SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed: Dhulbadeedka Soomaaliya waa 200 NM ee ma aha 12 nm.

  • Prof. Cabdi Faarax Xasan oo dhambaal u diray Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana codsaday in aay  arrinta la xiriirta badda Soomaaliya mariyaan  marinkii aay  mariyeen barlamaankii hore...

Maxaa dhaxalkaas loo seejinayaa jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed?

  • Ku:  Dhammaan xubnaha  Barlamaanka Federaalka Soomaliyeed.
  • Ku: Shacbiga Somaliyeed
  • Og: Madaxweynaha JFS
  • Og:Guddomiyaha Barlamaanka
  • Og :Ra’iisulwasaraha Xukumadda Soomaliyeed

Waxaa ayaamahan dib u soo noqday ka hadalka dhul badeedka Soomaaliya.


Estimates of Somalia's oil reserves, onshore and offshore, run as high as 110 billion barrels.
There are jurisdictional problems already offshore, where Norway's Statoil is prospecting off the Jubaland region.
Neighboring Kenya, whose forces played a key role in fighting al-Shabaab and currently hold Jubaland, claims the offshore zone.
Read more: http://www.upi.com/Business_News/Energy-Resources/2013/05/15/Oilmen-ready-for-risky-push-into-Somalia/UPI-37721368652699/#ixzz2TY7UENv6

Arrintaasi waa soo rogaalcelin arrintii  2009kii walwal iyo caro baahsan ka dhex abuurtay dadweynaha  soomaaliyeed meel aay joogaanba, ugu dambayntiina barlamaankii Soomaaliyeed ee markaa jirey u qaraar sharci ah oo lagu qancay ka gaaray, kaas oo ah in:- Qarammada Midoobey: aay Heshiiskii Isfahamka Badda WAXBA KAMA JIRAAN KA DHIGEEN.

Waxaa xigay in Golihii Wasiirrada ee Dowladdii GAAS  aay si wada jir ah uga saareen ROADMAPKA (Qorshihii la rabay in Badda Soomaaliya lagu soo koobo  12 nm) .( fiiri hoos)

 SomaliTalk.com » DFKMG oo Arrimaha Badda sida EEZ ka Saartay ...

Nasiib darro, Sida aay muujinayso  qudbadda halkan ku lifaaqan http://swatsecuritysystems.com/info/3961/SPEECH-BY-THE-PRESIDENT-OF-SOMALIA-TO-THE-CONTACT-GROUP-FOR-PIRACY-OFF-THE-COAST-OF-SOMALIA-%E2%80%93-1st-MAY-2013-NEW-YORK) ee ka soo baxay  Madaxtooyada Jamhuuriyadda  Soomaaliya wuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh Mohamud dib u furay arrintii dhulbadeedka Soomaaliya oo aannu wada ognahay iskudayaga joogtada ah ee boobka dhulbadeedka Soomaaliyeed uu soo maray.

Madaxweyne Xasan asagoo aan wali Dowlad Goboleedyadii faraha ku heynin oo in ka badan  600,000 oo somali  ahi aay ku silicsanyihiin xeryo qaxooti, islamar ahaantaasna aay dhallinyaradii Soomaaliyeed aay badaha ku go-ayaan, dalkiina aay ku dhex suganyihiin Ciidamo ajnabi ah iyo ARGAGIXISO, ayuu kaligiis rabaa in Qorshaha GURRACAN oo muddada dheer soo meel mari waayey  in deg deg iyo si  sibiqsibiq ah uu u fuliyo.

Waxaa madaxweynuhu u ekaysiinaya arrinta u soo cusboonaysiiyey ee soo koobidda badda,  go-aan  horay loo gaarey,  taas oo aan waxba ka jirin.

Waa nasiib darro  ku habsatay QARANKA SOOMAALIYEED in markii KMG laga baxay la isku dayo in la fuliyo KHAYAANADAN  muddada dheer la damacsanaa.

UMMADDA SOOMAALIYEED  bal dib ha eegaan inta marxaladood oo aay soo martay Khayaanadaan la rabo in DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED laga dhigo 12 nm ,ayadoo la isku dayayay mar kasta in meesha laga saaro Sharciga LAW No. 37. Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972  

Maxaa dhaxalkaas loo seejinayaa jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed?

Ma waxaa jira saaxiibtinimo iyo dhaqaale naloo raadinayo oo u dhigmi kara baaxadda dhulbadeedka iyo kheyraadka ku jira ee nala dhaafsiinayo ?  jawaabtu waa maya.

Ammuu  KUMEELGAARKII  inoo roonaa?????????

Madaxweynwe Xassan wuxuu tillabadan si bareer  iyo sharci darro ah ugu rabaa in uu u  baabi’iyo sharcigii badda somaliyeed. ( http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf - Law N.37) oo ka diwaan gashan UN. 

Ma aha wax jira mana jirto  meel u ka diwaan gashan yahay sharciga law 1988  ee madaxweyne Xasan ku salaynayaa khudbadiisa asagoo oranaya ( I am happy to announce that we have an existing 1988 Law that puts us fully in compliancewith the UNCLOS Treaty we signed in 1982 and was ratified by the former SomaliGovernment in February 1989) –Sharcigaan uu sheegay taariikh kaliya ayuu inoo sheegay ee lambar ma lahan sida  - Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972   oo ka diinwaangashan Qaramada Midoobay (National legislation - DOALOS/OLA - United Nations ).

Taas waxaa kasii daran in annagoo KMG ka baxnay oo Dowlad rasmi ah noqonnay, in wali aay na daba socoto khayaanadii KAMPALA  ACCORD,  Madaxweyne Xassan waxuu yiri :- (We have now done this again through the Kampala Process). (Aqri qudbaddiis )- http://swatsecuritysystems.com/info/3961/SPEECH-BY-THE-PRESIDENT-OF-SOMALIA-TO-THE-CONTACT-GROUP-FOR-PIRACY-OFF-THE-COAST-OF-SOMALIA-%E2%80%93-1st-MAY-2013-NEW-YORK

Waxaa muuqata in Madaxweyne  Xassan u danta Soomaaiyeed ka doorbiday oo uu u janjeersaday midda dowlado  iyo shirkado shisheeye oo  si NAXARIIS DARRO AH  ugu hawlan in aay boobaan dalka Soomaaliya ayagoo ismoogeysiinaya sharciyadii  qaranka  Soomaaliyeed ama sharciyadii caalamiga ahaa sida LAW no. 37.

Tillabadan  Madaxweyne Xassan uu qaaday waxay si cad u muujinaysaa in uu  ku hawlan yahay hawshii somali oo idil  iyo barlamaankeedu-ba horay uga diideen Abdirahman Abdishakuur iyo dowladdii u ka midka ahaa.

Ka bixitaankii ku meel gaarnimada mirihiisii ugu horreyey waxaay noqdeen in loo  adeegsado u hibeynta dhulbadeedkii Somaliyeed dowlado iyo shirkado qalaad. 

Waxaa soomaaliyi wada ogsoon tahay in Dowladahan qalaad iyo shirakadahooduba  aay  muddo dheer ugaarsanayeen cid kasta ee mas’uuliyad qaran qabata si aay mar un shaabad tuugeysi ah oo ay ku xalaalaystaan qaybo ka mid ah dhulbadeedka Soomaaliyeed  u helaan.  Waxaa sir la wada ogsoon yahay ah in aay jiraan Rag xilal waaweyn kasoo qabtay Muddadii KMG oo si toos ah ugu adeegayay Norway, Kenya iyo France si ay shaabad boob-ku- xalaalaysi ah ee  dhulbadeedka Soomaaliyeed  u helaan.

Waxaa hubaal ah, haddaan soomaaliyi maanta hurdada degdeg uga kicin, in shuftadaasi aay maal fara badan qeybindoonaan (LAALUUSH) siidii aay uguhirgasho  boobka lala damacsanyahay  dhulbadeedka Soomaaliyeed oo la rabo in lagu soo koobo 12nm.

Ma jiraan haba yaraatee wax an ahayn danaha shuftada oo Madaxweyne Xasan ku khasbay in uu la soo boodo in badda soomaaliyeed ku koobantahay 12nm oo kali ah.

Maadaama arrintan aay soo noqnoqoneysay laga soo  billaabo 2009 oo walina ay dokumentigii  iyo qaylodhaantii  laga helayo websiteyada,  waxaan ku soo koobayaa qoraalkan in  si mutawaadic-nimo leh aan uga codsado :-

  • Xubnaha barlamaanka  in aay  mariyaan arrintan,  marinkii aay  mariyeen barlamaankii hore,  loogana digo cid kasta in dib  lo soo qaado arrinta dhulbadeedka soomaaliyeed  ilaa Soomaaliya aay  si buuxda u dagto oo taladu gacanteeda  ku soo noqoto.
  •  Barlamaanka  Soomaaliyeedna  waa in uusan aalad u noqon kala dhantaalka dhulka somaliyeed.
  • Barlamaanku waa in u hor istaago dhaxalwareejinta dhulbadeedka  somaliyeed. 
  • Shacbiga Soomaaliyeed  oo idili waa in aay u istaagaan   ilaalinta midnimada  iyo ka hortagga boobka lagu hayo dhulbadeedka Soomaaliyeed iyo kheyraadka ku jira..  
  • Waxgaradka, Culamaa’udiinka iyo Aqoonyahannada  Soomaaliyeed  waa in ay ka gudbaan caadifadaha iyo khilaafaadka yaryar oo arrintan u arkaan, sida aay  mudan tahay, oo ah QADYAD QARAN si midaysanna aay ugu hawlgalaan.

(Waxaan xasuusinaya somalida oo idil hadal u yiri Menahem begin oo horjooge ahaa markii falastiniyiinta si argagixnimo ah looga barakinayay dalkoodii , markii dambana laftigiisii ra’iisulwasaare ka noqda Israel. Ninkaasii  markii  la waydiiyey sidii wax u dhaceen waxuu yiri:-   (Dad dhul lahayn, ayaa helay dhul an dad lahayn).

Waxay hadda  u egtahay sidaas oo kale in dhul an dad lahayn, ay dad dhul iyo khayraadka ku jiraa doonayaa ay qaadanayaan.

Prof.  Cabdi Faarax Xasan  (suubiye22@hotmail.com)
Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

  • Qoraalkii hore ee Prof. Cabdi Faarax Xasan, Guddomiyihii Jamacadda Ummada Soomaaliyeed: Dadka Soomaliyeed waa in ay wada jir uga hortagaan heshiiska Lagu Bililaqaysanayo dalka Soomaaliyeed http://somalitalk.com/2009/may/13/badda16.html

Faafin: SomaliTalk.com |  May 16, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: