Wararkii: Jun 16, 2007
Faahfaahin
dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxyadii shalay ka dhacay..
Maalmahan Dambe
waxaa Magaalada Muqdisho ay marti u noqotay qaraxyada iyo dilalka loo
gaysanayo Mas’uuliyiinta Dowladda FKMG, waxaana shalay Magaalada Muqdisho ka
dhacay saddex qarax oo si aad ah isugu dhawaan dhinaca waqtiga.
Qarixii ugu
horeyey waxa uu ka dhacay xarun ay deganaayeen ciidamada Itoobiya oo ku
tiilay Isgooyska Sacna, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen
saddex askari oo Itoobiyaan ah, haseyeeshee dadka qaar waxay sheegayaan in
ay jirto dhimasho. Daqiiqado kadib qarax kale oo weyn ayaa waxa uu ka dhacay
agagaarka afarta darjiino, waxaana lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada
Dolwadda FKMG oo mareyey halkaasi, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay dhowr
askari oo ka tiran Ciidamada Dowladda Federaalka, isla daqiiqado kaddib ayaa
isna qarax aad u weyn waxa uu ka dhacay meel ku dhow xarunta UNDP ee
magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi lagu waramay in ay ku dhaawacmeen
saddex carruur ah. Qaraxyadaan waxay ku soo beegmeen xili ay Dowladdda
Federaalka sheegtay in ay qabatay hubkii ugu balaarnaa oo ay shalay ku soo
bandhigtay xarun ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya. Qaraxyadaan ayaa waxaa
walwal ka muujiyey dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo meelaha qaarkood
shalay bilaabay inay isaga qaxaan. Guddoomiyaha gobalka Banaadir Max’ed
Dheere ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Muqdsho ay haatan nabdoon tahay,
kadib markii uu sheegay in kooxihii ka waday Magaalada ay u kala baxeen kuwo
dalka ka carara iyo kuwo xabsiyo la dhigo. Habeen dhexdaas ah ayay ahayd
markii xarumo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya lagu qaaday weeraro, ilaa
iyo haddana lama faahfaahin khasaarihii ay keeneen weeradaasi, iyadoo xitaa
Magalada Muqdisho ay ka socdaan baaritaano ay wadaan Ciidamada Itoobiya kuwa
Dowladda Federaalka.
Cismaan Caato
“Ciidamada Itoobiya waxay Gurigeyga kala baxeen lacag iyo waliba Dahab”
Xildhiban Cusmaan Xasan Cali Caato oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo
ayaa shalay iyo doraad waxaa baaritaan lagu sameeyey gurigiisa iyo garashyo
uu ku lahaa deegaanka Saybiyaano, waxaana baaritaankasi sameeyey ciidamo
Itoobiyaan ah iyo kuwo ka tiran Dowladda Federaalka.
Cismaan Caato oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada baydhabo ayaa
daboolka ka qaaday in ciidamada Itobiya gurigiisa ula dhaqmeen si aad u fool
xun oo ka baxsa sharicga, waxa uuna Cismaan Caato sheegay in Ciidamada
Itoobiya ka qaateen lacag ku dhow 369 kun oo Doolar iyo Dahab qiimihiisu aad
u sareeyeo, waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya boorsooyinkii
yaalay guriga ay jeex jeexeen, sidoo kalana dukumitiyadii halkaasi yiilay
daadiyeen, waxaa kale oo uu sheegay in garaashyo uu ku lahaa aagaasi laga
baxay Gawaari iyo qalab kale.
“anigoo Xildhibaan ayaa sidaasi la iila dhaqmaye, maxaad u maleyneysaa
ummadda kale ee Soomaaliyeed ee maalin walba sidaasi guryahooda loo baaro oo
sidii la doono loola dhaqmo” ayuu yiri xildhibaan Cismaan Caato oo sheegay
in hub fara badan laga baxay garaashkiisa kuwaas oo ku sheegay in lahaayeen
ururkii USC/SNA.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan waxa ay mamnuucday in la baari Karin
guryaha Madaxweynaha iyo kuwa Xildhibaanada, ilaa iyo haddana lama garanayo
sababaha loo baaray guriga Cisman Caato.
Warbixin dheeraad
ah oo ku saabsan qarax ka dhcay shaneemo ku taala Baydhabo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in
magaaladaasi Shaneemo ku taala uu ka dhacay qarax aad u weyn, waxaana
qaraxaasi ku geeriyooday ilaa iyo lix qofood oo u badnaa dadkii daawanayey
shaneemadaasi.
Qaraxaasi ayaa dadka qaarkii sheegayaan in uu ahaa qarax laga soo tuuray
meel shaneemada gadaasheeda ah, halka warar kale sheegayaan in qaraxaasi uu
ahaa mid ka dhex qarxay Shaneemada gudaheeda.
Qaraxaan waxaa kale oo uu sababay in ay ku dhaawacmaan ilaa iyo 16 qofood oo
qaarkood la sheegay in ay halis yihiin.
Ciidamada Dowladda ayaa soo gaaray goobtii oo bilaabay baaritaan xoogan,
waxaana loo qabqabtay dad far abadan.
Bishii hore ayay ahayd markii Shaneemo ku taala Baardheer uu ka dhacay qarax
kaas oo ay ku dhinteen 11 qofood, ilaa iyo haatanna lama garanayo sababaha
shaneemadaasi qaraxa looga beegsaday.
Dhagaxtuur
“Garoonka Banaadir waxaa iska leh…”
Maalintii khamiista ahayd ayaa Hotel Global waxaa kulan ku yeeshay ku
xigeenka duqa Magaalada Muqdiso ee arrimaha Bulshada Max’ed Cusmaan
(Dhagax-tuur) iyo mas’uuliyiin ka tiran Xiriirka K/cagta, waxaana kulankaasi
la iskula soo qaaday sidii uu iskaashi u dhex mari lahaa maamulka Gobalka
Banaadir iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Mugaanbe oo ka hadlay
kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uga fadhiyaan
sidii ay gacan uga siin lahaayeen dhinaca nabadgelyada iyo horumarinta
Isboortiga, isagoo uga mahadceliyey Kaalintii ay ka gaysteen qabanqaabada
tartanka Nabadda iyo Nadaafadda Gobalka Banaadir oo manta lagu wado in lagu
soo gebagabeeyo Garoonka Banadir.
Mudane Dahgaxtuur oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu yiri “Garoonka
Banaadir waxaa iska leh cid is hortaagi karta ma jirto tartamada Isboorti ee
uu wado xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, ciddii isku daydana gacanta ayaan
ku soo dhigi doonaa” ayuu yiri Mudane Dhagaxtuur oo intaa raaciyey
“Siyaasadda Isboortiga Dowladda waxaa wakiil uga ah Wasaaradda Dhallinyarada
iyo Isboortiga, cid ay tiraahdo hala shaqeeyo ayaanu la shaqeyneynaa”.
Kulankaasi waxaa
kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenada Xiriirka Soomaaliyeed K/cagta Cali
Siciid Guuleed iyo Salaad Gaab oo iyana u mahadceliyey maamulka Gobalka
Banaadir, waxa uuna kulankaasi ku dhamaaday jawi isfaham.
Dowladda
Federaalka oo shalay soo bandhigtay hub fara badan oo ay sheegtay in ay ka
soo uruurisay…
Xarun ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo ku taala Magaalada Muqdisho ayaa
shalay lagu soo bandhigay hub noocyo kala duwan oo laga soo uruuriyeen qaybo
ka tirsan Magaalada Muqdisho, hubkaas oo isugu jiray kuwo waaweyn iyo kuwo
fudud, ayaa waxa uu sheegay madaxa nabad sugida Dowladda Federaalka Max’ed
Warsame (Darwiish) in hubkaasi ahaa mid dhibaato ku hayey shacabka
Soomaaliyeed, sido kale waxaa ka hadlay ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga
Salaad Cali Jeele oo sheegay in hubkaani laga soo uruuriyey gooo ku yaala
Magaalada Muqdisho kaddib markii ay tilmaameen dadweynaha Magaalada
Muqdisho, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay duqa magaalada Muqdisho oo isna
yiri “Kuwii hubkaan lahaa waxay noqdeen kuwo fagada iyo kuwo xabsiyada ku
jira, sidaa darteed Magaalada Muqdisho waxay ku sii siqeysaa dhinaca
Nabadda”, waxa uuna Max’ed Dheere ugu baaqay shacabka in ay gacan siiyaan
ciidamada Nabad ilaalinta si ay u sahlanaato sidii loo soo dhameystiri lahaa
hubka ku haray gacanta dadweynaha iyo wax uu ugu yeeray kooxo aragagixiso
ah.
Cadde Muuse oo la
wareegay xilalkii Taliyayaasha Daraawiishta iyo Booliiska
Iyadoo maalmahan ay sii xumaaneysay xaaladda nabadgelyo ee Gobalada Puntland
ayaa maalintii shalay ahayd Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland waxa uiu
la wareegay xilalkii Taliyaasha ciidmada Daraawiishta iyo Booliiska, mar wax
laga weydiiyey sababaha uu xilalkaasi ula wareegay ayaa waxa uu yiri “waxaan
doonayaa in aan is bedel ku sameeyo taliyaha ciidamada, maadaama xaaladda
gobalada Puntland ay maalmahan ka sii dareysa.
Dhinaca kale
Wasiirka Kalluumeysga ee Dowladda Federaalka Xasan Abshir ayaa booqasho
lama filaan ah ku tagay Magaalada Garoowe, hase yeeshee booqashadaasi waxay
shaki gelisay Gen. Cadde Muuse, maadaama ay soo dhawdahay xiligii
doorashadii Madaxtinimo ee Puntland, warar ayaa waxay sheegayaan in Xasan
Abshir doonayo in uu isku sharaxo doorashada maamulkasi, hase yeesheen Xasan
waxa uu arrimahaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, dhinaca
kale warar ayaa waxay sheegayaan in xiligii loogu talagalay doorashada ay
dib u dhac ku yimaado, waxaana Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ka socda
kulamo looga arrinsanayo arrimaha doorashada maamulka Puntland
Nin waalan oo
wiilkiisa 8-jir ah ku dilay deegaanka KPP ee Xaafadda Hodan ee magaalada
Muqdiso
Maalintii shalay ahayd ayaa agagaarka
Kaasbalbalaare ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacday arrin la yaab
leh, kaddib markii nin walaan oo magiciisa lagu sheegay Faarax Cali
Fiidow uu wiilkiisa 8-jir ah ku dilay xaafaddaasi.
Ninka walaan ayaa dilka wiilkiisa u
isticmaalay ceego, ilaa iyo ka ruuxbaxana waxa uu ku hayey gacmihiisa.
Ninkaan oo doraad laga eryay wiilkiisa,
kaddib markii uu sheegay in uu wadano wiilkiisa, ayuu shalay dib ugu soo
laabtay oo ceego ku dilay.
Ciidanka Booliiska ee Degmada Hodan ayaa
goobta soo gaaray, waxayna halkaasi ka wadeen ninkii oo haatan ku xiran
xabsiga degmada Hodan, kal hore ayay ahayd markii ninkaasi ii gabadhiisa
ku dilay ceego, oo iyana ahayd gabar aad u da’ yareyd.
Isku soo wada duuboo dhacdadii shalay
waxaa si aad ah ula yaabay dad badan, hase yeeshee dhegaha daka kuma
cusba dhacdooyinka noocaan oo kale ah, oo lix iyo tabankii sano ee
dowlad la’aantu dalka ka jirtay waxaa dhacdooyin kuwaan ka sii fool
xun.,
Amiin Yuusuf Khasaaro, Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007
Gogoshii tacsida madaxwaynihii Hore ee
soomaaliya Mud.Aden Cabdulle Cusmaan oo maanta lagu soo gabagabeeyay Safaarada
Soomaaliya ay ku leedahay dalka Liibiya.


|