SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Garoowe: Kalfadhigii 18aad ee Baarlamaanka Puntland oo si rasmi ah uga furmay xaruntooda Gaorwe iyo is rasaasayn ka dhacday xarunta kalfadhiga.. 

Waxaa Sabtidii (June 16, 2007) si rasmi ah uga furmay xarunta baarlamaanka DGPL kalfadhigii 18aad ee Golaha wakiilada kaasi oo uu madaxwaynaha puntladn si rasmi ah u faray, kalfadhigan saaka ayaa waxaa ka soo qayb galay madax badan oo ay ka mid yihiin Madaxwaynaha Puntland, Kuxigeenkiisa, iyo wasiiro, wasiiro kuxigeeno, marti sharaf, iyo xubnaha Golaha wakiilada DGPL.

Madaxwaynaha Puntland oo furitaankii kalfadhiga khudbada aad u macaan iyo erayo aad u macmacaan lagu soo qoray ka jeediyay ayaa xusay waxqaabdka dawladiisa xiligii la soo dhaafay iyo xiliga u harsan waxana uu sheegay in xukuumadu ay wax badan ka qabatay arimaha dhaqaalaha, Baarista shidaalka, Dhismaha Garoonka Garowe, dhismaha xabsiyada iyo dayac tirka xeryo ciidan, Arrimaha federaalka, Dib u eegista dastuurka, Xiriika Dibadeed, Dib u habaynta Ciidamada, Awood dhismedka hay'adaha dawlada, Qorshaynta 5ta sano ee puntland, Hawlaha hantidhawka, Isgaarsinta, Duulimaadka diyaaradaha, Dekada Boosaaso, Garoonka diyaaradaha Boosaaso, Jidadka, Baarista shidaalka gaaska iyo macdanta, Horumarinta kaabayaasha, Horumarinta ganacsiga xoolaha, Adeegyada Bangiga DGPL, illaalinta xeebaha Puntland, Baahinta maamulka, Biyaha, Caafimaadka, Horumarinta Haweenka, Waxbarashada, qodobadaasi iyo kuwo kale oo dhamaantood ahaa kuwo runtii aad u macaan sanad walbana uu amdaxwaynuhu kaga hadlo kalfadhiga ayuu saakana markale daaha ka qaatay waxayna u muuqdaan kuwo dhagaha uun loogu ridayo shacabka iyo Baarlamaanka hase ahaateen aan waxba lagataaban dhamaadka sanadkastana ay ahaadaan kuwo sidoodii u taagan.

Sida laga wada warqabana Xuukmada Puntland mar ay ka hadlaysay Dhismaha Garoonka Cusub ee garowe wuxuu yiri madaxwaynuhu, waxaa si habsami leh u socda dhismaha garoonka Garowe kaasi oo ay iska kaashanayaan xukuumada iyo dadwaynaha iyo deeq bixiyayaal.

Markii uu ka hadlayay kan Bosasana waxa uu madaxaynuhu yiri, waxaa dhammaad ku dhaw dhismaha daarta garoonka (Terminal building) .

Waxaa sidoo kale gacanta lagu hayaa dhismooyinka adeegga kale duwan sida barxadaha gaadiidka, guriga dab-dhaliyaasha (Generator house), Masaajid, qaybta keydka shidaalka, Jidka isku xira garoonka cusub iyo gegidii hore, dhirayn IWM.

Waxaa xusid mudan in ilaa iyo hadda hawlaha la fuliyay iyo kuwa gacanta lagu hayaba ay si toos ah u maalgalisay Puntland.

Isgaariinta mar uu madaxaynuhu ka hadlayay waxa uu yiri Iyadoo la tixgalinayo muhiimada ay isgaarsiintu u leedahay horumarka, waxay dawladu ka hawlgashay in shirkadaha isgaarsiinta puntland lagu xiro isgaarsiinta dalal ay ka mid tahay Itoobiya.

Si kastaba, khudbada madaxwaynaha puntland oo ahayd runtii mid soo jiidatay bulshada inteeda badan hadana maahan mid sida loo yiri loo fulinayo waxaan shaki ku jirin in sanadba sanad uu u dhiibo khudbado qur quruxbadan oo ay ku hadlaan inta badan madaxda DGPL kuwaasi oo aan wax ceeb ah u arag wax qabadkii uu balan qaaday oo aan wax laga qaban markii la gaaro xiligii uu ku ekaa balan qaadkiisii kaasoo ay bulshaduna wax iska waydiiso.

Puntland oo aan Sharraaxaad ka bixin $20 million oo lagula kala wareegey Consort
.Maxaa Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo Gaagaab?
.
Range oo la wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri Faallada Maanta.....

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa ku tilmaamay khudbadan mid aad u macaan balse ku gaabsaday hadal macaan si loo dhahaa way fududahay lakiin si loo fuliyaa way adagtahay inta badan Madaxda Puntland loogama baran balan qaad ay sidiisa u fuliyaan waxaana la filayaa waxa uu ku danbeeyo kalfadhigan hada bilwday.

Dhinaca kalena Kalfadhigaan Sabtidii furmay ayaa waxa uu ku furmay is rasasayn ay is waydaarsadeen ilaalada madaxwaynaha DGPL iyo kan wasiirka maaliyada DGPL waxana halkaaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii ilaalinaysay wasiirka maaliyada DGPL Maxamed Cali yuusuf (Gaagaab) ilaa iyo hadana lama cadayn sababab keenay isku dhacaan waxaase jira xurguf siyaasadeed oo u dhaxeeya labadan mas'uul kaasi oo ka bilowday, sida la sheegay, rarida dhagacanta iyo arimo kale oo is biirsday ayaa la sheegayaa in ay u dhaxeeyaan labadaan Mas'uul. sidoo kale waxaa jira dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan kuwa wasiirka Maaliyada dhacdadii Sabtidii ka dib. 

Wixii ka sookordha kalfadhiga iyo dhacdooyinkaas insha allaah kala soco webkan www.somalitalk.com  

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com