SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: May 30, 2007

  • Tacshiirad Lagu Furay Ciidamada DFKMG ah Ee Ku Sugan Isgoyska Balack Sea
  • Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Liibiya ku sugan
  • Gudoomiyihii maxkamada baladweyne  oo lagu diley isgoyska h/wadaag ee Muqdisho,

Meles Zenawi oo Muujiyey in uu Xukunka Ka Degayo Laba Sano Gudahoos...

:: Ra'iisul wasaaraha xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday sida uu damacsan yahay in uu xukunka dalkaas ka dego inta aan la gaarin laba sano. Waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Jonathan Dimbleby oo ah weriye aad looga yaqaan dalka Ingriiska, waraysiga oo May 29, 2007 lagu baahiyey warbaahinta.

Meles ZenawiSeyoum Mesfin:: Waxa kale oo waraysigaas uu Meles Zenawi markale ku caddeeyey in sababta ay Soomaaliya u galeen ay ahayd arrimo iyaga (Ethiopia) ammaankooda ay ku xejisanayeen, sababtaas awgeedna ay Muqdisho uga saareen Maxkamadaha Islaamiga ah, taas oo uu kaga jawaabayey su'aal la xiriirta in dhaqaalaha Itoobiya ay la degayaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, ayuu intaas ku daray in markii ay maxkamada saareen ay ciidankooda la bexeen in kabadan 65%, oo aysan ciidan dambe u dirayn Soomaaliya, taas oo weriyuhu inta uu hadalkaas la yaabay weydiiyey in uu taas ku adkaysanayo ayaa Zenawi ugu jawaabey waa hubaa in aanaan ciidamo dambe u dirayn Soomaaliya, markaasna uu weriyuhu yiri "arrintani waa mid aad u xiiso badan". [Laakiin wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin, ayaa May 29, 2007 sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin Soomaaliya]

:: Waxa kale oo Zenawi uu afku ka xaday in ay jiraan nidaam lagu bedeli karo xuduudaha Ethiopia, laakiin arrintaas faahfaahin kama uusan bixin waxa uu ula jeedey. Waraysigaas qaar ka mid ah halkan ka dhegeyso....


Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Itoobiyaanka ku sugan Soomaaliya oo Ka Dhacay Denmark

 
Mudaharaad looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Arhus ee dalka Denmark.... Guji Halkan (Qoraal/sawirro)

Tacshiirad Lagu Furay Ciidamada DFKMG ah Ee Ku Sugan Isgoyska Balack Sea Ee Magaalada Muqdisho....

Israsaasayn xoogan oo dad ku dhinteen ayaa Talaadadii ka dhacday isgoyska balack sea ee magaalada muqdisho, israsaasayntaas oo u dhaxaysay ciidamada DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Hal qof ayaa ku geeriyooday inta la og yahay israsaaseyntan oo laysu adeegsaday hubka qoryaha daran-dooriga u dhaca iyadoo ay soconaysay rasaastaasi qadar daqiiqado ah islamarkaana ay xiligaas isgoyska ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan DFKMG ah.

Sidoo kale goob joogayaal ku sugnaa halkaasi xiliga ay tacshiiradu ka bilaabantay ayaa saxaafada u sheegay inay hal mar maqleen diryanka rasaas xoogan oo lagu soo furey ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo halkaasi ku sugnaa, iyadoo wali aan la garaneyn kooxihii falkaasi geystay, waxaana ciidamada dowladda ay ku jawaabeen rasaas kale islamrkaana waxay dhalisay inay deegaakaasi uu noqday meel uuro qiiq ay qariyen.

Halka Qof ee geeriyooday ayaa ahaa mid kamida askarta dowlada KMG ah ee ku sugnaa isgoyskaasi iyadoo kadibna ay ciidamada dowlada KMG ah isku gadaameen goobtaasi ,islamrkaana ay iskaga baxeen kooxahii tacshiirada la beegsaday askartaasi.

Si kastaba ha ahaatee xaalada amaan ee caasimada muqdisho ayaa kasoo daraysa tan iyo markii ay istaageen dagaaladii faraha lagaga gubtay ee u dhexeeyey xoogaga diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia iyo weliba ciidmada dowlada KMG ah oo isku dhinac ah iyo kooxaha diidan.

Golaha Samafalka Iyo Horumarinta Soomaaliyeed Oo Deeqo Kala Duwan Gaarsiiyey Dadkii Ku Barakacay Dagaaladii Muqdisho  .
 

 
Akhri halkan.....

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Liibiya ku sugan

Talaado, may. 29, 2007-: Wasiirka arimaha dibada dowlada federalka Soomaaliya .mudane:Xuseen Ceelaabe Faahiye,-Wasiirka Isbroortiga-Mudane:Mowliid Macaani Maxamuud iyo Xubno kale ee uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Liibiya, iyadoo halkaasina uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilkadahab .

Waxaa ii suurta gashay in aan la kulmo oo aan wareysi la yeesho Wasiirka isboortiga Mudane:mowliid macaane Maxamuud asiga oo markaa joogay hotel Funduq Kabiir ,Wasiirka oo aan wax ka weydiiyey Waxa uu socdaalka Dalka libya ugu yimid Waxa uuna yidhi wasiirka ,Waxaan halkan u nimi shirka Dowladaha ku bahoobay Siin Saad oo Ka dhacayo dalka libya 1-june-2007 aniga iyo wasiirka arimaha dibadana waxaan u sii googol xaareynaa Wafdi kale oo uu hogaaminayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna booqan doona dalka Liibiya, halkaasi oo uu uga qeybgelayo shir ay leeyihiin Wadamada ku bahoobay SIIN IYO SAAD (Saaxil Wa Saxara).

Mowliid macaane waxaa uu ii sheegay in uu madaxweynaha imanayo 31-may-2007-imaatinka madaxweyne C/llaahi yuusuf ee dalka libya waxaa ku wehliyo laba wasiir iyo buu yidhi labadeena hada joogta madaxweynaha iyo safiirka ayaana shirka ka qeyb geli doona ,mowliid oo aan weydiiyey ajandaha shirka looga hadlayo waxa uu yahay? waxa u yidhi waxaa looga hadlayaa shirkaasi sidii ay dowladaha midowga Africa amaba 23ka dowladood ee ku bahoobay siin saad sidii ay u yeelan la hayeen Hal lacag hal hal baasaboor oo ay us ameyn lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh hindisahana waxaa soo jeediyey hogaamiyaha dalka libya waxaana looga Hadley shirar hore hadana tii ayey daba joogtaa ,

Wasiirka mar an wax ka weydiiyey. Tan iyo markii loo doortay xilka wasiirka isboortiga soomaaliyeed waxa uu qabtay?

Mowliid macaani "Ma rabo in aan been sheego hada ayaan neecawda fiican aan helnay waxayna wadaa wasaaradeydu sidii ay isboortiga soomaliya uu u noqon lahaa sida isboortiga adun yada kale,xiriirada ka dhisan dalka ee hada shaqeeyana waa laga eryey faarax sentiko –muxudiin darba weyne hada waxaa sii wada howshii xiriirka inta laga dhiso gobalada dalka oo ay iska soo dhex doortaa ilaa ee ay doorashadaasi ka dhacdo waxaa sii haynayo Md. Saciid Maxamed Nuur (Muganbe}oo ahaa gudoomiye ku xigeenka,Xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta,sharciyan waxaa hada dhisan –dalada olombikada soomaaliyeed oo uu gudoomiye u yahay-md salad xasan cali ku xigeena ka yahay cismaan cali kuulow,

mar aan wax ka weydiiyey xaalada dalka uu manta marayo iyo awooda dowlada inta ay la egtahay waxa uu ku jawaabay—Mudaba soomaliya Xeradii xumeyd waa ka baxdey dowlad koontarsoosha dalka oo idil ayaan leenahay marka laga reebo gobolo yar waxaan wax ka weydiiyey gobolada yar maxay yihiina waxuu igu jawabay waa gobolada waqooyi ku waasina waxaan ka dalbanay in ay ka mid noqdaan walaalahooda kale ee soomaliyeed anaga oo tixgelin iyo qiimo gaar ah siinayno, ma jiraan wax xiriir ah oo ad la sameyseen,Gobolada waqooyi xiriir waa jiraa laakin is arag rasmi ah ma jiro waxaana la xiriirnay shaqsiyaad fure u ah gobolada waqooyi ugu danbeyntii dowlada libya oo aad hadamartida u tahay makala hadashay sidii ay gacan u siin la hayd wasaaradaada isboortiga waxuu ku jawaabay haa oo waxaan la balansanahay wasiirka isboortiga dalka libya mudane:maxamed mucamar alqadaafi iyo gudoomiyaha olombikada libya waxaana wadaa qorshe balaaran oo lagu mantaanaynayo isboortiga dalka soomaliya iyo kan dalka libya xaflada heshiiskaana waxaad ka ahaan doonta goob jog adiga laftaada ayuu yiri wasiirka isboortiga soomaliya mudane:Mowliid macaani maxamuud magalada tripoli ee dalka libya hotel uu ka dagan.

Saciid Axmed Cali (Saciid Anteeno)
saciidanteno@yahoo.com
Tripoli Libya

Gudoomiyihii maxkamada baladweyne Maxamed Muuse ducaale oo dablay hubeysani ku dileen isgoyska h/wadaag ee magaalada muqdisho,

Waxaa shalay (May 29) galab maqribkii lagu dilay isgoyska h/wadaag ee magaalda muqdisho marxuum sh: Maxamed Muuse Ducale oo dhawaan loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyahay maxkada baladweyne.

Dilka sh: maxaed muse ducale ayaa waxaa ka danbeyey nin bostoolada ku hubeysnaa oo madaxa ka toogtey ka dibna baxsaday iyada oo an la garaneynin cidii falkaa ka danbeysay iyo weliba sababta uu sh: Maxamed Muuse ku mutay in halkaa lagu dilo .

Meydka sh: Maxamed ayaa loo qaaday magaalada baladweyne si halkaas loogu aaso ayna ka soo qeyb galaan ehelada marxuumka oo iyagu codsaday in meydka loo qaado gobolka hiiraan.

Dhanka kale gudomiyahay gobolka maxkamada hiiraan sh: cisman bare maxamuud oo ay marxuumka aad isugu dhawaayeen ayaa faahfaahin ka bixiyey wax qabadkii sh: Maxamed Musse Ducaale oo uu ku sheegay in uu ahaa sheikh caalin ah oo laga wada yaqaanay gobolka hiiraan isla markaana ka mid ahaa garsoorayaasha gobolka hiiraan wuxuuna hada ku magacaawnaa gudoomomiyaha maxkamada baladweyne loo magacaabay 11 kii bishii marso isaga oo howlo garsor u aaday magaalada baydhabo.

Falkaan lagula kacay sh: Maxamed muuse ducaale ayaa waxaa canbaareeyey culumaa'udiinka gobolka hiraan waxayna tacsi udirayaa dhamaan umada somaliyeed qeyskii iyo eheladii u ka geeriyooday Maxamed Muuse Ducaale.

Mr. Lazzaronni oo ah Madaxa Xafiiska samafalka UN-ka oo Muqdisho yimid balaqaadayna inay wax badan ka qabanayaan xaaladda....

Shir balaaran oo ay ka so qeyb galeen mas.uuliyinta dowlada fadaraalka KMG somaliya ,ururada bulshada rayid ka ah , madaxda xafiiska Un ka Mr. Lazzaronni iyo koox la socoto ayaa lagu qabtay hotel baradhaas ee magaaada muqdisho ugu horeyntii shirkaa waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyey gudoomiyaha maamulka gobolka banadir wuxuuna ka mahad celiyey lacago ay nadaafada gobnolka banadir ugu tala galeen ganacsatada gobolaka banadir oo uu tiradeeda ku sheegay 1$50. 000 oo doolarka maraykanka ah si buu yiri loogu socodsiiyo arimaha nadaafada ee agaalada muqdsiho

Dhinaca kale sawiirka qorsheynta qaranka ee dowlada fadaraalka KMG somaliya cali cabdulaahi cosoble siyaad oo shirka shir gudoominayey ayaa ka waramay burburka ka dhacay dalka somaliya iyo sida loogu baahan yahay in qaramada midoobey ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka burburay ee somaliya iyo gacan ka geysashada arimaha bini aadanimo ee heysta shacbiga somaliyeed .

“dowladu waa dowlada curdur ah waxeyna weli ku howlan tahay arimihi dib u heshiisiinta dalka sidaa darted marna kama maaranto in beesha caalamka naga taageerto dhinackasto “ ayuu yiri wasirka qorsheynta qaranka iyo tiro koobka Cali Cabdulahi Cosoble oo dhinaca kalane ka waramay waajibaadka dowalada ka saran dib u dhiska dalka ,

wasiirku wuxuu kale oo uu u sheegay wafdigaa in dowlada fadaraalka ah markii la dhisay ka dib mudo haatan laga joogo 3 sano ay ka horyimaadeen duruufo adag oo qalafsan kuwaas oo dhinac kasta ka saameeyey isla markaana ku qasbay in ay degto magaalada jowhar ee gobolka sh/dhexe markale ay dgto magaalo madaxda gobolak bey ee beydhabo balse haatan ay dowladu si rasmi ah salka u dhigatey caasimada dalka ee muqdisha .

wasiirku wuxuu ugu danbeyntii u sheegay madaxa wafdiga oo ah Mr. Philippe Lazzaronni I uu indhiiisa ku arko baahida dhabta ah ee ka jirta dalka somaliya si uu u qiimeeyo .

Madaxa Xafiiska isku dubaridka gargaarka Bani'aadnimo ee Soomaaliya Mr. Philippe Lazzaronni oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa wuxuu kulammo la qaatay Hay'adaha Qarammada Midoobay iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Mr. Lazzaronni oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulammadaan uu la qaadanayo madaxda Hay'adaha UN-ka iyo kuwa kale ee Rayidka ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay wax badan ka ogaadaan gargaarrada bani'aadamnimo ee Soomaaliya la geynayo inay gaaraan dadkii loogu talogalay.

"Waxaan isku dayaynaa inaan wax badan ka ogaannno gargaarrada ay UN-ka ku bixiyaan Soomaaliya si ay dadka soo barokacay u gaaraan, waxaan si taxadar uu ku jiro aan u ogaanaynaa in gargaarkaas uu gaaro dadka loogu talogalay iyo in kale" ayuu yiri Mr. Lazzaronni oo intaas ku daray: "Howl walba oo aan qabanayno waa inaan dabogal ku sameyno sida ay u suurogashay iyo sida aysan u suurogelin".

wuxuu sheegay Philippe Lazzaronni oo ka hadlayay kulammo ay Wasiirradda caafimaadka Soomaaliya ay kula soo qaateen Nairobi ayuu sheegay inay dowladda Soomaaliya gacan ka geysanayso howlaha caafimaadka Bulshada oo uu sheegay inay yihiin kuwo aan si wanaagsan uga socon Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlaha ay dowladdu ka waddo Muqdisho ay yihiin kuwo horumar ku socda, waxaan uu sehegay inaysan xilligaan filayn inay Dowladdu dib u dhig ku sameyso howlaha ay shacabkeeda kaga baahan yihiin.

Wuxuu sheegay inay ku sugnaanayaan Muqdisho laba casho, iyagoo la kulmi doona Dowladda Dhexe ee Soomaaliya maalinta berri ah si ay uga hadlaan inaan gacmaha laga laaban shacabka u baahan in laga gargaaro dhinacyo badan, sida caafimaadka, cunnada, biyaha iyo nabadgalyada.

"Waxaa jira in shacabka Soomaaliyeed ay qexeen intii ay dagaallada ka socdeen dalka Soomaaliya, waxaana barakaca shacabka uu u qaybsamaa saddex qaybood oo kala ah: Dad xilli hore barakacay oo gaaray dalalka dariska ah, dad dhawaan barakacay iyo sidoo kale dad dhawaan barakacay balse barakacoodu uu xad dhaaf yahay" ayuu yiri Mr. Lazzaronni.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

May 30, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com