Wararkii: June 18, 2007
- Maxay tahay sababta Dowladda
Itoobiya u joojisey duulimaadyaddii Hargeysa
- Cabdi Nuure Siyaad oo ka
badbaaadey isku day dil ..
- Magaalada Baydhabo oo lagu soo
rogey Bandow socon doona ..
- Ciidamadii Burundi oo laga
yaabo in loo waayo Kharashkii ay ku ..
- Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo
iska kaashanaya sidii ay.
- Gudoomiye cusub oo loo
magacaabey Naadiga Elman….
- Qaar ka mid ah dadka Muqdisho
oo bilaabey in ay ka qaxaan ..
- Waa kuma
Ra'iisalwasaaraha
Itoobiya
ee
kuxigi
doono
Meles
Zenawi?
Maxay tahay sababta Dowladda Itoobiya u
joojisey duulimaadyaddii Hargeysa
Dawladda Itoobiya ayaa gebi ahaanba
joojisey duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tegi jirtay Dalka la magic
baxay Somali Land, kaddib markii Dawladda Itoobiya ay ka cabsatay in
diyaaradaheeda la af duubto wax yeelana loogu gaysto degaano ka tirsan
waddanka Itoobiya. siday u dhaceen dagaalkii u dhaxeeyay Maxkamadaha
Islaamiga iyo kuwo Itoobiya, waxaa si aad loo adkeeyay amaanka
magaalooyin waa weyn ee yaala gudaha Itoobiya.
Duulimaadyadii tegi jirey magaalada
Hargaysa ayay dawladda Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday inay
joojisey, iyadoo dhinaca Somaliland-na ay qirtay in dhamaanba la
joojiyay duulimayadaasi, warar ayaa waxa ay sheegayaan in dawladda
Maraykanka ay dawladda Itoobiya ay ku war gelisey in gebi ahaanba ay
joojiso duulimaadyada diyaaradaha Itoobiya ay ku tegayaan Somaliland,
waxay kaloo dawladda Maraykanku sheegtay tan iyo markii ay dhacday
duqeyntii baargaal in soo badanayaan kooxaha ay ugu yeerto Argagixisada,
waxayna dawladda Itoobiya u sheegtay inay sii kor dhiso dhaq dhaqaaqa
Nabad sugidda gaar ahaan magaalada Addis.
Soomaaliland waxaa todobaad walba ka
jiray duulimaadyo fara badan oo Itoobiya uga yimaada halka kuwo kalena
ay ka bixi jireen Harggaysa, waxaana arrintan wel wel badan ka muujiyay
dad weyne fara badan oo hawlo ganacsi u tegi jirey gudaha Itoobiya.
Dawladda Itoobiya waxaa kaloo wel wel ku abuuray qaraxii dhawaan ka
dhacay dalka Kiinya oo uu hal qof ku dhintay afartameeyo kalena ku
dhawacmeen, waxaana dhawaan la filayaa in dhawaan kulan ay isugu
yimaadaan wadamada Kiinya iyo Itoobiya, waxaana kulankaas looga hadli is
kaashiga dhinaca arrimaha Nabadgelyada iyo sidii looga hor tegi lahaa
waxa loogu yeero kooxaha argagixisida ah. Akhri qormada hoose ee
[Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya sidii ay.]
Cabdi Nuure Siyaad oo ka badbaaadey
isku day dil ..
Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ahaa
Isbahaysigii la dagaalanka argagixisada ayaa ka bad baaday qarax lala
beegsaday mar uu marayay agagaarka suuqa xoolaha, qaraxaas ayaa la
sheegay inuu ahaa Miino lagu aasay dhulka meel fogna laga hagayay.
Cabdi Nuure Siyaad oo ka hadlay
qaraxaas ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid lala damacsanaa
in isaga lagu khaarijiyo, wuxuuna intaa ku daray in aysan cidna wax ku
noqon balse ay khasaaro soo gaadhay gaarigii “Gaarigu wuxuu ahaa gaari
aan la igu garanayn, waxaana halkaa kaaga cad in cid kastaa la isaga
dhigayo qaraxa” ayuu yiri Cabdi Nuure oo sheegay kuwii qaraxaas fuliyay
inay ahaayeen kuwo wax ma garato ah oo aan dooneyn inuu dalkan dego,
wuxuu kaloo sheegay Cabdi Nuure in qaraxaan ay ka danbeeyeen shakhsiyaad
marna aan dooneyn in Soomaaliya ay degto. Waayadan danbe
mas’uuliyiinta dawladda , Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladdu waxay bar
tilmaameed u noqdeen qaraxyada iyadoo kuwii u danbeeyeyna ay ka dhaceen
Sanca, 4ta Jarddiino iyo agagaarka Air borka.
Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogey
Bandow socon doona ..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Baydhabo ayaa sheegaya in maalinimadii shalay kulan ay isugu yimaadeen
guddiga Nabadgelyada ee Gobolka Bay looga hadlay xaalada Nabadgelyada
Magaalada Baydhabo kaddib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo
kordheen qaraxyo geystay dhimasho iyo dhaawac, guddiga nabadgelyada ayaa
isku raacay in Banddow lagu soo rogo Magaaladaas marka laga bilaabo
fiidnimadii illaa waa barigii iyadoo dadka looga digay in cidii jebisa
sharcigaas la ganaaxi doono isla markaana xabsi loo taxaabi doono.
Dad weynaha ku nool Baydhaba ayaa wel
wel ka muujiyay bandowgaas kuna tilmaamay inay tahay mid sii cakirinaysa
xaaladda nabadgelyo ee Degmadaas.Laba qarax oo isk xiga ayaa ka dhacday
magaalada, mid wuxuu ahaa mid lala beegsaday shineemada ayna ku dhinteen
4 ruux halka illaa shan iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo
daawanayay filimka, sidoo kale qarax ka dhacay habeen hore Magaalada
ayaa waxaa lala beegsaday Bangiga dhexe ee Baydhaba, waxaana qaraxaas ku
dhintay Askeri ka tirsan ciidamada Boliiska Gobolka Bay halka sedax
kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidanka Boliiska gobolka Bay ayaa
gacanta ku soo dhigay illaa dhowr qofood oo lagu tuhun sanahay inay ku
lug leeyihiin qaraxyada ka dhacay Magaaladaasi
Ciidamadii Burundi oo laga yaabo in
loo waayo Kharashkii ay ku ..
ciidamadii Burunddi ee la filayay inay
Soomaaliya soo gaaraan Bisha soo socota ayaa warar soo baxaya waxay
sheegayaan inuu dib u dhac ku yimid imaanshahoodii kaddib markii lagu
waramay in loo waayay dhaqaalihii ay halkan ku imaan lahaayeen iyo
waliba qalabkii ay u baahnaayeen.
Dawladda Maraykanka oo horey u ballan
qaadday inay bixinayso kharashka daad gureynta iyo qalabkaba ayaan helin
Ciidamadaasi, waxaana laga yaabaa in dhowr bilood oo kale ay dib u sii
dhacdo keenista Ciidamadaas.
Qaramada midoobay oo haatan ka
fiirsanaysa sidii ciidamada la geynayo Soomaaliya ay u hoos imaan
lahaayeen dalladda qaramada midoobay ayaa la sheegay inay la’dahay
tiradii Ciidameed ee Soomaaliya la gayn lahaa, sdioo kalena waxay
sheegtay in dalalkii horey ugu yaboohay ciidamada in haatan ay ka cag
jiidayaan.
Qaar ka mid ah dalalkii ku yaboohay
Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadooda aysan gayn doonin
Soomaaliya inta ay xaaladdu iska beddeleyso.
Ciidamada Yugandha oo horey loo keenay
Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inaysan weli qaadan Mushaarkii ay ka
sugayeen Ururka Midowga Afrika, gaar ahaana seddaxdii bilood ee ugu
danbaysay
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska
kaashanaya sidii ay.
wararka naga soo gaaraya xududuudda u
dhaxaysa Soomaaliya iyo Kiinya waxay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan
Kiinya iyo Ethobia inay kulan ku yeesheen xuduudda u dhaxaysa labadaas
dal waxaana kulankaas looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada
kaddib markii dhawaan laba ka tirsan Boliiska Kiinya inta la af duubtay
la dilay.
Saraakiishaasi waxay ku heshiyeen inay
si wadajir ah ula dagaalamaan kooxaha ka soo dusaaya dhinaca Soomaaliya,
sidoo kale waxay isku raaceen in la adkeeyo xuduudda ay la leeyihiin
Soomaaliya.
Waxaa la arkayay ciidamo ka tirsan
Kiinya iyo Itoobiya oo dhaq dhaqaaq ka samaynaya xuduudda, wuxuuna warku
intaas ku daray in dhowr qof ay qab qabteen ciidamadaas.
Dad weynaha ku nool Degmada Buulo Xaawo
ayaa wel wel weyn ka muujiyay xiritaanka Xuduudda kaddib markii arday
fara badan oo wax barasho u tegi jiretey dhinaca Madheere ay caqabad ku
timid wax barashadoodii waxayna u soo jeediyeen Xukuumadda Kiinya in si
dhaqsa ah loo furo xuduudda iyagoo sheegay in ay kala qayb qaadan
doonaan ka hor tagga kooxaha doonaya inay carqaladeeyaan nabadgelyada
xuduudda Kiinya iyo Soomaaliya
Gudoomiye cusub oo loo magacaabey
Naadiga Elman….
Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Naadiga Elman, taasoo ku saabsanayd
xil wareejin , waxaana ka qayb galay xafladdaasi mas’uuliyiin ka tirsan
guddiga Olombikada Soomaaliyeed, masuuliyiin xiriirka Soomaaliyeed
Kubadda Cagta, Ciyaartoyda iyo taageerayaasha Naadiga Elman.
Ugu horreyntii waxa halkaas war bixin
ka soo jeediyay xoghayaha Naadiga Elman mr Aweys Cali Winkeey, wuxuuna
ka war bixiyay heerarkii iyo taariikhdii uu soo maray Naadiga Elman,
wuxuuna sheegay in Naadigu uu soo maray dhow guddoomiye taasoo sheegay
in la gaarsiiyay horumar la taaban karo.
Guddoomiyihii hore ee Naadiga Xasan
Cabdi Axmed oo isna ka hadlay munaasabaas ayaa waxa uu sheegay intii uu
hayay xilka Naadiga uu gaarsiiyay horumar dhinaca Isboortiga ah, wuxuuna
u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee Naadiga Axmed Nuur inuu Naadiga ku
tallaabsiiyo mid ka wanaagsan midka uu haatan ku jiro.
Xaaji Coloow oo ka mid ah
Mas’uuliyiinta Guddiga GOS ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub in xilkaas
Ilaah la garab galo, sidoo kale wax ka hadlay munaasibadaas guddoomiyaha
Xiriirka Soomaaliyed ee Kubadda Cagta Md Siciid Mugaanbo wuxuuna sheegay
in iskaashi uu ka dhaxeeyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo
Kooxda Elman, wuxuuna u soo jeediyay Axmed Nuur inuu soo adkeeyo
xiriirkaas soo jireenka ah.
Qaar ka mid ah dadka Muqdisho oo
bilaabey in ay ka qaxaan ..
Dadweynaha magaalada Muqdisho oo ayagu
raja weyn gashay markii uu dhamaaday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada
Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka oo iyagu dhinac ah iyo kooxo ka soo
hor jeeda ayaa iminka waxa muuqanaya inay rajadaas sii yaraaneyso kaddib
markii ay bilowdeen qaraxyo loo geysanayo Goobaha ay Ciidamadaasu ku
sugan yihiin, waxaa la arkayay dad weyne dib ugu laabanaya goobihii
markii hore ay ka soo qaxeen, waxayna qaarkood sheegeen inaysan dib
danbe ugu soo laaban doonin magaalada Muqdisho.hase yeesee mas’uuliyiin
ka tirsan Dawladda ayaa waxa ay sheegeen inay tahay mid nabad ah dadka
ka qaxayna ay dib ugu soo laabteen. Dagaalkii dhex maray ciidamada
Itoobiya iyo kooxaha ka soo hoor jeeda ayaa waxaa ku bara kacay dad aad
u fara badan iyadoo dagaalkaana lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu
khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka, meelaha qaarkoodna lagu tilmaamay
inay ka dhaceen xad gudubyo dhinaca binu’aadanimada ah., sidoo kale
dagaalkaa ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa afar boqol in
kastoo dadka qaarkii tirade
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Waa kuma
Ra'iisalwasaaraha
Itoobiya
ee
kuxigi
doono
Meles
Zenawi?