QALIN JABIN
IYO FARXAD
Dhalinyarada
soomaaliyeed ee Stockholm

Sawirada
Daawo: Qaybta 1aad |
Qaybta 2aad
Magaalada Stockholm ee
Caasimadda u ah dalka Sweden, waxaa lagu qabtay xaflad lagu
maamusaye da’yarta ka qalin jabisay dugsiyada sare.
Xafladdani waa tii 5:aad, oo ay
soo qaban qaabiyaan ururka Shabakadda dhalinyarada soomaaliyeed
ee marka la soo gaabsho la yidhaah NUF.
Xafladdu waxay dhacday 10 juun
2007, waxaana ka soo qeeyb galay dad gaarayan 350 qof, oo isugu
jiro da’yar, rag iyo dumar.
NUF waa urur dhalinyaro oo ay
xubnihiisu kor u dhaafayaan 380 xubnood, kana dhisan magaalada
Stockholm ee caasimadda ah. Waxaa hogaamiya dhalinyaro ku
kacaantay dalka Sweden oo ka qaatay dhaqanka reer Iswiidhan
intii ugu fiicnayd. Waxaan ula jeedaa dhaqanka intiisa ugu
fiican; dhinaca tacliinta iyo dhinaca maamulka ama maaraynta
ururada.
Waa arday kuwooda ugu waaweyni
ay hadda uun ka qalin jabiyeen jaamacadaha dalkan, intooda
badanina ay ku dhexjiraan iskuullada hoose, dhexe iyo sare.
Waxay isku guubaabiyaan waxbarashada, waxaanay leeyihiin maalmo
layska caawiyo tacliinta iskuulada. Dhinaca maaraynta ururadana
waxay hirgeliyeen ururkan NUF oo ah mid u nadaamsan sida ururada
waaweyn ee dalka Iswiidhan loo maamulo.
Waxay leeyihiin xeer qoran,
qorshe sanadeed qoran, wixii sanadihii hore qabsoomay oo qoran,
diiwaan xubinimo oo hufan iyo maamul sanad walba la doorto.
Dhinaca kale waa dhalinyaro aad u tixgelisa dhaqanka iyo diinta
islaamka oo waxqabadkooda ugu badan ku jeheeya kobcinta aqoonta
diinta islaamka.
Haddaba xafladdan oo loogu tala
galay u hambalyeynta iyo bogaadinta da’yarta soomaaliyeed ee ka
qalin jabisay dugsiyada sare, waxaa loo soo diyaarshay si aad u
heer sarraysa. Qaban qaabadeeda ayeey soo bilaabaty muddo dhawr
bilood ka hor.
Ururka NUF, waxaa ku kaalmeeyey
hirgelinteeda ururada:
- Sveriges Unga Somalier
(SUS), oo ah urur daladeed ay ku bahoobeen ururada da’yarta
soomaaliyeed ee dalka Sweden.
- Iskuulka Al- Azhar ee ka
jira magaalada Stockholm.
- Urur Barayaasha
Soomaaliyeed
- Ururka Isbahaysiga Ummadda
Soomaaliyeed ee Iswiidhan
- Masjidka, Islamiska
Förbundet i Järva
Xafladda oo bilaabatay wakhti
galabnimo ah, waxaana lagu bilaabay diiwan gelinta dadkii ka soo
qeeyb gelayey, waxaa si habsami u socod ah u buux dhaafay
qaacadii. Goobta lagu qabtay xafladda ayaa aheeyd, meel aad loo
wanaajiyey bilicdeeda.
Barnaamijka loogu talo galay
xafladda, waxaa daadihinaayey Ibrahim O. Bouraleh, Amina Muhumed
iyo Fousia Mustafa Diini.
Wuxuu ka koobnaa barnaamijku:
Su’aalo kedis ah, riwaayad, Majaajilo iyo Muxaadarooyin ku
saabsan ahmiyadda ay leedahay wax barashadu.
Barnaamijka wuxuu u dhacay sida
tan:
- Mohamed Deeq ayaa xafladda
ku furay aayado Quraan ah kadibna waxaa hadalkii la
wareegay, gudoomiyaha guddiga qaban qaabada ee xafladda soo
diyaarshay; Mudane Ali Ibrahim Ali (Cali-yare). Cali-yare
ayaa mahad u ceshay dhamman dhalinta ka soo qayb gashay,
isla markaana u hambalyeeyey ardayda qalinjebisay ee iyaga
lagu maamuusayey xafladda.
- Tartan su’aalo oo kedis ah
ayaa ku xigay. waxa isu soo taagay 5 wiil iyo 5 gabdhood.
Su’aalahaas oo ay daadihineysay Fousia Mustafa Diini, ayey
ku soo bandhigtay qalab casri ah oo ay ka daawan karaan ka
soo qeyb galayaashu. Tartankii waxa ku guuleystay garabka
wiilasha.
- Waxaa ku xigay riwaayad ay
soo bandhigeen qaar ka mid ah dhalinyarada dhigato dugsiga
sare ee Thorildsplan gymnasium. Riwaayaddu waxa ay ku
saabsaneyd: Saamaynta xun ee uu Qaadku ku leeyahay horumarka
dhalinyarada.
- Waxa kaloo laga akhriyey
halkaa maanso gabay ah oo ay isugu jawaabayaan carruurta
dhulkii hooyo joogta iyo carruurta qurbaha ku nool . Qola
waliba waxa ay soo bandhigayeen duruufta ay ku noolyihiin.
Taasi waxay tusaale iyo xasuusin u ahayd dhalinyaradii
xafladda ka soo qaybgashay si ay uga faa´iidaystaan fursadda
qaaliga ah ee ay heleen. Maansadan waxaa si is waydaar ah u
akhriyey Ubax Maxamed iyo Aamina Muxumed, waxaana allifay
Cabdibashir.
- Sh. Bashir Amman, oo ah
maamulaha iskuulka islaamiga ee magaalada Stockholm, ayaa
isaguna dhalinyaradii u soo bandhigay majaajilo aad uga
qoslisay. Waxa ay ku saabsanayd, isku dhaca dhaqamada kala
duwan marka ay isku yimaadan.
- Waxa iyaguna jiray
muxaadaraad kala duwan oo ay soo jeedsheen; Dr. Asad
Abdullahi, Dr. Asli Kulane iyo Dr. Ali Nuur oo dhammaantood
ka hadlay faa’idada & horumarka ay leedahay tacliinta.
Xafladdiina waxay ku soo
gabagabawday farxad iyo raynrayn. Waa sanadkii shanaad ee
ururka dhalinyaradu xafladdan oo kale qabanqaabiyo. Waxaan
Ilaahay ka rajaynaynaa in ay sanadka dambe u dhacdo sidan
iyo si ka fiican.
Sawirada Daawo:
Qaybta 1aad |
Qaybta 2aad
Waxaa soo diyaarshay
Abdiaziz Elmi
Stockholm, Sweden
abdiaziz@ungasomalier.se
Abdibashir Ali
Stockholm, Sweden
abdibashir@hotmail.com