Halkan ka dhegeyso Calan Saarkii Itoobiya ee Muqdisho
(British Broadcasting Corporation)
Halkan ka dhegeyso in Safaarada Yemen laga Horfuray Tan Itoobiya
(Voice of America)
May 27, 207:
Sawirada Calan saarkii Safarada
Itoobiya ee Muqdisho ka eeg halkan
Geedi iyo Seyoum
Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya
Xamar: May 27, 2007
Sawirada Calan saarkii Itoobiya ka eeg halkan
Meles Zenawi oo Muujiyey in uu Xukunka Ka
Degayo Laba Sano Gudahood...
:: Ra'iisul wasaaraha xukuumada
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday sida uu damacsan yahay in uu xukunka dalkaas ka
dego inta aan la gaarin laba sano. Waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey
Jonathan Dimbleby oo ah weriye aad looga yaqaan dalka Ingriiska, waraysiga oo
May 29, 2007 lagu baahiyey warbaahinta.
:: Waxa kale oo waraysigaas uu Meles Zenawi markale ku caddeeyey in sababta ay
Soomaaliya u galeen ay ahayd arrimo iyaga (Ethiopia) ammaankooda ay ku
xejisanayeen, sababtaas awgeedna ay Muqdisho uga saareen Maxkamadaha Islaamiga
ah, taas oo uu kaga jawaabayey su'aal la xiriirta in dhaqaalaha Itoobiya ay la
degayaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, ayuu intaas ku daray in markii ay
maxkamada saareen ay ciidankooda la bexeen in kabadan 65%, oo aysan ciidan dambe
u dirayn Soomaaliya, taas oo weriyuhu inta uu hadalkaas la yaabay weydiiyey in
uu taas ku adkaysanayo ayaa Zenawi ugu jawaabey waa hubaa in aanaan ciidamo
dambe u dirayn Soomaaliya, markaasna uu weriyuhu yiri "arrintani waa mid aad u
xiiso badan". [Laakiin wasiirkiisa Arrimaha Dibadda,
Seyoum Mesfin, ayaa May 29, 2007
sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin Soomaaliya].
:: Waxa kale oo Zenawi uu afku ka xaday in ay jiraan nidaam lagu bedeli karo
xuduudaha Ethiopia, laakiin arrintaas faahfaahin kama uusan bixin waxa uu ula
jeedey.
Waraysigaas qaar ka mid ah halkan ka dhegeyso....
Video: Waraysigaas oo dhamaystiran
halkan ka daawo
Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal
- 05
December 2006
Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la
taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya
ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha:
VOA]
- Bereket Simon,
advisor to Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi, said on
05 December 2006
“Technically, we are war with Somalia. Everybody knows it is them who
declared jihad on Ethiopia. So technically speaking, we are at war with them
based on their declaration of war. Now, we have asserted our rights to
defend ourselves,”...[VOA]
-
Listen to Butty
interview with Bereket Simon
GEFKII
GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaaraha Dawladii Soomaalida loogu soo
dhisay Kenya oo gumeysata NFD oo ah dhul Soomaaliyeed ayaa sheegay in NFD &
SoomaaliGalbeed aysan Gumaysi ku jirin, hadalkaas markii uu yiri safarkii ugu
horeysey ee uu Jawhar kaga ambabaxo waxa uu u aadey Itoobiya oo Gumeysata
SoomaaliGalbeed. Fikradaada ka dhiibo arintaas..
[
DHEGEYSO HADALKII GEEDI]..
AKhri Qoraaladii arrintaas
lag aqoray
Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta
sano (1936-1941)
Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos
galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna
ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah
(1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka
keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay
kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor
Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in "markii
quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka
qabsadeen Muslimiin". Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya
lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin
si ay gumeysto, iyo
in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu
gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano
ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa
keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: "five-year
military occupation of Ethiopia by fascists". Taas oo lagu xoojiyo
oraahda ah: Itoobiya waxay ku
faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: "Ethiopia
proudly claims to be 'the only African country that has never been colonized'".
Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years
(1936-1941) - ama (Italy colonized Ethiopia for five years).
Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead |
Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa
sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa
yiri "waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya". Waxa
uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah
badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya
Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra'iisul wasaaraha
Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya.
Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay
cinwaanka: "Mubarak expresses understanding on Ethiopian
intervention in Somalia". Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak
hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.
Waxaa jira heshiis sannadkii 1929
dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan
maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile
Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha
webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana
sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo
qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan
[Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka
yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada
Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka
Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku
taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon".
Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada
Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka
Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato
iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay
mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo
bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya
Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo
ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan
cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee
Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna
haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u
dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas
barwaaqada ah.
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali
Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin
eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri
Kongo, Tansania & USA:
Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda
Soomaaliya...AKhri....
Qaraarkii Golaha
Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha
Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka
Somalia...
Akhri
|