SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: May 31, 2007

  • Maxamed Dheere oo Ururada Rayadka ah ku eedeeyey in ka dambeeyaan Qaraxyada Muqdisho
  • Dablay aan la garanaynin oo dilal kala duwan Ka geystay meelo ka mid ah Muqdisho.

Max'ed Dheere oo ku tilmaamay ururada bulshada rayidka ah kuwa ka danbeeya qaraxyada isla markaana ah kuwa shacabka cuno qabatayn ku haayo

Duqa magaalada muqdisho ah gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) ayaa sheegay in Ururrada Bulshada Rayidka in ay yihiin kuwo ku qaraabanaya magaca ay sheeganayaan isla markaana aysan xaq u leheyn in ay magacaas sheegtaan

Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa sheegay mar uu ka hadlay xaalada guud ee Ururrada Bulshada rayidka ah wax qabadkooda ku tilmaamay inay yihiin kooxo isku bahaystay inay shacabka cunno-qabateeyaan, isla markaana uusan maamulkiisa ogolaanayn inay dadka cunno-qabateeyaan, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu tallaabo ka qaadayo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

"Waxaan aragnay in kooxaha sheegta Ururrada Bulshada Rayidka ah aysan ka shaqeynayn wax danta bulshada ah, balse ay ka shaqeynayaan oo qura howlo iyaga u gaar ah oo aysan shacabka waxba ugu qaban sida ay sheegtaan marka ay dhaqaalaha doonayaan" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay inaysan aqbalayn inay dalka ka sii shaqeeyaan Bulshada Rayidka.

"Kuwa sheegta Bulshada Rayidka waxay sheegtaaan marka ay UN-ka hadallo la yeelanayaan inay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku kaalmeeyaan dhaqaalaha ay qaadayaan, balse taas waxaan sheegaynaa inaysan sax ahayn oo danahooda ay ku fushadaan" ayuu mar kale ka dhawaajiyay Maxamed Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa shaaca ka qaday in Bulshada Rayidka ah ay taageeraan qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira Muqdisho, sidaa daraadeedna aysan aqbalay inay shacabka ay dilayaan ay madaxooda lacago ku qaataan, waxaana uu sheegay inay tallaabo ka qaadayaan haddii ay arkaan iyagoo kulammo la qaadanaya Qarammada Midoobay.

Ma aha markii ugu horeysay ee Hadalkaan Maxamed Dheere ka soo yeeray oo kale uu ka soo yeero mas.uul waxaana sidaan oo kale u weeraray maamulkii midowgii maxkamadaha oo ka soo saaray digniin ku wajahan ururada bulshada rayid ka ah u qeybsanihii arimaha bulshada ee maxkamadihii midoobay sh: fanax ayaa yiri ururo bulsho maha kuwaani oo kale umana aqoonsani in ay yihiin ururo bulsho rayid ah

Dablay aan la garanaynin oo dilal kala duwan Ka geystay meelo ka mid ah Muqdisho.

Dablay aan heybtooda la garaneynin ayaa xalay (May 30) iyo manta dilalgaadmo oo kala duwan ah ka fuliyey qeybo ka mid ah Muqdisho, iyada oo dilalkaan ay ahaayeen kuwo qorsheysan isla markaana lagu fuliyay dad rayid ah, iyadoo dilalkaan xalay ay ka kala dhaceen Degmooyinka Wardhiigley iyo Huriwa.

Iyada oo Dil gaadmo ah ay kooxahaan hubeysan ku fuliyeen marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh Max'ud Jimcaale oo lagu toogtay mar uu u sii hoyanayey gurigiisa oo ku yaalla Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Ehellada marxuumkaan ayaa saxaafadda u sheegay inaysan garanayn sababta dhabta ah ee loo dilay marxuumkaan iyo cidii ka danbeysay dilkiisa , waxayna sheegeen inay toogteen dhallinyaro bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku furay mar uu ka soo baxay Masaajid uuna doonayay inuu gurigiisa galo.

Marxuumkaan ayaa waxaa la sheegay inay dhowr xabbadood kaga dhaceen laabta iyo madaxa, waxaana la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray Asluubta, balse aan hadda wax shaqo ah ka heyn xagfa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Marxuum kale oo lagu magacaabo Maxamed Xirsi Muuse ayay kooxo hubeysan ku toogteen xalay dukaan uu ku leeyahay agagaarka Xararyaalle, waxaana dilkiisa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo ugu soo galay dukaankiisa kuna dhex toogtay.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee loo toogtay ganacsadahaan, waxaana la sheegay in dilkaas markii ay fuliyeen kooxihii hubeysanaa oo aan haybtooda la garanayn ay baxsadeen.

Arintaan ayaa ku soo aaday xili uu duqa magaalada muqdisho ah gudoomiyaha gobolka banadir uu ku hanjabay in wqax laga qaban doono dilalka isdaba jooga ah waxaana daqiidado ka dib la dilay sarkaal ka tiranaa ciidanka nabadsugida ee degmada xarweyne kaas oo saacado ka hor soo sagootiyey wafdi soo booqday degmada xamar weyne oo uu horkacayey gudoomiyaha gobolaka banadir ahna duwa magaalada muqdisho Maxamed Cumar |Xabeed ( Maxamed Dheere ).

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

025215576666

002521653623
 

May 30, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com