Madaxweynaha DGPL" Maanta laga bilaabo
anigaa la wareegay ciidamada Qalabka sida ee DGPL dhamaantood".
Kal-fadhiga 18-aad ee Golaha Wakiilada
DGPL oo maanta si rasmi ah u furmay.
Kalfadhiga waxaa ka soo qayb-galay Xubnaha
Golaha Wakiilada,Golaha Xukuumada, hogaanka dhaqanka, aqoon-yahanka,
dumarka,madaxda ururada maxaliga ah, culamada iyo, xubno ka socday DFKM oo
shirka Dib u heshiisiinta.
Waxaa goob-joogayaasha soo
horfariistay,Madaxweynaha, M/Kuxigeenka, Gudoomiyaha GW iyo K/xigeennkiisa.
Waxaa khudbadii furitaanka halkaas ka soo
jeediyey Gudoomiyaha GW DGPL Axmed Cabdi Xaashi wuxuuna soo bandhigay ajandaha
kalfadhiga18-aad.
Qodobaduna waxay ahaayeen sidatan:
1. Xisaab xirka Miisaaniyada 2006
2. Xeerka Daabacaada lacagaha
3. Soo gudbinta Heshiisyada ay dowladdu gasho
4. Xeerka Ansixinta Degmooyinka.
5. Xeerka Wada-tashiyada
6. Xeerka Kala Qeexidda Awoodaha
7. Xeerka Muwaadiniinta
8. Xeerka Xisbiyada
9. Dib u eegista dhaqaalaha
10. Miisaaniyada
11. Xeerka Xisbiyada
12. Sixida iyo Dib u eegista dhaqaalaha
13. Ilaalinta Degaanka
14. Ansixinta Guddiga AIDS-ka ee PAC(Puntland
AIDS Commission)
15. Ansixinta Wasiirada dhiman
IMW
Golaha Wakiiladu qoraal ay soo diyaariyeen oo
ahaa talo soo jeedin ayaa gudoomiyuhu akhriyey wuxuuna ahaa sidatan:-
1. In lagu dhaqmo dastuurka iyo shuruucda u
degan dalka
2. in lagu dhaqmo miisaaniyada
3. in ay dowladdu bixiso mushahaaraadka
shaqaalaha iyo ciidamada
4. In la soo celiyo amaanka iyo kala damaynta
dalka
5. in la xoojiyo difaaca guud ahaan dalka,
gaar ahaana xuduudaha
6. Xoojinta warbaahinta dowladda(Public Mass
Media) si looga hortago in aysan ka faa'iidaysan dadka khalkhalka gelinaya
jiritaanka DGPl.
Intaas ka dib wuxuu ku soo dhaweeyey
Madaxwenaha.
Madaxweynaha ayaa halkaas ka akhriyey khudbad
dheer oo dhinacyo badan taabanaysa.
waxaana ugu muhiimsanaa qodobadaan:
1. Nabad-gelyada iyo Amniga
2. Waxbarashada oo uu si gaar ah u amaanay
wasiirka
3. Caafimaadka oo uu si gaar ah u amaanay
wasiirka
4. Horumarinta Haweenka sida 20% in shaqooyinka
wax laga siiyo
5. Biyaha
6. Mashruuca Guryeynta sida Garowe,
Kulub,Gara'cad, Xaafuun, Eyl iyo
7. Baahinta Maamulka
8. Dhaqaalaha,sida arimaha maaliyada, siyaasada
dhaqaalaha iyo
Kororka Dhaqalaaha
9. Adeega Bangiga Dhexe oo uu amaanay.
10. Ilaalinta Xeebaha oo uu sheegay in ay
xoojiyeen.
11. Horumarinta Ganacsiga
12. Xoolaha oo uu sheegay in wadamo badan ay ka
qaadanayaan loona sameeyey meel maxjar ah
13. Baarista Shidaalka, Gaaska iyo Macdanta.
14. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha
15. Jidadka,oo uu sheegay in ay bubursan
yihiin,qaarna ladayac tiray.
16. Garoomada Boosaaso iyo Garoowe, isagoo
sheegay in ay hadda xooga saarayaan dhismaa garoonka Gaoowe oo uu yiri waxaan
rajaynaynaa in uu ku dhamaadao muddo 8 bilood ah.
17. Dekada Boosaaso oo uu yiri waxay u baahan
tahay dayactir
18. Isgaarsiinta
19. Duulimaadka Diyaaradaha
20. Hawlaha Hantidhowrka
21. Iskaashiga DGPL iyo Hay'adaha Caalamiga ah
22. Qorshaha(Five Years Plan ee DGPL)
23. Dib U Habaynta Ciidamada Daraawiishta iyo
Booliiska
24. Xoojinta Hay'adaha Dawliga ah
25. Dib u Eegista Dastuurka
26. Dhismaha Xabsiyada iyo Dayactirka Ciidamada
27. Arimaha Federaalka
28. Xiriirka Dibada
Madaxweynuhu wuxuu halkaas ka sheegay in uu si
rasmi ah ula wareegay ciidamada qalabka sida ee DGPL oo ay isaga ka
amar-qaadanayaan hadda laga bilaabo si amniga loo soo celiyo dalka.
Nin xubnaha DFKM ah ee Shirka Dib u heshiisintana oo la yiraahdo Xuseen
C/qaadir isna khudbad kooban buu ka jeediyey halkaas.
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007


|