SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
February 22, 125

  • Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee DFKMG isagoo xiran 

  • Baarlamaanka Federaalka Ku meel gaarka oo cod u qaaday....

Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee DFKMG isagoo xiran 

 

Oct 23, 2007: Waxaa inoo suura gashay inaan helno Qoraal uu ku sixiixan yahay Madaxweynaha DFKMG Md. Col/ C/llaahi Yuusuf Axmed islamarkaana Xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Maxkamda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsooraha Maxkamada sare ee la xiran Dr. Maxamed Nuur Sheegow.

 

Warqadan oo sumadeedu tahay Xeer Lam. JS-XM/D040/2007, Muqdisho 27/September ayaa wuxuu Madaxeynuhu u cuskadey 6 Qodob oo Axdiga KMG ah oo ay ka mid yihiin sida ku xusan Qoraalkan hoos ku qoaran:- 

 

Haaruun iyo Sheegow
Bidix Garsoore Sheegow, midig Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun, iyagoo dhex jooga Xaruntii Maxkamada sare ee DFKMG Baydhabo

 

Hase ahaatee xil ka qaadista gudoomiyaha Maxkamada sare iyo xubinta la xiran, xirnaan shahooda ayaa ah mid ay ka taagan tahay muran aad u weyn xaga mas’uuliyiinta sare ee DFKMG iyo Baarlamaanka.

 

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Prof. Cali Max’ed Geedi ayaa xariga Gudoomiyaha Maxkamadda sare ku tilmaamey mid sharci daro ah, markii uu dalka dib ugu soo laabtey, 20/10/2007-da mar uu qado sharaf uu u sameeyey qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo marti sharaf kala duwan oo uu la hadlaayey, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Max’ed Nuur Sh. Aadan Madoobe, hore qoraal looga dalbanayo in dib loo baaro xariga Gudoomiyaha iyo garsooraha la xiran ay hore ugu soo gudbiyeen, taasoo gudi loo saarey inay soo baaraan.

 

Qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha DFKMG halkan ka akhri...

Qoraalka oo weyn... GUJI HALKAN...

Baarlamaanka Federaalka Ku meel gaarka oo cod u qaaday....

Oct 22, 2007:  Toddoba maalmood kadib waxaa Baarlamaanka FKMG Soomaaliya uu cod gacan taag ah uu ku ogolaadey, in Xukuumada Prof Cali Max’ed Geedi kalsooni weydiisato Baarlamaanka, kadib markii kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka oo uu shir gudoominayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Max’ed Nuur {Sh.Aadan Madobe}, islamarkaana ay soo xaadireen in ka badan 150 mudane oo maalmihii hore lagu wareersanaa Ajandaha Baarlamaanku  waxa uu noqonayo, taasoo gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku adkaatey in gudoonka Baarlamaanku uu Ajandaha go’aan rasmi ah ka gaaro, kadib markii ay soo bexeen khilaafyo waaweyn oo aan si deg deg ah loo xalin karin ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu u soo jeediyey mudanayaasha in laga doodo in la xisaabtanka Xukuumada la sii wado iyo in Xukuumada kalsooni weydiisato Baarlamaanka (17/10/2007).

 

Markii uu dhageystey Gudoomiyaha Baarlamaanka doodii mudanayaasha ayaa waxaa uu soo jeediyey in cod loo qaado labada aragti ee is caburinaayey ee ahaa in la xisaabtanka Xukuumada la sii wado iyo in Xukuumada kalsooni weydiisato Baarlamaanka, taasoo ay isku raaceen mudanayaasha in cod la geliyo.

 

115 xubnood waxay ogolaadeen in Xukuumada kalsooni weydiisato Baarlamaanka, 23 ka mid ah mudanayaasha ayaa diiday in Xukuumada kalsooni weydiisato Baarlamaanka, halka 85 xubnood oo isku xiran uu gudoonku ku sheegay in qaar kood ay maqnaayeen, qaarkoodna ay ka aamuseen.

 

Arintaan kalsooni weydiisashada  ayaa waxay socotay mudo fog, waxayna salka ku haysaa arimo maamul, mid dhaqaale, mid siyaasadeed iyo adeegsi baawar isu sheegasho oo maamuladii hore ee Soomaaliya ay ku soo jiri jireen kuwaasoo ahaa kuwo wajiyo kala duwan lahaan jirey xiliyadii hore, balse hada iyadoo shaaati dhaqaale iyo mid nidaamka 4.5-ka wada ay noqotey in lagu kala baxo, iyadoo waliba ay gadaal ka riixayaan Quwado shisheeye oo dano kala duwan ka leh jiritaanka Soomaaliya.

 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Oct 23, 2007

Soomaalida Qaahira iyo Tartanka Quraanka....
qaahira
Naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda qaahira

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Laascaanood

Qraal ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait

Xildhibaanada Baydhabo oo qiimohoodu gaarey $10kun

Xaflad lagu furayay dugsiga New Amoud Secondry oo ka dhacday magaalada Borama (Sawirro).

Salad Gaab “Isboorti iyo Qabiil meel ma wada geli karaan” 

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalkii Cali Maxamed Geedi…
.Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku dilay todobo qof..
.Maxamuud Dirir oo u kala dab qaadaya Yuusuf iyo Geedi….
.Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan oo taageerey Imaamka..
.Iska hor imaad dhex ciidamo ka tirsan Maamulka G/Banaadir..
.Ciidamada Uganad oo looga digay in ay sii joogaan dalka
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 22

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.