Bayaan ka
soo baxey Shirka Digil iyo Mirifle ee Columbus Ohio Waqooyiga Mareykanka.

Columbus DMC 29 May 2007.Waxaa
shir lagu soo gebagebeeyey Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee carriga
Mareykanka shir ay isugu yimaadeen xubno fara badan oo ka tirsan qowmiyadda
Digil iyo Mirifle ee ku nool waqooyiga Mareykanka,asal ahaanna ka soo jeeday
Bay,Bakool, Shabeellada Hoose,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose yo Gedo.

Ibraw
Shirka oo socday muddadii u
dhexeysay 26 iyo 27 May 2007,waxaa looga doodey qodobo fara badan oo dan u ah
qowmiyadda Digil iyo Mirifle,waxaana dood dheer ka dib ka soo baxey qodobada
hoos ku qoran:
1. Waxaan taageereynaa
Dowladda Kumeelgaarka ah ee Federaaliga Soomaaliya si loo xaqiijiyo soo celinta
qarannimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u aragnaa dhismaha hay’adaha dowliga ah
inay tahay arrin muhiim ah oo soo celin karta nabadgelyada guud ee Dalka. Sidaas
darteed waxaan ku baaqeynaa in muhiimadda kowaad la siiyo dib u soo nooleynta
hay’adaha aasaasiga ah sida:
a) Wasaaradaha iyo
hay’adaha hoos yimaada,
b) Xoogga Dalka
Soomaaliyeed
c) Ciidammada Boliska
d) Ciidanka Asluubta iwm.
2. Waxaa muhiim ah kuna
adkeynaynaa Madaxda Dowladda inay ku dhaqmaan axdiga kumeelgaarka ah ee lagu
dhisay iskana ilaaliyaan ku xadgudub iyo awood sheegasho keeni karta burbur hor
leh.
3. Annagoo tixgelinayna
baaqyadii ka soo baxey Qarammada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika oo ku aaddan
joogitaanka Ciidammada Ethiopia ee Soomaaliya,waxaan ku baaqeynaa in la soo
dedejiyo ciidammada ay ku yabooheen Dowladaha Afrika si ay u buuxiyaan kaalinta
ciidammada Ethiopia loogana hortago in uu faraha ka baxo degganaanshaha iyo wada
noolaanshaha dadweynaha Soomaaliyeed.
4. In Awood qaybsiga lagu
heshiiyey shirkii Dibuheshiisiinta Kenya la dhowro laguna dhaqmo layskana
ilaaliyo sadbursi iyo caddaalo darro.
5. Waxaa si buuxda u
taageereynaa shirka dibuheshiisiinta ee lagu baaqey,annago soo jeedinayna:
a) Inuu noqdo mid loo dhan
yahay
b) Inuu isu keeno dadka wax
kala tirsanayo
c) In qoraal lagu uruuriyo
xadgudubyadii loo geystey dadka aan hubeysnayn,lagana bixiyo magdhawo macnawi
iyo maaddiba.
6. Waxaan si buuxda u
taageereynaa in dalka laga hirgeliyo hannaanka federaaliga ah,lana dedejiyo
hirgelintiisa. Qofka Soomaaliga ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado,dego
ama ka ganacsado meel kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah,hase yeeshee maamulka
iyo talada waxaa xaq u leh dadka asal ahaan u dhashey deegaan kasta.
7. Waxaan soo dhoweyneynaa
maamulka cusub ee laga dhisay gobolka Shabeellada Hoose,annagoo si buuxda u
taageereyna xubnaha maamulka cusub hiil iyo hooba la garab taagan. Waxaan si
kulul u cambaareynaynaa beelaha aan u dhalan gobolka oo ku doodaya inay
maamulkaas qayb ku yeeshaan.
8. Ugu dambeystii waxaan
Dowladda Kumeelgaarka ee Federaaliga ee Soomaaliya ugu baaqeynaa inay
Jubbooyinka iyo Gedo ka hirgeliyaan maamulo ay leeyihiin dadka asal ahaan u
dhashey degaanadaas.

Xubnaha qabanqaabada shirka:
1. Malaaq Muqtaar Mohamed
Aadan
2. Suldaan Ibraahim
Caliyow Ibrow
3. Inj Geilani Sheikh
Hussein Guddiga Qabanqaabada-Ku-xig-Gud-SSU
4. Sheiknor Abukar
Qaasim Guddiga Qabanqaabada-Ku-xig-Xogu-SSU
Shabakadda Warbaahinta DMC
Waqooyiga Mareykanka
Bokoola@hotmail.com.
Aadan Cusmaan
Maamulka Cusub ee Shabeellada Hoose iyo Xubno
wasiirro iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolkaas oo maanta shir ku yeeshey Hotel
Lafweyn ee magaalada Muqdisho:
Muqdisho DMC 30 May 2007. Maamulka cusub ee gobolka shabeeellada hoose iyo
wasiirka arrimaha Golaha wasiirada Khaalid Cumar ayaa maanta shir ku yeeshey
magaalada Muqdisho,shirkaas oo lahaa laba ujeeddo oo kala ah inay isbartaan
wasiirada iyo maamulka Gobolku,iyo talo dardaaran la siinaayey maamulka cusub.
Ugu
horreyntii waxaa hadalka qaatey guddoomiyaha cusub oo salaamey dhammaan xubnaha
maamulkiisa iyo Wasiirka khaalid Cumar iyo xildhibaan fiqi,wuxuna sheegey inay
maanta la joogaan wasiirada iyo xildhibaanada shucuubta ka soo jeedda Gobolka
shabeellada hoose,kuwaas oo uu sheegey inay yihin kuwa ayaga oo dhan soo
magacaabey.Waxaa dhamaan magacayadooda midmid u sheegey xubnaha Ku jira maamulka
ee min degmo illaa gobol.
Ka dibna wuxuuu hadallo kooban u jeediyey xubnaha ka socda labada Gole ee DFKMGS
wuxuuna u sheegey in dadka faraha badan oo fadhiya ay yihiin maamulka lex degmo
oo ka tirsan shabeellada hoose,wuxuuna sheegey inay ka maqan yhiin degmooyinka
Afggooye iyo wanllaweyn oo nalagu wargeliyey in maamulkooda horey loo dhisey
waxna laga saxayo dhowaanna ay ku soo biiri doonaan maamulka .
Wuxuuna hadalka ku soo dhoweeyey wasiirka arrimaha Golaha wasiirada Khaalid
Cumar,wuxuna xubnaha cusub uu uga warramey taariikhada uu soo marey maamulka
gobolka shabeellada hoose,wuxuuna sheegey in muddo dheer laga wada
hadllaayey,hase yeehee nasiibdarro noqotey in lagu heshiin waayo. wuxuu qirey in
maamulkan asaaskiisa ay dhigeen Prof Saalim Caliyoow Ibroow,Prof Cabdullaahi
sheekh Ismaaciil iyo Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka
Baarlamaanka.
Wasiirku wuxuu maamulka kula dardaarmey inay dhaxda xirtaan oo maamulka dulkooda
xajistaan wuxuuna uga digey wax la yiraahdo khilaafaad oo runtii buu yiri
nasiibdarro nagu ahayd inaan annagu iskhilaafno taasna muddo dheer dib u dhigtey
magacaabista maamulka Gobolkan.
Wasiirk ayaa ku nuuxnuuxsadey in Gobolkan dhaqalaha ka soo baxaya uu ku filan
yahay gebi ahaan dalka soomaaliya,wuxuu xubnaha cusub ku booriyey inay si adag u
shaqeeyaan illaa ay ka gaaraan in la waayo qof faqri ah oo ka soo jeeda Gobolka
shabeellada Hoose.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegey in dhowaan maamulka cusub iyo xildhibanada ,iyo
wasiirada ka soo jeeda Gobolku ka casuuman yihiin tuulada Daanyeereey ee degmada
Awdheeglle,waxaana casuumaaddaas bixiyey sida wasiirku sheegey Salladdanadda
Beesha Begedi ee sulddaan Buuwe.
Ka dib waxaa labada masuul ee shirka daadihinaayey saxaafaddu la yeelatey
wareysyo gaaban,waxayna ku hormareen guddoomiyaha Gobolka waxa la weydiyey waxa
shirku ku saabsan yahay,wuxuuna ku jawaabey inay taloooyin iyo isbarasho ay la
yeeshaan wasiirada iyo xildhibaanada soo dhisey maamulkan,so’aal kale oo la
weydiyey ayaa ahayd,dad degan gobolka ayaa ku doodayay inaysan maamulkaas ku
qanacsaneyn taas sidee baad u aragtaa?Wuxuu ku jawaabey looma dhama,la ilama
tashan,xaqdarro ayuu ahaa waa anshax xumida la bartey 16 ka sano ee aan soo
dhaafney maamul kasta oo la dhisana taas ayaa lagu eedeeyaa waxaan la qabnaa
dalka oo dhan marka taas wax dhib ah naguma hayso.
So’aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd inta idin dhaliilsan iyo inta idin
taageersan ayaa badan aya la weydiiyey?wuxuu ku jawabey 99% waa na taageersan
yihiin kuwa cabashada qabana waan qancineynaa marka aan Gobolka tagno.so’aal
kale ayaa ahayd gobolka waxaad u tagi la’ dihiin waxa la sheegaa inaad u
baqeysaan ammaankiinna ma sidaas baa?Wuxuu ku jawaabey taasi xaqiiqo ma aha
waxaan kuu sheegeyaa degmooyinka qaarkood waxaa durbadiiba la wareegey
taageereyaasheena sida degmooyinka Qoryooleey iyo awdheeglle kuwa kale waa ku
daba jiraan,waxaana sugeynaa qorshaha wasaarradda arrimaha gudaha iyo anagu ku
wada shaqeyneyno ka dib si toos ah ayaan u guureynaa insha alaah.
So’aal kale oo la weydieyey ayaa ahayd waxa uga horreeya ee maamulkiisu diiradda
saarayo ama uu qabanayo?wuxuu ku jawaabey wax walba waxaa ugu muhiimsan amniga
waxaan culeyskeena oo dhan saari doonnaa dhinaca ammaanka,ka ddibana waxaa
hormarineynnaa adeegga Bulshada sida waxbarashada,caafimaadka iyo wax soo saarka
kheeyraadka dabiiciga.
So’aal kale oo la weyddiiyey ayaa ahayd inay jiraan dad badan oo hantidooda sida
Guryaha Beeraha ,laga haysto xitaa intii ay jireen maamullada Carte iyo kan
maxkamadaha,markaa arrintaas wax ma ka qabanayaa maamulkaagu? Wuxuu ku jawaabey
oonka maxaa keeney baa la yiri waxaa keeney kuleyl waxaan ka wadaa ma jiri
doonto qof hanti uu leeyahay si xoog ah lagu haysan karo,maxkamado ayaa noo
furan taas ayaan kala saari doonta wax walba waxaan ku saxi doonnaa
maamulkeenna.

Ka dib waxaa wareysi la yeelaney wasiirka arrimaha fidiraalka Mudane Khaalid
Cumar waxana weyddiinney waxa shirkani ku saabsan yahay ? wuxuu ku jawaabey inay
u hambalyeyaan maamulka cusub ee gobolka shabeellada hoose iyagoo ah wasiiro iyo
xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka,tan labaadna waxaa weeye inaan siino talo iyo
guubaabo si ay maamulkooda u najaxiyaan.
So’aal kale oo aan weyddiiney ayaa ahayd maamulkan sida ka muuqata wuxuu ku
fadhiyaa illaa lex degmo gobolkuna wuxuu ka kooban yahay 8 degmo maxaa labada
degmo ka reebey?wuxuu ku jawaabey lexdan degmo waxay ku soo dhismeen hal
wareegto,labadaas degmona horey ayaaba loo dhisey markaaa iyagana fadhiyada soo
socda ayay ka soo qeybgeli doonaan.
Si kastaba ha ahaatee shirka maamulka Gobolka iyo xildhibaanada iyo wasiirada ka
soo jeeda Gobolka ayaa si guul ah ku soo dhammaadey
Shabakadda warbaahinta DMNC Muqdisho
Aadan Cusmaan
bokoola@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2007


|