- Xarunta Baarlamaanka FKMG oo laga cabsi qabo inuu ka Dhaco iska Hor
imaad dhiig ku daato
- Wasaarada Qorsheynta Iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG oo siminaar u qabatey
31-ka Wasaaradood Xoghayeyaashooda
- Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye "aniga magaceyga ayaan ku hadlayaa,
Beesha Dhul Bahantena waan ka tirsanahay" shir jaraa'id
Xarunta Baarlamaanka FKMG oo laga cabsi qabo inuu ka Dhaco iska Hor imaad dhiig ku daato
Sida aan ka soo xiganey mid ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka FKMG oo magaciisa
qariyey ayaa sheegay sababaha dhabta ee uu u baaqdey fadhiyadii uu lahaa
Baarlamaanka ay tahay iyadoo loo hakiyey khilaafaadka u dhexeeya Mas'uuliyiinta
sar sare ee dowlada Federaalka Kumeel Gaarka ah, oo ay xalinteeda ku hawlan tahay Dowlada Ethobia, waxay
isla soo gaaraan mid ka mid ah mas'uuliyiinta dowlada FKMG oo safar dibada uga maqan.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga sugaayo Ethobia ayaa la sheegay in
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Geedi uu xilka si nabad ah uga dego iyo in uu ka madax adeygo
in labadaasi arimood mid laga helo dowlada Ethobia, hadii labadaasi arin mid
lawaayo Baarlamaanka FKMG hawlihiisa ayuu sii wadanayaa ayuu yiri Xildhibaan
magaciisa qariyey.
Dhinaca kale Xarunta Baarlamaanka FKMG ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhaco
iska hor imaad dhiig ku daato, hadii aan mas'uuliyiinta labada dhinac loo helin xal waara, sababtoo
ah waxaa la hadal hayaa in Hoolka shirarka Baarlamaanka ay ku fooraraan
Madaafiicda Goobta islamarkaana labada dhinac ay ku jiraan diyaar garow dagaal
oo aan si weyn dadku aysan u dareemeyn, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa hadii
Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isugu yeero xubnaha Baarlamaanka in mid ka mid ah
Mas'uuliyiinta is khilaafsan ee dowlada Xildhibaanada taageersan ay qaadacaan
shirka kadibna ay gebi ahaanba faaruqiyaan Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale dhinacyada iska soo horjeeda mid kasta wuxuu suuqa soo geliyey laba
aragti oo iska soo horjeeda, Kooxda taageersan Prof. Geedi waxay suuqa soo
geliyeen In Madaxweynaha DFKMG C/llaahu Yuusuf uu Xanuunsan yahay islamarkaana laga
cabsi qabo inuu nool yahay iyo inuu dhintay, halka kooxda taageersan
madaxweynaha ay iyaguna suuqa ay soo geliyeen Prof. Geedi inuu xilkii iska
casiley, islamarkaana uu dalbadey magangalyo siyaasadeed isaga iyo koox
taageerayaashiisa ah, dhamaan arimahaan oo dhan waxay muujinayaan rajo xumida ka
jirta guuda ahaan Soomaaliya

GEEDDI iyo ZENAWI
Wasaarada Qorsheynta Iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG oo siminaar u qabatey
31-ka Wasaaradood Xoghayeyaashooda
aqoon isweydaarsi ujeedadiisu tahay Mabaadii'da iyo siyaasada uu ku shaqeyn
lahaa dalka Soomaaliya, Istiraatiijiyada iyo aragtida lagu hor marinayo dalka,
dib u soo nooleynta maamulkii iyo shuruucda dalka, Qorshaha iyo Miisaaniyada
Sanadka soo socda, wada shaqeynta iskaashiga dowlada iyo hay'adaha UN-ka oo ka
faa'iideysanayaan 31-ka wasaaradood ee Xukuumada oo ay soo qaban qaabisay
Wasaarada Qorsheynta Iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG ayaa uga socda Hoteel
Manchester ee Magaalada Baydhabo.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG Dr.
Abuukar Cismaan Abiikar {Looxoow} oo aan wax ka weydiiyey ayaa sheegey in Aqoon
isweydaarsigaan oo ah mid aan laga hirgelin mudadii 17-ka sano ee dowlad
la'aanta ayaa waxaa looga doodey mudadii 15-ka maalmood ee socdey,
A:- mudadii 17-ka sano dagaalkii uu ku jjirey dalkaan sidii loogu soocelin lahaa
Caqligii, mabaadii'dii iyo siyaasadii lagu hagaayo iyo sidii looga saari lahaa
Badda uu ku jiro oo loo tusi lahaa beriga,
b:-in loo sameeyo mabaadii dhaqan dhaqaale oo lagu maamulo horumarka
dhaqaalihiisa iyo 31-ka wasaaradood oo loo dejiyey mabaadiida iyo siyaasada qayb
kasta oo ka mid ah dibudhis aan laga maamuleyn dibada oo ku salaysan baahida
dadka iyo dalka.
c:-sidii dib loogu soo nooleyn lahaa habkii maamulka ee ka bur burey dalka,
miisaaniyad diyaarinta iyo maamulka xisaabaadka ee wasaaradaha kala duwan ee
lumay lagu dhaqai lahaa.
d:-waxaa lagu talagaley Qorshe hawledka sanadka soo socda iyo miisaaniyadiisa.
Dhamaan arimahaan waxaa dhamaadey oo laysku af-gartey qaybta koowaad iyo tan
labaad, waxaana inoo dhamaan raba qaybta sedexaad oo gebageba ah iyo qaybta
afraad oo ku saabsan dood ka fool ka fool ah oo ay isugu yimaadaan madaxda
Dowlada iyo madaxda hay'adaha UN-ka ee ka hawlgala Soomaaliya, gunaanadkiina
waxaa laga soo saaridoonaa sidii meel layskula dhigi lahaa qodobadaan
Mabaadii'da iyo siyaasada uu ku shaqeyn lahaa dalka Soomaaliya, Istiraatiijiyada
iyo aragtida lagu hor marinayo dalka, dib u soo nooleynta maamulkii iyo
shuruucda dalka, Qorshaha iyo Miisaaniyada Sanadka soo socda, wada shaqeynta
iskaashiga dowlada iyo hay'adaha UN-ka ee ka hawlgala Soomaaliya ayuu yiri
Bauukar looxoow.
Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye "aniga magaceyga ayaan ku hadlayaa, Beesha
Dhul Bahantena waan ka tirsanahay" shir jaraa'id
Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka
Sool, islamarkaana ku sugan Magaalada Baydhabo oo shir jaraa'id ku qabtey shalay
Hoteel Calaacal ee Magaalada Baydhabo ayaa ka Hadley gelitaankii ciidamada
Somaliland ay galeen magaalada Laascaanood iyo dadkii lagu xirxirey
26/10/2007-da.
Xildhibaanka isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri "Magaalada Laas
caanood waxaa saaka galay 3000 oo ka tirsan ciidamada Soomaliland, waxayna xir
xireen ilaa iyo Boqol ruux oo mudaaharaad sameynayey, magaalada laas caanood
waxaa dega Beesha Dhul bahante, mar laga joogo 107-Sano baa dadka halkaas degan
diideen inuu Ingiriis qabsado, waana meesha ugu horeysa ee aduunka diyaarad
lagula dagaalamo, maanta u maleyn mayo inay ogolaadaan in la qabsado ayuu yiri
Xildhibaan Max'ed cali shiriye,
Xildhibaanku wuxuu ugu digay Madaxweyne Goboleedka Soomaliland ee Riyaale
"ciidamadiisa uu soo direy Riyaale, haka noqdeen Gobolka Sool si deg deg ah,
hadii kale arintu waxay noqoneysaa in dagaal iyo dhibaato hor leh uu u horsed
Soomaaliya, waayo maanta Garaad Saleebaan iyo Garaad Jaamac awooweyaashooda in
uu Ingiriis ku yiri waxaa tihiin Bir adag, dadka sidaas lagu tilmaamey inmaanta
uu qabsado dhaleynin dadka meesh u dhashay, dadka meesha u dhashay waa inay si
midnimo ah isugu yimaadaan, si ay isag saaraan ciidamada soo galootiga ah,
diyaarna uma nihin in dhiig daato, laakiin hadii gurigada iyo caruurtaada
laguugu soo doonto waad is difaacaysaa, aniga waxaan dhiirigelinayaa dadkayga
ayaa yiri mar la weydiiyey in hadalka uu yiri dhibaato horseedi karo Xildhibaan
Shiriye".
Sidoo kale mar la weydiiyey hadalka aad jeedinayso Xildhibaanada adigu ku haybta
ah ma kula qabaan ayaa wuxuu ku jawaabay "Nin kasta oo Dhulbahanta ah waa ila
qabaa".
Sidoo kale mar la weydiiyey Xildhibaanku Afka aad ku hadleyso ma mid qaran baa,
mise waa mid qabiil ayaa wuxuu ku jawaabay " aniga magaceyga ayaan ku hadlayaa,
Beesha Dhul Bahantena waan ka tirsanahay".
Maxamed macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)

