SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Guddigii Culuma-u-diinka ee loo xilsaaray xalintii xurguftii beelaha Cali Jibraahiil iyo Dishishe oo soo dhamaystiray khilaafkii labada beelood:
  • Puntland oo Qaylo-dhaan ka soo saartay roobab khasaare naf iyo maal ugu geystay Sanaag Bari.

Guddigii Culuma-u-diinka ee loo xilsaaray xalintii xurguftii beelaha Cali Jibraahiil iyo Dishishe oo soo dhamaystiray khilaafkii labada beelood:

Ka dib khilaafkii soo kala dhexgalay beelaha aynu kor ku soo sheegnay oo ku saabsanaa aanooyin qabiil, ayaa waxaa arintaan isu xilsaaray in ay xaliyaan guddi culumo ah oo ka koobnaa 6 xubnood, kuna guulaystay ka dib markii ay taageero ka heleen 2-dii reer ee xurguftu dhexmaray:

Heshiiskii labada beelood oo khamiistii ay soo bandhigeen culuma-u-diinka ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf, wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamuud Bile Dubbe, wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo amniga, Ibraahim Ismaaciil Cartan (Xaaji Bakiin), duqa degmada Boosaaso, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire, taliye xigeenka ciidanka booliiska Puntland, Gaashaanle sare; Cabdicasiis Siciid Gacamey, aqoon yahanno, isimo iyo madax kale.

Dhamaan shacabka Reer Puntland iyo Maamulka ayaa soo dhaweeyey heshiiskaan ay gaareen beelaha walaalaha ah, ee lagu soo dhamaystirayo khilaafka.

Issimada iyo Culuma-u-diinka ayaa had iyo goor xaliya khilaafaadka beelaha isku dhaca.

Iyadoo ay dhawaan, soo afjareen Issimada Goboladda Sool, Cayn, Nugaal iyo Mudug khilaafkii beelaha Cagaare.

: Sidoo kale, waxaa ay ku guulaysteen Issimadu xalintii dhacdooyinkii Jeelka Garoowe.

Dhinaca, Maamulka Puntland ayaa lagu dhaliilayaa in aysan waxba ka qaban Karin khilaadka soo kala dhex gala beelaha.

Magacyada Guddiga Culumada heshiiska suurta geliyey ayaa kala ah:

1. Shiikh Xuseen Shiikh Maxamed
2. Shiikh Cabdi Xayi Muuse Macallin Xasan
3. Shiikh Daahir Aw-Cabdi
4. Shiikh Xasan Xuseen Axmed
5. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
6. iyo Shiikh Axmed Daahir aw-Xasan

Puntland oo Qaylo-dhaan ka soo saartay roobab khasaare naf iyo maal ugu geystay Sanaag Bari.

Wasiirka warfaafinta ee DGPL, Mudane. C/raxmaan Maxamed Bangax ayaa saxaafada u sheegay in roobab lixaad leh oo ka da'ay degaanada Dhahar iyo Xingalool ay dad ku laayeen, halka xoolo iyo guryana ay khasaare u geysteen. Wasiirku wuxuu sheegay in loo xilsaaray 3 wasaaradood la tacaalida arintaas, kuwaas oo kale ah: Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga, Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Caafimaadka.

Seddex qofood oo labo ka mida ay gabdho yihii ruuxa kalena uu wiil yahay ayaa geeriyooday ka dib markii uu habeenkii xalay ahaa danab ama hanqadh/biriq uu ku dilay deegaan miyi ah oo lagu magacaabo god yalalow oo kala bara degmada xingalool iyo tuulada damale xagare ee gobolka sanaag.

Danabkan xalay dadka ku laayay deegankan oo 15km u jirta degmada xingalool ayaa sidoo kale Gabar kale oo ay seddexdan qof ee geeriyooday walaalo ahaayeen waxaana ay wararku in taasi ku darayaan in gabadhan dhaawac culus soo gaaray, lagana soo dayrinayo xaaladeeda caafimaad.

Nin ku sugnaa goobta dhibaatadu ka dhacday oo uga waramay, saxaafada xaalada guud iyo sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in xalay 12kii ilaa 7kowdii habeenimo uu ku bilowday roobku mudo aad u dheerna uu hayay isagoo danabyona ridayay .

Dhanka kele roob lixaad leh oo isna xalay ka da'ay deegaan miyi ah oo 15km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada baran ayaa 5-shan geel ku
dilay.


Maxamuud Cumar Bille

-Garowe-Puntland

mcbille@gmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com