Professor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma
laha waa shay la abuuri karo, baabi’ina
kara.
Sabtidii la soo dhaafay oo ay taariikhdu
ahayd 20kii Oktoobar 2007, waxaa lagu qabtay
magaalada Neuchâtel shir ay soo diyaariyeen
jaaliyada Soomaaliyeed ee Switzerland.
Shirkan waxaa lagu martiqaaday Professor
Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi iyo xildhibaan
Maxamuud Aadan Feero iyagoo halkaa ku soo
bandhigay muxaadaro cinwaankeedu ahaa : Qolo
iyo Qaran meel ma wada galaan ?
Ugu horeeyntii waxa hadalka qaatay Prof
Gaandi oo si cilmiyaysan oo qoto dheer u
soo hadlay jiritaanka umada Soomaaliyeed,
isbadaladii soo maray ilaa iyo maanta.
Profesorku marka uu ka hadlay taariikhda
umada soomaaliyeed wuxuu sheegay in umada
soomaaliyeed xidhiidh la lahaayeen
xadaaraadkii qadiimka ahaa sida: Tii
Faraacinada oo dalka xidhiidh la lahaa
xiligii dalka soomaaliyeed loo yaqaanay
Punt, ka dibna Giriigii iyo Roomaanka,
dabadeed dowladihii ka jiray koonfurta
carbeed Islaamka ka hor sida : Qatabaan,
Maciin, Macaafir, Xadramout iyo Saba. Waxaa
kale oo uu ka hadlay xidhiidhka soomaaliya
la lahayd Hindiya, Iiraan iyo Indonisia.
Professerku wuxuu kaloo ka hadlay magacyadii
loo yaqaanay dalka soomaaliyeed inta uusan
soo bixin magaca Soomaaliya, sida Punt,
Aromat, Azania, Barbari, Zinji iwm.
Prof Gaandi wuxuu fasiray in
soomaaliya leedahay xeeb dhererkeedu
yahay 3333 km uuna ahaa wadan furan oo
umadaha xidhiidhka la lahaa dadkoodu ay
u iman jireen ganacsi ama in ay
dagaanba. Profesarku wuxuu xusay in afka
soomaaligu ka soo jeedo afafka bahda
Kushiitika. Mudane Gaandi wuxuu xusay
magaca soomaaliga meesha uu ka yimid iyo
nadariyaadka kala duwan ee ku soo
arooray mawduucan.
Profeserku wuxuu sheegay in tiirarka
bulshada soomaaliyeed ku taagan tahay ee
mideeya ay yihiin: Af, Xigto, Xeer,
Diin, Deegaan dhaqameed iyo doowlad,
isagoo intaa raaciyay in qabiilku dan ku
dhasho aayna qasab ahayn in qabiilku
yahay u dhalasho ama dhiig, wuxuu
muujiyay in bulshada soomaalidu ay la
mid tahay sida geedka oo kale oo aan la
kala goyn Karin xubnihisa.
Prof. Wuxuu soo bandhigay in qabiilka
Soomaaliga ah uu si joogta ah u abuurmo
si joogta ahna u baaba’o, uuna ku dhasho
dan ee uuna ahayn dhiig. Wuxuu leeyahay
tiirar haddii mid la waayo
isbahaysigaasu uu baaba’yo. Waxaa ka mid
ah dhul, xoolo, xoog ama gaashaan qaad
difaaca, duub, lix la taliye iyo magac
iyo summad xoolaha lagu dhigto. Is
bahaysiganu waa unug yar oo ka mid ah
kuwa qaranka Soomaaliyeed. Profeserku
waxa uu si qoto dheer u fasiray
nadariyaadka ku soo arooray waxa uu
yahay qaran
Professorku wuxuu muujiyay in qabiil iyo
qaran aaney meel wada gali karin loona
baahan yahay in laga guuro qabiilka loona
guuro qaran isagoo soo bandhigay habkii
looga gudbi lahaa qabyaalada saldhigna uga
dhigay in la helo cadaalad laga dhex abuuro
bulshada dhexdeeda .
Dhibaatooyinka qabyaaladu ay u keentay
umada soomaaliyeed kuwii ugu waaweynaaa
waxaa ka mid ahaa burburkii loo geestay
dhaqdhaqaaqii gobanimodoon Axmed Guray,
Daraawiishtii Maxamed Cabdulle Xasan,
ururkii SYL, iyo dawladihii soomaaliyeed ee
ka danbeeyay. Sidoo kale adeegsiga
qabyaaladu waxey keentay in la burburiyo
dowladii qaranka soomaaliyeed ayadoo la
adeegsanayo qabiil lana soo celin kari waayo
ugu danbeeystiina lagu soo hogaamiyay dalka
ciidame shisheeye oo qabsaday.
Ugu danbayntii Prof Gaandi wuxuu ku
booriyay qurba joogta soomaaliyeed in ay is
abaabulaan ooy midoobaan si dhibaatada dadka
iyo dalka heysata wax looga qaban lahaa,
dalkana looga xoreyn lahaa cadawga ku soo
duulay. Muxaadaran oo ahayd mid aad u xiiso
badan waxey dhalisay doodo iyo aqoon is
weeydaaris socday in ka badan shan saac.
Cali Maxamed dhagax
Dhaga01@hotmail.com
Switzerland