SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAARGAAL

Magaalada Baargaal, Gobolka Bari, Soomaaliya

Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego cabbirka khariidada. Islamar-ahaantaasna waxay qiyaastii 100km (60 miles) woqooyi ka xigtaa magaalada Xaafuun.

baargaal


Telefishanka CNN oo Sheegay in Maraykanku Duqeeyey Aagga Baargaal

Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in Jimcadii (June 1, 2007) uu Maraykanku duqeeyey meel ka tirsan Woqooyiga Bari ee Soomaaliya (Aagga Baargaal), duqayntaas oo laga soo qaaday markab kuwa dagaalka ee Maraykanka, waxana uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday wax looga shakisan yahay Al-Qaeda, waa sida warku u dhigay'e. Telefishanku waxa uu soo xigtey ilo aan la cayimin, kuwaas oo sheegay in aan la aqoon khasaaradii uu weerarkaasi geystey.

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com