ISBAHAYSIGA DIB U
XOREYNTA SOOMAALIYEED
SHIR
JARAA'ID- ASMARA
26/10/2007
(Lr.2)
ARABIC VERSION: Qoraalka
oo Af carabi ah... GUJI
Jihawareerka
siyaasadeed iyo
xaaladaha amaan darro ee
dalka Soomaaliyeed
maanta ka taagan waxa ay
qeyb ka yihiin qorshaha
foosha xun ee ciidamada
gumeysiga Ethiopia oo
dalka qabsaday ay ku
doonayaan in shacbiga
Soomaaliyeed ku sii jiro
gacantooda.
Haddaba
Isbahaysiga Dib u
Xoreynta Soomaaliya
isagoo ka duulaya
arrimhaas iyo kuwa la
mid ah waxa uu shacabiga
Soomaaliyeed iyo
caalamkaba u caddeynayaa
arrimha soo socda:
- In ciidamada
gumeysiga
Ethiopia ee
dalka qabsday ay
dilkii,
barakicintii,
xirgii,
burburintii iyo
dhicii hantada
shacabka ee
gumeysi diidka
ah ay hadda ku
dareen inay
madaxa iskugu
dhuftaan
dabadhilifyadii
ay u adeegsadeen
qabsashada dalka
iyo hagardaamada
shacabka si ay
ugu sahlanaato
kolba midka ay
doonaan inay ka
takhalusaan.
- In gumeysigu
doonayo in uu
suurtageliyo
damaciisii ka
talinta
Soomaaliya oo
isaga lagala
xaajooda, kana
gudbo
sheegashadii
ahayd inay jirto
cid u yeeratay.
- Sidii
horayba
Isbahaysigu u
sheegay waxa uu
marka kale
bulshada
caalamka u
caddeynaynaa in
aysan Soomaaliya
ka jirin
xukuumad huwan
sharciyada
lagula
macaamalo.
Sidaas darteed
Isbahaysigu waxa
uu bulshada
caalamka iyo
ha'adaha dawliga
ah ugu baaqayaa
inaysan ku
kadsoomin
sharciyada been
abuurka ah ee
lagu
waxyeelleynayo
danaha shacabka
Soomaaliyeed.Sidaa
darted waxa
Boqrtooyada
Sucuudiga ee aan
walaalaha nahay
uu Isbahysigu
ugu yeereyaa
inay ka
fiirsadaan
xiriirka ay la
leeyihiin kuwa
gumeysiga, dilka
iyo burburka u
horseeday
shacabka
Soomaaliyeed.
Qeybna aysan ka
noqonin
waxyeelleynta
shacabka
Soomaaliyeed.
- Sida ay
Ethiopia ula
dhaqmeyso
dabadhilifyadeeda,
iyo xabsiga
ballaran ee ay
ku jiraan
xubnahah
baydhabo ku
sugan iyo weliba
falalka xunxun
ee halkaas ka
jirana waxa
ay calaamad u
yihiin inaysan
jirin wax
xushamda ah oo
ay u hayso mid
ka mid ah
dhincayda
halkaas ku
hardamaya. Wax
kasta oo laga
yeersiiyo dadka
halkaasi ku
suganna waa
waxba kama
jiraan.
- Isbahaysigu
waxa uu
cambaareynaya
xasuuqa & falal
dambeyeedka
ciidamda
gumeysiga
Ethiopia ay ka
wadaan gudaha
Soomaaliya, oo
ay ugu dambeysay
qaraxii lala
beegsady baskii
rakaabka siday
ee muqdisho lagu
qarxiyeyey 24th
oct.2007, waxa
uuna bulshada
caalamka, iyo
hay'adaha
dawliga ah ugu
baaqayaa inay
mawqif cad ka
qaataan
duullaanka
Ethiopia ay ku
qabsatay
Soomaaliya kuna
geysatay
dambiyada dagaal
iyo xadgudubyada
kale eek or ku
xusan, oo ay
saxaan wixii
aragti ah ee
hadda ka hor
madaw uga jiray.
- Isbahaysigu
waxa uu si cad
caalamka ugu
sheegayaa in uu
yahay hay'adda
kelya oo sida
sharciga ah u
matasha shacbka
Soomaaliyeed,
laga bilaabo
shirweynihii
Asmara(6-14kii
sep.2007) iyo
go'aamadiisii.
- Isbahaysigu
waxa uu aaminsan
yahay in xalka
Soomaaliya uu
maanta ku jiro
Somaalida oo u
madax banaanata
aaya ka
talineeda,
iyadoo shirweyne
dib u
heshiisiinna ku
qabsan doonta
goort iyo goobta
ku haboon dib u
xoreynta dalka
ka dib.
- Isbahaysigu
waxa uu
bogaadinayaa
hawlgalka wax ku
oolka ah ee
muqaawamada oo
dalka lagaga
xoreynayo
gumeysiga,
wxuuna ugu
yeerayaa
bulshada
qeybaheeda kala
duwaana midnimo
iyo inay
dadaalkooda
labanlaabaan
ilaa ay
ciidamada
cadawgu dalka
baxaan.
- Isbahaysigu
waxa uu ugu
yeerayaa
maleeshiyooyin
la soo khalday
ee
dabadhilifyada
cadwgu ku
adeeganayaan
inay ku soo
biiraan safka
muqaawamada.
Xoogaga
muqaawamada iyo
shacabiga
Soomaaliyeedba
waxaa la farayaa
inay gacamo
furan ku soo
dhaweeyaan
ciddii ka soo
baxaday safka
cadawga.
xafiska warfaafinta Isbahaysiga.
ISBAHAYSIGA DIB U
XOREYNTA SOOMAALIYEED
ARABIC VERSION: Qoraalka oo Af carabi
ah... GUJI
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)


|