SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUDIO

Codad iyo Video Ku Saabsan Heshiiska Is-Afgarad ee Ku Saabsan Badda ee Dhex maray DFKMG iyo Kenya....

April 5, 2009: DFKMG oo Sheegtay in aysan Kenya la saxiixan Heshiis Is-Faham :

April 7, 2009: Warbixin Kooban ee Yuusuf Garaad uu kaga hadlay heshiiska la saxiixay...

April 7, 2009: BBC oo hesiiska ka waraysatay: Wasiirkii Heshiiska la saxiixay Kenya, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Muuse Nuur Amiin iyo C/raxmaan Jaamac Kulmiye..

April 8, 2009: Xildhibaan Geelle Maxamed Aadan oo DFKMG ugu Baaqay in ay ka Laabato Heshiiskii Xadaynta Badda ee ay la gashay Kenya...

April 8, 2009: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu yiri: Waa jirtaa in annaga iyo Kenya aan isku hayno xuduudka biyaha hoose, oo aannu guddi u saari doono haddii Ilaahay yiraahdo., laguna kala bixi doono maxkamadaha adduunka.

April 8, 2009: Suldaan Siciid Cartan "Kenya waa doonaysay meeshaas wax badan ayay doonaysay laakiin cid ay kula dhacdo ayay waydey oo wax ka qaadato.."

April 9, 2009: Faarax Macallin, Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, oo Shaaca Ka Qaaday in Heshiiska Dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya La Saxiixay Dhawr Toddobaad Ka Hor...

April 10, 2009: Dood dheer oo ay ka qayb qaateen madax ka tirsan DFKMG iyo khubaro oo looga dooday heshiiska Kenya iyo Soomaaliya - Dooda waxaa ka qayb qaatay (C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi, Maxamed Cumar Dalxa iyo Caydiid Ilka-Xanaf, )

April 11, 2009: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa yiri: "Qofka marka uu heshiiska akhriyo oo fahmo markaas waa wada hadli karraa qofkii..... Wax xuduud bad ku saabsan oo aanaga iyo Kenya aan wada gallay ma jirto.

April 19, 2009: Wasiirka Jaaliyadaha ee DFKMG, C/laahi Axmed Cabdulle (Azhar)  oo la yaab ku tilmaamay Heshiiskii Badda ee Soomaaliya la gashay Kenya, sheegayna in uu aad uga xunyahay, kana soo horjeedo...

April 24, 2009: Sheikh Shariif madaxweynaha DFKMG ayaa yiri: Heshiis lama dhehi karo laakiin is-fahamkaasi waxa uu ahaa is-faham horudhac u ah in DHULKA MAQAN EE SOOMAALIYEED la raadiyo...

April 26, 2009: Madaxweynaha DGPL Dr. C/raxmaan Faroole: Cidna Xaq uma leh in ay Dalka Soomaaliyeed Qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo..

April 26, 2009: Barnaamij Idaacadda Codka Beesha Toronto ka diyaarisay Badaha Soomaaliya iyo wixii ay ka yiraahdeen madaxdii hore ee Soomaaliya..

April 28, 2009: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Wasiirkii Is fahamka Saxiixay oo Qiray in Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed...

April 29, 2009: Xubin reer Norway oo ka qayb qaatay Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya oo arrintaas ka hadlay.

April 29, 2009: Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo difaacay Badda Soomaaliya.

May 2, 2009: Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo difaacayay is-Afgaradkii Nairobi ayaa yiri "Cid halkaan dawladda ka tirsan oo u taagan in Soomaaliya TAAKO dhulkeeda laga tanaasulo ma jirto, kulli waxaa loo socdaa dadaal in aan waxba dhumin."

May 4, 2009: Hadalladii Kala duwanaa ee Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamanka Soomaliya Prof: Maxamed Cumar Dalax ka yiri Heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray DFKMG & Kenya:

May 9, 2009: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda FKMG Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri: Marka qodobku waxa weeye Kontoraad lama saxiixin, heshiisna lama gelin, ee Memorandum of Understanding waxa la yiraado qoraalka taas ah ayaa la isku saxiixay..

May 13, 2009: Xoghayaha Guddiga Xadaynta Badaha, Hariharan Pakshi Rajan, ayaa la waydiiyay in ay jiraan wax hubin ah oo horyaal dalalka danta ka leh batroolka sida Norway oo ka faa'iidaya caawinaadda ay siinayaan gudbinta (cabirka badda) ee dalalka faqiirka ah sida Soomaaliya.

May 17, 2009: Dr. Cabdicasiis Sheikh Yuusuf oo Ka mid ahaa Golahii Wasiirada ee Xukuumadii C/Laahi Yuusuf ayaa sheegay in Kenya ay 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay la bilaabaan wada hadal ku saabsan sheegasho qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.... Taasi xilligaas uma hirgalin...

May 27, 2009: Wasiirka Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Prof. Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi "Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa,"

May 29, 2009: Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....

May 29, 2009: "Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in xildhibaanno ay mooshin ka keeneen in laga hadlo is af garadkii dhawaan dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya" waraysi uu siiyey Yuusuf Garaad....

June 3, 2009: Admiral Faarax Qare oo Sheegay in Bedka Badda Soomaaliya yahay 2,000,000 km2, Xuduudda Baddeenuna ay Caddahay....

June 7, 2009: Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Sh. Aaden Madoobe ayaa sheegay in Ajandaha koowaad (ee marka baarlamaanku furmo) laga doodi doono in uu noqon doono (heshiiska dhex maray Kenya iyo Soomaaliya)

June 9, 2009: Sh. Aaden Madoobe ayaa yiri: Waxaa la iclaamin doonaa maalinta shirka ugu horeeya la qaban doono maadaama mooshin uu u yaalo baarlamaanka, oo ku saabsan arimahii HESHIISKII XADAYNTA BADDA ee Soomaaliya iyo Kenya xukuumadahooda saxiixii ay soo kala qaateen oo ay ku soo heshiiyeen, heshiiskaasna waxa uu hor yaalaa Baarlamaanka...

June 10, 2009: Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka DFKMG Maxamed Cumar Dalxa ayaa Sheegay in Arrinta Badda uu Baarlamaanku ka soo saari doono Go'aan Shacabku ku Qanci karaan marka uu shir yeesho (June 15, 2009)...

June 13, 2009: Sh. C/Qaadir Nuur Faarax: Baarlamaanka Waxaa la gudboon in uu Go'aan kii hore ka duwan ka qaato arrinta ku saabsan heshiiska badda.. Waraysi...

June 15, 2009: Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG ah, Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in kulanki baarlamaanka ee looga doodi lahaa heshiiska badda in uu u baaqday Koronto la'aan..

June 16, 2009: Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Aaden Madoobe, ayaa shaaca ka qaaday in xaruntii baarlmaanka loo wareejiyey Xarunta Gobolka Banaadir.

June 18, 2009: Safiirka DFKMG u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Americo oo Ibraahim Daauud (SomaliTalk) weydiiyay waxa ay safaaradu kala socoto heshiiska is faham ayaa yiri: "Arintaasi waxa uu ahaa is-afgarad MOU.. Aniga sharci yaqaan ma ahi oo deeply (si qoto dheer) uma geli karo, laakiin sida aan ka arkay dawladda Kenya dhul ama bad Soomaaliyeed oo ay la wareegtay ama ay dhahday waa qaadanaynaa oo dawladdu u saxiixday ma arkin."

June 20, 2009: Guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG Sheikh Aaden Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanku u furmi waayey arrimo ammaan dartood, sidaas waxa uu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku dalbaday in ciidamo shisheeye oo ay ku jirto Itoobiya iyo Kenya ay soo galaan Soomaaliya

Dhegeyso: Muhimadda uu leeyahay dhulka dalka Soomaaliya oo Dr.Saadiq Eenow ka jeediyey Nadwo Cilmiyeed la qabtay April 2009.
Dhegeyso 
Halkan ama Halkan

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: June 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo

Danan Radio oo Waraystay Xasan Dhooye: Baarlamaanka DFKMG wax kamajiraan haka dhigeen is afgaradka lagu qaadanayo badda Dhegeyso | Soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version