Garoowe: Waxaa
maalintii shalay gelinkii danbe magaalada Garoowe lagu soo gebagebeeyey
kalfadhigii labaad ee dallada waxbarashada Ahliga ah ee Puntland. Dalladaas oo
ay hoos yimaadaan in ka badan 89 dugsi oo 12 ka mid ahi yihiin dugsiyo sare ayaa
waxa kalfadhigaasi socdey muddo sadex casho ah, waxana uu kasocdey hoolka
shirarka ee wasaarada waxbarashada ee Puntland.
Mudadii uu kalfadhigu socdey waxa si warbixin aad u faah-faahsan laga dhegeystey
madaxa sare ee dallada Dr. Maxamed Cali Faarax oo tilmaamay guulaha ay dalladu
gaadhey , iyo halka ay higsanayso. waxa sidoo kale hadal ka jeediyey xoghaya
guud ee dallada Ustad Axmed Saahid oo run ahaantii kaalin fir-fircoon kasoo
qaatay dar-dar gelinta dallada mudadii labada sano ahayd ee ay dhisnayd. waxana
uu shirka ka hor akhriyey ajandaha kalfadhiga 2aad ee golaha loo dhan yahay ee
dallada oo dhammaan xubnuhu ka kala yimaadeen gobolada Puntland.

Mudadii sadexda casho ahayd ayaa waxa madaxdii maamulka daadihinaysey waxay soo
bandhigeen waxqabadkii iyo miisaaniyadii dallada, iyadoo sidoo kale dood la
geliyey xeerka DGPL u diyaarisay waxbarashada ahliga ah ee Puntland iyo sidoo
kale dib u eegis lagu sameeyey xeer hoosaadka dallada , kuwaas oo dhamaan si
wanaagsan looga doodey meel wanaagsanna la isla dhigay.

Sidoo kale maalintii ugu danbeysey ee kalfadhiga waxa golaha loo dhan yahay uu
doortay afar xubnood oo maamulka dallada hogaaminaysa ilaa kalfadhiga sadexaad .
kuwaas oo loo doortay.
1) Dr . Maxamed Cali Faarax : Guddoomiyaha Dallada PEN
2) Yuususf Suudi Cabdi : Gudoomiye ku xigeenka dallada .
3) Axmed Zaahid ; Xoghaya guud ee daladda.
4. C/laahi Cali Xuseen ; madaxa waaxda tacliinta ee daladda.
Gebagebadiina waxa xafladdii xidhitaanka kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka
wasaarada wabarashada Md. cabdi goobe , oo si weyn ugu ammaanay bahda
waxbarashada ahliga sida ay isugu xilqaameen waxbarista ubadka , wasaaradduna
wixii itaal ah waa idinla garab tagan tahay ayuu yidhi wasiirku .

Dallada waxbarashada Ahliga ah ee PEN ayaa sanadihii ugu danbeeyey fir-fircooni
lasoo baxday , iyadoo arimo badan oo dhallaanka wax uga taraya dhanka
waxbarashada ku tallaabsatay sida midaynta manhajka, u helidda deeqo waxbarasho
kormeerka goobaha waxbarasho iwm.
Maxamuud Ciyoon / Badhan.
laasqoraynet@gmail.com