SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Prof. C/Weli Gaas maka Jawaabi doonaa hadalkii Maadaxweynaha Soomaaliya ee ahaa "in badda Soomaaliya Territorial Waters kusoo kooban tahay 12 mayl"

October 1, 2011 ayey ahayd mar uu TV-ga SomaliChannel waraysi la yeeshay Ra’iisul Wasaarahii hore ee Dawladii KMG ahayd Prof. C/weli Gaas, oo wax laga weydiiyey xeerka Law No. 37 ee badda Soomaaliyeed oo dhigaya in Somalia Territorial Waters-keeda yahay 200 mayl-badeed iyo in la doonayo in lagu soo koobayo 12 mayl-badeed.

Prof. C/weli Gaas oo markaas aad ugu caraysnaa SomaliTalk ayaa ku jawaabay “yaa sidaas sheegay”.  Wuxuuna hadalka ku adkeeyey “Territorial Waters-keenu waa 200 nautical miles, cid kastaana waa ogtahay, Law no. 37 cid bedeshay ma jirto, ma jirto cid 12 miles ku soo koobeysa baddeena.”

Ufiirso halkaas, prof. C/weli Gaas waxa uu yiri “Territorial Waters-keenu waa 200 nautical miles, cid kastaana waa ogtahay, Law no. 37 cid bedeshay ma jirto, ma jirto cid 12 miles ku soo koobeysa baddeena.”

Waxaa xusid mudan in prof. Gaas uu ka mid ahaa madaxdii u ololaynayey in la hirgeliyo qadiyadii ay wadatay Kenya, una ololaynayey Roadmapka in lagu daro waxa ay ugu yeereen EEZ oo looga dan lahaa in la soo koobo badda Soomaaliya, in kasta oo markii dambe Roadmapkii ay Golahii wasiiradu ka saareen EEZ-ka.

Halkaas waxaa ka cad in xitaa madaxdii DFKMG ee u ololaynayey qadiyadda ay wadatay Kenya ay ogaayeen in Soomaaliya leedahay xeer badeed (Law 37). (Hoos ka akhri emailkii SomaliTalk u dirtay prof. Gaas xilligii uu u ololaynayey qadiyadda Kenya).

Taas oo jirta ayaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Xasan oo Arbaca May 1, 2013 Video kula hadlayey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-badeeda ee ku sugan New York, waxana uu noqday madaxweynahii ugu horeeyey taariikhda Soomaaliya oo sheega in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) ku kooban yahay 12 mayl. Weliba sidaas wuxuu ku qoray warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Somalia. (Qoraalkaas oo markii ay SomaliTalk daabacday ay Akhristeen in ka badan 15-kun oo qof halkan ka eeg).

Haddaba shacabka Soomaaliyeed waxay ka filayaan Prof. Gaas in uu jawaab ka bixiyo hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya, maadaama hadalkaas (madaxweynuhu) ka hor imanayo sida uu dhigayo sharciga badda Soomaaliya Law No. 37, prof. Gaasna hore u sheeegay in aysan jirin cid bedeleysa oo kusoo koobeysa 12 mayl.

  • FG. Xilligaas SomaliTalk waxay emailka hoose u dirtay Prof. Gaas iyo madaxdii kale ee Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, taas oo SomaliTalk kaga jawaabaysey hadal uu xilligaas jeediyey Prof. Gaas, su'aalona aan weydiinay - hoos ka akhri:

Ku: Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Og: Madaxweynaha DFKMG
Og: Guddoomiyaha Baarlamaanka
Og: Safaarada Soomaalida ee UN
Og: Safaarada Soomaalida ee Nairobi
Og: Afhayeenka Xukuumadda FKMG
Og: Xildhibaan Prof. Dalxa

Ka: Maamulka Website-ka SomaliTalk.com
Email: ********@gmail.com
Taariikh: October 8, 2011

Asalaamu Calaykum Waraxmatu-Laahi:

Jawaab: Hadalkii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku aaddanaa SomaliTalk.com

  • Ugu horayn, arrinta hadda inaga dhexaysa (shacab iyo xukuumad KMG) waa arrin la xiriirta Qaranka Soomaaliyeed, qaran-kaas oo aad xilligan ka tahay Ra’iisul Wasaare KMG, xaqna laguugu leeyahay in wax lagaa weydiiyo.

Mr. Prime Minister; Waxaad caawa (October 8, 2011) idaacadda Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC) u sheegtay in SomaliTalk ku been abuuratay Saxiixaaga, islamarkaasna aad muujisay in qoraalka saxiixaas loo tiiriyey lagugu been abuurtay.

Arrintaasi sax ma aha, cadaynteedana waa kaa sugeynaa. Waxaana kuu cadaynaynaa in saxiixaaga qoraalka aan u tiirinay ee daabacnay uu yahay Roadmap-kii ka soo baxay shirkii Wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay 4-6 September 2011.

Warqadda Rasmiga ah ee ku saxiixan magacaaga waatan: http://somalitalkradio.com/2011/sept/roodmad_1_3.pdf
Waakan Lini kale: http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac19.html  


Eeg Page 1-3 Signed (Read Here) ALSO Page 4-12 (Read Here) AMA qoraalka oo dhan ka akhri Halkan.
Su’aasha u baahan in shacabka Soomaaliyeed loo caddeeyo waxay tahay, qoraalka Roadmap-ka miyaadan saxiixin adiga oo ah ra’iisul wasaaraha DFKMG, 6 September 2011?

Haddii jawaabtu haa tahay: Waa maxay marka arrinta lagaaga been abuurtay? Haddiise jawaabtu maya tahay, oo aadan saxiixin waraaqaha Roadmap-ka, waa in aad arrintaas u cadaysid shacabka Soomaaliyeed, anaguna markaas ayaan qoraalka sidaas ku cadayn doonaa.

Tan kale, inkasta oo arrinta xadaynta badda uu Baarlamaanka FKMG ah maanta (Oct 8, 2011) soo afjaray - waraysigaaga markii la baahiyeyna ay ka dambeysey go’aankii baarlamaanka - haddana waxaa muhiim ah in aan cadayno in arrinta badda aan laba jeer kala soo xiriirnay xafiiskaaga. Taariikhdu markay ahayd September 16, 2011 ayaan xafiiskaaga la soo xiriirnay, annagoo weydiiney sababta ku kallifaysa xukuumaddaada in ay Roadmap-ka ku soo darto qodobka ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqo (EEZ declared by 19 December 2011).

Jawaab markii aan ka weyney ayaan markale 24-kii September 2011 waxaan la soo xiriirnay xafiiskaaga (Ra’iisul Wasaaraha DFKMG), anagoo emailkaas koobigeeda isla markaas u dirnay Madaxweynaha DFKMG, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Safaarada Soomaalida ee UN, Safaarada Soomaalida ee Nairobi, Afhayeenka Xukuumadda FKMG, Xildhibaan Prof. Dalxa. Wax jawaab ah kama helin qoraalkaas dambena.

Su’aal kale oo halkaas ku jirta waxay tahay: Haddii aad qirto in aad saxiixday Roadmap-ka, oo uu ku jiro qodobka khuseeya badda (EEZ declared by 19 December 2011), islamarkaasna uu baarlamaanku Oct 8, 2011 u codeeeyey in aan arrimaha badda xukuumadda FKMG ka hadli karin, markaas qodobkaas khuseey badda maka saareysaan Roadmap-ka?

Yaa yiri EEZ iyo 12 mayl-badeed oo Territorial Waters ah

October 1, 2011 mar uu TV-ga SomaliChannel waraysi kula yeeshay (Ra’iisul Wasaaraha) oo wax kaa weydiiyey badda Soomaaliya Territorial Waters-keeda in lagu soo koobayo 12 mayl-badeed, jawaabtaadii waxaa ka mid ahayd “yaa sidaas sheegay”. Isla markaas adigoo SomaliTalk eedaynaya. Waxaa kale oo aad hadal-kaaga raacisay “Territorial Waters-keenu waa 200 nautical miles, cid kastaana waa ogtahay, Law no. 37 cid bedeshay ma jirto, ma jirto cid 12 miles ku soo koobeysa baddeena.”

Waxaan filayaa in aad qirsan tahay afhayeenka xukuumaddaada, oo lataliyaha kuu ah, jawaabaha uu bixiyo in ay yihiin mid uu ku hadlaayo afka xukuumaddaada. Haddaba September 24, 2011 mar muwaadin Soomaaliyeed su’aalo iyo talooyin u soo jeediyey xafiiskaaga ayaa Cabdirahman Cumar Cusman (Eng. Yarisow) – oo qoraalka jawaabta ahaa ku saxiixay Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia & Spokesperson of the Government - jawaabtii uu bixiyey waxaa ka mid ahaa:

“Dowladda waxaa ka go'an inay ka shaqeyso sidii loo soo dhicin lahaa xaqa Somalia. Arrinka EEZ weligeyd muran kuma jirin oo documentiga ay Dowladdu gudbisay waxaa ku qeexan in EEZ aan leenahay uu yahay 200 Neutical miles…. … … Waxaan kaloo ogahay in 1989 ay dowladdii Siyaad barre saxiixday territorial water oo sida caalamka uu qabo waddan walba uu leeyahay 12 neutical miles… “ Sidaas waxaa jawaab ku qoray Eng. Yarisow.

Marka, Mr. Prime Minister, sow xafiiskaagu ma dhehin 12 nautical miles oo Territorial waters ah? Sow xafiiskaagu kama hadlin EEZ oo ah 200 mayl-badeed, halka adigu aad ka hadleysey 200 mayl-badeed oo Territorial Waters ah – waadna fahamsan tahay in farqi aad iyo aad u weyn u dhaxeeyo labadaas arrimood ee EEZ (Xafiiskaaga) iyo Territorial Waters (adiga Prime Minister). Ogowna xafiiskaaga ayaa hadalka hor yiri’e.

Waxaan fileynaa labada arrimood ee aad ka hadashay (Saxiixaga iyo 12 miles) in aan jawaabteeda ku tilmaanay qormada sare. Waxaadna tahay masuul Soomaaliyeed oo hadal ka qormayo, taariikh ka qormeyso, sidaas daraadeed waxaan adiga iyo xafiiskaaga weydiisanaynaa cadaynta eedaymahaaga.

Tan kale:
Xukuumadda FKMG ma ka hor istaagi doontaa Kenya sahaminta ay ka waddo gudaha Badda Soomaaliya,

Mr. Prime Minister, Sida aad la socon kartid, waxaa 21-kii September 2011 warbaahinta loo sheegay in shirkadda TOTAL (ee laga leeyahay dalka Faransiiska) ay iibsaneyso saamiga boqolkiiba 40% shidaal ka qodista 5 aag (Blocks) oo kala ah Block L5, L7, L11a, L11b iyo L12. Heshiiskaas waxaa shirkadda Total la gashay shirkado hore saamiyo aaggaas ugu lahaa iyo dawladda Kenya, waxaana la kala saxiixday 19-kii September 2011, maalin kaddib 20-kii September 2011 ayaa loo gudbiyey Wasaaradda Tamarka ee Kenya si heshiiskaas loo ansixiyo, taas oo in la ansixiyey saxaafadda loo sheegay 6-dii October 2011.

Shirkad kamid ah shirkadaha saamiga ku leh waxay sheegtay in sannadkan 2011 ay sahaminta shidaalka aaggaas u qoondaysay US$6 million. Waxaana warbaahinta loo sheegay aaggaas laga sameeyey 2D Seismic iyo in dhawaan ay soo gabagaboobeyso in qaar kamid ah aaggaas lagu sameeyo 3D Seismic. Waxaana markaas qorshaysan in ceelka koowaad laga qodo 2012.

Mr. Prime Minister, BLOCK-yadaas waxaa kamid ah BLOCK L5 oo gudaha u soo galay Dhul-Badeedka Jamhuriyadda Somaliya, gaar ahaan waa meel qiyaastii 150 km gudaha ugu jirta xuduudka Soomaaliya ee dhanka Koonfur kaga aadan Kismaayo, aagga Raas Kambooni.

Waxaa xusud mudan khariidadaha ay faafiyeen warbaahintu in ay muujinayaan qaabka Block L5 ay Kenya ugu soo xad gudbeyso in uu u sawiran yahay muuqaal la mid ah sida ku sawirnaa heshiiskii MoU.

Haddaba, maadaama baarlamaanka Soomaaliya uu October 8, 2011 soo saaray xeer iska hor taagaya cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulbadeedka Soomaaliya, markaas xukuumadda FKMG waxaan weydiineynaa in ay Kenya iska hortaagi doonto xadgudubka ay kula kacayso qarannimada dhulka Soomaaliyeed? Xukuumaddaado si rasmi ah Kenya ma uga dalbanaysaa in ay bedesho khariidadaha ay sida khaldan ugu caalaamadsanayso Block L5?

Mr. Prime Minister; Qormadan iyo jawaabta aad ka bixisid (ama jawaab la’aanteeda), waxaan ugu talo galay akhristayaasha SomaliTalk.com in ay arkaan in aan xaqiiqo doon nahay.

Waad ku mahadsan tihiin waqtiga aad ku akhrideen qormadan.

cc: bbc

FG: Oct 8, 2011 ayaa SomaliTalk emailkaas waxay u dirtay prof. Gaas (ra'iisul wasaarahii DFKMG ahayd) iyo madaxdii kale ee Dawladii KMG ahayd. Wax jawaab ah kama aysan bixin qoraalkaasi markii uu gaaray.
 

Faafin: SomaliTalk.com |  May 11, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: