Barnaamijkii
Radio Xoriyo
27 October 2007.
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay
Waxyeellooyin gumaysigu
u gaystay dadwaynaha.
Xildhibaano Maraykan ah
oo Bush kala hadlay Ogaadeenya
Magaalada Jigjiga oo
ayna laba ruux wada dhagaysan Karin idaacadaha ka hadla Ogadenya siiba
BBC-da.
Gacanyarayaasha
gumaysiga oo shirar beeleedyo ka wada Magaalada Dhagaxbuur.
======================
Dagaallo ciidammada
gumaysiga lagu jabiyay
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa
maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya, dagaalladaas oo waxyeello ba’an loogu
gaystay ciidammada gumaysiga. Dagaalladu waxay u dheceen sidatan;
24/10/07 dagaal adag oo ka dhacay
Duur-jabaabe, oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee
guamysiga Itoobiya lagaga dilay 33 askari.
20/10/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
kadiso ah ciidammada gumaysiga ugu gaystay meesha lagu magacaabo
Gol-habreed, oo Dhuxun ka tirsan, waxaana ciidammada gumaysiga weerarkaas
lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
18/10/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meesha lagu magacaabo Laasa-guure, oo
Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 43 askari.
Waxyeellooyin gumaysigu
u gaystay dadwaynaha.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
waxyeellooyin isugu jira dil, xidhay iyo dhac u gaystay dadwayne rayad ah oo
ku kala sugan gobollo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
24/10/07 waxay ciidammada gumaysigu
Duur-jabaabe, oo Garbo ka tirsan, ku dileen 4 nin oo shacab ah. Nimankan
ayay ciidammada gumaysigu dileen, ka dib markii dagaal halkaas ka dhacay jab
ba’an loogu gaystay. Nimanka ay ciidammada gumaysigu halkaas ku dileen waxay
kala yihiin;
1- Maxamed Muxumed Haw
2- C/nuur Muxumed Haw
3- Tamaan Axmed Sahal
iyo
4- Xadiis Sh Maxamuud
Cali
Waxay sidoo kale ciidammada
guamysigu dhaawac gaadhsiiyeen nin kale oo lagu magacaabo Deeq oo magaciisa
oo buuxa aanaan haynin.
19/10/07 Labiyo, oo Sagag
ka tirsan, waxay ciidammada guamsyigu ku dileen nin shacab ah oo lagu
magacaabo Wali Maxamed Nuur.
21/10/07 Jeerinka, oo Fiiq
ka tirsan, waxay ciidammada guamysigu jidhdil ugu gaysteen;
1- Bashiir Ibraahim
Yuusuf iyo
2- Baddal Axmed
Isla 21/10/07 Sagag waxay
ciidammada guamysigu ku xidhxidheen;
Sakariye Cabdi Xayi oo 70
jir ah iyo
Xaaskiisa oo iyaduna 50 jir
ah oo magaceeda aanaan haynin. Labadan lammaane wxay wateen markii la xidhay
Awr ay Carro ku siteen, kaasoo aan la ogayn meesha uu ku denbeeyay.
20/10/07 Laandheer, waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Xadiis Dhagoole
Cismaan
2- Cabdi Kaabe Dhicis
Cismaan
3- C/kariin Aaden
Muxumed iyo
4- C/wali Axmed Khuuriye
19/10/07 Laandheer waxay
ciidammada gumaysigu ku qasheen 8 Neef oo Adhi ah, waxaana kala lahaa;
1- Macalin Carab Macalin
Muxumed iyo
2- Cabdi Caafi Bucul
Isla 19/10/07 waxay
ciidammada gumaysigu magaalada Iimey ku xidhxidheen dadwayne fara badan oo
isugu jira xubno ka tirsan malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo diiday hawlgalladii
dagaal ee loo diray iyo dadwayne caadi ah, waxayna kala yihiin;
1- C/rashiid Xasan
Faarax
2- Maanjuus Shukri Qaas
3- Yusuf oo magaciisa oo
buuxa aanaan haynin
4- Xadreeye Maxamuud
Urur
5- Halable Mahdi
C/llaahi
6- Siyaad Cabdi Yool
7- Maxamed Halable iyo
8- Yuusuf C/raxmaan.
Dadwaynaha kale ee isla
maalinkaas lagu xidhxidhay magaalada Iimey waxay kala yihiin;
9- Dabaashe Cabdi
Jidhiye
10-
C/raxmaan Cabdi Dhoof
11-
Maxamed Haybe C/raxmaan iyo
12-
Sahra Cabdi Goobe
Sidoo kale 19/10/07 waxay
ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gayasteen Labiyo, oo Sagag ka tirsan,
dadka kala ah;
1- Ismaaciil Sakariye
Xaaji iyo
2- Cabdi Saan
19/10/07 magaalada Sagag
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Mahdi Ismaaciil
Ducaale oo 77 jir ah
2- C/llaahi Cabdi
3- Xasan Daahir Cabdi
Yuusuf
4- Cabdi Muxumed Khaliif
iyo
5- Maxamed C/llaahi
Cumar
19/10/07 Lix-irridoodka, oo
gobolka Doollo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Awr u rarnaa
nin lagu macaabo Sh Ibraahim Maxamed Jaamac. Awrkan waxaa ku rarnayd
badeecad uu ninkani iska lahaa, taasoo ay ciidammada guamysigu boobeen, ka
dibna ay Awrkii lagu wadayna dileen.
15/10/07 waxay ciidammada
gumaysigu magaalada Yucub ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Barre Cabdi Mahdi iyo
2- Bilaad Sh Daahir
12/10/07 Garbo waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ardi C/llaahi
Ismaaciil
2- Faadumo Duullane
Xasan iyo
3- Gorda Mahdi Cadaad
Dhinaca kale maalmihii denbe waxaa nawaaxiga
Dhanaan lagu arkay Ayax aad u badan oo guuraya, kaasoo la sheegay inuu
Jimcihii gaadhay nawaaxiga Hadhaawe. Ayaxan ayaa toddobaad ka hor lagu arkay
degmooyin ka tirsan gobolka Doollo.
Xildhibaano Maraykan ah oo Bush kala hadlay
Ogaadeenya
Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka
waddanka Maraykanka ayaa ka codsaday madaxwaynaha Maraykanka in la
wada-hadalsiiyo ONLF iyo xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo madaxwaynaha ka
dalbay in la joojiyo xasuuqa ay ciidammada Itoobiya ka wadaanka dalka
Ogaadeenya.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in xadgudubyo
badan oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah laga soo sheegayo Ogaadeenya, isla
markaana ay xukuumadda Itoobiya ururradii caalamigi ahaa oo dhan u diidday
inay Ogaadeenya tegaan, sidaas darted waxay madaxwayne Bush ka codsadeen
inuu tallaabo degdeg ah oo dhibaatooyinkan lagu soo afjarayo qaado.
Xildhibaanadan ayaa maalintii khamiista ahayd
ee taariikhdu ku beegnayd 25/10/07 warqad dheer u diray madaxwaynaha dalka
Maraykanka George W Bush, waxayna madaxwaynaha ka codsadeen qodobo dhawr ah
oo ay ugu muhiimsan yihiin in xukuumadda Itoobiya ay oggolaato in hay’adaha
gargaarku ka hawlgalaan Ogaadeenya, isla markaana ammaanka shaqaalahooda la
sugo iyo inuu madaxwaynuhu si shakhsi ah Meles Zenawi uga codsado inuu
oggolaado in Ogaadeenya loo diro guddi madaxbannaan oo Qaramada Midoobey ka
socda, kaasoo si madaxbannaan oo aan carqaladi ku jirin u soo baadha
xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee laga soo sheegayo Ogaadeenya.
Waxay kaloo xidhibaannadu madaxwaynaha ka
dalbeen inuu amar ku siiyo wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka inay ka
sahqayso sidii loo wadahadalsiin lahaa ONLF iyo xukuumadda Itoobiya, si
dhibaatada Ogaadeenya loogu helo xal kama denbays ah. Xildhibaannadu waxay
sidoo kale madaxwaynaha Maraykanka ku adkeeyeen inuu xukuumadda Itoobiya
waydiisto inay xabbad-joojin ku dhawaaqdo.
Xidlhibaannadani waxay kaloo madaxwaynaha aad
ugu adkeeyeen in dowlada Maraykanku ay joojiso dhammaamba tababarrada ay
saraakiisha Maraykanku siiso ciidammada Itoobiya, mar haddii ay qayb ka
yihiin xadgudubyada loo gaysanayo dadwaynaha raaydka ah ee Ogaadeenya.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa
jimcihii soo saartay bayaan ay ku soo dhawaynayso codsigan ay xildhibaanada
Maraykanku u direen madaxwaynaha Maraykanka, waxayna Jabhaddu mar kale
xustay sida ay diyaarka ugu tahay inay wadaxaajood siyaasadeed la gasho
xukuumadda Itoobiya haddii wadaxaajoodkaas lagu qabanayo waddan dhexdhexaad
ah, garab dhexdhexaadiya ahna uu goobjoog ahaanayo, isla markaana aan
wadaxaajoodyada lagu xidhin shuruudo hordhac ah.
27
October 2007
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo
internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)


|