- Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Noqday Mid Jaantaa Rogan Ah.
- Weerar Lagu Dhaawacay Afhayeenka Madaxweynaha Xuub Sireed.
- Weerarkii Afraad Oo Lala Beegsado Saldhiga Huriwaa Xili Habenimo ah .
Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Noqday Mid Jaantaa Rogan Ah.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Xaalada nabad gelyo ee magalada muqdisho ayaa
dhowaanahanba ahayd mid kasii daraysa kadib markii dib loo dhigay shirka dib u
heshiisiinta ee lagu waday inu dhaco bartmahii bisha aynu ku jirno.
Dilalka iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada
xukuumada Ethiopia ee ku sugan caasimada iyo weliba kuwa dowlada KMG ah ayaa
noqday kuwo isdaba joog ah ,kadib markii ay ciidamada booliska e dowlada KMG ay
hanan kari wayeen xaalad amaan ee caasimada muqdisho.
Sidoo kale waxaa ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa
dowlada KMG ahiba ay wadaan howl galo iyo baritaano lagu gelayo guryaha dadka
rayidka ah taasoo sida ay shegayaan dad rayid ah oo diiday in magacyadooda la
shaaciyo ay ku tilmaamen baritaankasi inuu qarkiis yahay kuwo ay mararka
qaarkood ciidamada xukumada Ethiopia ay ku bililaqaystaan .
Baaritanki ugu dambeyey ee dhacay shalay galab
ayaa lagu galay guri uu lahaa ganacsade eenow ,islamrkaana sida ay shegen
ciidamada dowlada KMG ahi laga soo bixiyey hubka noocyadiisa kala duwan iyo tiro
aad u badan oo rasaas ah .
Si kastaba ha ahaatee baaritaanadaan ayaa inta
badan lagu soo qabtaa hub noocyadiisa kala duwan ,waloow ay jiraan sida ay
sheeganayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan caasimada in baaritanadaasi qaarkood
lagu qaato hantida dadka shacabka ah,balse ay cidamada booliska dowladauna ay ku
xaqiijinayaan amaanka caasimada oo noqday mid aan laysku halayn karin.
Weerar Lagu Dhaawacay Afhayeenka Madaxweynaha Xuub Sireed.......
AFhayeenka Madaxweynaha dowlada FKMG ah ayaa
xalay maqribnamadii lagu dhaawacay isgoyska howl-wadaag ee magalada muqdisho .
Xuseen maxamed maxamud (xuub sireed) oo ah
afhayeenka madaxweynaha dowlada KMG ah oo watey gaari nooca loo yaqaano market-2
ayaa nin ku hubaysan bastoolad la beegsaday ,xili uu kusoo dukaamaystay suuqa
weyn e bakaaraha.
Afhayeenka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud
sida uu saxaafada u xaqiijiyey agaasime waxeedka madaxtooyada c/weli jaamac
,islamrkaana sheegay inay xabadu kaga dhacday garabka midig ,kadibna lagu
daaweynayo isbitaalka ciidamada Amisom ee ku yaala gudaha garoonka caalamiga ah
ee aadan cadde .
Sidoo kale wararka laga helayo xarunta
madaxtooyada ee magalada muqdisho ayaa tibaaxaya inuu afhayeenka madaxweynaha
xuseen xuub sireed uu ahaa raga ugu cad cad afhayeenada madaxtooyada .
Ninka weerarka gaystay ayaa baxsaday
islamrkaana aan la ogayn meesha uu ku sugan yahay ,balse sida ay sheegen
sarakiisha booliska inay jiraan baaritaano lagu raadinayo qofkii gaystay falkaas
Maaha markii ugu horaysay ee lala beegsado
weeraro noocan oo kale masuuliyiinta dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada
xabashida ee ay garabsanayaan .
Weerarkii Afraad Oo Lala Beegsado Saldhiga Huriwaa Xili Habenimo ah .
Waxaa xalay saqdii dhexe kooxo dabley ah oo
hubeysan ay weerar la beegsadeen saldhigga ciidanka booliska ee degmada Huriwaa,
iyadoo ay halkaas ka jirtay bandow lagu soo rogay xiliga habeenkii ah .
Rasaas aad u xoogan ayaa hal mar isku dhacday
oo argagax ku abuurtay dadka deganka degmada huriwaa gaar ahaan agagaarka
Saldhigga Booliska degmada Huriwaa taasoo socotey ku dhowaad 45-daqiiqadood
Sida uu saxaafada u xaqiijiyey dad goob
joogeyaal ahaa oo degan agagaarka saldhiga booliska huriwaa ayaa sheegay inay
maqalyeen rasaas aad u xoogan oo lays waydaarsanayo oo u dhaxayso dablay aan
haybtoda la garanayn iyo ciidamada booliska ku sugnaa xiligaa saldhigaas ,iyadoo
la sheegay in hal askari oo booli ah uu ku geeriyooday islamarkana labo kamida
dableyda weerarka gaysatay uusoo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa saaka ku waaberiistay
dhiig iyo xinjiro daadsan wadooyinka soo gala saldhiga ,taasoo ay ku shegeen
ciidamada booliska ku sugnaa saaka saldhigas oo saxaafadu wax ka waydiisay
dhiigan inay yihiin dabaleydii weerarka kusoo qaaday ,waloow aan la xaqiijin
karin arintaas iyo weliba cidda ka dambaysay weerarkaas.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili ay ciidamada
Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ahi howl galo ka wadaan caasimada muqdisho ,iyagoo
xusul duub ugu jira xaqiijinta amaanka, balse ku gulaysan la, ilaa hada inay
hantaan amaanka caasimada muqdisho oo marba marka kasii dambaysa kasii daraya .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2007
Colaad Maxamed
Siciid: "Cadde Muuse waxaa Xukunka uga Haray 5 bilood
. Bosaso: Dab Qabsadey xero ay dagan yihiin dadka
soo..
. Qardho: Munaasibada looga hadalayey Tacadiga
Dumarka
. Garowe: Waxbarashada College(GTEC) oo aad loo amaanayo
Wararka oo dhan
ka akhri halkan....
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay
dadwayne rayad ah
Sweden:
Xaflad Qalin jebinta ee Ardayda
Soomaaliyeed
Garowe:
Cade Muuse oo ku fashilmay qiima
dhimistii uu ku sameeyay qiimaha sarifka
Dollarka
Maxay tahay sababta Dowladda
Itoobiya u joojisey duulimaadyaddii Hargeysa
.Cabdi Nuure Siyaad oo ka badbaaadey
isku day dil ..
.Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogey
Bandow...
.Ciidamadii Burundi oo laga yaabo in loo
waayo Kharashkii..
.Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska
kaashanaya sidii ay.
.Gudoomiye cusub oo loo magacaabey
Naadiga Elman….
.Qaar ka mid ah dadka Muqdisho oo
bilaabey in ay ka qaxaan
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... June 18
Wax-garadka Beesha Dhul-bahante Oo Mar
Kale Ku Baaqay Inay Dalka Iskaga Baxaan
Ciidamada Ethiopia
Kalfadhigii labaad ee dallada
waxbarashada Ahliga ah ee Puntland oo si
guul ah ku dhammaaday
Bosaso:
Duqii degmada Bosaso oo xilkii laga
qaaday, iyo Madaxwaynaha
Puntland oo wareegto ka soosaaray
arintaas.
SAFARKII SHEEKHADUUN EE DALKA JABUUTI
Ilaalada Cadde Muuse iyo Kuwa Gaagaab oo
isku rasaaseeyey Xarunta Baarlamaanka
Garoowe
Waxaana
furmay kalfadhigii 18aad ee Baarlamaanka
DGPL
Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo
beeniyey qoraal ku soo baxay shabakadaha Somalida.
Mudaaharaad Wayn Oo 30ka Bisha Ka
Dhacaya Xafiiska Ra'iisuwasaaraha Cusub
Ee Ingiriiska.
Dad Ku
Cibaadaysanayey Masaajid Ku Yaala
Degmada Huriwaa Oo Ay
Qab-qabteen Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa
Dowlada KMG ahi...
Xamar....
Madaxweynaha DGPL" Maanta laga bilaabo
anigaa la wareegay ciidamada
Qalabka sida ee DGPL dhamaantood".
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan
Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho..
Caato
“Ciidamada Itoobiya waxay Gurigeyga kala
baxeen..
Warbixin: qaraxi ka dhacay shaneemo ku
taala Baydhabo
Dhagaxtuur “Garoonka Banaadir waxaa iska
leh…”
Cadde Muuse oo la wareegay xilalkii
Taliyayaasha..
Nin waalan oo wiilkiisa 8-jir ah ku
dilay deegaanka KPP..
Wararkii
oo dhan ka akhri halkan....
Jun 16
|