
- Qabyaaladda marbaa midey tahaba leyska maaniciye
- Oo macangag lagu diimi iyo kaan mabda’ laheyne
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Waxa bi’in mujtamacaagu waa mufsid shirqoolkiise
- Haddii aad makriga nacabka iyo macnaha aad fahamto
- Oo samaha aad maaggantahay Qaadir meelmariyo
- Haddii muqaddaskii lagugu dhaqo lagu midoobaayay
- Maxkamado caddaalada haddii muddaca loo aado
- Oo uu mas’uul daacadoo miiggan kaa taliyo
- Haddii uu muwaadinka dulmani helo mudnaantiisa
- Masaamaxuna faafoo macruuf leysku wada sheego
- Dadkaadii la kala moosi jiroo wada mataanoobay
- Oo maqasha edeggeeda iyo mooro ka xoroobay
- Waa guul mustaqbalkaagu iyo midnimo saafi ahe
- Maashaa- Allaahuye adoo mulkigaa weynaaday
- Maaliyad adoo qani ahoo masnac waxsoosaar leh
- Maraakiibta adigoo dirsida qalab cirkaas meera
- Oo ciidan laga maago oo magag leh kuu joogo
- Mudullada Tigreygaa kibree Melles ka soo jeedo
- Maqalle iyo adigaa xukumi mandaqaddoo idile
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
- Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-----------------------------------------------------------------
DHAMAAD

Inj. Maxamed C. Cibaar
Soomaali60@yahoo.com
Gabayga
Halkan ka dhegeyso