Bosaso: Duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire
oo xilkii laga qaaday, iyo Madaxwaynaha Puntland oo wareegto ka soosaaray
arintaas.
Duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire ayaa ay
sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Bosaso in xilkii laga qaaday kadib
markii ay isugu yimaadeen kalfadhi aan caadi ahayn Golaha deegaanka degmada
Bosaso kuwaasi oo ku eedeeyay Duqa in uu lunsaday Hanti iyo sidoo kale in uusan
waxba ka qaban adeegyadii uu horay u balan qaaday Duqu isaga oo ku tagri falay
Hanti loogu tala galay Horumarka Degmada kaasi oo ay ku deeqday Hay'ada UNDP ee
qaramada Midowbay u qaabilsan horumarka.
Wax yaabaha lagu eedeeyay ee uusan waxba ka
qaban, sida wararku sheegeen, Duqa Degmada Bosaso ayaa waxaa ka mid ah
waxyaabihii uu balan qaaday markii uu u tartamayay xilka Gudoomiyanimada
Degmadaasi oo ay ka midka ahaayeen, Hagaajinta wadooyinka, dhisida wadooyin
cusub, Banaynta Jidgooyooyinka, Dayactirka wadada Laamiga ah ee dhexmarta Bosaso
taasi oo ahayd mudadii ugu danbaysay mid aad u liidada, iyo sidoo kale wadada
aada Garoonka Bosaso oo uu duqu sheegay in hadii la doorto uu wax badan ka
qabanayo iyo dhamaan adeegyada kale sida Caafimaadka, waxbarashada, dhamaan
balan qaadyadaasi oo uu duqu sameeyay ayaan ilaa iyo hada waxba laga qaban oo ah
kuwo sidoodii u taagan waana waxyaabaha sababay in duqa laga xayuubiyo Mansabka
uu umada u hayo Maadaama uu hanan waayay wax u qabadka dalka iyo dadka, waa sida
laga helay ilo wargal ah.
Golaha deegaanka degmada Boosaaso oo ka kooban
27 xubnood ayaa saakay waxaa fadhiyey kolkii xilka looga qaadayey guddoomiyaha
21 xubnood oo 19 ka mid ahi ay u codaysay in la xilka laga qaado guddoomiyaha,
halka labada xubnoo oo kalena ay ka aamuseen.
Dhinaca kalena Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade
Muuse ayaa digreeto uu arintaas ku hor istaagayo ka soosaaray xafiiskiisa
Magaalada Garowe isaga oo wareegtadiisa ku sheegay in xilkaqaadista lagu
sameeyay Duqa Degmada Bosaso aysan sharciga waafaqsanayn is la markaana aysan
ahayn mid munaasab ah.
Ilaa iyo hada wax jawaab ah kama aysan bixin
Golaha deegaanka Degmada Bosaso wareegtada uu soo saaray Madaxwaynuhu
lamanagaranyo in mar kale cod loo qaadi dono iyo in kale ama in uu duqu
ahaandoono duqada degmadaasi Bosaso isaga oo xilkii laga qaaday laguna hor
istaagay digreeto Madaxwaynenimo.
Duqa Degmada Bosaso ayaa waxaa loo doortay
Duqnimada Degmadaasi markii ugu horaysay oo ay degmadaasi yeelato Nidaamka
Golayaasha deegaanka waana Duqii ugu horeeyay isaga oo ay garbinayaa wasiirka
Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Madaxwaynaha Puntland si wayn u
taabacsan loogu doortay duqnimada Magaalada Bosaso iyada oo ay doorashadaasi
ahayd mid si wayn loo khilaafay maadaama ay doorashadaasi ka maqnaayeen
murashaxiin badan oo u tartamaysay doorashada duqnimo ee Degmada Bosaso xiligii
doorashada.
iyada oo ay duruufahasi oo dhami ay jiraan ayaa
hadana si cod aqlabiyad ah loogu dortay duqniamdoo Khadar Xaaji Mire
islamarkaana maanta Xilkii si cod aqlabiyad ah looga qaaday hase ahaatee Cade
Muuse uu ku hor istaagay digreeto Madawayne nimo.
Maahan duqii ugu horeeyay ee xilka laga qaado
inta la ogyahay degaanada Puntland tan iyo markii loo gudbay Nidaamka Golayaasha
degaanka ee waxaa jiray in mar hore tiro ka laba jeer xilalkii ay hayeen laga
qaaday duqii ugu horeeyay ee Golayaasha deegaanka lagu furay ee Magaalaada
Caasimada ah ee Garowe iyo sidoo kale kii isaga markaasi badalay oo isna mar
danbe xilkii laga qaaday waxaana is waydiin mudan sababaha xilka qaadista loogu
samaynayo duqmagaalo oo aan mudo dheer xil hayn.
Ilaalada Cadde Muuse iyo Kuwa Gaagaab oo
isku rasaaseeyey Xarunta Baarlamaanka
Garoowe
Waxaana
furmay kalfadhigii 18aad ee Baarlamaanka
DGPL
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2007


|