Qarax Ismiindaamin ah oo ka Dhacay Guriga Cali
Geedi iyo Ciidamada AMISOM oo gurigiisa ka ka xeeyey meel nabdoona ku
haya...
- Xilli uu Cali Maxamed Geedi ku sugnaa
gurigiisa oo ku yaal degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala
beegsaday qarax loo malaynayo ismiidaamin oo..
Axad, June 3, 2007
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa loo adeegsaday isku day la
doonayey in lagu khaarijiyo Raiisal wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi.
Qaraxaan ayaa dhacay ka dib markii gaari qooqan
ah uu istaajiyey ilaaliyihii guriga raiisal wasaaraha DFKMG cali maxamed geedi
iyada oo uu sababay dhimasho ilaa 7 qof ah dhaawacune tiro intaa ka badan.
Cali Maxamed Geedi ayaa ku sugnaa gurigiisa
marka uu qaraxu dhacayey balse waxaa ay xaqiijiyeen ciidamada AMISOM ka socda
dalka Ugaandha in ay raiisal wasaaraha DFKMG u kaxeeyeen meel nabad ah isaga oo
bedqaba, waa sida ay sheegeene, waxaa kale oo ay Sheegeen ciidamada AU in aysan
soo gaarin wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo ka tirsan xubnaha dowlada DFKMG.
Waa markii sadaxaad oo la la beegsado qarax sidaan oo kale ah balse uu ka
badbaaday Geedi.
Waxaa mar qura indhaheyga qariyay busta iyo qiiqa uu qaraxan dhaliyay oo
xafiiska aan ku leeyahay meel aan ka fogeyn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG,
iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay tahay iridka hore ee Ra’iisul Wasaaraha.
Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa 15 daqiiqo ka hor intii aanan qoraalkan uu
ka dhacay afka hore halka laga galo hoyga uu ka degan yahay Ra’iisul Wasaaraha
DFKMG ee degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho iyadoo qaraxan aan la ogeyn waxa
uu ahaa.
Wixii ku soo kordha ee qaraxan uu geystay iyo sababta wararkeena danbe ayaad
kala socon doontaan.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623
Warar: June 2, 2007
Taliyihii Nabadsugidda Kismaayo oo Xalay La
Diley
Xalay oo Sabti soo geleysey fiidkii waxaa
magaalada Kismaayo lagu diley Taliyihii Nabadsugidda Kismaayo, Makhtal Faarax,
waxaana wararku tibaaxeen in ay toogteen saddex nin oo aan haybtooda la aqoon.
Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii
Muqdisho lagu diley taliyihii nabadsugidda Degmada Xamar weyne.
Guddoomiyihii Degmada Hawl-Wadaag oo Xalay La
Diley
Xalay oo Sabti soo geleysey waxaa magaalada
Muqdisho lagu diley Guddoomiyihii Degmada Hawl-wadaag, Xasan Farey, waxaana
dilkaas geystey dabley aan haybtooda la garanayn, kuwaas oo meeshii ka fakaday.
Weerar Xalay lala Beegsaday Ciidamada Itoobiya
Xalay fiidkii waxaa weerar lala beegsaday goob
ay ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin degmada Yaaqshiid. Waxaana weerarkaas ka
bacdi ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas xooggan. Ilaa hadda lama oga
khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas.
Telefishanka CNN oo Sheegay in Maraykanku
Duqeeyey Aagga Baargaal
Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in
Jimcadii uu Maraykanku duqeeyey meel ka tirsan Woqooyiga Bari ee Soomaaliya
(Aagga Baargaal), waxana uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday wax looga shakisan
yahay Al-Qaeda, waa sida warku u dhigay'e. Telefishanku waxa uu soo xigtey ilo
aan la cayimin, kuwaas oo sheegay in aan la aqoon khasaaradii uu weerarkaasi
geystey.
Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta
Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan
qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego
cabbirka khariidada. Islamar-ahaantaasna waxay qiyaastii 100km woqooyi ka xigtaa
magaalada Xaafuun.
Eeg
magaalada Baargaal oo kor laga sawiray... Guji...
READ:
U.S. strikes reported on Qaeda suspect in Somalia
Dagaal Kharaar oo ka dhacay Buuhoodle.
Waxaa Jimcadii dagaal sababay dhimasho ugu yaraan 10 ruux iyo dhaawac tira badan
uu ku dhexmaray labo maleeshiyo beelood oo hadda ka hor ku dagaalamay degaanka
Aangalo ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, labadaan reer ayaa lagu
kala magacaabay Tayaag iyo Reer Hagar .
Nin ku sugan degmada Buuhoodle oo somalitalk.com u waramay ayaa sheegay in
dagaalkaan Jimcadii oo ku sii fiday halka loo yaqaan Quraca Buuhoodle oo meel
banaan ah layska helay uu khasaare ba'an geystay oo in ka badan 10 ruux ay ka
dhinteen labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray midkood.
Waxaa hadda soo kala dhexgalay labada dhinac ee dagaalamaya, maamulka iyo
odayaasha degaanka, inkastoo, Buuhoodle ay tahay meel qeybsan oo ay ku sugan
yihiin dad kala taageeersan labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland taas oo
xoojinaysa xamaasada dagaalka, Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin waxa
Buuhoodle ka dhacaya, balse hadda waxaa gurmad xoog leh ku jira duqayda iyo
waxgaradka gobolada laysku yiraahdo SSC(Sool, Sanaag iyo Cayn).
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe | mcbille@gmail.com
Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Baaritaan Ka
Sameeyey Xaafado Kamida Caasimada Muqdisho.
Ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa Jimcadii waaberigii Dhaq dhaqaayo baaritaan ka
bilaabay xaafado kala duwan oo kamida caasimada muqdisho islamrkaana buux
dhaafiyay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid halkaasi oo ay ka bilaabeen
howlgal ay guryaha ku baarayaan.
Dadka deegaanka xaafada Towfiiq ayaa sJimcadii ku waabariistay iyadoo Ciidamo
Ethiopian ahi ay ku gadaaman yihiin guryahooda ,islamrkaana dhamaan dadka degan
xaafadahaasi ku amray in aysan kasoo bixin guryahooda.
Sidoo kale Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa galay guriga sheikh yaxye oo kamid
ahaa culimada golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana ku shahiiday
dagaaladii Muqdisho, waxaana la sheegay in ay gurigaasi baaritaan xoogan ka
sameeyeen.
Ciidamada ethiopianka ayaa galay sidoo kale guryaha dadka rayidka ee deegaankasi
islamrkaana baaritaano ku aadan hubka iyo xijaabka ay haweenku dar alle u
qaateen ka baarayey iyagoo sidoo kale cagta marinayey wax alla waxii ay arkaan
oo ay galeen guryo ay uga shakisnaayeen in lagu aasay hub.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo xiligii ay istaageen dagaaladii u dhexeeyey
xoogaga diidan joogitaanka ciidamada shisheeyey ee dalka ku sugan ayaa ciidamada
xukuumada Ethioipia u muuqanayaan kuwo aargoosi ka wada gudaha caasimada
muqdisho islamrkaana isha ku haya dadka muslimiinta ah iyo weliba haweenka
xijaaban.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Vedio: Ciidamadii
Soomaaliya ee Cadowg Dhabarjabka u geysan jirey
Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2007
London: Mudaaharaad Lagu Qabanayo Halka Ay Ku
Shirayaan International Somalia Contact Group
Mudaaharaad Balaraan oo ayaa subaxa Talaadaha ah 05/06/07 10:30am ilaa 1:00pm
lagu qabanayaa ilinka hore ee wasaaradda arrimaha debeda Ingiriiska, halkaasoo
ay ku shirayaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.Dadwaynaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa loogu baaqayaa in ay si xoog
leh uga soo qaybgalaan mudaaharaadkaas oo ay wax kasta u soo daayaan si ay u
beeniyaan hadalkii Males Zenawi ee ahaa in inta badan Soomaalidu taageersantahay
Gumaysiga Itoobiya ee Soomaaliya.
Kooxda xiriirka Caalamiga ah ayaa ka koobaan wadamadda, Maraykanka, Ingiriiska,
Talyaaniga, Norway,
Sweden, Tanzania, Gudoonka Midowga Yurub, iyadoo si korjooge ah ay uga soo
qaybgalayaan Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika.
Codkaagu Saamayn ayuu leeyahay ee lasoo bax, u sheeg dunidda in aad Gumaysiga
Itoobiya diidantahay, codkaaga ugu gargaar walaalahaaga gumaysiga ka dhiidhiyey.
wixii faahfaahin ah kalasoo xariir A. Warsame on 07951414019 ama M. Suldan
07939952197. Email:
cabdirahman@hotmail.com
Cinwaanku waa: King Charles Street, London SW1A 2AH
Ganacsato Ay Sirdoonka Ciidamada
Ethiopia Kala Bexeen Guryahooda
.Daahir Riyaale oo 20sano
xarig ah ugu bedeley 2-nin oo ku..
.London: Mudaaharaad goobta ay ku
Shirayaan Contact Group
.DFKMG:100-ka Dumarka kama qayb geli
doonaan Shirka Italy
.Zürich: Kulankii 57 ee ururka Ciyaaraha
Kubada Cagta (FiFa)
Wararka oo
dhan ka akhri halkan....
June 1
Guddigii Culuma-u-diinka ee loo
xilsaaray xalintii xurguftii
beelaha Cali Jibraahiil iyo Dishishe oo
soo dhamaystiray khilaafkii labada
beelood..
Akhri... June 1
Bayaan
ka soo baxey Shirka Digil iyo Mirifle ee
Columbus Ohio Waqooyiga Mareykanka...
Akhri..
June 1
Binti
Jaylaani oo Australia Looga Helay
Dhakhtar Lagu Daweynayo
GAROOWE : Ka Qaybqaado Dhismaha
Masaajidka AL-hudda
Maku hadashaa Afka Ethiopianka: Dhegeyso halkan
Waa waraysi lala yeeshay Tamagne Beyene iyo Neway Debebe oo
caan ka ah Itoobiya oo ka hadlaya xukun xumida TPLF, doorashadii May 2005 ee
la musuqmaasuqay iyo dilka dadka aan waxba galabsan
Dhegeysi
"Baargaal ayaa Argaggaxiso soo gashay
waa sidii Shimbiraale Argaggaxiso ayaa
joogta"
"Puntland oo Lunsatay $20-million oo
doolar"
Sidaas waxaa sheegay afhayeenka
xisbiga RPP..
Akhri May
31
Qoysas Badan Oo Kusoo Noqday Muqdisho Oo
Mar Kale
Ka Barkacaya
Agagaarka Wersheda Baastada Ee Muqdisho.
Maxamed
Dheere oo Ururada Rayadka ah ku eedeeyey
in
ka dambeeyaan
Qaraxyada Muqdisho
Meles
Zenawi oo Sheegay in uu Xukunka ka Degi Doona Laba
Sano Gudahood
.Tacshiirad Lagu Furay Ciidamada DFKMG
aaga Black Sea
.Gudoomiyihii maxkamada baladweyne oo
lagu diley Muqdisho
.Wafdi ka socda DFKMG oo ku sugan dalka
Liibiya...
Wararka oo
dhan ka akhri halkan....
May 30
Habeenka
Waxbarashada Soomaalida Minnesota
.Warbixin:
Borlänge iyo
Somalitalk.com II
Puntland
oo aan Sharraaxaad ka bixin $20 million
oo lagula kala wareegey
Consort
.Maxaa
Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo
Gaagaab?
.Range oo la wareegtey 100%
saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri
Faallada Maanta.....
|