XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo
Borama oo lagu dhawaaqay.
Xaflada weyn oo si xoogan loo soo agaasimay ayaa
khamiistii (Oct 25, 2007) waxa ay ka dhacday hotelka Rays ee magaalada Borama.
Xafladaan oo ay kasoo qeyb galeen 71 ruux oo isku
jira Ganacsatada gobalka Awdal, Aqoonyahano, Dhaqaatiir, Injineero,
Culumaa’udiin, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobalka Awdal
ayaa loogu hadlayay qaabkii loo dhisi lahaa wadada u dhaxeysa magaalooyinka
Dilla iyo Borama ee gobalka Awdal.


Xafladaan oo qaban qaabadeed lahaa gudiga dhawaan
gobalka laga hirgaliyay oo lagu magaabo ARNA “Awdal Road Network Association”
kaasoo ka shaqeyn doonaa qaabkii loo dhisi lahaa wadadaan burburka xoogan soo
gaaray.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha ARNA
Cabdi Maxamuud Muuse waxa uu sheegay inay muddo soo wadeen howshaan xasaasiga ah
isla markaana hadii laga mira dhaliyo uu horumar weyn gaari doono gobalka.


“Wadooyinka waa sheyga kaliya ee adduunka uu ku
kala hormaray dal kasta oo aduunka ku yaala waxuu ku dadaalaa sidii uu dhisan
lahaa wadooyinkiisa” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Muuse
Waxa uu sidoo kale sharaxay qeybo kala duwan oo
uu lahaan doono ururkooda ka shaqeynaya dhismahada wadada isla markaana uu isaga
muddo lix bilood oo kaliya heyn doono xilka kadibna ay dhici doonto doorasho qof
kale lagu soo dooran doono.


Waxa uu sheegay inay xaalada wadada iminka
gacanta u gashay bulshada gobalka Awdal ayna waajib tahay inay bulshada iyaga oo
iskaashanaya dhistaan wadadaan si uu horumar xoogan gobalka u helo.
Waxa uu carabka ku dhajiyay in fakirkaan uu lahaa
Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal C/qaadir Aadan Nuur oo uu xusay inuu
yahay nin mar walba u fakira una riyooda horumarka gobalka kana danqada
dhibaatada gobalka.


Waxa uu yiri “C/qaadir marka uu arintaan ku
riyooday ayuu inoo soo bandhigay si aan ula rumeyno riyadiisa, maanta waan arkaa
inaysan xafladaan cid mas’uul ah oo gobalka ka tirsan ka maqneen waxaana filyaa
dhamaanteen inaan wada rumeyn doono riyadaan wanaagsan ee horumarka gobalka ah”.


Qudbadahii halkaasi maanta laga jeediyay oo aad u
badnaa ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kamid
ah suldaana gobalka Awdal waxa uuna sheegay in riyadaan C/qaadir Aadan Nuur uu
ku riyooday ay isaga la tahay riyadii ugu wanaagsadeen ee qof gobalka ka tirsan
abid ku riyooda.
Waxa uu sheegay hadii ay yihiin Caaqilada
,Cuqaasha, iyo Waxgaradka Beelaha gobalka dega inay habeen iyo dharaar usoo
jeedi doonaan sidii wadadaan bulshada oo iskaashatay ay u dhisan laheyn.

“Qeybta baraarujinta ayaynu ku jirtaa ururkaan
cusub ee gobalka laga hirgaliyay ee ka shaqeynaya dhismahada wadadaan” ayuu yiri
Suldaanka.
Waxa uu xusay in gobalka Awdal uu yahay gobalka
dhinaca wadooyinka agoon ka ah isla markaana laamigii laga soo bilaabay Kismaayo
shishadeeda uu ku eg yahay magaalada Dilla taasina ay kaliftay inuu gobalka
waxyaabo badan oo horumar ah oo ku taahmayo is hortaagto.
Waxaa isna ka hadlay kulankaan Sheekh C/laahi
Sheekh Cali Jowhar oo aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay dhismahada
wadadaan, isagoo ku baraarujiyay gudigaan inay dhexda u xirtaan ka mira dhalinta
howshaan xoogan ee gobalka ku aadan.


Waxaa ugu dambeyn xaflada soo gaba gabeeyay
Guddoomiyaha gobalka Awdal Max'ud Sheekh Cabdilaahi Cige oo ku dheeraaday
taariikh burburka wadada isku xirta Dilla iyo Borama, waxuuna yiri “Reer Awdal
waxaa lagu xantaa inay kasaan balse ay karin, waxaana maanta aan cadeyneynayno
inaan Kasno oo aan kari karno”.
Waxa uu sheegay in riyadaan C/qaadir Aadan Nuur
uu ku riyooday ay tahay tii ugu faa’iidada badneed oo uu maqlo, balse waxuu ugu
baaqay inuu rajaynayo inay tani faa’iido u noqon doonto cid kasta oo gobalka
kasoo jeeda meel kasta oo ay adduunka ku sugan tahay.
Waxaa intii uu socday kulankaan looga dhawaaqay
gudiyo kala duwan oo ka shaqeyn doona dhismada wadaan, iyadoo Borama laga
hirgaliyay xafiis uu lahaan doono ARNA iyo howl-wadeeno ka shaqeyn doona intaba.

Jaaliyadaha gobalka u dhashay ee caalamka ku nool
ayay ka codsadeen dhamaan mas’uuliyiintii maanta ka hadashay xaflada inay ka
shaqeeyaan qaabkii ay wadada gobalkooda.
Gudiga ganacsatada Board-ka Ururka ARNO
- Cabdi Maxamuud Muuse “Guddoomiye”
- C/qaadir Aadan Nuur “Guddoomiye K/xigeen”
- Maxamed Cali Cismaan “Xoghaye”
- Ismaaciil Cabdi Riiraash “Treasury”
- Cabdilaahi X. Ciise Maxamuud
- Maxamed Nuur Faahiye
- Abubakar Xuseen Meecaad
- Muumin Jaamac Samaale
- C/laahi Jaamac Cumar
- Cumar Axmed Shirdoon
- Muuse Camir Kaahin
- Xasan Geeddi Barre
- Qalin Seed
- Saynab X. Axmed Miisaan
- Aaamin Boobe
Taageerayaasha Madaalayaasha Ah
- Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar
- Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar
- Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal
- Suldaan Baade Xasan Xadi
- Xaaji Axmed Miisaan Aare
- Cabdi Xasan Tukaale
- C/casiis X. Abubakar Cumar
- Maxamed Cawaale Riijan
- X. Jaamac Qumane
ka qeyb qaado, wadada sidii ay sidaan oo kale u
noqon laheyd

Dhamaan intii maanta kasoo qeyb gashay xafladaan
ayaa balan qaaday inay habeen iyo dharaar ka shaqeyn doonaan qaabkii ay
wadadaasi u dhisan lahaayeen iyagoo aan dowlad kaashan oo kaligood gacmaha is
qabsada.
Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@gmail.com
Borama
Borama: Xaflad lagu
furayay dugsiga New Amoud Secondry oo ka dhacday magaalada Borama (Sawirro).

Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo
1984. Akhri....
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2007


|