- Dab Qabsadey xero ay dagan
yihiin dadka soo barakacey ee magaalada boosaaso.
Colaad Maxamed Siciid: "Cadde
Muuse waxaa Xukunka uga Haray 5 bilood.
- Munaasibada looga hadalayey Tacadiga
Dumarka loo geysto oo Qardho ka dhacday
- Garowe Teacher's Education
College(GTEC) oo aad loo amaanayo wax-barashadeeda.
Dab Qabsadey xero ay dagan
yihiin dadka soo barakacey ee magaalada boosaaso.
Dabkan ayaa waxa uu abaarihii 10:30 oo saaka
ah qabsadey xerada buulo eeley oo ku taala dhinaca bari ee magaalada
boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaana dagan xeradan dad qaxooti
ah oo kasoo bakacey koonfurta iyo gobolada dhexe ee dalka
soomaaliya.
Dabkaan oo ka kacay xerada Buulo Eelaay oo
ku taala Bariga magaalada Boosaaso oo ay dagan yihiin dad soo
barakacay ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay nolosha qoysaskii deganaa
xeradaasi oo ay guryo badan oo ay dadkaasi fooraha iyo kuleylka ka
dhaca magaalada boosaaso ay ka gali jireen .
lama garanayo sababa keeney in uu dabkani
qabsado xerada buulo eeley hase ahaatee waxaa loo aanaynaaa dabeylo
badan oo saaka si xun oga dhacaya magaalada boosaaso in ay kiciyeen
dabkan qabsadey xerada ay dagan yihiin dadka soo barakacey.
Ma ahan markii ugu horeysey ee uu xerada
Buulo Eeley dabqasado ee waxa uu ahaa dabkii ugu danbeeyay oo
buushah badan iyo guryo badan baabiyey kii asbuucii aynu soo dhaafey
qabsadey xeradaasi.
Yusuf Guduudow
yusufguduudow@hotmail.com
Colaad Maxamed Siciid " Cadde Muuse
waxaa u hartay 5 bilood.
Colaad
Maxamed Siciid oo u sharaxan M/weynaha DGPL, marka la gaaro xilliga
doorashada ayaa waxaa uu leeyahay Maamulka waxaa u haray 5 bilood,
inta wakhtigooda uga dhimanna cidna kuma khash-khashi karto, balse
waa in uu Cadde kursiga si nabad ah uga dagaa, oo uusan shacabka u
horseedin dhibaato.
"Anigu
waxaan ahay musharaxa M/weynaha DGPL, sidaas awgeed waxaan
ilaashanayaa wakhtiga inta ka hartay."
Waxaa
suuqa laysla dhexmarayaa in loo kordhiyey xilliga maamulka hadda
jira, oo ay hal sanno ugu dareen Golaha Wakiilada DGPL, Cadde Muuse
na waxaa afkiisa laga hayaa in uu yiri mudadaydu waa 4 sanno.
Taasi
ma suurta galayso, waayo waxaa jira sharci iyo dastuur u yaal Reer
Puntland oo la qortay wakhtigii la dhisay DGPL, cid wax ka bedeli
kartana majirto, dastuur meelahaas lagu samaystay ma soconayo.
Haddii
1 saac lagu kordhiyo waxaa dhacaya wixii dhacay xilligii C/laahi
Yuusuf ee naf iyo maalba galaaftay.
Baarlamaanka shiraya waxaan u sheegayaa, waxaa laydin ka rabaa
xisaabtan dhab ah, oo aad kula xisaabtantaa madaxweynaha, sida
mushahaarooyinkii shaqaalaha masaakiinta ah, sharcigii wadanka oo uu
ku xad-gudbay, shirkadaha jiriifka ah, ee uu keensaday khayraadka
dabiiciga ah ee layska daldalanaayo IWM.
Balse,
kuma aysan shaqo lahan in ay wakhti u kordhiyaan, hay'adda ugu
saraysa Puntland waa Issimada iyana ma kordhin karaan, waa la oggaa
wixii ka dhacay markii Issimadu ay qarna la safteen C/laahi Yuusuf
oo taageereen wakhtigii uu kororsaday, qaar kalena ay diideen waxay
ummadda u horseedeen.
Waxaan
mar labaad uga digayaa Issimada, iyo Masuuliyiinta DGPL wixii
shalay dhacay oo kale in mar labaad aysan dhacaan.
Haddaba Hadalkaas hordhaca ahaa ka dib ayaan waxaan
weydiiyey su'aalahaan soo socda Colaad Maxamed Siciid:-
1. Bille: Colaad,
M/weynuhu wuxuu Golaha Wakiilada DGPL iyo shacabka hortiisa ka
sheegay maalintii furitaanka Kal-fadhiga 18-aad ee GW Puntland in
uusan xataa maalin ku darsanayn xilliga loo soo doortay, wuxuu kaloo
sheegay in uusan wax lacag ah ku siinayn in ay Xildhibaanadu u
kordhiyaan wakhtiga, Madaxeynuhu wuxuu kaloo yiri" Waxaa la furayaa
Xisbiyadii wadankana waxaa lagu maamulayaa democratic system, marka
ma la orankaraa Colaad waxaas oo dhan waa ka hordhacayaa, oo waa
qadin?
2. Colaad: Maya, kama
hordhacayo, taasi waa mid uu dhegta ugu ridayo Baarlamaanka iyo
shacabka baan u arkaa.
3. Bille:Gudoomiye Ku
–Xiggeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada DGPL, Salaad Xareed Cali wuxuu
u sheegay saxaafada in xilligu uu yahay 4 sanno, balse laga soo
gudbay Constitution-kii lagu dhaqmayey (Xeer) hadana lagu dhaqmayo
Charter amaba axdi rasmi ah, marka ma waxaad haysaa , charter gaar
ah oo kaas ka duwan?
4. Colaad: Salaad Xareed,
Charter-ka uu sheegayo waa mid aan shacabka loo soo bandhigin ee
inta guri hoosta laga xirtay la qortay, hadduu jiro shacabka maa
lala socod-siiyo.
5. Bille: Colaad,
Xildhibaan aan wax ka weydiiyey khudbaddii dheerayd ee uu M/weynuhu
ka hor akhriyey Golaha Wakiilada iyo Shacabka , waxa uu sheegay in
ay dhaman ahaayeen wax run ah oo xataa hal eray oo afmiinshaarnimo
ah uusan ku jirin, marka adigu dhaliilaha aad haysid ee aad
leedahay maamulku wax buu is-daba mariyey xaggee ka keentay amaseba
wax cadayn ah ma, u haysaa?
6. Colaad:
MCBille,"Macal-cune soo bixi doonee, annagu hadaanu nahay shacabka,
waanu aragnaa sida wax u socdaan, balse xildhibaan dhakhtar dibadda
ah loo diray, ama gaari iyo guri ku helay khayaamada dadka soo
doortay ee uu xaqooda duutiyey waxba kama soo qaadayno.
7. Bille: M/weynuhu
hadduu maamulkiisa wax ka bedelo,oo dadku ay la dhacaan isbedelka
siyaasadeed ama dhaqaale ee uu la yimaado soo ma kasban karo in
uu xilka sii hayo?
8. Colaad: Walaal,
hadduuu bedelo iyo haddii kaleba waxa uu wax ka bedealyo waa
wasiiradii uu C/laahi Yuusuf ka tagay ee dantooda u shaqaysta ee aan
danta umaddooda iyo tan Cadde toona u shaqayn.
9. Bille: Adigu marna si
toos ah amaba kafool-kafool ah ma ugu sheegtay masuuliyiinta
dowladda sida M/weynaha in sida wax u socdaan ay shacabku saluugsan
yihiin, mise un saxaafada baad ka hadashaa?
10. Colaad: Maya, annigu
waxaan la hadlaa shacabka, dowladduna waa shacabka.
11. Bille: Dhinaca amniga,
waxaa beryahaan danbe laga cabanayaa amaan-xumo soo korortay, adigu
maxaad isleedahay waa khaldan yihiin, inkastoo adiga laftigaaga mar
lagugu eedeyey in aad amni-xumo ka wadiid G/Nugaal gaar ahaan?
12. Colaad: Anigu , walaal
maadaama aan is sharaxay oo rag wax la qeyb-sanayo, ma amni-baan wax
u dhimay waa yaab, Amniga waxaa looga damayn jiray ciidamada ku
shaqada leh sida Booliiska iyo Daraawiishta, Ciidamadiina M/weynuhu
isgaa kala diray oo mushahaaraadkoodii siin waayey , tusaale ahaan,
Gobolada Sool, Sanaag iyo Mudug hadda cidna kama warqabto waxa ka
socda, balse oo kaliya dowladdu waxay ku uruurtaa Isha yar ee
Dekedda Boosaaso oo ay ku kala tuurtaan shaqaalaha iyo ciidamada
xaqooda.
13. Bille: Colaad, waad
aragtaa in aan duubayo codkaaga oo aadan hadhoow inkiri Karin, marka
waxaas oo dhaliilo ah, cadayntoodii ma haysaa?
14. Colaad: Walaal, anigaa
haya oo wax layga weydiinayaa.
15. Bille: Colaad, lacala
hadii ay dhacdo in maamulka uu xilliga kororsado , ama si dastuuri
ah, ha ku kororsado amaba si kale'e, adigu maxaad samaynaysaa ?
16. Colaad: Haddii taasi ay
dhacdo Puntland waa burburaysaa ninkastaana waxa uu ka talinayaa
gurigiisa.
Maxamuud Cumar Bille
Caasuumada DGPL-Garoowe.
mcbille@gmail.com
Munaasibada looga hadalayey Tacadiga
Dumarka loo geysto oo Qardho ka dhacday
Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimaya aay saakay waxa aay ka dhacday xarunta ngo GARWADO taas oo
looga hadlayey dhowrida xuquuqda haweenka iyo weliba Tacadiga loo geysto
dumarka.
Baabuur lagu xiray sameecado ayaa waxaa
aay haweenka ngoga GARWADO la soo mareen wadooyinka waaweyn ee degmada
qardho.
Kuwaas oo ku Dhawaaqayey halku dhigyo
ka tarjumaya Dacadiyadda Dumarka Soomaaliyeed loo geysto.
xafladaan ayaa waxaaa ka soo qayb galay
Masuulyiin aay ka mid ahayeen ku xigeenka g.karkaar faarax jaamac
boos,isu duwaha arimaha haweenka G. Karkaar sahro siciid jaqanaf
Taliyayaasha Poliska qeybta iyo degmada odayaal,dhalinyaro,
Dumar,culumoowdiin,aqoonyaho iyo Saxaafadda.
Waxaa ugu horeentii ka hadshay
Gudoomiyaha Ngoga GARWADO safiyo axmed kheyr oo in badan ka
hadshay xuquuqda dumarka iyo sida ay nimanka soomaaliyeed u duudsiiyaan
xuquuqda dumarka ay leeyihiin waxaa kaloo ay halku dhiga manta loogu
magic daray ay ku tilmaantay sinaanta raga iyo haweenka ee xaga
caafimaadka,waxbarashada, nolasha iyo shaqada iyadoo tilmaanta in la
joojiyo dhiiga dumarka ee la daadinayo oo ay ka waday gudniinka
fircooniga .
Safiya AXmed Kheyr Gud.NGOga GARWADO waxaa
aay sheegtay in barnaamijkaan fulintiisa gacan ka geeysatay hay’adda
ACTION AID.
Gudoomiyaha Dallada KAYDNET C/weli
Xasan Gooni ayaa hadal dheer oo uu halkaa ka jeediyey sheegay in dumarku
Yahay lafdhabarta bulshada loona baahan yahay in si aad ah loo xaq
dhowro lana dhiirigeliyo waxna laga siiyo talada Maamulka Dowlada.
intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi suugaan
ka soo jeediyey Haween ka mid ah NGOga GARWADO ,
Nabdoon Max’ed Aadan Cali (xangaag) oo
ku hadlay magaca odayaasha degmada diiniyan in ay diinta islaamku
xuquuqdooda u tilmaantay dumarka taasna ay tahay in aan meel loodhaafi
karin lakiin raga soomaaliyeed ay aqristaan diinta dumarkana ku dhaqaan
Waxaa ka dib ka hadshay sahro siciid
jaqnaf isu duwaha wasaaradda haweenka g/karkaar oo ka hadshay dumarka
iyo kaalimaha ay kaga jiraan bulshada oo ay soo qaatay kaalintii ay ka
soo qaateen halgankii xornimo doonka ee soomaaliyeed oo ay iibiyeen
hanti waxay haysteen kuna tageereen halgama yaashii.
Halkaas ayaa isna waxaa ka hadlay
Taliyaha Saldhiga Boliska Qardho Taliye Taako oo sheegay in
Dhibaatooyinka laga soo hadalay aay in badan gacanta ku dhigeen dadkii
geystay isga oo xusay in Dumarka loo geysto Dhibta aay sheegnayaan isla
markaana uu soo qabqabtay qaar ka mid ah rag habeen hore gabdho doonayey
in aay Mobilo ka qaadaan kuwaas oo dhawaacyo u geystay dumarkii, Isaga
oo sheegay in aay kuwa badan u gudbiyeen xabsiga Bosaso kuwo kalena aay
ku hayaan isla saldhiga pooliska.
Ugu dambeyntii waxa shirka soo xiray gud.
Ku xigeenka gobolka karkaar faarax jaamac boos oo isna sheegay in maamul
ahaan aay farax weyn u tahay in aay ka soo qeyb galaan kulankaan isla
markaana sheegay in dumarku yihiin oo ku hadlaayey dhinaca culimada oo
diiniyan tilmaamay in la qaato diinta islaamaka maadaama illaahay
na,abuurtay aduunkaana noo keenay cibaado allahna aan u noqonayno waa in
aan qaadanaa kutubka uu noo soo dajiyay laguna dhaqaa dumarka
xuquuqdoodana si wanaagsan illaahay uu inoogu sheegay oo aan laga qarin
lana baro kutubka quraanka kariimka ayuu yiri
Xafladaa oo lagu soo gabagaba gabeeyey
jawi aad u wanaagsan oo ay kasoo qayb galayaashii ay ka dhiibteen
fagrado ku saabsan xuquuqda dumarka oo fagrad ahaan iskugu soo ururay in
loo ogolaado xuquuqda dumarka diiniyan waxa ay ka qabto diinta islaamka
maada soomaalidu tahay dad islaama 100%
Qore. Saciid Max’ed Barre
gooni2@hotmail.com
Garowe Teacher's Education
College(GTEC) oo aad loo amaanayo wax-barashadeeda.
waxaa bulshada ku dhaqan DGPL, gaar
ahaan G/Nugaal ay aad u amaanayaan waxbarshada heerka sare ah ee
Machadka Tababarka Macallimiinta Garoowe(GTEC), taas waxaa cadaynaya
ardayda wax ka barata oo uu ka mid yahay ardaygan lagu magacaabo Maxamed
Cabdullaahi Xasan (Max'ed Gacanwiish) oo wax ka dhiga Dugsiga
Hoose/Dhexe ee Darwiish Garoowe iyo waliba British School of Education
Garoowe.
Maxamed oo aan wareysi la yeeshay ayaa
wuxuu u dhacay sidatan.
1. MCBille: Maxamed, waxaad ka mid
tahay ardayda GTEC, marka bal waxaad warbixin naga siisaa GTEC?
2. MCX. walaal GTEC. waxaa dhigta arday
dhan 110 oo 50 ka mid ah ay hadda ka qalin jabinayaan, muddo 2 bilood ah
ka dib, halka 60 ka kalena ay cusub yihiin oo semesterkii 1-aad ku
jiraan. Waxaa kaloo macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada hoose/dhexe oo
tababar Inservice ah uga socdo GTEC.
3. MCbille: Ardayda dhamaantood ma
gabdhaa, ma wiilal baa mise waa isku jir?
4. MCX, waxay isugu jiraan tiro is
le'eg oo gabdho iyo wiilal ah(25 wiil iyo 25 gabdhood, waayo, GTEC
Education Policy is based on the Gender balance.
5. MCBille: bal waxaad iiga warantaa
maamulka iyo macallimiinta GTEC heerkooda aqooneed inta uu gaarsiisan
yahay?
6. MCX,walaal, maamulka oo uu ugu
horeeyo, Prof. C/risaaq Shoole waa nin aqoontiisu aad u sarayso oo wax
ku soo bartay dalka dibadiisa, sidoo kalena leh Education Background oo
markii ugu damaysay ka shaqaynaayey Jaamacada Bariga Afrika(East Africa
University) dhinaca, macallimiinta, dhamaan waa wada macallimiin
khabiiro ah oo heer aqooneed iyo heer khimradba dhisan(dhamaan waa
Degrees. sida Masters Degrees).
7. MCBille: Yaa, Kulliyadda dhaqaalaha
siiya?
8. MCX. Waxaa fangareeya, Hay'adda
Diakonia-Sweden, gaar ahaan SIDA.
9. MCBille: Ardayda ma wax fee ah baa
laga qaadaa?
10. MCX: Maya, walaal, wax lacag ah
lagama qaado, iyagaaba la siiyaa (Incentives ).
11. MCBille: Waa fursad qaali ah, in
waxbarasho iyo laysugu daro lacag soo uma aragtid, in ay tahay fursad
aysan haysan kuwa dalka dibaddiisa jooga?
12. MCX: Walaahi, waa fursad qaali ah
oo aan ugu baaqayo dhamaan ardayda Soomaaliyeed , gaar ahaan Puntland in
ay ka faa;iideystaan. Waayo dhulkaan waxaa waxbarasho lacag la'aan ah
ugu damaysay 1992 markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.
13. MCBille: Jaaliyadaha Dibadda ee
Nugaaleed qaar ka mid ah oo ila soo xiriiray ayaa waxay leeyihiin nooga
soo waran bal GTEC, marka maxaad u sheegaysaa?
14. MCX. Waxaan u sheegayaa in dalku uu
haysto waxbarasho tayo leh sida GTEC, wixii Accademic Affairs ah waxaan
jeclaan lahaa in la weydiiyo Maamulka GTEC, balse anigu arday ahaan
waxaan u sheegayaa in ay GTEC horumar samaynayso oo u baahan tahay gacan
qabad kaliya, Diakonia-Sweden waa ku mahad-san tahay doorkeed, balse
maahan in lagu siidaayo Diakonia kaliya.
15.MCBille: Anigaan wareysiga kaa
qaaday waxaan ugu abaal hayaa Diakonia-Sweden oo isoo bartay waxaan
maanta ku shaqaysanaayo amaba ku faanayo, marka maxaan ugu abaal-gudi
karnaa Diakonia-Sweden?
16. MCX: Umaba abaal-gudi karno hadaynu
nahay Reer Nugaaleed Diakonia-Sweden waayo waa hooyo, hooyana waxkasta
oo aad siisid ama tartid uma abaal gudi kartid.
17. MCBille: Maxaad kula talinaysaa
ardayda Soomaaliyeed ama kuwa Reer Puntland?
17.MCX: Waxaan leeyahay ku soo hirta
GTEC, waayo marka laga eego dhinacyo badan sida, Maamul aqoon leh oo
heer jaamacadeed iyo khimrad shaqo oo waxbarasho jaamacadeed leh,
macallimiinta wax ka dhigta oo kuligood wada jaamiciyiin ah kana kala
yimid dhamaan caalamka. arday wada-dhisan oo markoodii hore lagu qaatay
waxbarasho heer Secondary School ah. Environment-ga uu ku yaal, dhismaha
quruxda badan ee GTEC, Adeegga ardayda loo sameeyey sida Basaska
waa-weyn, iyagoo aan lacag laga qaadin balse iyaga lacag la siiyo,
waxbarashadooda oo ka kooban dhamaan maadooyinka jira iyo waxyaalaha
casriga ah ee soo kordhay sida Information Technology oo la baro amaba
Education Management, Hay'adda gacanta ku haysa ee u heeganka ah,
Maamulka oo sumcad ku dhexleh bulshadda oo la-wada yaqaan lana aamin-san
yahay hogaankooda waxbarasho maadaama ay u qalmaan,markoodii horena ku
yimid imtixaan laga qaaday(Evaluative Exam), iyo waxyaalo kale oo badan
oo aynu soo koobi karin baa jira, waxaan leeyahay Al-xamdulilaah Ilahay
baa na siiyey.
Maxamed Cabdullaahi
Xasan(M.Gacanwiish) oo ka mid ah, ardayda GTEC oo aan waraysi la
yeeshay, waad mahad-san tahay.
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe-DGPL
Mcbille@gmail.com