"Puntland oo Lunsatay
$20-million oo doolar"
"Baargaal ayaa
Argaggaxiso soo gashay waa sidii Shimbiraale Argaggaxiso
ayaa joogta"
Sidaas waxaa sheegay afhayeenka xisbiga Ramaas
Political Party C/Naasir Guure Faarax [jeer] oo Warsaxaafadeed ka soo saaray
magaalada London oo uu arrimo badan badan oo ku
wajahan maaulka Puntland
Warsaxaafadeed:
Waxaan salaamayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba iyo Barlamaanka
Puntland salaan kadib waxaa waa yahan ila soo xiriiray dad aad ufarabadan oo
ah qurba joogta reer Puntland, igalana hadlaayay inaan anigu ka hadlo
dhibaatoyon badan oo maamulka Puntland dadka ku hayo iyo waliba inaan
baarlamaanka Puntland ku baraarujiyo shaqooyinkiisa uu ka seexday.
Barlamaanka Puntland maadama aad u dhaxaaysan dowlada iyo shacabka, tihiina
dadkii lagasugayay inay raadiyaan waxa ka maqan shacabka, kana soo dhigaan
dawlada wixii ay ku xad gudubto.

C/Naasir Guur
Faarax[jeer] |
Waxaan usoo jeedinayna barlamaanka Puntland inaay maamulka Puntland
maalmaha soo socda wax ka waydiiso shirkadii Range Resources saamiyadii ay
ka iib satay shirkada Consort qayb tii kaga soo aaday Puntland meeshay
martay dhaqaalahaas oo dhamaa $20 millyan oo ay waliba Range ay sheegtay inuu
kharash kaasu galay gacanta maamulka Puntland 10-05-07, waa in barlamaanku
maamulka waydiiya meesha la dhigay lacagta iyo dadka gacanta ku haya iyo
waxa lagu qabanayo.
Waxa kale oo barlamaanka Puntland usoo jeedinayaa in ay hor istaagaan kana
dhiidhiyaan xoolahada sida bilaashaka lagu qaadan oo ayku qaadan shirkada
AL-Jaabir, arintaan oo ah mid lagu cuna qabataynayo ganacsatada Soomaaliyeed
looguna danay-nayo tijaar Carbeed iyo dhowr nin oo Soomaali sheegta balse
dantooda wax walba ka hormariya.
Sidoo kale barlamaanku wuxuu xaq u leeyahay
inuu madaxwenaha wax ka waydiiyo arrin tii foosha xumayd ee ka dhacday
Dubai taso ahayd in madaxweynuhu uu wafdigii la socday uga soo tago Hotel
kii ay dagnaayeen kana bixin waayo kharashadkii ay qabeen taaso meel kaga dhac
ku ah muwaadin walbo reer Puntland ah.
Waxaan ummadda ku dhaqan Puntland iyo barlamaankiisa ku baraarujinayaa in aan
dhag loo dhigin dacayadahan beenta ee maamulka Puntland faafinayo oo ah Baargaal
baa argaggaxiso soo gashay iyo wixii la mid ah, waxaayna tani la mid tahay
sheekadii C/Laahi Yuusuf uu Shinbiraale, oo wiilaal meesha ku dhashay oo Kalluun
dabanaya yiri waa argaggixiso caalamiya. Tana waa tiiyo kaloo dadka laga jeedinayo indhahooda arimaha maalmahan socda oo
ay ka mid yihiin wixii aan kasoo hadlay.
Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer] London
Email:
keenadiid18@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2007


|