June 5, 2007
Ciiddanka DFKMG Soomaaliya oo laba askeri looga
dilay gudaha suuqa weyn ee bakaarha Isniintii...
Ammaanka suuqa weyn ee bakaaraha ayaa khalkhal galay Isniintii ka dib markii
suuqaasi lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlada FKMG oo labisan
isla markaana hubeysnaa kana tirsanaa Ciiddanka Boliska ee DFKMGS.
Dhimashada labadaan askeri ayaa ka danbeysay Iska horimaadka aan sidaa u weyneyn
oo si kedis ah ku dhexmaray dablay hubeysan iyo qaar ka tirsan ciidanka , sidoo
kale warar kale ayaa sheegaya inay Dabley hubeysan iyo Ciiddamo ka tirsan
Boliska oo hawl Ammaan-sugidda ah ku joogay Bosteejadda Baabuurta Kismaayo oo ku
taalla bartamaha Suuqa Bakaaraha.
Warar aanu ka helay dad goobjogayaal ah ayaa waxay sheegayaan inay koox aad u
hubeysan oo aan haybtooda la garaneynin ay tacshiirad ku fureen Ciiddanka
Boliska, oo ay is-difaac galay, waxayna is-rasaasayntaasi socotay dhowr daqiiqo
ku geeriyooday labo Askari iyo 4 qof oo shacab ah, dhaawacune waa tiro intaa ka
badan, dadkaan ayaa ahaa kuwo aan wax lug ah ku lahayn shaqaaqadaasi.
Arintaan ayaa ah mid ku soo noqnoqotey gudaha suqa bakaaraha oo an horey looga
baran iska hor imaadyada hubeysan una ahaa meel ay ka caagan yihiin
malleshiyaadka aan heybtooda la garanaynin oo hubeysan balse kooxahaan ayaa
caadeystey in ay si gaadmo ah ku khaarijiyaan xubnaha cidanka boliska ee ka
tirsan kuwa DFKMG isla markaana ka howgalaya suqa bakaaraha iyaga oo qaarkoodna
ay bilaabeen arimo la xiriira Canshuur-ururinta iyo Ammaan Sugidda taas oo ay ka
wadaan Suuqa Bakaaraha.
Gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar
Xabeed ( Maxamed Dhere ) ayaa maanta warsaxaafaded ka soo sarey xafiskisa
magaalada muqdisgo .
warsaxafadeed
Maxamed Dheere wuxu warsaxafadeedkiisa kaga hadlay qaraxii ismidaaminta ahaa ee
lala beegsaday guriga raisal wasaare geedi iyo khasaarihi uu geystey oo lahaa
dhimasho iyo dhaawac .
Maxamed Dheere wuxu warsaxaafadeedkiisa ku sheegey in qaraxaasi ismidaaminta ah
ay ku nafwaayeen ilaa 7 ruux oo ka mid ahaa ilaalada gaarka u ah raisal
wasaaraha iyo 3 rux oo rayid ah gudoomiyaha gobolku wuxuu kale oo uu ka waramay
qaraxyadaan iska soo daba laabanaya in ay ka danbeeyaan wuxu ugu yeeray
argagixiso caalami ah ee hos taga urur weynaha al qacida qeybteeda somaliya
wuxuna sheegay in koxahaan ay baabi.iyen xubno boolis ah mas.ulliyin iyo dad
rayid ah kuwaas oo u shaqeynayey dalkoda iyo dadkoda iyaga oo mararka qaarkood
ku andacooda kooxahaasi in ay yihin qabiil isdifaacaya balse sida muqata waa
kuwo halis ku ah gud aha beesha calamka gaar ahaana dalka somaliya
"waxaa marqaati ma doonto ah in koxahani ay ka heystaan taageero dowlado iyo
hay.ado gacan ka siiya howlahaan argagixisada ah si ay u dhibaateeyaan dadka iyo
dalka somaliyeed " ayuu yiri Maxed Cumar xabeed oo mar kale ku cleiyey in
qaraxyadaan ay ka danbeeyaan odoyaasha beelaha hawiye oo uu sheegay in ay horey
u cadeyeen in ay iyagu dagaalamayaan wuxuna sheegay in maamulkisu isha ku haayoi
goor ay noqotaba sharciga in la horgeyn doono waxana jira ayuu yiri kooxahaani
in sababta ay wax u qarxinaya ay tahay in aanu qabsoomin shirka dib u
heshiisinta wuxuna meesha ka saaray in shirka u qabsoomi dono xiliga logu tala
galay nabad gelyadane ay sugi doonaan
Maxamed cumar xabeed ( Maxamed Dheere ) ayaa ku cel cleiyey in gudoomiyayaasha
degmooyinka maamihi la soo dhaafay la ugaarsanayey isla markaana uu faray in
gudoomiye kastahu uu sameystaa laba ilaaliye oo boolis ah oo uu saldhiga
degmadiisa ka xulanayo gudoomiyihi aan sidaa yeeline dhibaatadii soo gaarta
isaga ayaa mas.ul ka noqonaya ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaa si raaciyey in
kooxaha ku qaraabta iyaga oo labisan dareeska ciidamada uu maamulkiisu talaabo
ka qaaday taasine ay dhamaatay xiligan wuxuuna dhinaca kale shegay in koxaha
haatan wax qarxiya ay awoodoodu ku so hartay oo keliye in ay bamboyin gacanta ka
turaan isla markaana ay bustoolado ku so qorsadan maro ka hos taas sida ugu
dhaqsiyahay badan u sooafjarmi doonto
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SOO…
Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horseedka ka yahay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed
dheere) ayaa wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa, sumadeeduna tahay
DHM/SSDM/794/077 kuna taarikheysneyd 30/05/07 waxa uu ku mamnuucay in kaddib
markii uu arkay dhibaatada ay aloosaan burcadda caadeysatay in shacbiga
Soomaaliyeed khal-khal iyo nabad gelyo xumo joogto ah, kaddib markii uu arkay
nidaam darrida gaadiidka la dhigayo jidadka hareerahooda taasoo ka dhalan karta
nabad gelyo xumo, markuu arkay gaari gacano, mootooyin iyo qalab kale oo la soo
saaro waxyaa-baha qarxa isla markaana la dhigayo jidadka hareerahooda, markuu
tixgeliyay soo jeedinta hay’adaha nabad gelyada gobolka Banaadir, isla markaana
uu eegay xaaladda adag ee dalku marayo waxaa la go’aamiyay in laga bilaabo
30/5/07 la mamnuucay inaan la dhigi karin jidadka hareerahooda baabuur, gaari
gacano, mootooyin iwm, iyadoo aanay cidi la joogin, ciddii arrintaasi fulin
waydana waxay u bareertay nabad gelyo xumo, waxaana la horgeyn doonaa sharciga.
Sidoo kale wareegto taa la mid ah oo sumadeedu tahay WXX/XW/157/007 ee 28/05/07
ujeedadeeduna tahay dhulka xadiiqada xoolaha (Zoo) kana soo baxday xafiiska
wasiirka Xanaanada xoolaha, sidoo kale iyadoo la tixgelinayo baahida weyn ee loo
qabo in la helo dhul baaxad weyn leh oo ku yaalla gobolka Banaadir sida dhulka
ugaarta ee degmada Dharkeynley ee ay lahaan jirtay WXX baahi jirto awgeed waxaa
loola wareegay dan guud.
Sidoo kale wareegtada sedexaad ayaa lagu wargeliyay dhamaan guddoomiyaasha
degmooyinka Gobolka Banaadir in dhowaan la dhameystiri doono dhismaha maamulka
Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo horey loo dhameystiray dhismaha heer
laameed, waxaana haatan la gudo galayaa dhismaha heer tabeello ee degmooyinkaas,
waxaana la faray guddoomiyaasha degmooyinka inay u diyaar garoobaan arrintaas.
WASIIR KU XIGEENKA DHALINYARADA IYO
Xaflad ballaaran oo ay ka qeyb galeen wasiir ku xigeenka dhallinyarada iyo
isboortiga Axmed Ciise Awaare, xiriirada kala geddisan ee isboortiga dalka iyo
maamulaha machadka Olympic fitness centre iyo madax ka tirsan Guddiga shirkadda
Telecom ayaa shalay lagu qabtay Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.
Xafladdan oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu abaal
mariyay ama la guddoonsiiyay koob sanadkiiba mar la guddoonsiiyo shaqsiyaadkii
loo arko inuu kaalin mug leh ka qaatay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed ayaa
waxaa sanadkan nasiib u yeeshay in la guddoonsiiyo ayna guddoonsiiyaan
masuuliyiinta wasaaradda Isboortiga iyo dhallniyarada maamulaha xarumaha Olympic
Fitness centre Md. C/laahi Axmed Colow.
Munaasabaddan oo uu hadal gaaban ka jeediyay wasiir ku xigeenka isboortiga Axmed
Ciise Awaare ayaa ku amaanay dadaalka hagar la’aanta ah ee uu muujiyay Colow
wuxuuna sheegay in taasi ay keentay in lagu abaal mariyo koobka sanadlaha ah ee
sanad kasta la guddoonsiiyo shaqsiyaad gaar ah.
C/laahi Axmed Colow oo guddoonsiinta koobkaas kaddib hadal gaaban ka jeediyay
munaasabaddaas ayaa sheegay in uu yahay nin kaalin weyn ka soo qaatay
horumarinta isboortiga isla markaana iyadoo lagu jiro xilli adag uu sameeyay
machadyo jimicsi oo ay ka faa’ideysteen dad fara badan oo markii hore ulo ku
kutubayay basle markii dambe markii ay muddo qaateen jimicsi ay ulihii iska
tuureen taasoo keentay in inay ku soo xirmaan dad badan xarumaha machadka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay in horumarinta isbortiga uu si weyn
taakuleyn uga qaatay xilli uu dalka ku jiro xaalad adag, haatanna uu diyaar u
yahay inu u sii labalaabo inta uu nool yahay.
Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed C/qaadir Gacal Abkow iyo Md.
Tarabbi oo iyaguna munaasabaddaa ka hadlay ayaa sheegay in C/laahi Axmed Colow
(Goerge) uu yahay halyey Soomaaliyeed oo isboortiga Soomaaliyeed dartiis isagoo
ku nool qurbaha dalkiisa hooyo uga doorbiday si uu heer u gaarsiiyo taasina uu
ku amaanan yahay, maantaan fursaddan loo gartay in lagu guddoonsiiyo abaal
marintan oo loo arko inay tahay mid adduunka ku weyn oo sanad kastaba la
guddoonsiiyo shaqsiyaadka hormuudka ka ah hormarinta isboortiga.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666/ 002521653623
June 4, 2007
- Jariidada Telepraph oo Qoraal ka qortay
Dhacdadii Baargaal
- Qarax Xalay ka Dhacay Wersheddii
Caanada ee Muqdisho
- Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay
Xeebaha Soomaaliya
- Daahir Riyaale oo Itoobiyaanku Ku
Baareen Hargeysa intii uusan u Dhoofin Itoobiya...
USA: Gabar Soomaaliyeed oo loo Xukumay
$288,000 doolar kaddib markii shaqada looga eryey Khimaarka..
Phoenix, USA: Xaakim ka tirsan dawladda
dhexe ee Maraykanka ayaa shirkadda gawaarida kiraysa ee Alamo ku xakumay in
ay gabar Muslimad ah siiso lacag dhan 288,000 oo doolar kaddib markii
shirkaddaasi ay gabadhaas shaqada kaga eridey khimaar ay xirnayd oo ay
diidey in ay iska dhigto.
Gabadhaas oo magaceeda la yiraahdo Bilan
Nur oo 22-jir ah waxaa shaqada laga eryey afar bilood ka dib Sept 11, 2001.
Bilan Nur waxay dalka Maraykanka timid
sannadkii 1998 xilligaas oo ay ka soo carartay dagaalkii halakeeyey
Soomaaliya, waxaana shirkadda Alamo xafiiskeedka Phoenix ay shaqao siiyeen
bishii November 1999, shaqadeeda si wanaagsan in ay u qabsaneysey ayaana
warku sheegay. Waxaana 2001 loo diidey in ay khimaar ku xirato shaqada,
sidaasna shaqadii looga eryey, dacwadiina hadda ku dhamaatay in loo xukumay
$288,000. Xaakimkuna waxa uu sheegay in gabadhaas diinteeda lagu faquuqay
sidaasna shirkaddaas loogu xukumay in ay lacagtaas bixiso.
Jariidada Telepraph oo Qoraal ka qortay
Dhacdadii Baargaal
"Several
witnesses including expatriate aid workers have claimed that earlier
'evidence' pointing to foreign fighters was doctored to garner
international support for operations against Islamists in Somalia."
Telegraph |
Jariidada Telegraph ee ka soo baxada
Ingriiska oo warbixin ka qortay dhacdadii Baargaal ayaa ugu horayn soo xigatey
warkii wasiirka maaliyadda DGPL, Gaagaab, ee ahaa in dadka lagu diley aagga
Baargaal ay ka mid yihiin dad ka soo jeeda dalalka "America, Britain, Sweden,
Morocco, Pakistan iyo Yemen".
Afhayeen u hadlayey safaarada Ingriiska ee
Nairobi oo arrinta Soomaaliya la socda waxa uu yiri: Waan la soconaa warka
sheegaya in dagaal-yahaniin shisheeya ah lagu diley Soomaaliya, laakiin xilligan
la joogo wax akhbaar ah oo ku saabsan ma hayno."
Jariidada oo warkeeda sii wadata waxay qortay:
In wararka soo noqnoqonaya ee ay DFKMG iyo Itoobiyaanku ku sheegaan in shisheeye
ay ku jiraan Ingriis ay ka dhinac daggaalameen Mujaahidiinta Soomaalida in aan
ilaa hadda la cadday loo hayn"
Jariidada Telepraph waxay intaas ku
dartay "Dhawr qof oo goob joogayaal ah, oo ay ku jiraan dad ka tirsan hay'adaha
Gargaarku waxay sheegeen 'caddaymaha' u horeeya ee muujinaya dagaalyahaniin
shisheeye ah in ay tahay arrin xaalad-abuur ah si taageero caalami ah loogu helo
hawl-galka looga soo horjeedo Islaamiyiinta Soomaaliyeed" waa sida
jariidadu warka u dhigtay'e.
"Dagaalkaas waxaa lagaga diley
kooxda Argaggaxisada ah lix qof, oo kal aah nin Maraykan ah, nin Ingriis
ah, nin Swidhish ah, nin Marookaan ah, nin Pakistaani ah iyo nin Yamani
ah, qaar hore loo raadinayeyna waa jiraan" Sidaas waxaa yiri Maxamed
Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiirka Maaliyadda DGPL,
Halkan ka dhegeyso... |
Bishii Janaayo 2007 ayey ahayd markii Jariidada
Telegraph ay qortay qoraal ahaa in Igriisku ay Zenawi ku wargeliyeen in uu keeno
cadaynta uu u hayey dagaalyahaniinti Britain ama iska aamuso, kaddibna Zenawi
juuq laga waayey.. [Britain:
Zenawi ama aamus ama caddayn keen in dad reer Britain ah aad dagaalka Soomaaliya
ku qabateen]
Dhanka kale waxay jariidadu sheegtay in Cali
Maxamed Geeddi uu weerarkii gurigiisa lagu qaaday Galabnimadii Axadii ee ay
7-qof ku dhinteen uu ku eedeeyey Al-Qaeda. Isha: qormada Telepgraph:
Islamic terrorist killed in Somalia was British
Qarax Xalay ka Dhacay Wersheddii Caanada ee
Muqdisho
Qarax xooggan ayaa xalay (oo ay Isniin soo
geleysey) ka dhacay meesha lagu magacaabo xerada Tolmada ee aagga wersheddii
Caanaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKMG.
Lama oga khasaaraha halkaasi ka dhacay.
Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay
Xeebaha Soomaaliya
COPENHAGEN, Denmark - Markab ah kuwa xamuulka
qaada oo laga leeyaay Denmark ayaa lagu afduubay xeebta Soomaaliya, sida uu
Sabtidii sheegay mulkiilaha markabkas, isagoo soo xiganey warbixin laga helay
markab ay leeyihiin ciidamada Faransiisku, sida ay werisey AP.
Markabka oo lagu magacabo Danica White waxa uu
kusii jedey magaalada dekeda ah ee Mombasa Kenya isagoo ka yimid Dubai, waxan
auu Mombasa u wadey qalab dhisme, waxaana
la qafashay Sabtidii (Jun 2) ama gelinkii dambe ee Jimcadii (Jun 1),
sidaas waxaa yiri, Jorgen Folmer, oo ah afhayeen u hadlayey shirkada xamuulka
qaada ee Danish-ka ah ee la yiraahdo H. Folmer & Co.

Isha sawirka: Shirkadda
http://www.folmer.dk/
Waxaa wararku tibaaxeen in markabka ay saaran
yihiin shan shaqaale ah.
Waxa uu afhayeenkaasi sheegay in markab
ciidamada Fransiisku uu aagga lagu afashay markabkaas ku sugnaa, laakiin ay u
suurta geli wedey in uu markabkaas badbaadiyo maadaama Markabka Faransiisku
uusan geli karin biyaha Soomaaliya.
Afhayeenku macadayn meesha qafakaasi ka dhacay,
laakiin waxa uu sheegay in ay tahay biyaha Soomaaliya. Shirkaddana waa u suurta
geliweydey in ay wax xiriir ah la sameeyaan shaqaalihii markabka saarnaa.
Daahir Riyaale oo Itoobiyaanku Ku Baareen
Hargeysa intii uusan u Dhoofin Itoobiya...
Waxaa waji-gabax ku noqotay maamulka Daahir
Riyaale kaddib markii diyaarada Ethiopian Airline oo magaalada Hargeysa ka
qaadeysey wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland lagu amray in la baaro
iyaga iyo alaabtoda, arrintaas oo dhacday Sabtidii June 2, 2007 xilli uu Daahir
Riyaale Kaahin ka duulayey Magaalada Hargeysa, isagoo raacayey diyaaradda
Itoobiyaanku leeyihiin ee Timaada Hargeysa.
Markii arrintaasi dhacday dad goob joogayaal ah
waxay sheegeen in waftiga Daahir Riyaale ay arrintaas ka biyo diideen, laakiin
ay saraakiishii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ay
u sheegeen in waftigaas iyo alaabtoodaba la baarayo, sidaasna lagu baaray.
Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga oo
arrintaas ka hadlayey waxay sheegeen in "muran iyo is maandhaaf ka dhashay
baadhista Madaxweynaha iyo alaabtiisu ay xannibtey duullimaadka diyaaradda muddo
Nus-saac ka badan."
Wararkaasi waxay sheegeen, waa sida ay
warbaahinta maxalliga hadalka u dhigta'e: "in Madaxweyne Riyaale aanu qaadan wax
tallaabo iyo go'aan ah oo uu si adag ugu muujinayo diidmadiisa – qawl iyo ficil
midna, isla markaana uu si niyadjab leh uga warsugayey waanwaan, dood iyo
maslaxaad ay wadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed
Ducaale iyo wasiirka Duulista Hawada, mudane Cali Maxamed Warancadde, iyada oo
sida la sheegay saraakiisha Nabadsugidda Diyaaraddu ay ku adkaysteen inay amar
ku haystaan baadhistaas."
Daahir Riyaale safarkiisa uu kaga ambabaxay
Hargeysa waxa uu kusii jeedey Norway iyo Sweden. Waxase uu sii maray Addis
Ababa, halkaas oo uu habeenimadii Axada kula kulmay Ra'iisul wasaraha xukuumada
Itoobiya, Zenaw, in kasta oo aan la shaacin uu uga dacwoodey sida ay sarakiisha
Itoobiya ula dhaqmeen markii uu ka soo duulayey Hargeysa, waxa keliya oo la
sheegay in kulankaas albaababadu u xirnaayeen.
Warbaahinta Itoobiya waxay soo saareen sawir
muujinaya Daahir Riyaale oo is-gaabinaya si uu ula sinmo Meles Zenawi uu si
qummaati ah u taagan iyagoo isa salaamaya. [Eeg dhanka midig.]
Arrinta ah in Daahir Riyaale lagu baaray
Hargeysa oo ay baareen saraakiisha Itoobiya ee ku sugnaa Hargeysa waxay maamulka
Somaliland ku noqotay waji gabax.
June 3, 2007:
Wararkii ugu Dameeyey ee Baargaal:
oo
aanu ku helayno isgaarsiinta nooca loo
Taarka ayaa
Akhri
Maraykanka oo u Qiil
Dayaya Degitaanka Xeebaha
Bariga Soomaaliya.
Qarax
Xooggan oo ka Dhacay Guriga Cali Geedi
Xilli uu
Cali Maxamed Geedi ku sugnaa gurigiisa
oo ku yaal degmada C/Casiis ayaa waxaa
lala beegsaday qarax loo malaynayo
ismiidaamin oo...
Akhri... Jun 3
Wafti
ka kooban Odayaasha Dhaqanka, Maamulka
Puntland iyo Culimada SSC/H oo gaaray
Buuhoole.
Warar: June 2, 2007
Taliyihii Nabadsugidda Kismaayo oo Xalay La
Diley
Xalay oo Sabti soo geleysey fiidkii waxaa
magaalada Kismaayo lagu diley Taliyihii Nabadsugidda Kismaayo, Makhtal Faarax,
waxaana wararku tibaaxeen in ay toogteen saddex nin oo aan haybtooda la aqoon.
Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii
Muqdisho lagu diley taliyihii nabadsugidda Degmada Xamar weyne.
Guddoomiyihii Degmada Hawl-Wadaag oo Xalay La
Diley
Xalay oo Sabti soo geleysey waxaa magaalada
Muqdisho lagu diley Guddoomiyihii Degmada Hawl-wadaag, Xasan Farey, waxaana
dilkaas geystey dabley aan haybtooda la garanayn, kuwaas oo meeshii ka fakaday.
Weerar Xalay lala Beegsaday Ciidamada Itoobiya
Xalay fiidkii waxaa weerar lala beegsaday goob
ay ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin degmada Yaaqshiid. Waxaana weerarkaas ka
bacdi ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas xooggan. Ilaa hadda lama oga
khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas.
Telefishanka CNN oo Sheegay in Maraykanku
Duqeeyey Aagga Baargaal
Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in
Jimcadii uu Maraykanku duqeeyey meel ka tirsan Woqooyiga Bari ee Soomaaliya
(Aagga Baargaal), waxana uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday wax looga shakisan
yahay Al-Qaeda, waa sida warku u dhigay'e. Telefishanku waxa uu soo xigtey ilo
aan la cayimin, kuwaas oo sheegay in aan la aqoon khasaaradii uu weerarkaasi
geystey.
Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta
Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan
qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego
cabbirka khariidada. Islamar-ahaantaasna waxay qiyaastii 100km woqooyi ka xigtaa
magaalada Xaafuun.
Eeg
magaalada Baargaal oo kor laga sawiray... Guji...
READ:
U.S. strikes reported on Qaeda suspect in Somalia
Dagaal Kharaar oo ka dhacay Buuhoodle.
Waxaa Jimcadii dagaal sababay dhimasho ugu yaraan 10 ruux iyo dhaawac tira badan
uu ku dhexmaray labo maleeshiyo beelood oo hadda ka hor ku dagaalamay degaanka
Aangalo ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, labadaan reer ayaa lagu
kala magacaabay Tayaag iyo Reer Hagar .
Nin ku sugan degmada Buuhoodle oo somalitalk.com u waramay ayaa sheegay in
dagaalkaan Jimcadii oo ku sii fiday halka loo yaqaan Quraca Buuhoodle oo meel
banaan ah layska helay uu khasaare ba'an geystay oo in ka badan 10 ruux ay ka
dhinteen labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray midkood.
Waxaa hadda soo kala dhexgalay labada dhinac ee dagaalamaya, maamulka iyo
odayaasha degaanka, inkastoo, Buuhoodle ay tahay meel qeybsan oo ay ku sugan
yihiin dad kala taageeersan labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland taas oo
xoojinaysa xamaasada dagaalka, Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin waxa
Buuhoodle ka dhacaya, balse hadda waxaa gurmad xoog leh ku jira duqayda iyo
waxgaradka gobolada laysku yiraahdo SSC(Sool, Sanaag iyo Cayn).
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe | mcbille@gmail.com
Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Baaritaan Ka
Sameeyey Xaafado Kamida Caasimada Muqdisho.
Ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa Jimcadii waaberigii Dhaq dhaqaayo baaritaan ka
bilaabay xaafado kala duwan oo kamida caasimada muqdisho islamrkaana buux
dhaafiyay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid halkaasi oo ay ka bilaabeen
howlgal ay guryaha ku baarayaan.
Dadka deegaanka xaafada Towfiiq ayaa sJimcadii ku waabariistay iyadoo Ciidamo
Ethiopian ahi ay ku gadaaman yihiin guryahooda ,islamrkaana dhamaan dadka degan
xaafadahaasi ku amray in aysan kasoo bixin guryahooda.
Sidoo kale Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa galay guriga sheikh yaxye oo kamid
ahaa culimada golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana ku shahiiday
dagaaladii Muqdisho, waxaana la sheegay in ay gurigaasi baaritaan xoogan ka
sameeyeen.
Ciidamada ethiopianka ayaa galay sidoo kale guryaha dadka rayidka ee deegaankasi
islamrkaana baaritaano ku aadan hubka iyo xijaabka ay haweenku dar alle u
qaateen ka baarayey iyagoo sidoo kale cagta marinayey wax alla waxii ay arkaan
oo ay galeen guryo ay uga shakisnaayeen in lagu aasay hub.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo xiligii ay istaageen dagaaladii u dhexeeyey
xoogaga diidan joogitaanka ciidamada shisheeyey ee dalka ku sugan ayaa ciidamada
xukuumada Ethioipia u muuqanayaan kuwo aargoosi ka wada gudaha caasimada
muqdisho islamrkaana isha ku haya dadka muslimiinta ah iyo weliba haweenka
xijaaban.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Vedio: Ciidamadii
Soomaaliya ee Cadowg Dhabarjabka u geysan jirey
Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2007
London: Mudaaharaad Lagu Qabanayo Halka Ay Ku
Shirayaan International Somalia Contact Group
Mudaaharaad Balaraan oo ayaa subaxa Talaadaha ah 05/06/07 10:30am ilaa 1:00pm
lagu qabanayaa ilinka hore ee wasaaradda arrimaha debeda Ingiriiska, halkaasoo
ay ku shirayaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.Dadwaynaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa loogu baaqayaa in ay si xoog
leh uga soo qaybgalaan mudaaharaadkaas oo ay wax kasta u soo daayaan si ay u
beeniyaan hadalkii Males Zenawi ee ahaa in inta badan Soomaalidu taageersantahay
Gumaysiga Itoobiya ee Soomaaliya.
Kooxda xiriirka Caalamiga ah ayaa ka koobaan wadamadda, Maraykanka, Ingiriiska,
Talyaaniga, Norway,
Sweden, Tanzania, Gudoonka Midowga Yurub, iyadoo si korjooge ah ay uga soo
qaybgalayaan Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika.
Codkaagu Saamayn ayuu leeyahay ee lasoo bax, u sheeg dunidda in aad Gumaysiga
Itoobiya diidantahay, codkaaga ugu gargaar walaalahaaga gumaysiga ka dhiidhiyey.
wixii faahfaahin ah kalasoo xariir A. Warsame on 07951414019 ama M. Suldan
07939952197. Email:
cabdirahman@hotmail.com
Cinwaanku waa: King Charles Street, London SW1A 2AH

Ganacsato Ay Sirdoonka Ciidamada
Ethiopia Kala Bexeen Guryahooda
.Daahir Riyaale oo 20sano
xarig ah ugu bedeley 2-nin oo ku..
.London: Mudaaharaad goobta ay ku
Shirayaan Contact Group
.DFKMG:100-ka Dumarka kama qayb geli
doonaan Shirka Italy
.Zürich: Kulankii 57 ee ururka Ciyaaraha
Kubada Cagta (FiFa)
Wararka oo
dhan ka akhri halkan....
June 1
Guddigii Culuma-u-diinka ee loo
xilsaaray xalintii xurguftii
beelaha Cali Jibraahiil iyo Dishishe oo
soo dhamaystiray khilaafkii labada
beelood..
Akhri... June 1
Bayaan
ka soo baxey Shirka Digil iyo Mirifle ee
Columbus Ohio Waqooyiga Mareykanka...
Akhri..
June 1
Binti
Jaylaani oo Australia Looga Helay
Dhakhtar Lagu Daweynayo
GAROOWE : Ka Qaybqaado Dhismaha
Masaajidka AL-hudda
Maku hadashaa Afka Ethiopianka: Dhegeyso halkan
Waa waraysi lala yeeshay Tamagne Beyene iyo Neway Debebe oo
caan ka ah Itoobiya oo ka hadlaya xukun xumida TPLF, doorashadii May 2005 ee
la musuqmaasuqay iyo dilka dadka aan waxba galabsan
Dhegeysi
"Baargaal ayaa Argaggaxiso soo gashay
waa sidii Shimbiraale Argaggaxiso ayaa
joogta"
"Puntland oo Lunsatay $20-million oo
doolar"
Sidaas waxaa sheegay afhayeenka
xisbiga RPP..
Akhri May
31
Qoysas Badan Oo Kusoo Noqday Muqdisho Oo
Mar Kale
Ka Barkacaya
Agagaarka Wersheda Baastada Ee Muqdisho.
Maxamed
Dheere oo Ururada Rayadka ah ku eedeeyey
in
ka dambeeyaan
Qaraxyada Muqdisho
Meles
Zenawi oo Sheegay in uu Xukunka ka Degi Doona Laba
Sano Gudahood
.Tacshiirad Lagu Furay Ciidamada DFKMG
aaga Black Sea
.Gudoomiyihii maxkamada baladweyne oo
lagu diley Muqdisho
.Wafdi ka socda DFKMG oo ku sugan dalka
Liibiya...
Wararka oo
dhan ka akhri halkan....
May 30
Habeenka
Waxbarashada Soomaalida Minnesota
.Warbixin:
Borlänge iyo
Somalitalk.com II
Puntland
oo aan Sharraaxaad ka bixin $20 million
oo lagula kala wareegey
Consort
.Maxaa
Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo
Gaagaab?
.Range oo la wareegtey 100%
saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri
Faallada Maanta.....


|