28 Oct 2001: Baarlamaanka
oo Kalsoonidii Kala Noqday Xukuumada Cali Khaliif Galayr

|
GALEYR IYO
XUKUUMADDIISA OO LA CASILAY!!
Qiyaastii kowdii duhurnimo oo daqiiqado la` ee maanta Axadda ee
waqtiga Somalia ayaa la soo gebagebeeyay codayntii baarlamaanka kmg ee
kalsoonida xukuumadda kmg ah... Natiijada bilawga ahi waxay leedahay:
- 141 u codeeyeen in la rido xukuumadda
- 029 u codeeyeen inaan la ridin
- 004 ka aamuseen
Natiijadii halkaas waxay ku noqotay in xukuumaddii Dr Cali Khaliif
dhacday
Maxaase ka dambeeya?????
Waxaa aad loo saadaalinayaa in Ra`iisal wasaare uu noqdo Xasan Abshir
Faarax;
Waxaa kale oo la filayaa in wasiirada badankoodu amaba dhamaantooodba
soo noqdaan!!!!
Waxaase dhici karta in shirka Nairobi dhismahaas wax ka bedelo...
Shirka waxaa isugu imanaya Dawladda KMG (Wafdi C/qaasim hogaaminayo);
iyo kooxaha mucaaridka Koonfurta, SRRC iyo Odayada Puntland...
waa war aan ka helay xog-ogaal aad ugu dhow-dhow DKMG
2001-10-28
War ay soo werisey hay'adda wararka ee shiinaha ayaa
sheegay in "Saalax Nuux Ismaaciil oo kamida xildhibaanada DKG uu
codbixinta kalsooni kala laabashada Cali Khaliif ku tilmaamay arin
mu'aamaraad ah oo ay ka dambeeyaan madaxweynaha iyo guddomiyaha
baarlamaanka, isaga oo sheegay in hirgelinta arintaan loo adeegsadey
lacay iyo qabiil".
Warkan oo ingiriis ah
akhri halkan
DoodFuran: codkaaga dhiibo |
Abdulahi M. Hassan (Black)
Muqdisho, Somalia.
abdulahiblack@yahoo.com
October 28, 2001
Kulankii Baarlamaanka ee maanta laguna qabtay xarunta ku meel gaarka ah ee
Baarlamaanka ayaa kalsoonidii lagala noqday xukuumadda Cali Khaliif, kaddib
markii 141 xildhibaan oo ka mid ahaa 178-dii xildhibaan ee kulankaa ka soo qayb
galay ay codkooda ku dhiibeen in ay kalsoonodii kala noqdeen Xukuumadda KMG.
Kulankaan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee ay xildhibaanadu isugu yimaadeen,
iyadoo
maalmahanba la sugayay natiijada daba dheeraatay ee kalsooni kala noqoshada
Xukuumadda, waxayna codbixinta maanta oo buuq la�aan ku dhacday taageeray
Xukuumada oo codkooda ku bixiyay in aan la ridin 29 Xildhibaan, halka 4
Xildhibaan oo kale ay ka aamuseen.
Motion-kan ayaa waxaa horay u soo bandhigay 14 Xildhibaan, sida uu qabo
Axdiga KMG iyo weliba xeer hoosaadka Baarlamaanka oo qaba in motion kasta ay
soo bandhigi karaan ugu yaraan 10 Xildhibaan isla markaasna 5 cisho gudahood uu
baarlamaanka uga doodayo.
Kulankan saakay dhacay ayaa ahaa kii 16-naad ee Baarlamaanka waxaana intii uu
socday motion-kan is qortay 78 Xildhibaan si ay ra'yigooda uga dhiibtaan
motion-kan, waxaa hadashay 40 Xildhibaan, iyadoo inta hartayna ay ku kaaftoomeen
saaxiibadoodii ay isku aragtida ahaayeen, taasina ay keentay in si deg deg ah
loo gudo galo cod qaadistii kalsooni kala noqoshada Xukuumadda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka C/lla Deerow Isaaq ayaa ku dhawaaqy natiijadii kama
dambaysta ahayd ee codbixintaas, wuxuuna caddeeyay in dhammaan Xukuumaddii Cali
Khaliif ay dhacday, balse ay shaqada sii wadayaan inta mid bedesha la soo
magacaabayo.
Sida uu qabo axdiga KMG, Madaxweynaha ayaa haysta muddo 30 cisho si uu u soo
magaabo Ra'iisul Wasaare cusub, iyadoo sidoo kale uu R/Wasaaruhu isna leeyahay
fursad intaa la mid ah.
Ma jirto cid ilaa iyo imminka la saadaalinayo in ay buuxiso jagada
R/Wasaaraha inkastoo ay jiraan rag la magac hayay, balse waxaa cajaladda xaga
kale u rogay kulanka uu Madaxweynuha DKG sheegay ee dhawaan ka dhacaya dalka
Kenya ayna isugu imaanayaa Dowladda KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda. Waxaana la
saadaalinayaa in Madaxweynuhu uusan ku sii dhawaaqi doonin qofka hoggaamin doona
xukuumadda soo shanqaraysan inta uu ka soo afjarmi doono kulanka madashiisu
tahay Nayroobi.
Ku xigeenka R/Wasaaraha isla markaana ahaa ku simaha R/Wasaaraha Cismaan
Jaamac Kalluun oo ka hadlayay Go'aanka Baarlamaanka oo uu kalsoonodii lagala
noqday xukuumaddiisa, wuxuu sheegay in ay ogol yihiin go'aanka ka soo baxay
Baarlamaanka. 'Cid diidi kartaa ma jirto' ayuu yiri Cismaan Jaamac oo xusay in
Baarlamaanku uu ahaa kii markii horeba siiyay kalsoonidii ay ku shaqaynayeen,
haddana uu leeyahay la noqoshadeeda, R/Wasaare ku xigeenka oo hadalkiisa sii
wata wuxuu sheegay in ay sugayaan nidaam Xukuumad cusub lagu soo dhiso, iyaguna
ay sii noqon doonaan sii hayeyaal inta la keenayo cid ay xilka ku wareejiyaan.
Hoos ka akhri Cali Khaliif oo aqbalay go'aanka baarlamaanka.... [Cali
Khaliif waxa uu Ra'iisul wasaare u ahaa Dawladdii lagu soo dhisay Carta October
8, 2000 ilaa October 28, 2001]
Abdulahi M. Hassan (Black)
Muqdisho
<> : <> : <> : <> : <> : <>
QORAALKII HORE EE C/LAAHI BLACK
.
BANNAAN BIXI MUQDISHO
.
XEERKA DHIGAALKA AFSOOMAALIGA
Galaydh oo Aqbalay Go'aankii Xilka Looga Qaaday
Cali Khaliif Gallayr oo ka hadlay go'aankii kalsoonida lagala
noqday xukuumadiisa.
Abdulahi M. Hassan (Black)
Muqdisho, Somalia.
abdulahiblack@yahoo.com
November 1, 2001
Dr.
Cali Khaliif Gallayr oo 28/10/2001 baarlamaanka ku meel gaarka ah uu kalsoonidii
kala noqday xukuumadiisa isagoo dalka ka maqan ayaa markii ugu horeysay ka
hadlay go'aankaa uu ku waayay kalsoonida Baarlamaanka.
"Waan xusmaynayaa go'aanka Baarlamaanka, waana aqbalay"
ayuu yiri Md. Cali Khaliif Gallayr oo golehiisa Wasiirada iyo saaxiibadiisa
kaleba ugu baaqay in ay go'aankaas qaddariyaan.
Cali Khaliif Gallayr oo xukuumadiisa hal sano iyo dhowr bilood oo keliya
jirtay ayaa hadalkiisa ku xusay in go�aanka Baarlamaanka uu yahay mid horseed ah
dimoqraadiyadda iyo fulinta axdiga KMG.
Ra�iisul Wasaare Cali Khaliif Gallayr wuxuu hadalkaa oo uu
saxaafadda ugu talo galay ku sheegay in uu la shaqayn doono Dowladda KMG,
isla markaana uu xilka si wanaagsan ugu wareejin doono Ra'iisul Wasaaraha la soo
magacaabo.
Dr. Cali Khaliif wuxuu hadalkiisaan mahad ugu celiyay Madaxweynaha KMG iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka C/lla Deerow Isaaq.
Dr. Gallayr oo la soo xiriiray Golihiisa Wasiirada ayaa uga mahadceliyay
sidii ay ula shaqeeyeen intii uu hayay Xilka Ra�iisul Wasaaraha, wuxuuna ugu
baaqay in inta harsan ee ay xilka u hayaan Ummadda ay sida ugu habboon uga soo
dhalaalaan.
Dr. Gallayr wuxuu sheegay inkastoo waqti adag dalku ku jiray haddana
Xukuumaddiisu ay wax badan qabatay, haddii ay noqon lahayd siyaasadda dibadda
iyo tan gudaha, uuna ku raali yahay in xilka banee la yiraahdo.
Cali Khaliif ayaa maanta oo khamiis aha laga sugayay in uu muqdishu yimaado,
balse qaar ka mid ah Golehiisa Wasiiradda ay ii sheegeen in uu dib ugu dhacay
ilaa iyo horraanta todobaadka fooda nagu haya.
Hadalkan Cali Khaliif ayaa si weyn uga duwanaa hadalo Muqdisho la isla dhex
marayay oo saadaalinayay in uu si carro ah uga jawaabi doono, go'aanka
Baarlamaanka, maadaama wareysiguu ugu dambeeyay ee uu bixiyay ay erayadiisu aad
u ad-adkaayeen.
Abdulaahi M. Hassan (Black)
abdulahiblack@yahoo.com
DOODII GOLAHA BAARLAMAANKA DKG - Oct
21, 2001
Golaha Baarlamaanka KMG oo Maanta Yeeshay Kulankii la Wada
Sugayey
Waxaana uu xirmay dood dheer kadib, iyadoo la'isugu soo
laabanayo Berrito
Abdulahi Mohamed Hassan (Black)
Muqdisho, Somalia.
abdulahiblack@yahoo.com
October 21, 2001
Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa maanta yeeshay kulan la wada sugayey oo ka mid
ah kal fadhigiisa caadiga ah. kulankan oo ay ka soo wada qayb galeen
xildhibaanada ku sugan muqdisho.
Waxaa furay kulankaa sida caadada ahayad Guddoomiyaha Baarlamaanka C/lla
Deerow Isaaq oo xildhibaanada u sheegay in loo baahan yahay in la xasuusto xilka
ballaaran ee loo soo qaaday ummadda, isla markaana la ilaaliyo nidaamka, loona
hoggaansamo sharciga goluhu leeyahay, wuxuuna xildhibaanada ka codsaday in si
hufan looga doodo
motion-nada horyaala.
Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Golaha Baarlamaanka u qaabilsan baarista
xukuumada, Xildhibaan Duuliye Sare Cabdi Cusmaan Faarax, waxaana uu sheegay in
intii ay baarista ku jireen aysan wax gacan ah kala kulmin dowladda KMG ah, ayna
waqti badan ku qaadatay in ay helaan akhbaar dhab ah oo ku aadan sida ay dowladu
u maamushay howlihii loo xilsaaya oo ay ugu horreyso lacagihii yimid, balse ay
waayeen cid u fududaysa.
Warbixintiisa kaddib, waxaa halkaasi ka hadlay Dr. Faarax Xasan Maxamed oo ah
xildhibaankii ugu horreeyey ee soo gudbiya motion-ka
lagala noqonayo kalsoonida xukuumadda KMG ah, wuxuuna ku magacaabay
motion-kaas badbaadinta iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay
in xukuumaddu ay la soo ifbaxday hoggaan la�aan, oo ay ku dhaqmi weyday
sharcigii, iyadoo isla markaana ilaalin weyday Axdigii KMG ah. Xildhibaanku,
waxa uu taxay liis aad u dheer oo uu ku soo ururiyey waxyaabihii xukuumaddu wax
ka qaban weyday, waxaana ka mid ah ayuu yiri iyadoo dhammeystiri weyday maamulka
xukuumadda.
"Waxay ku guuldarraysatay sharci u dejinta maamul goboleedyada, waxay la
imaan weyday qorshe jaango'an oo ku aaddan horumarinta dalka, waxaana soo if
baxay kala dambayn la'aan iyo is qabqabsi iyo weliba is eedeyn u dhexeeya
xubnaha xukuumadda, iyadoo weliba ay dhacdo mararka qaar inay is dacweeyaan
iyagoo garsoor ugu tagaya odoyaal iyo qabaa'il" ayuu Dr. Faarax ku yiri
liiskiisa.
Intaa kaddib waxaa mar qura Golihii Baarlamaanka is qabsaday buuq iyo sawaxan
ay wadeen
qaar ka mid ah xildhibaannada oo markaa aysan muuqan wax aay diiddan yihiin
iyo waxa ay doonayaan, waxaase cad in ay aragtidaas xildhibaanka diidanaayeen,
iyadoo Guddoomiyaha Golaha uu ku dhawaaqayey in xildhibaan kasta uu is qoro si
uu aragtidiisa uga dhiibto motion-ka taagan.
Buuqaas oo dhowr daqiiqo socday kaddib, waxaa microphone-ka qaatay Cabdalla
Deerow oo sheegay in xildhibaanku uu xaq u leeyahay inuu ra'yigiisa ka cabbiro
Golaha gudihiisa, wax diido, waxna oggolaado, "balse xaq uma laha inuu qas iyo
buuq Baarlamaanka ka dhex abuuro" ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in kulanka maanta uu xiran yahay, dooduhuna ay beri billaaban
doonaan, waxaana lagu ballamay in 09:00 subaxnimo la isugu yimaado kulankaa, oo
lagu tilmaamay mid xasaasi ah.
Guud ahaan kullanka maanta oo ahaa mid si weyn loo sugayay ayaan ilaa iyo
hadda la saadaalin Karin in kalsoonida lagala noqon doono Dowladda Cali Khaliif
iyo in kale, inkastoo qaar xildhibaanda ka mid ah oo aan la kulmay ii sheegeen
in [hadii la isku raaco]
miisaamku u janjeero in kalsoonida laga xayuubiyo dowladda Cali Khaliif oo
iminka
booqasho ku jooga magaalada New York.
<> : <> : <> : <> : <> : <>
Kulankii Golaha Barlimaanka oo Lagu kala dareeray
Warkaan iyo Cali Khaliif Galaydh oo kawaabey warkii baramaanka iyo dagaal
dhexmaray Ciidanka Muuse Yalaxow iyo DKG
Dhammaan ka akhri Halkan [Mogadishu Reporter] Oct 13
<> : <> : <> : <> : <> : <>
Golaha Shacbiga oo Ku Hanjabay Inuu kalsoonida kala laaban doono Dawladda KMG
ah
Doodii kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha shacbiga
Ka akhri Halkan Oct 10
<> : <> : <> : <> : <> : <>
Bannaabax aan Noociisa La Arag oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Bannaanbaxaan oo lagaga cabanayey "Ganacsatada Muqdisho oo Joojiyey Qaadashada
shanta boqol ee shillin Soomaliga oo maalmahan ka socotay magaalada Muqdisho"
Ka akhri halkan [warbixintii C/Laahi Black] Oct 9
.
Madaxweynaha DKG oo Kahadlay Mudaharaadkii Maanta
.
Ra'iisulwasaaraha DKM oo Booqasho kutegey Jabuuti
MOGADISHU WEEKLY REPORT
SOMALIA RELATED NEWS - CLICK HERE
|