Magaalada Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus
shirkii la xisaabtanka Xukuumada Prof Geedi oo loo rogay in
Xukuumada ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka ayaa la filaayaa
in uu dhaco maalinta Beri ah, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ay
qaybsan yihiin, islamarkaana laga laga yaabo, in kala qayb
sanaan taasi ay keento wajiyo awood isu muujintii lagu yiqiimay
Siyaasiinta Soomaaliyeed ee mudooyinkan 17-ka sano soo kacay,
inkastoo xubno ku dhow dhow Gudoonka Baarlamaanka ay sheki
gelinayaan qabsoomida shirka.
Gudoomiyayaasha Gudiyada Arimaha Baarlamaanka ayaa kulmay
23/10/2007, taasoo aan la shaacin waxyaabihii ka soo baxay iyo
ujeeda shairkooda, balse warar kala duwan oo ka soo baxaya ayaa
waxay sheegayaan, in laysku qabtey Qoraalkii ay soo saareen
24-ka Wasiirka iyo mid uu soo gudbiyey Ra’iisul Wasaare Geedi,
taasoo ilaa iyo hada aysan war sugan oo ka soo baxay.
Shirkaan furmaya maalinta ee kalsooni weydiisashada Xukuumada
ay Baalamaanka hor fariisanayso ayaa ah mid in mudo ah ay isku
hayeen mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana layskudayey marar
badan in Xukuumada la rido, waxaana hor istaageyey arimo badan
oo aan la soo koobi Karin iyo farsamooyin isugu jira mid
dhaqaalo iyo mid siyaasadeed, iyadoo lag eegayey wajiyo waaweyn
oo isasaarnaa, sida ay qabaan xeel dheerayaal siyaasadeed.
Wajiyadaan waaweyn ee la eegayey ayaa waxyaabaha salka u ah
ay ka mid ahaayeen, Xukuumada oo culayso waaweyn dhinaca awooda
ka haystey, sida Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo ahaa awood
jirtey, islamarkaana caqabad ku ahaa hanaanka geedisocdka
Xukuumada islamarkaana ka tirsanaa Xukuumada iyo Baarlamaanka
iyo khilaafyo iyada dhexdeeda ah oo in mudo ay ku kala maqneyd,
taasoo loo arkaayey in xiliga ay isu timid Xukuumada aysan
awoodi Karin in mid kale la soo dhiso maadaama raadkii khilaafka
kala qaybsanaantii mudada 9-bilood ay dhoweyd.
Markii ay wiiqantey awoodii Hogaamiye Kooxeedyada Magaalada
Muqdisho iyo kuwa ku hareereysnaa oo ay soo baxeen Maxkamadihii
Islaamiga ee la wareegay inta badan Gobolada Koofureed ee
Soomaaliya, ayaa waxaa meesha ka baxay wajiyadii iska soo
horjeeday ee Dowlada, waxaana soo baxay in ay meel uga soo wada
jeestaan inta badan xubnaha Dowlada, inkastoo qaarkood xubin
nimadooda ku waayey, ayna jiraan kuwo kale oo daba socda kuwaas.
Waxaa maalmaha soosocda la sugayaa in la soo gebagebeeyo
dooda Baarlamanka ee dhinaca kalsooni weydiisashada Xukuumada,
iyadoo la hadal hayo, in hadii Xukuumadu ay weydo kalsoonida
Baarlamaanka, aysan ku koobnaan doonin dhicitaanka Golaha
wasiirada iyo Ra’iiskooda, balse laga yaabo in xubno kale oo
muuhiim ah, islamarkaana ka tirsan Mas’uuliyiinta sar sare ee
DFKMG ay ku xigi doonaan, taasoo ay keeni karto qalalaasi
siyaasadeed oo aan hada soo muuqan, sida ay qabaan xeel
dheerayaal arimaha maamulka iyo siyaasada..
Sida ka muuqata Magaalada Baydhabo marka la fiiriyo
dhaqdhaqaaqa Xukuumada iyo Baarlamaanka ayaa waxaa laga cabsi
qabaa in Magaalada Baydhabo ay marti gelin doonto Maxkamadeyn
culus oo in mudo ah laga cabsi qabay sidii loo fulin lahaa,
dadka arimaha sharciga ku xeel dheer waxay carabka ku
adkeynayaan in arintan waligeed Soomaaliya aysan ka dhincin ayna
tahay mid ku cusub, sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamda sare iyo
garsoorihii la xirnaa ayaa la hadal hayaa in lagu Maxkamadeyn
doono magaalada baydhabo, Waxayna aas aas u noqon doontaa hadii
lagu guulaysto, arimo badan oo isa saarnaa tan iyo intii madax
banaanida ay qaadatey Soomaaliya oo soo jiitamaayey, waxaana la
gaari doonaa isbedelo waaweyn oo dhinaca horumarka ah, balse
taasi waxay u eg-tahay dhedo Roob noqon weydey, waxaana muuqda
Mowjado dabaylo ah oo qaarkood duufaano cudur ah xambaarsan,
balse muhiimada Arinta ayaa waxaa maamulaya Alihii na uumay in
arintan uu ku soo gebagebeeyo halka wanaagsan.
waxaana intaa dheer magaalada Baydhabo waxaa hada ku sugan
inta badan Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya, waxayna hawshooda
u bedeleen arimo siyaasadeed iyo wajiyo kale, Soomaaliya
dhibaatadeeda waxaa ka shaqeeya Kooxo kala duwan oo mudo 17-Sano
ka waday hawlo iska soo horjeeda, hadii aan wax ka xusno
kooxahaan waxaa ka mid ah Hogaamiye Kooxeedyadii ka jirey
Soomaaliya, TNG-dii waqtigeedii, Kooxdii SRRC oo hada dhowr
garab isu rogtey, Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo hawshooda
bedelay, islamarkaana si xawli ah hawshooda ay ku socoto,
Ururada Bulshada kuwo isku sheega oo iyagana intooda badan ka
shaqeeya danaha Dowlado gaar ah, Soomaliland oo iyaduna mar aan
ogoleyn in Koofurta Soomaaliya ay degto, si ay u helaan madax
banaanida ay ku taamayaan iyo Kooxaha dibad jooga ah.
Dhamaan Kooxahaan waxay ka shaqeeyaan dhibaatooyinka dalka ka
jira guud ahaan, waayo mid kastaa wuxuu wataa hadaf u gaar ah,
hadii ay isku hadaf ahaan lahaayeen, seddax meelood, laba hawshu
way ka dhibyaraan lahayd sida hada ay wax ku socdaan, xitaa
hadii hal meel oo isku mowqif ah la heli lahaa, waxaa soo bixi
lahaa isbedel weyn.
Dhinaca kale tan iyo markii Mas’uuliyiinta sar sare ee
dowlada ay dib ugu soo noqdeen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka
muuqda isbedelo dhinaca amaanka ah waxaa la xiray Guud ahaan
wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo iyo Goobta lagu wado inuu
shirka ka dhaco, bartamaha magaalada waxaa yaala bar koontaroolo
aan hore loogu ogaan jirin marka laga reebo mid ka mid ah kuwii
xiliyadii berisamaadkii ahaan jirtey mooyee, waxaa la baaraa
Baabuurta yar yare ee shekh-siyaadka iyo kuwa laga shekiyo,
waxaana magaalada lagu soo rogay Bandow aan la ogeyn xiliga uu
ku eg-yahay iyo sababta rasmiga ah, waxaana magaalada ka dhacay
qaraxyo kala duwan, inkastoo kii ugu weynaa ee ka dhacay
Warshadii Xasey oo ay deganaayeen Ciidamo Ethobia-an ah ayaa la
sheegey in naftii hura is qarxiyey gaariga uu watay la soo
baarey, mar la weydiiyeyna waxaa uu sheegay baa la yiri in uusan
wax wadan balse waxa qarxay uu ku watey Loor dhuxul ah, kadibna
uu isku dayey in Baakin ahaan u dhigto Hoteel Bakiin soo naheeda
laakiin, taasi waa uu ku guulaysan waayey wuxuuna dib ugu soo
laabtey halkii ay deganaayeen Ciidamada Ethobia, isagoo iska
dhigay wax garab maraya kadibna Al-baabka hore ee xera ku wada
jaray gaarigii isagoo xawli ku socda, dadweynaha ku nool
magaalada baydhabo ayaa waxay inta badan is weydiinayaan, halka
ay wax marayaan iyo waxa xaajadu ay ku soo gebageboobayso.
Akh-ristayaasha aynu jecelnahayoow waxaan maanta idiin soo
gudbinayaa Gabay jacbur ah oo mudadii 17-ka sano ahayd aan isku
dayey, mana ahan mid ku yimid si iska dheh ah, hadii aan idiin
bilaabo, Markaan arkay shacabkii Soomaaliyeed oo ay ka muuqaan
dhibaatooyin badan ayaan waxaan iri:-
Shacyahoow Shakaalani anoo Shixnad Gabay sidaa Shirka la iiga
yeeray, Sheki waxaa iga galay Niman Shaarib lahoo Shaarka
Siibanaaya, Shirko waxay la yihiin Shisheeyaha iyo inay Shacabka
laayaane, Shardi waxay ku galaan Shidadiyo inay Shirarka
badshaane, Shati waxay u goostaan inay Shilinka Shubtaane,
Shabac waxay la yihiin Shabaabkiyo dhiiga Shacabkeen, Sharaf
nooma reebin hadaan Shaahidka ku dhaarto ka Sheekeeya Shibtu waa
Shalaay noo dambeeyee.
Kani waxaan tirey markii shirarka kala duwan ay Soomaaliya
ka bilowdeen, islamarkaana islamarkaana ay soo baxeen in
dhibaatada wax laga qabto.
Mid kale waxaan iri :-
Tanina markaan ka quustey qaabka kala duwan ee shirarka
looqabto iyo waxa ka soo baxa halka ay ku dambeeyaan ayaan
sidaan iri.
Masaafada Rag baa ku hara Maangaabnimadeed, Miciy dheerihii
soo haraa Murug u taalaaye, Markab hadii la idiin raro Maalin
iyo laylba, ood maamushaan Maalikii dunida yiil Mudac yaraantiis
Maqaalin Mowlahey na siiyaa, nooga filan Madaxnimadiinee.
Mid kale;-
Tanina markaan arkay Soomaaliya guud ahaanteed waxa ka socda,
islamarkaana aan ku suganahay Magaalada Muqdisho, iyadoo ah
Caasimadii Soomaaliya ayaan waxaan ku hal qansadey Banaadir
Bismilaahi dhaha Barbaareey Bahda Reed Banaadir, Bishii la
Arko hadii balaayo la sheego oo Baadoow Boobo watiyo Booska soo
istaago, oo Bayaankii la soo diraba uu Ba’ayda soo sheego oo
Barbaartiyo Bilcaatu ay is Biimeeyaan, Bilaash weeye xaajadu
hadaan badi u fiirsho.
Afartaas Bayaanshaye waxaan Bixid ka raac-siiyey, Baadarigu
ma seexdiyo Ragii Baananka lahaayeen, Barta waaga Boos wada
shaqaa loo banaan Bixiye, Baraaruga Barbaarey Balaayadu waa
badownimo weynee.
Waxaan ku soo gebagebeeyey Gabaygii midba maalin aan
tirinaayey markii ay hawshii sii socoto oo aan si daran uga
quustey ayaan waxaan iri;-
Silic weeye Siroow iyo Safiih Saban Colaadeede, Silic weeye
Siyaasi Seerada Gefay haduu Seeriga kuu yeersho, Silic weeye
Sagaal iyo Toban jir Saariq soo hayaamay, Silic weeye Sagaashan
jir Shaahadada qirey Samir yeelan waayey, Silic weeye Sicir
bararr Sagaal sano jiroo soohdin yeelan waayey, waxba Gabaygu
yuusan ila siqine waxaan ku soo gaabshay Alaahayow naga saar
sidaas Saamic baa tahaayee
Maaxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
faxtumaalik@hotmail.com