SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Garowe: Cade Muuse oo ku fashilmay qiima dhimistii uu ku sameeyay qiimaha sarifka Dollarka.

Qiimaha lagu kala sarifto Dollarka deegaanada Puntland ayaa ahaa indhawaaleba mid kacsan kaasi oo aan soo noqod lahayn kadib markii ay xukuumadu siwayn u bilwday kuna harqisay deegaanada ay ka arimiso lacago Falso ah oo ay xukuumadu ku samayso meelo ka tirsan Puntland.

Qiimaha ayaa u dhexeeya 18,sh, so ilaa iyo 17.5sh, so, 1$ dolarba hadaba iyada oo uu  sidaasi u kacsan yahay qiimaha sarifka ayaa Madaxwaynaha DGPl Gen: Cade Muuse uu soo saaray  wareegto uu ku xakamaynayo qiimaha sarifka dolarka isaga oo wareegtadiisa ku sheegay in qiimaha sarifka   uu ahaandoono 16,sh,somarka la gaaro 06/16/007 taasi oo la soodhaafay xiligaasi ayna u muuqato mid aan wax is bedel ah ku keenin qiimihii sarifka Dollarka oo halkiisi maraya ayna jirin wax iska badalay taasina la oran karo waa uu ku fashilmay madaxwaynuhu.

Si kastaba Madaxtooyada puntand ayaa ah mid looga bartay digreetooyin aan waxba ka soconayn oo is daba joog ah kuwaasi oo ay ku dhaqaaqaan inta badan Madaxda Puntland manaha ahan mar iyo laba.

Dad badan ayaa markii horeba qabay in uu madaxwaynuhu iska hadlay oo aanay waxba ka soconayn Digreetadaan uu ka soosaaray xakamaynta qiimaha sarifka taasi oo u muuqata in ay dhabtahay oo qiimaha Dollarku uu wali sidiisii hore yahay oo aanay jirin wax iska badalay taasina la orankaro Madaxwaynuhu waa iska hadlay.

Bosaso: Duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire oo Maanta Xoog ku furtay Xafiiskiisii Degmada.

Duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire oo shalay ay Golaha deegaanku xilkii ka qaadeen ayaa maanta ku galay Xoog kuna furtay Xafiiskiisii Degmada isaga oo ay garbinayaan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Bosaso iyo kuwa Bangiga.

Golaha deegaanka ee degmada Bosaso ayaa xilkaqaadis ku sameeyey duqa Degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire maalintii shalay ahayd hase ahaate madaxwaynaha Puntland iyo wasiirkiisa dawladaha Hoose Cali Cabdi Aware ayaa digreeto ku hor istaagay xilkaqaadistaasi algu sameeyay duqa waxayna shegeen in aysan sharci ahayn xilkaqaadistaasi.

Golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa u cuskaday Xilkaqaadista ay ku sameeyeen Duqa degmada Bosaso in uu lunsaday Hanti, iyo in uu ka soo bixi waayay waajibaadkiisii shaqo islamarkaana uu fulin waayay balan qaadyadii uu balan qaaday.

Si kastaba Duqa degmada ayaa Maanta dhexfadhiya Xafiiskiisii Magaalada Bosaso oo ku yaala xarunta Degmada isaga oo xoog ku galay isaga oo ay garbinayaa Ciidaanka Ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa Bangiga dhexe ee Magaaladaasi oo si wayn u taageersan Duqa isla markaana u hogaansamaya wareegtada madaxwaynuhu uu arintaasi ku hor istagay.

Bosaso: Duqii degmada Bosaso oo xilkii laga qaaday, iyo Madaxwaynaha Puntland oo wareegto ka soosaaray arintaas.

 Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com