- Magaalada Qardho
ayaa lagu qabtay
kulan looga
hadlayo difaaca
DGPL..
- Magaalada
laascaanood ayaa
xiligan degen .
- Sarkaal
sare iyo dad
rayid ah oo
ku
geeriyooday
iska
horimaadkii
saakay ka
dhacay deg.
Marko .
- Isimada
Iyo
Waxgaradka
Beesha Harti
Waamo Oo
Baaqnabadeed
Kasoo Saaray
Xiisada Ka
Jirta
Laascaanood
Magaalada Qardho
ayaa lagu qabtay
kulan looga
hadlayo difaaca
DGPL..
Waxaa
maanta deg
Qardho ee
xarunta gobolka
Karkaar lagu
qabtay kulan
balaaran oo ay
ka soo qayb
galeen wasiiro,
duqay
,saraakiisha
ciidamada iyo
maamulka gobolka
iyo degmada iyo
dadweyne fara
badan
Kulankan ayaa
waxaa shir
gudoominayay
wasiirka
dawladaha Hoose
iyo horumarinta
gobalada Md Cali
Cabdi Awaare
isla markana ah
gudoomiyaha
guddiga
abaabulka
gobolka Karkaar
Wasiirka oo ugu
horayntii ka
hadlay kulankan
ayaa waxaa uu ka
qayb galayaasha
uga warbaxiyay
qaabkii uu ku
bilaabmay
duulanka
garadarada ah ee
maamulka
Hargeysa uu ku
soo qaaday
gobolka Sool iyo
ula jeediyoonka
ka damaysa
duulankas ,isaga
oo sheegay in
maamulka
Hargeysa uu
doonayo inuu
Somaliya dib ugu
soo celiyo
dagaaladii
sokeeye ee
Somaliya la
degay
Waxana uu
sheegay in ay in
Puntland ay ka
go'an tahay in
ay shacabkeeda
iyo degaanadeeda
ka difaacdo
duulaanka
gardarada ah ee
uu wado maamulka
Hargeysa
Waxana uu ku
booriyay ka qayb
galayasha in ay
si buuxda uga
qayb qaataan
difaaca Puntland
Sidoo kale
dhamaan xubnihi
kale ee ka
hadlay kulankan
ayaa waxa ay si
weyn u soo
dhaweyeen
qorshah ay
Puntland ay u
dejisay in ay ku
difaacdo
degaanadeeda
iyaga oo sheegay
in diyaar u
yihiin ka qayb
galka hawlaha ku
aadan adkaynta
difaaca Puntland
Magaalada
laascaanood ayaa
xiligan degen .
Magaalada
Laascaanood oo
tan iyo markii
ay gacanta u
gashay maamulka
S/land ay ka
jireen rabshado
aad u xoogan oo
looga soo
horjeedo
joogintaanka
magaalada ee
S/land oo ay
dhiigayaan dadka
shacabka ah ee
ku dhaqan
magaaladaasi ,
ayaa xiligan
dagan.
Magaaladu
wakhtigan waa
ay dagan
tahay wax
rabshado
ahna kama ay
socdaan ,
inkastoo ay
wali xiran
tahay wadada
dheer ee
iskuxirta
magaalada ee
laamiga ah ,
kadib markii
dad caraysan
ay dhagxaan
waawayn ay
ku xireen
wadada.
Ciidanka
S/land ,
ayaysan wali
u
suurtagalin
in ay soo
galaan
gudaha
magaalada ,
mar ay isku
dayeena in
gudaha
magaalada ay
keenaan
ciidan
Boolis ah ,
ayaa
dadwaynaha
waxay kala
kulmeen
weeraro
xoogan oo ay
kaga
hortagayaan
soo
galintaanka
ciidankan ,
waxaana lagu
khasbay in
ay iskaga
baxaan
Ciidankaasi
gudaha
magaalada.
Dadwaynaha ,
ayaa aad uga
carooday
kadib markii
ay Ciidanka
S/land ay
dhawaan
magaalada ka
kaxaysteen
50 qof oo u
badan dumar
iyo caruur ,
kuwaa soo
dhagxaan la
dhacay
Ciidanka
S/land ,
xili ay isku
dayeen in ay
waddooyinka
magaalada ay
baneeyaan.
Dadkan ,
ayaa waxaa
loo
dhaadhiciyay
xabsi ku
yaala
magaalada
Burco ,
waxaana la
sheegayaa in
ay suurtagal
tahay in
Maxkmad la
soo taago.
Sarkaal
sare iyo dad
rayid ah oo
ku
geeriyooday
iska
horimaadkii
saakay ka
dhacay deg.
Marko .
Labo ruux oo
uu ku jiro
taliyihii
saldhiga
degmada
Marko Xuseen
jareere ayaa
ku
geeriyooday
iska
horimaad
culus oo
maanta ka
dhacay
gudaha
magaalada
Marko ee
xarunta
gobolka
Sh/hoose.
Iska
horimaadkaan
oo bilowday
saakay
salaadii
subax ka dib
ayaa la isku
adeegsaday
hubka
nuucyadiisa
kala duwan,
iyadoo intuu
uu socday
iska
horimaadka
la maqlayay
madaafiic
xoogan oo la
is
dhaafsanayay.
Qof rayid ah
ayaa ku
geeriyooday
xaafadda
Buulo jaan
ee degmada
Marko ee
gobolka
Sh/hoose ka
dib markii
rasaas
wiifto ah ay
ugu tagtay
gurigiisa.
Taliyaha
ciidamada
booliska
gobolka
Sh/hoose
Cali ganeey
ayaa
warbaahinta u
xaqiijiyay
geerida ku
timid
taliyaha
booliska
degmada
Marko Xuseen
jareere,
iyadoo 3
kale ay kaga
dhaawacantay
iska
horimaadkaasi.
Waxa uu
sheegay in
ciidamada
booliska ay
u suurto
gashay in ay
kala eryaan
maleeshiyadii
weerarka soo
qaaday isla
markaana ay
ka
qabqabteen
tiro dhowr
ah.
Wariyaha
shabelle ee
magaalada
Marko,
Yuusuf
Keynaan waxa
uu soo
sheegayaa in
ilaa 7 ruux
oo ay ku
jiraan
dhinacyadii
dagaalamay
ay ku
dhaawacmeen
iska
horimaadkaasi.
Taliye Cali
Ganeey ayaa
ku eedeeyay
dagaalkaasi
in ay ku lug
lahaayeen
K/xigeenka
maamulka
gobolka
Sh/hoose iyo
maleeshiyo
beleedyo
taageersan
Waa markii
3aad oo iska
horimaad uu
ka dhaco
degmada
Marko oo ay
isaga
horyimaadaan
ciidamada
amaanka iyo
maleeshiyo
beeleedyadaan.
bashiir omar
cali/
puntland-Qardho
bashiir137@hotmail.com
Isimada Iyo Waxgaradka Beesha Harti Waamo Oo Baaqnabadeed Kasoo Saaray
Xiisada Ka Jirta Laascaanood
Isimada iyo waxgaradka ku dhaqan gobolada jubooyinka ee kasoo jeeda beelaha
hartiga gaar ahaan beesha dhulbahante waamo ayaa baaq nabadeed oo ay kaga
hadlayaan xiisada colaadeed ee ka jirta gobolada SSC gaar ahaan magaalada
laascaanood ee xarun goboleedka sool ee u dhaxaysa maamulada puntland iyo
somaliland kasoo saaray magaalada kismaanyo ee xarunta jubada hoose baaqa ayaa u
qornaa sidan;
Ujeedo : baaqnabadeed
anagoo ah Cuqaasha , Nabadoonada ,Waxgaradka ,Aqoonyahanada , Culimo adiinka
, Saraakiisha ,iyo dhalinyarada Beesha waxaan baaq u diraynaa maamulada ku
hardmaya gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanood ee puntland iyo
somaliland inay colaada joojiyaan islamrkaana ka daayaan dadka shacabka ah ee ay
ku dul hardamayaan .
waxaanu Somaliland iyo Puntland u soo jeedinaynaa in ay colaada joojiyaan
dagaalkana wada hadal ku bedelaan ixtiraamaana dadka walaalahooda ee dagaalku ka
kor dhacayo.
waxaanu dadka Beesha Siciid Harti (Dhulbahante) u soo jeedinaynaa in ay
danahooda ka hormariyaan danaha dadka kale oo ay maatadoona u tudhaan kana
dhaafaan ishaysiga oo ay heshiiyaan khilaafaadkana hadalku dhameeyaan halkii
qori lagu dhamayn lahaa..
mudadii 17 sano ee la soo dhaafay dadka Sool, Sanaag, Cayn waxay ku jireen
ishaysiga Puntland iyo Somaliland , Somaliland iyo Puntland waxay ku jireen
hormaro la taaban karo sida magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacayo,
Hargaysa , Berbera, Burco halka dadka reer Sool , Sanaag iyo Cayn ay ku jireen
xaalad qalafsan oo ishaysiga labada maamul , sidaas daraadeed waxaanu garanay in
dadka gobolaadaas u dhashay ay ixtiraamaan dadkooda , dalkooda, Diintooda ,
sharaftooda iyo Taariikhdoodaba.
hadii isfiiri (iskhilaaf) dhaco waxaa luma danta guud markaa waxaanu ku
talinaynaa in aan la ficiltamin ee danta guud la ilaaliyo..
labada maamul waa dad aanu walaalo nahay markaas waa in ay ixtiraamaan dadka
u dhashay dhulka ay ku dagaalamayaan , dadkaasna ay u ogolaadaan in ay danahooda
ka tashadaan oo aan la dhexgalin lana dhowro deris wanaaga , walaaltinimada iyo
qaranimada .
waxaanu markale dadka reer Sool , Sanaag , Cayn u sheegaynaa in ay aayahooda
ka tashadaan labada maamulna iskaashi nabadeed la yeeshaan una sheegaan in
dadkaas dhibka laga daayo walaalahooda.
dadka baaqan soo saray waa sidan
- 17 qof oo ku saxiixnaa qoraalka kala xiriir telefoonka hoose:
Wabilaahi Towfiiq
waxii faah faahin ah kala soo xiriir afhayeenka beesha saciid harti waamo
Abdirazk Hajji Mohammed (Raamaale)
TEL:002521-5561944
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)


|